Sirdoonka Dahsoon! W/Q; Cabdiraxiin H. Galayr

11774814_10204848760995365_4567915_n

Sirdoonka Dahsoon!

 

Sirdoon, ugu horreyn bal eraygan aynu qeexno  oo qaabinno, inteynaan xogihiisa kale ee muhiimka ah u gelin.

Sirdoonka ama Nabadsugiddu, waa Hay’ad dowliya, oo ka masuul ah, ilaalinta, uruurinta iyo raadinta, xogaha qarsoon, raadraaca iyo dabagalka arrimaha amniga, sida;  sharciga dalka, ammaanka qaranka, arrimaha ciidanka  iyo siyaasadda arrimaha dibadda.

Hay’adda  nabadsugida iyo sirdoonka ayaa qaabilsan ilaalinta, sirta dalka  guud ahaan, arrimaha siyaasadeed ee dalka iyo inay ilaaliyaan, dhagarta cadow kasta oo bannaanka dalka ka imaanaya iyo kan gudahaba.

Sirdoonka qaranka waxaa laga rabaa gudashada arrimahan hoose

 

1.Ka hortagga iyo odoroska amniga arrimaha gudaha ee Qaranka

2.Ka digista iyo kuurgalka arrimaha iyo halista dalka ku soo fool leh

3. Adeegida iyo ilaalinta danaha waddanka iyo kuwa caalamiga ahba, iyadoo lala shaqaynayo hadbana la kaashanayo cidi walba, oo markaas  gaashaanbuur iyo iskaashi xoguhu idinka dhaxeeyo.

4. Wargelinta  ciidanka amniga qaranka (Sirdoonka) Ciidanka nabadgelyada iyo Ciidanka xoogga, si degdega loo wargeliyo arrimaha  dhiillada leh ee dalka ku soo kordha iyo sidii looga hortegi lahaa.

5. Qorshaynta  iyo haggida siyaasadda ciidanka xoogga iyo dhawrista xogaha ciidanka.

6. Illaalinta  qatarta bixidda xogaha sirta ah, ee gudaha dalka iyo kuwa kale ee dibadda, sidoo kale, heshiisyada qarsoodiga ah ee hay’adaha dalka iyo  hay’adaha waddammada kaleba.

7. Daboollida iyo mara saarka, waxyaabaha aan loo baahnayn inay bulshadu ogaato ee abuuri kara xasillooni darrada.

8. Awood kaga hortegid dedaallada lagu wiiqayo nabadgelyada iyo xasilloonida dalka inta aysan faraha bixin.

9. Wada  shaqaynta iyo dhaqdhaqaaqa guud ee la dagaallanka, argagixisadda iyo budhcadda iyo cid walba oo si  gaar ah iyo guud  waxyeello u keeni karta ammaanka iyo nabadgelyada qaranka.

 

Haddaba, arrimahan iyo kuwa kale oo ka badan ayaa ah lama huraan in dib loo yagleelo, loona tayeeyo hay’addaha sirdoonka ee dalka, waa arrimo  saldhig iyo aas aas u ah, sirdoon walba oo adduunka ka jira.

Waddankeenna intuusan burburku dhicin, wuxuu lahaa saddex hay’adood oo nabadsugida Somali national SecurityNSSCriminal Investigative DivisionCID” sidoo kale, waxaa jirta hay’ad sirdoona u gaar ahayd, ciidammada qalabka sida, oo la odhan jirey Hay’adda Nabadgalyada Gaashaandhiga “HANGASH” haddii afka qalaad lagu sheegona waxaa loogu yeedhi jirey sidan: “Military Intelligence Unit”.

 

Saddexdan hay’adood ayaa si wadajir ah uga shaqaynayey, ilaalinta iyo uruurinta xogaha sirta ah ee dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba.

In kastoo haykalkii, aqoontii, waayo aragnimadii iyo awooddii hay’addahani la burbureen dowladdii dhexe ee Soomaaliya, haddana, waxaa dib loo abqaalay muddooyinkii ay jireen dowladihii ku meel gaadhka ahaa, xafiisyo loogu yeedho, Hay’adda Nabadsugida ama sirdoonka, kuwani dambe iyo kuwa hore ee aan ka hadalney waxaa u dhaxeeya farqi aad u ballaadhan, dhinaca  aqoonta, tayada, waddaniyada iyo waayo aragnimadaba.

Halka maanta hay’adaha sirdoonku dhammaantood hub sitaan, lana wada yaqaanno,  way ka duwaneyd xaaladdu sidan waqtigii hore,  oo hay’adaha Sirdoonku waxay ahaayeen kuwa ku milan, qayb walba oo ka mida bulshada.

  • Macallin
  • Arday
  • Ganacsade
  • Shaqaale dowladeed
  • Darawal gaadiidka dadweynaha
  • Darawal Taxi
  • Shaqaale Hotel
  • Shaqaale shirkadeed
  • Shaqaale Bangi
  • Dumar iyo rag  sida shacabka u midab eg.

 

Kuwani dhammaantood waxay ahaayeen kuwa ka shaqeeya shaqooyinka caadiga ah, hawlahooda hoosena wata, sidoo kale, waxay ahaayeen kuwa  hufan oo dalka iyo dadkaba ka ilaaliya cid kasta oo waxyeelleyneysa, waxaana ku adkayd inay iibsadaan ama bixiyaan xogta dowladda,  haddii ay dhacdona wuxuu qofku ku muteysan jiray, xabsi iyo ciqaab, ay mariso, Hay’adda Garsoorka Gaashaandhiga “Mobile Military Court” Maxkamadda ciidamada qalabka sida, tan oo mararka qaarkood fullisa, dilal aan la shaacin sababtooda.

