Silsiladda; MIDNIMO Maansada 1aad; “MIDNIMO” Curiye; Bashiir M. Xersi

sasa

Silsiladda; MIDNIMO

Maansada; MIDNIMO

 

Maansadan “MIDNIMO’ curinteedu waxay igu dhalatay dharaartii 19ka bishan Sebtembar 2014, ka dib markii aan daalacday warka ku saabsanaa natiijadii ka soo baxday, cod bixin iyo afti loo qaaday in Iskootlaan ka go’do Ingiriiska intiisa kale iyo inay ka sii mid ahaato.

Maalinta natiijadu soo baxday, ayaan is weydiiyey; anaga (Soomaali) xaalkeennu waa see? Allaa i lehe, miyeysan gar ahayn in bal arrinta dib loogu laabto? Mise qabya qaybinta ayaa lagu sii jirayaa, maya, lagu sii wadayaa?.

Anigoo dareenkaa xoggan iga dhex guuxayo, ayaan maansadan curiyey, oon waliba doorbiday inay silsilad noqoto, aan u baxshay “MIDNIMO” maadaama ay tahay dood furan, aragti taagan iyo go’aan soomaali oo dhan u yaal, haddaba, maansadii “MIDNIMO “ oo billow u ah silsiladda “MIDNIMO” waa tane, shifo ku af saara.

m

Silsiladda; MIDNIMO

Maansada; MIDNIMO

 

Miisaanka gabaygiyo

Geeraar mug weyn iyo

Guuroow madiixliyo

Maansooyin suugaan

Maalmiyo ayaamiyo

In muddaa ma aan tirin

Maxfal iyo shirwayniyo

Masrax iyo munaasabad

Madal gole abwaan iyo

Muuqtuse maqallo dire

Miidiye kamaan marin.

 

Ha yeeshee, mudanayaal

Murtidiyo mareeg gabay

Meselada mahmaahiyo

Madadaalo sheekiyo

Majaajiliyo maadeyn

Meerinteedi maan gabin

Ma masuugin mana wayn

Magaan aan aqoon iyo

Milga laawe maan noqon

Ee anayska maanacay

Sababtana muddiciyoow

Haddii aan mid iyo labo

Meelo kaaga muujiyo

Markii maanyo ciiddii

Meegaar dhulkaygii

Miyi iyo magaalaba

Madfac mootar ka onkoday

Maqrib iyo markaan subax

Maalin la arko daawaday

Xagga mayd xaggana mayd

Xaga dhaawac muruq go’an

Xagga miina aas iyo

Is miidaamin madax jebin

Xagga mooroduug iyo

Marras maalki laga dhacay

Xagga marin isbaariyo

Tuugooyin mooryaan

Xagga maan ku dhiigliyo

Odayaal munaafaqa

Xagga muddul qabiil iyo

Meegaarro kala xiran.

 

Mid labaad waxay tahay

Markaan murugo ciilkii

Samir meehannaawgii

Naf macaani cararkii

Ka maad baxay dalkaygii

Markii aan masaafuray

Oo aan martiyey duul

La yaabaya madowgaay

Markaan midig ku dhiiglaha

Madanaha abtiriskiyo

Aan wadaagno moorada

Iyo magaca soomaal

Shisheeyaha ka magangalay

Intaas oo marxaladood

Oo wada marqaati leh

Markii aan dhib soo maray

Ayaan hadal ba maanacay

 

Manuunsaday miliilacay

Madluun galay is maahiyey

Muurmuursi miriirixay

Mergashadii il mirigsaday

Mid markaan layaababa

Mid ka daran mudh soo tiri

Hadba meel ka deyiddii

Maah-maahyo soomaal

Maankaygu soo gocay

“Middi saawir noqotiyo

Madax nooli muuqdaba

Laga maarmi waa Samir!”

Dabadeed midaan iri

Marka hore abwaannada

Hal abuurka mariyoow

Salaan miiggan hooyaha.

 

Marka xiga rag iga maqan

Maxamad[i] iyo Galayroow[ii]

Bare macalinkiiyow

Martiqaad salaan kale

Mid la mida middii hore

Mudnaanteeda hooyaha.

 

Waxba ararta mowjuud

Iyo celinta mahadnaqa

Yaanan sii muquurine

Aan mud mudo ujeeddada.

 

Abwaannow mudanayaal

Waxaan maanta furayaa

Ama miiska dhigayaa

Miinlay silsiladeed

Magaceed MIDNIMO yahay

Ujeeddadu mid guud tahay

Mabda’una maslaxad yahay

Codsiguna midkaan yahay;

Muruq iyo itaal iyo

Maskax iyo aqoon iyo

Caqli laysku miiraa

Adduun meel ku gaaraa.

