Sidee Romantic loogu ahaadaa Lammaanahaaga? Qore; Aweis Adde

adde

Sidee Romantic loogu ahaadaa Lammaanahaaga?

 

Habeen aniga oo gabar teelfan kula sheekeysanaya, ayaa waxey soo hadal qaadday in ay hadda ka hor ayeeyaded weydiisay su’aal aheyd;

“Ayeeyo haddii aan saaxibkey aad u jeclahay, sideen u dareensiiyaa?” Ayeeyadii oo u jawaabeysa ayaa tiri;

“Naa ninku yuusan kaa dareemin inaad jeceshay, haddii kale wuu kugu dul soconaayaa.” Gabadhii ayada aheyd markaan hoos u baaray, waxan ogaaday inuu u xirnaa indha-gashigii duugga ahaa ee ayeeyadeed. Haddii gabadhu aaney saaxiibkeed u muujin jaceyl xad-dhaaf ah, qadarin iyo maamuus heer sare ah, sidee bey si la mid ah sidaas ay ku heli kartaa?! Adiga oo niyadda ku haya sheekada gabadha, haddana middan akhri.

Hadda ka hor ayaa nin oday ah xaaskiisa saalaantay isagoo meel la fadhiya asaxaabtiisa, ninkii salaanta inuu ka qaado iska daaye wuxuu ku eegay islaantii fiiro inkiraad ah. Markii guriga uu yimi, yuu xaaskii ku yiri “Naa ragga dhexdooda maxaad noogu salaantay?” markaas ayay tiri: “Oo maxaa ku jaban?” Suu ku yiri “Naa asxaabteyda inaan isjecelnahay bey moodayaan!”. Rag badan oo maanta jooga waxa maskaxda kaga qufulan aragtida odagaa halaagsamay qarnigii 19-aad. Haddii ninku aanu saaxiibtiis u muujin jaceyl xad-dhaaf ah, qadarin iyo maamuus heer sare, sidee buu ku fili karaa iney Romantic ku ahaato saaxiibtiis?

Dhowaanahan waxaa aad u soo kordhayay lammaaneyaasha ku cusub nolosha guurka iyo kuwa haatan quudarreynaya, gaar ahaan gabdhaha iney aad uga sheegtaan ragga Soomaalida ah, ayaga oo ku andacoonaya iney qaati ka taaganyihiin hab-dhaqanka ragga Soomaalida ee xagga dumarka. Haddii si kale loo dhigo, waxey leeyihiin ragga Soomaalidu Romantic ma ahan, oo micnaheedu yahay habdhaqan uu ku laran yahay jaceyl  xad-dhaaf ah, qaddarin iyo maamuus heer sare ah ma siiyaan xaasasakooda.

Dhaqanka Soomaaliga ee soo jireenka ahaa waxaa raggu ku kala sarreyn jiray geesinnimada, ad-adeygga iyo wax iska dhicinta, sidaa darted, ninka ragga ah hadal dabcasanaan, naxariis iyo dareen ku jiro inuu kula hadlo ama kula macaamilo dumarka waxa ay la aheyd wax dhaawacaya qabkiisa iyo isla-weynidiisa. Dhaqanka ceynkaa ah wuxuu haddana ku milmay dadkii magaalada soo galay ee tacliinta sare & xadaaradda yeeshay, oo hore u soo qaatay, ee aan ka tanaasulin.

Illaa waqtigu is bedelo oo Soomaali badan u barabaxday qurabaha, gaar ahaan haweenka, arkeen oo ku milmeen dadyow dhaqammo kala duwan leh, daawadeenna aflaam ka hadleysa si ka duwan sidii ay arki jireen, markaa dabadeed bey hal mar xarkaha goosteen “Wallee raggii Soomaaliyeed Romantic Ma ahan!”. Raggii Soomaalida inta ugu badan, haddii xitaa ay dhexgaleen dadyow kala duwan, waxay weli kaga dhegantahay halkii awoowayaashood.

Qaar ka mid ah gabdhihii Soomaalida waxey doorbideen ajnabi si ay uga helaan Roman-tigii ay ka waayeen wiilasha walaaladood ee ku sinjiga ah. Haddaba waxa lagama maarmaan ah nolosha lammaaneyaasha Soomaaliyeed ka hor guurka iyo ka dibba in lagu tiimbiyo badweyn Romantic ah, si ay uga cukanaato harraadka iyo luf-lufka ka heysta xagga romantiga.

Haddaba Sidee Romantic loogu ahaadaa Lammaanahaaga?

Si kooban oo aan daal & caajis gelineyn akhriste, waxaa looga jawaabi karaa soo jeedinta soo socota:

-Inaadan waxba ka qarin lammaanahaaga, wax waliba oo noloshaadda quseeya, ha yaraado ama ha badnaado, muhiim ha ahaado ama yuu ahaanin, laakiin, aan dhibaato ku keeneyn xirrikiinna.