Maanta Soomaaliya dowladdeedu malaha hay’ad nabadsugineed oo awood u leh ilaalinta xogaha dowladda, ilaalinta amniga qaranka, ilaalinta iyo ogaanshiyaha  halista iyo dhagarta ay maleegayaan  cadowga iyo nacabka umadda Soomaaliyeed.

 

Sirdoonka aynu u kala saarno, dhawr qaybood.

 

1. Maamul iyo hoggaan ay ku soo dhacaan, dhammaan warbixninada iyo  farriimaha hawleed ee sirdoonka, ahna isku xidhka laammaha hay’ada iyo  fududeynta fullinta  dhaqdhaqaaqyada hay’adda.

 

2. Madaxda hawlgalada ayaa u xilsaaran, kiisas kala duwan oo mid weliba leeyahay saamayntiisa, kuwani waa inay ahaadaan, saraakiil  aqoon  tayo leh, dhinaca meleteriga iyo arrimaha dibadda, waa inay yihiin dad u tababaran  siyaabo kala duwan, waa inuu helaa, dhammaan agabka u sahlaya, inuu soo uruursho oo god walba kaga dabatago xogta uu raadinayo ama ku daba jiro,  Sarkaal “Agent” Weliba waa inuu leeyahay ugu yaraan 50 ilood oo  ay xoguhu ka soo galaan, dalka gudihiisa iyo dibaddiisa,  sidoo kale waa inuu haystaa, dhaqaale iyo dalku gallo kala duwan oo hawshiisa u fududeeya.

 

3. Sirdoonka dahsoon “Undercover” waa kan ciwaanka iyo halqabsiga u ah qormadan, kani waa mid lagama maarmaan ah, waa inuu jiraa xubin ka tirsan sirdoonka oo ku dhexjirta,  cid walba oo loo filayo inay ka soo horjeedo danaha umadda, sida ururada mucaaradka hubeysan iyo kuwa xagjirka, dhinacyada diinta, midabtakoorka iwm.

Xubintani waa mid u eg kuwaas ay la hawlgasho, si toos ahna u soo tebisa, arrimahooda, si dhabana uga diiwaangashan xafiiska sirdoonka, sidoo kale, waa kuwo aan la ogaan karin lana aqoonin, si gaar ahna ula xidhiidha, Xafiiskooda gaarka ah ee “Sirdoonka Dahsoon

4. Laba gardaaq “Double Aggent” kani waa mid loo baahan yahay, waa roon oo daran, waddammada iyo ururrada aad siyaasadda isku haysaan ayaa loo adeegsadaa, waa mid ku shaqeeya calooshiisa, kuuna soo gudbiya xogaha cadowgaa, maqal iyo muuqaal, qoraallo iyo kaydka kaa qarsoon,  sirta dhabta ee uu cadowgaagu kaa damacsanyahay, waana qaabka keliya ee looga hortegi karo,  dabinnada iyo malasta cadowgu kuu dhigayo.

5. Shaqaale iyo qalab casriya “Technology intelligence”  adeegsiga qalabyada casriga ah, ayaa fududeynaya, oggaanshiiyaha xogo badan iyo helista sir badan oo qaadan lahayd dhabo galkeedu muddo dheer,  sida qalabka lagu xidho, baabuurta, dadka la baadhayo guryahooda iyo xafiisyadoo “Signal trace”  ama kamaradaha qarsoon, qalab wax codka lagu duubayo,  jabsashada iyo oggaanshaha, dhaqdhaqaaqa, akoonnada dhaqaale ee hadba kooxda lagu jiro, jabsashada kambuuterada kooxaha  laga shakiga qabo, iyadoo loo haysto, oggolaanshiiyo loona marayo sifadii sharciga ahayd.

6. Ciidan, ciidanka sirdoonku waa mid ka madax bannaan, hay’adaha kale wada shaqaynina kala dhaxayso, waa mid tayeysan oo tababarkiisu sarreeyo, laguna soo xulay aqoon iyo xirfad dagaal, iyaga laftooda maaha kuwa la shaaciyo, shaqadooda iyo hawlgaladooda, ciidankani waa kuwa fulliya,  hawlgallada qarsoodiga ah, weerarada gaadmada ah, kuwa ku dhufoo ka dhaqaaqda ah, iyo soo afjaridda, kooxaha halista ku ah.

Haddaba, inagoo aragna, habaqlaha iyo daaladhaca, hay’addaha sirdoonka Soomaaliya, oo la yaqaan qof kasta oo ka shaqeeya, sidoo kale, u shaqeeya, sida ciidanka nabadgelyada madaniga ah,  ee had walba la ogyahay waxaa uu qabanayo iyo hawlgaladiisa, miyeysan habbooneyn, si dalka iyo dadka loo badbaadiyo,  si naf iyo maal loo samata bixiyo?.

Si loo helo dhammaan qodobbada aan kor ku soo xusnay iyo kuwa la mid ahba, oo hadda aanan sheegin, miyaan loo baahnayn inay dowladda Soomaaliya ka codsato, waddammada horumarey, inay ka garabqabtaan, dhallinyaro iyo aqoonyahano, loo carbiyo, ilaalinta  ammaanka dalka?.

Ciidanka xoogga keliya dalka ammaankiisa ma sugi karo, haddii guri mugdi ah lagugula jiro, qofka ku jiraana hub haysto, adiguna aad hub haysatid, ma tihid adigu kan guuleysanaya,  ee waxaa guuleysanaya, kii sita karbuuno ama toosh u kugu arko, sirdoonku waa tooshkaa ku tusaya cadowgaaga mugdiga kuugu dhakan waana lama huraan in la dhiso.

 

W/Q; Cabdiraxiin Hilowle Galayr

Galayr 1977@hotmail.com

SHEEKOOYIN