Sidee loo qoraa sheeko xiiso leh? W/Q: Maxamed Haybe Axmed.

Sidee loo qoraa sheeko xiiso leh?
Marka hore Illaahay baa mahad leh, kaasi oo i abuurey, iguna galladey nimcadda qallinka. Waxaa la sheegaa maanta, iney tahay qarnigii sheeko qorista. waxaa ay noqotey wecyigellinta ugu saamaynta badan. Haddii aad dooneysid, wax aad ummadda uga digto ama wax aad ku dhiirigellineyso oo aad ugu gudbiso qaab sheeko, waxaa la hubaa iney si fiican u qaadanayaan, Waxaa aan muran ku jirin in bulshadeenu ka arraddan tahay.
Dhanka kale, waxaa iyaguna la daalaadhacaya, inta qallinleyda ah ee isku deyda sheeko-qorista. Sidaa awgeed, aqoonyahankeenu wuxuu baahi weyn u qabaa, siduu u qori lahaa sheeko xiiso leh. Hadda ba, siyaabaha loo sameeyo sheeko soo jiidasho leh, wey noocyo badan tahay. Maaha wax hal maqaal ama xitaa dhigane, lagu soo koobi karayo.! Waxaa aan isku dayayaa in dul-ka-xaadis ku suubiyo qaababkaa. Diyaar ma u tahay in aad weeleyso?
Marka aad sheeko qoreyso, waa in aad u yeesho dhadhan. Waa in aad ka dhigtaa, mid dhaayuhu ku dheygagayaan. Mid aan akhristuhu ku marganeyn oo ay erayadeedu dibnaha dhibbeyn. Waa in aad qurxisaa oo qaabeysaa. Waa inaanad ka i laawin, waxyaabaha qurxinaya ee farshaxanka ashqaraarka leh abuuriya; kuwaas waxaa ka mid ah:
B.Adeegsiga murtida iyo maahmaahyada.
T. Adeegsiga mahada iyo madadaaladda.
J. Adeegsiga ciyaar-dhaqameeda.
Saddexdaa qodob ee kore, waa waslad yar oo macaan. Waxaa aan ugu talogallay, inaad ku sii sugto, mowjadda xiiso-gellinta ah ee aynu muquuran doono. Waxaa aynu madax-madax u galleynaa, wixii aynu goorahan ba u soo gaagatineynay. Kaasi oo ah, aalladaha furaha ah, maanka iyo qalbiga sheeko-akhristaha. Waxaa aan kuugu deeqayaa tabbo iyo xeeladdo, kaa caawin doona.Waxaa la hubaa hadaad baratid tallaabooyinkan, in qofka buugaaga kor u qaadaaba, aanu dhulka dhigeyn ilaa uu dhammeeyo.! Wax la raajaa rag kuma samee, waa kuwan farsamooyinka aad ku samayn karto, sheeko mallabka ka macaan:
1.U Samee nolol adag, cidda sheekada jilaysa!
Qoraa, waxaa aad gawska ku qabsataa, in sheekada guusheeda iyo guuldarradeedu ku xidhan tahay, habka loo bilaabo iyo erayada la gu furto.! Marka aad hesho furitaan macquula, waxaa kuu fududaaneysa sheeko-qorista. Sidoo kale, bilowga sheekadu waa halka akhristaha ka dhigeysa, inuu ka biyo diido iyo inuu durduurto. Sidaa darteed, waxaa aad u baahan tahay si aad u qabsatid maanka akhristaha, in aad nolosha jilaaga sheekada ka dhigtid mid adag.! Tusaale ahaan, inuu yahay mid aan laheyn waalid… Cid gacan qabata..malaha xaas… Malaha ehel… Malaha guri uu dhaxanta ka galo…. Sidaa uun u sii wad.!
Haddii, nolosha matalaha sheekada ka dhigtid, nolol macaan oo raaxo leh, sidaana uu ku dhammeyso, taa la ma odhan karo SHEEKO. Sheekada waxaa sheeko ka dhigi kara iskudhaca (conflict). Jilaaga, waxaa aad u qortaa sida ugu suurtogalka ah ee  aad ku adkeyn karto noloshiisa.!
Mar kasta oo aad sawirto noloshaa qallafsan, akhristuhu wuu ku sii dhaganaanayaa sheekadaada.!
2. Samee dhibaatooyin ku dhaca jilaaga.!
Akhriste, ila soco markii ugu horreeysay waxaa aynu si guud u sawirney nolosha jilaaga. Waxaa aynu ku xigsiineynaa, dhibaatooyin ku dhacaya jilaaga.! Hadda ba, sidee loo sawiraa? Tusaalahan ku biyo-cab:
“Haddii jilaayadu saaran yihiin doon, waxaa ku dhufaneysa dufaan. Haddey tareen la socdaan, waxaa xayiraya buundo. Haddey tahay habeen, waxaa dhexda u galaya tuuggo”.!
Qoraa ahaan, waxaa ay masuuliyaadu tahay, in aad ka fikirtid dhibaatada ku dhici karta jiaagaaga iyo sida ay kugu dhici karto.
Sidee kale, dhibaatada ku dhaceysa, waa in midi ba mida kale kasii darnaataa.!  Ka ragoo, hadana saar weeyi.Tanina waxaa ay keenaysaa in sheekadii sii socoto. Akhristaha waxaa ku dhalaneysa inuu ku raad joogo, kolba waxaa soo kordhay. Waxaa xoogeysanaya rabitaankiisa, godka ay sheekadu gasha ba, wuu ka war doonayaa. Sida ay sheekadu u soco,ayaa waxaa daaqada ka soo gallaya sheeko cusub; akhriataha ayaa laga rabaa, inuu maskaxdiisa ka shaqeysiiyo oo uu isku xidho, tii hore ee u socotey iyo tan ugubka ah  soo korodhay.!
