Sidee loo xasuustaa, wixii aad akhridey? W/Q Maxamed Haybe Axmed.

Sidee loo xasuustaa, wixii aad akhridey?

Inaad wuxuun akhrido. Inaad saacado badan ku qaadato  kursi iyo miis dushiis. Inaad boqolaal buug akhris ku dhammeyso, indhuhuna kugu madoobaadaan. Iyada oo sidaa tahay, lagu weydiiyo:

Buugii aad akhridey, muxuu ka hadlayey? Maxaad ka fahantey, wixii aad akhridey? Bal ka waran,haddii, intaad indhaha gabbadh-gabbadh kasiiso, aad garanweydo, wax aad ku jawaabto, sow ayaandarro maaha? Waxaa laga yaabaa, marka uu akhistuhu la-kulmo dhacdada noocana, inuu ka dido wax-akhriskii. Inaga oo ogsoon, inuu wax-akhrisku yahay isha aqoontu ka soo burqato. Akhrisku waa ka inoo horseedaya, iney maskaxdeennu balaadhato. Akhrisku ma yahay, wax aynu ka dheeraan karno?  Waa MAYA.

Arrintani, waa dhibaato ay la-kulmaan akhristayaal badan:  Waxaa soo baxey dad akhriska jecel. Dad had iyo goor gacanta ku sita buug, laakiin aanu akhriskoodu midho-dhal laheyn.!  Wixii ay akhriyaan wey siidaan, waxna kama xasuustaan. Waxa ay la mid yihiin, nin la yidhi: ” foosto daloosha dhaami”.!Aduu akhriste ma aragtey xaaladdan oo kale? Haddii, jawaabtaadu HAA tahay, bishaareyso, waxa aan kuu hayaa habab lagaga bixi karo. Wax kasta oo aad akhrido, wuxu doonaba ha ahaadee, buug ahaado; qormo ahaato, kitaab ahaado, waxa ay degi doonaan xasuustaada.! Wax walba, waxaa ay u baahan yihiin xeelad iyo deddaal. Arrintan, waxa aynu ku qaadaa-dhigi doonaa dhowr qoddob. Ma ila socotaa? Waa kuwan tallaabooyin aad qaadi karto, si aad xal waara uga gaadho:

Qoddobka 1aad: Uga sheekee qof kale, wixii aad akhridey!

Waa maxay sababta aynu sheekada u dooranay? Waxa aynu odhan karnaa, sheekadu waa hab fudud oo  wixii aad akhridey aad  ugu tabbabanareyso naftaada. Waxa ay ku siineysaa kalsooni. Waxa ay xoojineysaa aqoontaada iyo wixii aad akhridey. Waxa ay kabeysaa xasuustaada.

Sababaha kale ee aan u doortey sheekada waxaa ka mid ah:

  • Ineynu beddelno hab-dhaqanka aynu u sheekeysano. Waxa aynu ogyahay in Soomaalideenu tahay dadkii sheekada oo ay jeceshahey sheekada iyo maxaa la yidhida. Waxa ugu badan ee ay ku sheekeysaana ay u badan tahey, qabyaaladda, siyaasadda iyo xanta.! Dhallinyarrada waxaa u dheer murranka ciyaaraha; koox heblaayo ayaa bedisay; hebel ayaa ka xariifsan hebel. Waxaa caddaata dhuunta. waxaa ku qallala dabnaha. Waxaasi oo dhanina aanu faa’iido ugu jirin. Sidaa daraadeed, waxaa ugu fiican ee ay ku beddi karaan ay tahay, inuu qof waliba ka sheekeeyo buug uu akhriyey. Waxaa halkaasi ka dhaceysa aqoon-isweydaarsi.
  • Waxaa la jeclaanayaa wax akhriska, maxaa yeelay marka aad uga warranto buug wanaagsan oo aad akhridey, qofkii kalena wuxuu ku dhiirranayaa isna inuu akhriyo. Sidaana, waxaa ku badanaya dadka wax-akhriska la-nool.
  • Sheekadu waxa ay ku sawirrantaa maskaxda. Wixii aad sheeko ku maqashona dhayal looma sii daayo. Waxaa tan la mid ah, wixii adiga laftaadu ka sheekeyso. Aan ku idhaahdo, buugga aad akhridey ee qof kale uga sheekeysay, ogow xusuustaada ayuu dagayaa.!
  • Waxaa lagu helaa ajar.! Marka aad soo akhrido kitaab ka hadlayo Hadalkii Illaahay ama Hadalkii Rasuulkeenna ee aad qof kale uga sheekeyneyso, waxa aad helleysaa ajar. Maxaa yeelay, waxa aad fidineysaa Hadalkii Illaahay iyo Hadalkii Rasuulka. Iyaga ayaana ugu wanaagsan, wax laga hadlo ama laga sheekeeyo.

