Sideen u dilay Saceyga? W/Q: Hassan Mudane

12191002_1630470017234934_6401238957219549967_n

Sideen u dilay Saceyga?

Markii aan akhriyay sheekadii ahayd sacaaga dil waxaan ahaa arday dhigta jaamacadda Soomaaliya gaar ahaan kuliyada arrimaha bulshada, waxaan jaamacadda aadi jiray maalmaha khamiista iyo Jimcaha halka maalmaha kalena aan ka shaqeyn jiray telefishin baahiya wararka idaacada Goolfm iyo Iftin oo lagu magacaabo Accesstv.

Maalin walba marka laga reebo maalinta jimcaha waxaan soo aadi jiray goobta shaqada balse dhowr bilood kaddib ayaan dareemay shaqadu in ay ii tahay sacii la sheegaayay, waxaan go’aansaday in aan dilo sacaas waana dilay!

Bal aan si kale kuugu sheego waxaan ula jeedaa shaqadii ayaan joojiyay. Xilligii aan shaqada ka tagaayay waxay ahayd xili adag waayo magaalada waxaa ka jiray shaqo la’aan baahsan, wayna adkayd in aad si fudud shaqo ku hesho haddana labo arrimood ayaa igu kaliftay in aan saceyga dilo.

  • Mida koowaad: shaqadu kuma aanan haysan mushahar fiican oo dabooli kara noloshayda iyo mida qoyskaba.
  • Mida labaad: shaqadu waa in ay aqoontaadu wax kuugu kordhiso balse maahan in ay ku hilmaamiso intii yarayd ee aad jaamacadda ka soo akhrisatay.

Saca aan soo tilmaamay waa wax walba oo caqabad ku ah horumarka nolosha, waa waxa ku hortaagan oo ku qalqal galiya markii aad dalbato in aad isbeddel samayso oo aad go’aan adag qaadato, waana waxa aad ka dhigato cudurdaar markii aad gaari wayso yoolkaaga. Maadaamo aan sacaygii dilay maxaa xigay? Muddo labo isbuuc ah ayaan magaalada dhex wareegaayay si aan u helo sac ka duwan kii hore. Nasiib wanaag, waxaa jirtay fursad shaqo oo kabannaanayd shirkadda war-isgaarsiinta ee Somtel International Ltd.

Durbadiiba waan ka wardoonay aniga oo aan qofna ka garanayn balse markii aan isku dayay in aan gudaha u galo ayaa waxaa i hor istaagay waardiyihii Albaabka taagnaa wuxuuna i weydiiyay maxaad doonaysaa? Waxaan u sheegay in aan shaqo doon ahay, wuxuu igu yiri qof maka taqaanaa shirkadda? Waxaan ku iri maya markaas ayuu igu dhahay dib u laabo.In kasta oo aysan ii suurtagalin maalintaas in aan gudaha u galo hadana ma quusan oo isla markiiba isma dhiibin waayo maalin kaddib ayaan soo rogaal celiyay waan u imid markaas ayuu i weydiiyay isla su’aashii hore maxaad doonaysaa?

Waxaan ku iri shaqo doon ayaan ahay, wuxuu igu dhahay wax yar isug isla markiiba wuxuu wacay madaxa shaqada iyo shaqaalaha kaddibna wuxuu igu dhahay soo gal gudaha isaga oo ii tilmaamaya xafiiska shaqada iyo shaqaalaha si aan ugu wareejiyo Waraaqahaygii codsiga ahaa ee aan watay, xafiiskii ayaan soo galay kaddibna waxaan ku wareejiyay waraaqihii codsiga dib ayaana u soo laabtay aniga oo aan rajo fiican qabo, afar maalin kaddib ayaa waxaa isoo wacay qof ka mid ah xafiiska shaqada iyo shaqaalaha, waxa uuna ii sheegay in berito aan isku soo diyaariyo wareysi.