 

Macnihiyo ujeeddada

Intii maan u joogiyo

Intii xumaha mayrtaay

Intii mudan waxsheeg iyo

Intii miir ku socotaay

Intii magaca dhawrtiyo

Intii dhiillo maqashaay

Muuqaal wax araggiin

Maqal iyo ogaalkiin

Malo iyo qiyaastiin

Maskax iyo garaadkiin

Qaata meeriskiinnoo

Ila wada masaafada

Sida daad mahiigaan

Ha mushaaxdo ciiddoo

Marba marin ha qaaddee

Meel kastaba u dhoofshoo

Mareegaha ku faafiya

Bismillaahi MIINLEEY

Nin walbaa muraad lehe

Midda aniga igu mudan

Bal aan laba marmaarriyo

Moolaaliya magaandhiya

Is mixnada is meel dhiga

Is murmuran is maandhaaf

Is ma hura is maytiya

Mugdi maalin wayn noqoy

Dayax maro ku qarin noqoy

Mariid malab ku sheeg noqoy

Muruq xoog ku faan noqoy

Madfac qori garsoor noqoy

Muslim magac u yaal noqoy

Shacabkii majnuun noqoy

Masuulkood ma oge noqoy

Cudurkii ma bexe noqoy

Cadawgii magmaag noqoy!

 

Afartaas makaabiye

Aan mitiriyo tii kale.

 

Mahmaah horaa tiri;

“Ama waa la maqan yahay

Oo la madax qarsoon yahay

Ama waa la muuqdaa

Oo lagu muuno yeeshaa”

Mid kalaa waxay tiri;

“Naftu waa maqnaw dhimo

Ama mahad ku nooloow”

Macnihiyo ujeeddada

Soomaaliyey mataataca

Malaaliya maluugtama

Labaatan iyo lix maaddoo

Isku miin ku wada taal

Aan kuu meeriyee maqal;

 

Madaxdoon mufsida arag

Jaahiliin mutuxan arag

Aqoonyahan la mida arag

Mooryac iyo maqruum arag

Hoggaamiye majnuun arag

Maanlaawe maran arag

Maryadhiigle mude arag

Muraadsade mirkece arag

Laba maqasle marax arag

Diinta malo ku dare arag

Mugdi gude mulbiye arag

Afka malab marsade arag

Uurka malax ku side arag

Meer-meere lale arag

Marooy maamulxume arag

Xildhibaan maqaar arag

Dulmiguu mel-meley arag

Xaqiiqduu masaxay arag

Cadaaladda madoow arag

Dalka moolka galay arag

Madaxwaynahaan arag

Madaxwaynahaas arag

Madaxwayne kale arag

Madaxwaynayaal arag

Waxa maanta jira iyo

Waxa soo madow arag.

 

Afartaas makaabiye

Aan mitiriyo tii kale.

 

Markii duul ismaagoo

Mulki iyo mabaadii

Isku muran dagaallamo

Marmarooq ismaan dhaaf

Isku maranto xaajadu

Waxaa loo muddayn jiray

Maqaawiir wax garatiyo

Muslim culimo diin iyo

Madal joog garsoore ah.

 

Umad meel ku wada nool

Muslinnimo walalaal ku ah

Iyo magaca dhalashada

Madmadow hadduu galo

Iyo dood is mari waa

Muslinimo waxay tahay

Midduu dhigay ILAAHEEY

Musxafkiyo minhaajkii

In la meelmarshaayoo

Marjac loogu laabtoo

Marna aan la gees marin.

 

Afartaas makaabiye

Aan mitiriyo tii kale.

 

Umad yahay magaandhiday

Umad yahay mardaadiday

Umad yahay is mooddaa

Umad yahay maqiiqani

Maqal sheeko meel mara

Maqal meeris kuu roon

Maqal maaddo kuu daran

Maqal miin digniineed

Iyo mooshinkaan gabay.