Tani, waxa ay la mid tahay, adigoo dib u eegis ku samaynaya, wixii aad hore u akhridey. Hadda ba, si aad uga sheekeyso wixii aad akhridey, si hagaagsan oo hufnaan leh, raac dariiqan:

  • Hel cid ku dhageysata

Waa muhiim inaad hesho cid sheekada kaa gurta oo aad la wadaagto, waxa aad soo akhridey. Ciddaasi, waxa ay noqon karaan, saaxiibbodaa, wallaalahaa, waalidkaa ama qofka aad wada degan tihiin qol. Miyaad ka khajili, wax aad akhridey Inaad la-wadaagto?

Waxa aad ogaataa in dadkani yihiin kuwo kuu daacada. Waa ku aad kuugu dhow, waana hubaal iney si fiican kuu dhageysan doonaan. Talladu waxay tahay akhriste, ha la seegin dadkan, inaad la wadaagto buuggii aad soo akhridey.

  • La-wadaag, waqtiga ku habboon

Ha ka soo qaadin sida aad waqtiga u heysato adigu, iney dadkuna kula mid yihiin. Adigu, haddaad fursad heysato, waxaa laga yaabaa inaanu qof kale heysan.Haddaad sheeko la gasho qof shaqadiisii gacanta kula jira, wuu ku dhibsanaya. Lagama yaabo inuu dhagaha ku amaahiyo. Niyadiisa ku soo jeedin maayo. Waxaad deldaleysana qalbigiisa dagi maayo. Sidaa awgeed, qofka ha la-wadaagin waxa aad akhridey, marka uu shaqadiisa ku dhex jiro.

La-wadaag marka aanu hawshaysnayn , sida marka aad wada lugeynaysiin. Marka aad meel ku wada caweyneysiin. Marka aad la-wadaagto, waqtiga ugu habboon, qofku hadalkaaga wuu dhuuxayaa.

  • Sheekada xiiso u yeel

Waxa loo baahan yahay in aad soo jiidato  saaxiibka aad uga sheekeyneyso, wixii aad akhridey. Waxaa lagaa rabaa inaad soo jilaabato dareenkiisa oo dhan.  Waa inaad sheekadaada macaaneysaa oo dhadhan u yeeshaa. Waa inaanad xawaashka iyo milixda ka ilaawin.

Haddaba, si aad xiiso ugu yeesho wixii aad akhridey ee qofka uga sheekeynayso, waa inaad sidan sameysaa:

Uga warran wixii ku cajab-geliyey ee aad akhridey; tusalayaasha aad akhridey ee kusoo jiitey; sababta aad u jeclaatey. Wixii aad akhridey ee aad fahmiweyday ama kaa dhaadhici waayey.Waxaad intaa ku dartaa, inaad qofka aad u sheekeynayso weydiiso kuwan: inuu hore u akhriyey iyo in kale; isaga, wixii soo jiitey ee uu ka helay;  wixii fikrad ah ee uu kugu darayo.

  • Soo koob

Ogow, in aanu qofna jeclayn intuu meel fadhisto, dhageysto hadal aan dhammaad laheyn. Sidaa darteed, qofka ha saarin gaadhi bilaa joojiya ah. Waa inaad soo koobtaa, wixii aad akhridey, adigoo sheegaya inta ugu muhiimsan ee ubucda ah.  Markaa qofku, wuxuu kuu dhageysan si degan oo xiiso leh. Waxaad sidoo kale isku deydaa, inuu qofka ku dhageysanayaa inuu doorkiisa qaato. Waa in wada xaajood idin dhex maraa, qofku ku darsadaa fikirkiisa; sida inuu doonayo, buugga aad akhridey, inuu isna akhriyo.

Markuu xaalku sidaa yahay, waxay sheekadiinu noqoneysaa darandoori. Waxa ay noqoneysaa inaad kala faa’iideystaan oo mid ba midka kale aqoon ku kordhiyo. Waxa ay ahaaneysaa, mid labbada dhinac ba farxad-gellin ku abuureysa.

Waxa aad maanka ku heysaa, haddaad buug kasta akhridid oo aad habkan sheekada ku dabaqdid. Adiga oo aan dhana uga leexaneyn, tallaabooyinka aynu soo sheegney. Waxaa muran laheyn inaanad ilaaweyn wax kasta oo aad akhridid. Sida birlabtu ugu dhegto biraha, eyey wixii aad akhridaana ugu dhegi doonaan maskaxdaada.! Bal adba tijaabi.!

Waxa aan filayaa, inaad sifiican uga boggatey qoddobkaa. Waxa aan rajeynayaa in aad durduuratey oo aad ka dharagtey ujeeddadiisa. Haddaba aynu u wada soconno sida hadhka ama hooska. Waxa aynu u gudbi doonaa, qoddobkii labbaad oo ka sii xiiso badan.! Kaama dheera. Is-arag dambe oo xiiso leh iyo qoddobkii 2aad…. Isma dhaafno…..

W/Q Maxamed Haybe Axmed.

Iigala soo xidhiidh: mo.haibe03@gmail.com

Hargeysa, Somaalilaan.

SHEEKOOYIN