Hagaag, waan ku guulaystay wareysigii durbadiiba waxaan ka shaqo bilaabay waaxda ganacsiga qeybteeda soo dhoweynta macaamilka, waxay ii ahayd farxad iyo aqoon. Mar farxad ayay ii ahayd waayo waxaan isbaranay asxaab cusub marna waxay ii ahayd aqoon iyo waaya aragnimo waayo shaqadu waxay i bartay cilmi ka duwan kii aan horay u watay. In kasta oo aan sacaas ku hoos noolaa muddo toban bilood ah haddana aad baan ugu qanacsanaa waayo sacu labo faa’iido ayuu ii lahaa.

Mida koowaad: waxaan ku haystay internet lacag la’aan ah taasina waxay igu caawisay in aan internetka ka diyaariyo labo iyo toban koorso oo aan intaba ka qaatay shahaadooyin kana qalinqortay jaamacaddo caalami ah sida jaamacadda Manchester, Macquarie, Tasmania, Polytechnic West, Griffith, Western Sydney, Newcastle-Australia, Open training institute, Leicester.

Mida labaad: In kasta oo mushaharku iska yaraa haddana shaqadu waxay i bartay xirfado kala duwan sida kombuyuutarka, abuurista, xirista iyo furista siimkaarada shirkadda.

Si kastaba, qof walba oo naga mida waxa uu leeyahay sac ka hortaagan in uu horumar sameeyo ama isbeddel dhanka nolosha ah marka adigaba garo sacaaga kadibna dil si aad u gaarto isbeddelka aad dalbanayso. Ma kula tahay in uu iska yimaado isbeddelka dhanka nolosha adiga oo aadan dhaqaaq samayn? Si aad dhaqaaq u samayso waxay kaaga baahan tahay in aad hesho wax ku dhiirageliya waayo waxa aad dalbanayso waa sidii aad isbeddel horumar leh u samayn lahayd. Bal aan si kale kuugu sheego isbeddelka dhanka nolosha waa la abuuraa ee iskama yimaado.

Dedaalka iyo  guclaha nololeed  waa midka kuu furaya albaabo badan oo kaa awdnaa markii hore,  waxaa hubaal ah inuusan jirin daal iyo wahsi ka badan inaad ka baqato inaad  samayso isbedel, is bedel kastaaba wuxuu leeyahay  saameyntiisa guul iyo guuldaro, waxaase marka hore adiga xilku kaa saaranyahay inaad  la timaado  talaabadii isbedelka, haddaadan  u dhaqaaqin dhinaca isbedelka iyo horumarinta  hammigaaga, waxaad noqoneysaa  (Qol ku jire) ama bartii yaqaan bari uma kororto.

Haddaad u fiirsato nolosha aadanaha kugu xeeran  la sheekaysato dadka waaweyn, waxaad ogaanaysaa in qof weliba  markii hore  meel noloshiisa ku xirneyd kuna koobnayd balse uu iska  fayday  dahaarkii ku  daboolnaa iftiinkana usoo saaray noloshiisa,  waxaad arkaysaa mid ku dhashay magaalada oo markii waxba ka soo saari waayey noqday beeralay oo ku guuleystay inuu deleg intuu beerto noloshiisa ku maareeyo kana abuuro ganacsi uu guul ku gaaro, waxaad arkaysaa mid miyi ku barbaarey oo xoolihiisii inta ka soo kicitimay  magaalada dhexdeeda xoogsi iyo muruqmaal ka billaabay  ka dibna  gaarey heerka ugu sareeya ee hantiile iyo ganacsade  waxna dhoofiya waxna soo dejiya noqday  aqoonyahan ama  masuul siyaasadeed iyo ciidan.

Noloshu isbedel kama  maaranto, sida aanu aadanuhu biyaha uga maarmin, haddaba sideed ku ogaan kartaa isbedel inaad u baahantahay, darbiga kugu wareegsan dumi(Dil saca ) kaa hortaagan ee aad ku marmarsiiyooneyso, kaddiba u talaabso dhinaca  horumarinta iyo higsiga  hiyigaagu jecelyahay inaad gaarto.

 

W/Q: Hassan Mudane

SHEEKOOYIN