Siday u dhacday sideedguuradii Laashin
Habeenkii khamiista oo ku beegnayd 01/09/2022 ayaa waxaa madal ballaadhan oo lagu martiqaaday aqoonyahannada soomaaliyeed ee magaca ku leh, aqoonta Afka dhaqanka iyo suugaanta, sidoo kale arrimaha bulshada guud ahaan lagu martiqaaday madal ujeedkeedu ahaa dabbaaldega sideedguurada Laashin.
Madasha ayaa waxaa marti ku ahaa aqoonyahano, hal abuuro,hoobalo, qorayaal, warfidiyeenno, kala joogaa dunida dacaladeeda, iyagoo dhammaantood uga soo qayb galay sidii ay farxada iyo dedaalka bahda Laashin ugala qaybqaadan lahaayeen.
Hoyga raadraaca dhaqanka iyo suugaanta ee Laashin, ayaa habeenkan sideed gu’ jirsaday, waxaa halkaas guddoonka iyo hawlwadeennada laashin ku soo bandhigeen, waxqabadkii ballaadhnaa iyo dedaalkii ay ku bixiyeen, hawlihii ay qabteen iyo halka wax u marayaan.
Bahda Laashin oo ah rag iyo haween isku bahaystay, in ay is isxilqaan ah oo iskaa wax u qabsa ah, hantida soomaaliyeed ee leh, Af, dhaqan, suugaan iyo sooyaalba isu xilsaaraan, sidii loo uruurin lahaa, loo kaydin lahaa, loo horumarin lahaa, loo aqooneyn lahaa, loo abaabuli lahaa ay ammin iyo awoodba ku bixiyaan, ayaa habeenkan waxa kala qayb galay madasha aqoonyahannada kala ah.
- Prof Cabddalla Mansuur
- Prof Yaxye Sheekh Caamir
- Prof Cabdulqaadir Ruumi
- Eng Maxamuud Jimcaale
- Aqoonyahan Cabdirisaaq M. Xuseen
- Barbaariso, Nawaal Axmed Shariif(Barbaariso, Guddoomiyaha Baraarug Liberary)
- Eng Cabdiraxmaan Ibraahim(Guddoomiyaha Naadiga Akhrisa Xamar
- Cabdiqaadir Cabdi Jubba(Guddoomiyaha Naadiga Akhriska Hilin iyo Hayaan).
Intani waxa ay ahaayeen martida madasha loo xushay in hadalka ka jeediyaan sidoo kale waxaa jiray aqoonyahano kale oo xidhiidh wanaagsan kala dhaxeeyo Laashin oo iyaguna halkaas uga hambalyeeyey Laashin iyo hawsha ay wado.
Waxaa madasha furay guddoomiyaha Laashin Xuseen Cabdulle Wadaad, isagoo martidana ku soo dhaweeyey aadna ugu tuuntuunsaday sidii ay bulshada soomaaliyeed xil isaga saari lahayd, hantideeda qarsoon ee Afka, dhaqanka iyo suugaanta.
Kaddib waxaa codbaahiyaha lagu wareejiyey, guddoomiye ku xigeenka Laashin Ibraahim Cusmaan Afrax(Nolosha) oo si weyn u qaadaa dhigay heerarkii Laashin ay soo mareen iyo waxqabadkooda, isaga oo si togan uga sheekeeyey hadba sidii dhanka horumarka loogu tallaabsanayey heer maanta la hayo wax lagu dhaadan karo, lana odhan karo waxweyn baa la qabtay.
Xidhiidhayaha kulankan oo ahaa Qareen Shaafici Macallin Axmed ayaa markaas codbaahiyaha u wareejiyey dhanka martida waxaa uuna ugu horreynba ku bilaabay, Prof Cabdalla Mansuur.
Martida iyo waxii ay ka dhaheen
Waxaa uu ka dhawaajisay Prof Cabdalla Mansuur in Afkeenna iyo dhigaalkiisa la dhawro, lana helo dad u taagan in aan Afku is dhalan gediyin isaga oo ah xubin ka mid ah AGA ayuu ku booriyey bulshada in Afka iyo dhigaalkaba xil layska saaro.
Sidoo kale Eng Maxamuud Jimcaale ayaa qodob aad lama huraan ah is dul taagay oo ah, kaalinta hannaanka waxbarashada iyo horumarinta Afka, Maxamuud Jimcaale oo ahaa guddoomiyihii hore ee Jaamacadda Jamhuuriya, haddana ka mid ah xubnaha maamulka ee sarsare, sidoo kale ah Bara sare ka ah Jaamacadda Jamhuuriya.