-Inaad ka run-sheegto marxalad kasta oo aad ku jirto illaa aad ka kasbato adiga waxaad tiraahdo uun inuu aamino. Inaad deeqsi ku ahaato texgillinta oo aadan ku qeylinin ama canaan u jeedin lammaanahaaga markuu gef ka dhaco.

-Inaad u jeediso marweliba mahadcelin joogto ah maxaa yeelay wax kasta oo noloshaada dhadhan iyo qiime u yeela waxa ka kow ah lammaanahaaga.

-Inaad ku daadaasho dooqa iyo dareenka lammanahaaga, ka ilaaliso waxyaabaha muuqda iyo kuwa dahsoon ee uu dhibsanayo.

-Inaad xafiddo munaasabadaha u gaarka ah, sida dhalashada, taarikhda isbarashadiinna iyo  tan aqal-galkiinna, hees ama music uu jecelyahay.

-Inaad ogaato nuuca midabka, dharka, cuntadda uu jecelyahay lammaanahaaga.

-Inaad mar walba ammaanto lammaanahaaga xagga qaab-dhismeedka jirka, dhar xirashadda, qaabka ay cuntadda u diyaariso, sida ay uga shaqeyso nadaafadda guriga iyo tan carruurta. Marka aad wax ka dalbeyso inaadan amrin, laakiin, aad si codsi ah u soo jeediso ama su’aal ah aad wax walba uga dalbato. Tusaale, gacaliso sidee kula tahay haddii aan…. Maxaad ka leedahay arrintan…. Waxan ku farxi lahaa haddii…amey sidan ku wanagsantahay IWM.

-Inaad kaga farxsio, si lama filaan ah, haddiyado indhasarcaad ku abuuraya lammaanahaaga munaasibad ha ku timaaddo ama yaney ku imaanin. Magaciisa ama keeda inaadan ugu yeerin marna, ee waxaad ugu yeertaa ereyo soo jiidasho leh oo laabta qaboojiya, kana tarjumaya naxariista, kalgaceylka aad u qabto sida gacaliye, gacaliso, xabiibi, xabibti, macaane, macaanto IWM.

Haddii ay suuragal tahay, waxa habboon inaad mararka qaar casho khaas ah uga soo duubto magaalada ama ka soo wada casheysaan bannaanka si wadajir ah. Markaad shaqada ka timmaaddo ama habeenkii intaadan seexan ka hor waqti sii lammaanahaaga. Ugu yaraan 30 daqiiqo oo aad arrimahiina khaaska ah ee maalintaas dhammaatay kaga sheekeysataan.

Waxaa jira waxyaabo ilma-aragti ah oo aaney lammaaneyaashu ku baraarugsaneyn, laakiin, dowr weyn ka cayaara sacaadada iyo baraaraha xiriirka lammaanaha. Tusaale, waxyaabaha aad loo sahashado waxa kamid ah in lammanahaaga telefan kuu soo diro adiga oo telfanka ka maqan, isla marka aad aragto wiciddiisii, ha sugin illa uu kaaga soo celiyo ee, dib u wac islamarkii aad aragto ama farriin qoraal u dir oo aad uga cudurdaaraneyso inaad ka maqneyd teleefanka. Haddii aad u gafto lammaanahaaga si toos ama si dadban, si laab furan oon ka lee-leexad laheyn uga dalab cudurdaar.

Xiriirka lammaanuhu wuxuu ku taaganyahay “Hoo iyo Qaado” inta aad bixiso in la mid ah ama wax u dhow inaad hesho. Inaad ka welwesho habdhaqanka lammaanahaaga oo ah in aanu ku siinin faraxaddii iyo daryeelkii aad u baahneyd, balse, kaaga aadan ka warqabin, waa naf-jecleysi iyo anaaniyad. Qofku waa in uu dareensanyahay farqiga u dhaxeeya ruuxa dadka ugu dhow iyo dadka kale. Waxa kale oo muhiim ah inaad u naxariisato, u dulqaadato, u dabacsanaato, hadal macaan kula hadasho, talo la wadaagto lammaanahaaga inaaney aheyn wax liddi ku ah dadnimadaadda, balse, taas caksigeedda waxey udub-dhexaad u tahay in la helo lammaaneyaal isku duuban oo hal aragti ka heysta nolosha.

Guud ahaan lammaaneyaasha inaaney dhadhan iyo xiise u laheyn noloshoodu waa wax ay ka simayihiin in badan oo ka mid ah gabdhaha iyo wiilasha Soomaaliyed, wuxuuna ka soo askumay dhaqanka Soomaaliga ah ee mudadda dheer soo jiray.  Sidaas oo ay tahay, haddii qof kasta si shaqsi ah isku xilqaamo, ku dadaalo inuu maskaxdiisa ku xoojiyo aqoon iyo xikmad,  ku barbaariyo naftiisa akhlaaqiyaadka wanaagsan ee jaceylka iyo ixtiraamka dadka kale soo jiita, waxey u badantahay in qof kasta ka haqabtiri karo lammaanihiisa harradka uu u qabo ka oonbaxa xagga Romantigga.

 

Aweis Adde

Aweisadde@gmail.com

 

 

SHEEKOOYIN