Intaa marka aad uu qoraagu yeelo, maxaa la gudboon?
Waxaa la gudboon, in uu hadimooyinkii uu ku jirey jilaagu, sida uu uga soo saari lahaa, I saga oo nool.! Sidee  ayay arrintaasi u dhacdaa? Waa weydiin macquula. Si aad jawaabta u hesho, ha is dhibine qunyar ku daandag qodobkan hoose.!
3. Isweydaari, wanaag iyo xumaan!
Hadda, sida aynu hore ba soo sheegnay, howsheenu waa ineynu jilaaga ka samata-bixinno culayskii, waliba isaga oo nool. Waxaa kuu raaca ineyna sheekadeenii wax ba iska baddelayn ee ay sii soconeyso. Si aynu Taa u yeelnana, waxaa aynu ka soo amaahanaynaa labba hab oo ay isticmaalaan shirkadaha filimaantu (Hollywood). Waxaa ay kala yihiin, kuwan soo socda:
B. Wanaag ama wax la jeclaysanayo(good) iyo
T. Wax aan la jeclaysaneyn (bad).!
Labbadan farsamo, waxaa ay u jeedadoodu tahay, in la soo jilaabto dareenka akhristaha. Waxaa loo kaayeeyaa . Mar waxaa la soo dayaa wanaaga(good), marna waxaa la soo dayaa wax aan la jeclaysaneyn(bad). Ma maqli jirtay:”waxaa aan ahay macaan iyo qadhaadh, meel ku wada yaal” ama se ma maqashay heestii odhan jirtay:
“Marna waa qadhaadh, marna waa macaan”
Marb ba waa siduu kuugu soo maree”.
Sidaa si la mid ah, ayaa aad sheekadaada, marna qadhaadh ka dhigeysaa, mar na macaan.! Cajiib! Si aad si qotodheer ugu fahanto,  hoo tusaalahan:
“Wuxuu ka soo dhacay diyaaradii (bad), laakiin wuxuu haystey barashuud (good). Wuu u furmiwaayay(bad). Wuxuu ku soo dul dhacay, geed aad u weyn, isaga oo aan wax gaadhin (good). Wuxuu bilaabay, inuu ka soo daandago(good), laakiin waxaa ay waji ka waji  isaga hor yimaadeen mas(bad).!
Habkaa sare ee aynu wax u qornay, waa mid aad u soo jiidanaya akhristaha. Waxaa la mid ah, filimaanta. Bal hadda dhaqaaq oo filin daawo. Waxaa aad arki, iney isku mid yihiin.!
Waxaa aan kugu la talinayaa, marka aad qaabkan isweydaarka ah(good and bad),qoraysid in aad isticmaashid weedho gaagaaban. Maxaa yeelay, waxaa akhristaha fududaanaya xawaaraha akhriska. Waxaa soo dhawaanaya fahanka.
4. Dhammaadka, waa in guushu u muuqataa mid aan suuragal aheyn.!
Waxaa soo dhawaatay, dhammaadkii sheekada. Waa xilligii loo kala baxayey bur iyo biyo. Waxaa aad la socotaa in ciddii sheekada jileysay, soo martay dhibaato badan. Haddana ma gaadhin xilligii guusha.! Waayo? Kummaan odhan: waxaa ay gaadhey dhammaadkii sheekada, laakiin, waxaa ku idhi, waxaa ay ku dhawaatey dhammaadkii.! I la garo, iney howli inoo hadhey. Wax ma fahmeysaa?
Sidaa awgeed, halkan marka uu marinayo qoraagu sheekada, waa inuu u qoraa  hab aanu jilaagu si dhib yar u guuleysan karin.! Taasina, waa ta farshaxanka quruxda badan keeneysa.
Waxaa aad arkeysaa, inuu jilaagii dadaalayo, haddana daalaa dhacayo… Wuu kufaa, haddana wuu kacaa.. haddana uma muuqdo, inuu guulaysanayo. Adagaa.! Xalladda ceynkaa ah, waa ta ugu cajiibsan. Akhristaha, waxaa ay ku abuureysaa in dareenkiisu sheekada dhex gallo oo uu noqdo jilaagii ba(Isagii ayaa is moodaya matalaha sheekada)!
Sida ay nolosha dhabta ahi tahay, weynu isdhiibnaa, weynu guuldarreysanaa, weynu oynaa, laakiin haddii aad sheekada sidaa ku soo gabagabeysid, akhristaha sheekadu waligii ku cafinmaayo.! Haa adiga ayaan kula hadlayaa Qoraa, akhristaha sheekadaadu waligii ku cafinmaayo.!
Waxaa lagaa doonayaa in jilaaga wax walba ha soo gaadhaane, uu doorto inuu dhabar-adeygo.
Inuu goosto, inuu u dagaalamo guusha. Ugu dambeyntana ku gaadho guusha halgankaa. Sidaana sheekadu ku dhammaato, iyada oo xiiso leh.. Nabadgelyo.!
W/Q Maxamed Haybe Axmed.
Iigala soo xidhiidh: mo.haibe03@gmail.com
Hargeysa, Soomaalilaan.

SHEEKOOYIN