Aqoonyahan Maxamuud Jimcaale ayaa xog badan ka bixiyey hannaankii waxbarasho iyo heerarkii uu soo maray, teer iyo intii Afka la qoray iyo maantadan la joogo, sidoo kale waxaa uu Carrabka ku xejiyey in ay lagama maarmaan tahay in Afka soomaaliga ardayda heerarkooda kala duwan ay wax ku bartaan, qof kasta oo aan Afkiisa wax ku baran waxa ay noqonaysaa aqoontiisu mid aan gaadhsiisnayn heerkii la rabay.
Waxaa isaguna ka hadlay hannaanka maamulka iyo Afka sida aan looga maarmin, Aqoonyahan Prof Yaxye Sheekh Caamir, isaga oo ka soo bilaabay baahidii jirtay kaddib madax bannaanidii dalka in ay afaf kala duwan soomaalidu wax ku baratay, Carabi, Ingiriisi iyo Talyaani, taasina ay keentay in xafiisyada waraaqo kala afaf duwan ka soo bixi jireen, kaddib hirgelintii farta soomaaliga ay fududaatay, arrinkaasina, burburkiina uu dhaawac u geystay Af soomaaliga iyo adeegsigiisa, waxaa uu aad ugu nuuxnuuxsaday Aqoonyahan Yaxye arrinkaas oo ka dhawaajiyey, in mararka qaarkood ay sidii waagii gumeysiga dhacayso in qof aan aqoon Af qalaad wax loogu qoro Af ingiriisi, taasina ay meesha ka saarayso aqoonsigii iyo jiritaankii soomaalinimada.
Aqoonyahan Prof Cabdulqaadir Ruumi ayaa isaguna si weyn u lafa gurey kaalinta qoraaga iyo bulshada, waxaa uu yidhi: Qoraagu waa hoggaamiyaha(Ruuxiga) qarsoon ee bulshada, halka hoggaamiyaha muuqdaa yahay kuwa dadweynuhu doortaan, qoraagu waxaa uu bulshada u hagaa dhanka iyo jihada wanaagsan, waxaa uunna ka hortagaa dhibaatooyinka halista leh, sidaa awgeed qoraagu waxaa uu sii hilaadiyaa oo odorosaa hayaanka iyo ayaanka bulshada.
Aqoonyahan Cabdirisaaq ayaa isaguna si weyn u lafa guray baahida loo qabo dhanka dibadda iyo Afka iyo farta soomaaliga, isaga oo aad ugu booriyey in ubadka dibadda ku dhashay ee soomaaliyeed lagu ilaaliyo Afka si aan aqoonsigooda dadnimo iyo bulsho u lumin oo aysan u dhalandoorsoomin.
Sidoo kale guddoomiyaha Baraarug marwo Nawaal Axmed Shariif ayaa iyaduna bogaadisay bahda Laashin, sidoo kalena ka warrantey xidhiidhka ka dhaxeeya Baraarug Liberary iyo Laashin, in labadooduba ay ku foogan yihiin sidii bulshada loo bari lahaa aqriska iyo qoraalka looguna tirtirsiin lahaa sidoo kalena loo heli lahaa, degelo ay ku kaydsan yihiin qoraallo, buugaag iyo qormooyinka cidda rabta in ay hesho xogtaas.
Waxaa ugu dambeyn isaguna si weyn u bogaadiyey hawsha Laashin wado Eng Cabdiraxmaan guddoomiya Naadiga aqriska xamar, isagoo wax badan ka sheekeeyey xidhiidhka naadiga iyo Laashin ka dhaxeeya, wada shaqeynta dal iyo dibadda ah, sida ay mar walba heeganka ugu yihiin, dedaallada socda ee Laashin wado in ay ka qayb qaateen.
Gunaanad
Gebagebadii iyo gunaanadkii ayaa kulanka soo xidhay Barbaariye Bashiir Cali Xuseen oo ka mid ah hawlwadeennada Laashin isagoo guud ahaan ka soo qaybgalayaashii u mahadceliyey, sidoo kalena hambalyo u direy bahda Laashin iyo sideed jirsigooda.
Guud ahaan bulshadii habeeenkan kulanka ka soo qaybgashay ayaa boggaadisay una hambalyeysay Hoyga Laashin iyo hawladeennadiisa, waxaa kale kulanka lagu sheegay, in kulankan kaddib la qaban doono,kulamo kale oo ku saabsan Afka dhaqanka, suugaanta,qoraalka iyo dhammaan baraarujinta bulshada.
Maamulka Laashin