 

Mar haddii is maandhaaf

Qabiil marada loo lulay

Mar haddii is maandhaaf

Qabyaaladda la maaxiyey

Mar haddii is maandhaaf

Mansab lagu dagaallamay

Mar haddii is maandhaaf

Xoog la kala marooqsaday

Mar haddii is maandhaaf

Ninba maalin soo kacay

Mar haddii is maandhaaf

Birta laysku wada muday

Mar haddii is maandhaaf

Laysku miray masiibada

Mar haddii is maandhaaf

Layska jaray mataanaha

Mar haddii is maandhaaf

Mugdi madaxa lala galay

Mar haddii is maandhaaf

La muquuray xaaraan

Mar haddii is maandhaaf

Xaqiiqada la dhinac maray

Mar haddii is maandhaaf

La murdiyey balaayada

Mar haddii is maandhaaf

Qaxootigu miraaf baxay

Mar haddii is maandhaaf

Macaashkii ka soo baxay

Iyo magac xumaantii

Cadaawuhu ku maadsaday

Mid dambood ka eegtaan

Waa mayd siyaadiyo

Macallluul dhibaatiyo

Dalkoo cadaw u meeriyo

Murrugmaarug iyo eber.

 

Afartaa makaabiye

Aan su’aalo miis dhigo;

 

Soomaaliyey inaad madal

Masallaha ku hadashoo

Meselada ka dooddoo

Mawqif wada heshiisoo

Isku milanto yaan rabin?

 

Afartaas makaabiye

Mid labaad waxay tahay;

 

Soomaalidu mar uun qura

Midig iyo inay bidix

Isu gayso muruqyada

Mid ahaato madax siman

Maxamadoow maleeyoo

Midka diidayeen rabin

Muraadkiisa ii sheeg?!

 

Aan soo minguuriyo

Tusaalooyin meelmara

Iskootlaan ma maqsheen

Malaayiin sanoo hore

Inay wada midoobeen

Kala maggii lala rabay

Muluqmuluq isdiidkii

Iyo marin haboowgii

In muwaadin uu yiri

Maya, go’id ma aaa rabo

Iney kala maqnaadaan

Midnimada ka doorteen.

 

Macnihiyo ujeeddada

Soomaaliyey maryooleey

Mar haddaad magaca guud

Sida miraha dhalashada

Iyo mad-habka diimeed

Iyo midabka oogada

Iyo dhaqanka mudashada

Iyo xeerka maaddiga

Iyo maabka ciideed

Iyo luuq mataanaha

Maay iyo maxaa tiri

Afka hadalka maammada

Isku miin wadaagtaan

Miyi iyo magaalana

Isku meel ku mirataan

Maxaa diiddan maamuus

Madaxwayne qura iyo

Maamul iyo midnimo qaran?!

 

Afartaas makaabiye

Mid kalana waxay tahay

Bulsho wada mujaaxida

Maqan mooga joogtaa

Mooryac iyo madiidina

Muuqaal majiyo madax

Maskax iyo caqliba maran

Galayroow maleeyoo

Marna miyey ka baxayaan

Mu’aamarad maxmiyaded?!

 

Maxamadow Hadraawoow[iii]

Abwaanoow masuuloow

In kastoo aad marar badan

Mashaqooyinkii dhacay

Cadawyadii maldihi jiray

Waxay belo maleegeen

Ku muujiday murtida gabay

Weli guuli kaa maqan.

 

Mooryaan dablaydiyo

Mergiwayne kali talis

Malabsade miciyadhiig

Iyo moogayaashii

Mu’aamarad maleeggii

Weli way madkinayaan

Madficiyo garnaylkii

Weli wuu mufleeyahay.

 

Maaroole yaashiyo

Muducleey galbeedeed

Mahadhiyo dhibkoodii

Weli meesha kama bixin

Mixnaddiyo shirqoolkii

Weli wow mashxaradaan

Mid ka daran middii hore

Ayey soo mel-melayaan.

 

Abeesiyo Mas goodkii

Muskay weli ka buuxaan

Suntii iyo mariidkii

Weli way matagayaan

Mutaxane ma uu bixin

Marjacyeeye muu tegin

Maqaarsaarradii iyo

Weli maayarkoodii

Wayna maamulaayaan

Muusannawga baxayiyo

Qaylo dhaanta murankiyo

Midab sooca baahiyo

Matoor laanta qaybtiyo

Feedaraalka maqashaye

Muddaad aamusnaydoo

Malkadii la sugayiyo

Madashaba ka guurtee

Mahwigii gabyaagoow

Moosaha xumaantoow

Ka mood minanka jiilaal

Suugaanta miratiyo

Maansada maguurtada

Mudnaanteeda hanataye

Maantana maxaad oran?!

 

 

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

http://bilediraac.wordpress.com/

 

 

 

[i] Maxamad Xuseen Faarax

[ii]Cabdiraxiin H. Galayr

[iii] Abwaan Maxamad Ibraahim Warsame “Hadraawi”

SHEEKOOYIN