Siriqdii Sigane iyo silicii Suubban! Q2AAD W/Q: Dr. Farax Sheekh Cabdirisaaq

Siriqdii Sigane iyo silicii Suubban! Q2AAD

 

Sigane oo aad u jeclaa, mar walba oo uu firaaqo helo, in uu waqti la qaato Suubban, ayaa u sheegay, in ay caawa kulmayaan, waxaana uu soo qaatay gaari.

Waxa uu ugu imaaday guriga, isagoo ku qaaday gaari, waxaana la tagay meel ka mida meelaha nasiinada loo tago. Waa laba kursi iyo miis waxaa ku agyaalla ubaxyo aad u qurxoon, jawi aad u qurux badan ayaana la soo qaatay.

Sheeko dheer ka dib, waxaa ay ku heshiiyen inay is guursadaan, in ay gudagalaan guurkoodana wada qorsheeyeen. Habeenkaa oo dhan, Suubban waxaa laga soo wacayey telka, balse codka ayaa xirnaa, si aan looga mashquulin la kulanka saaxiibkeed.

Markay soo baxeen ayey Suubban telephonekeedii eegtay, waxay ku aragtay wicitaanno iyo farriimo qoraaleed badan. Suubban way ka naxday, iyadoo is tiri; ma dhibbaa dhacay? Sigane ayaa ku yiri noloshaydii ha walwalin, haddaan ku gaynayaa xaafaddii.

Markii ay imaatay xaafaddii, waxaa Suubban loo sheegay, in aabbaheed dhaawacway.

Sigane marka uu xaafadda geeyo, wuxuu soo wici jiray Suubban, si uu u weydiiyo, wixii ay xaafadda ka la kulantay, habeenkanna waaba ka duwan tahay, oo wuxuu filayey canaan ama wax kale, maadaama ay maqneed cabbaar.

Markuu soo wacay ayey ka qabatay, ayadoo ooynaysa, cod aad u dheer buu ku yiri; maxaa ku helay qaali badaneey? Markaasaay u sheegtay, in aabbaheed dhaawacmay, in kastuu aad u naxahay, haddana wuu calool adeygay, oo yiri maya ha ooyin, isdaji, wuxuuna weydiiyey, in uu u yimaado, balse, iyada ayaa ka diidday, oo ku tiri is ka joog.

Ayaandarro, mudda ka dib, ayaa Suubban aabbaheed u dhintay dhaawicii. Sigane oo aan ka daalin marnaba garab istaagga iyo dhiirrigelinta gacalisadiisa, ayaa ballanqaaday, inta uu noolyahay, in aanay aabbe waayin, oo uu isku dayo, in uu buuxiyo kaalintaa, oo uu garab taagnaado nolosheeda.

Intii ay ku jirtay arrinta tacsida, oo Suubban aabbeheed mootan yahay in ka yar 5cisho, Siganana uusan xiriirka ka yarayn, oo uu mar walba soo wacayo, ayaa Caamir, oo Sigane saaxiibkii ah, wuxuu soo wacay Suubban, u tacsiyeynta ka dibna u sheegay, in Sigane naag qabo, qaar kalana hore u furay, marka uu uga digaayo, guursiga ninkaa.

Caamir, wuxuu saaxiib dhaw la yahay, oo mar walba la socon jiray Sigane, wuxuuna ogyahay, in Suubban iyo Sigane ay guur is ka ballansaden, uuna dhawaan dhici rabo aqalgalkoodu, marka Caamir ayaa warkan ku soo beegay xilli ay aad u jilicsan tahay Suubban.

Suubban waxay Caamir waydiisay, in uu caddeyn keeno iyo ka muhimsane, in uu sharraxo sababta uu uga qarin jiray intaas oo sano! Caamir wuxuu u sheegay Suubban, in uu caddayn u hayo warkaas, iyana waxay u sheegtay, in ay ka sugayso, in uu u keeno caddaymahaa.

Suubban u ma sheegin Sigane warka ay maqashay, u mana u qabsan, oo maalmo ka dib, ayaa Caamir wuxuu Suubban u sheegay, in uu haayo caddeyntii wayna ka dhagaysatay, si fiicanna ayeyna u dhuuxday, una qaadatay aragti anfacaysa.

In kasta oo ay tacsiyeysan tahay Suubban, haddana aad ayey u sii murigoonaysaa warka naxdinta leh, ee loo sheegay, waliba waa la soo batay, oo Caamir, Carrooluu wataa, oo la socda, Carroolana 4 kaluu wataa, oo intubana waa asxaabta Sigane, waliba waa dad ay isku shaqo yihiin.

Waxaa loo sheegay Suubban, in xabbadda aabbeheed ku dhacday, laga yaabo, inuu ku jiro Sigane walaalkiis, oo waxaa loo sheegay, in aanu jecleyn Suubban, oo uu gabar kale jecelyahay, iyadana uu u soo bandhigay, kuwaan warka sheegaaya, oo uu dhahay saaxiibbayaal naagtaan iyadaa i jecel, anna gabadhaan kalaan jeclahaye, i la taliya, seen yeelaa?.

Arrinkaas oo aad uga xanaajiyay Suubban, waxay ahaataba Sigane oo war moogaa, ayaa hadba soo waca Suubban, oo la yaabban markaan, laakiin og, in aanay ayaantaanba qosolkii looga bartay iyo farxaddii jirin, siduu aabbaheed u dhintay, wuxuuse waydiiyay waxa ku dhacay. Suubban ayaa ka codsatay, in uu soo waco marka uu sii seexan rabo. Isna waa ka aqbalay.

Markii xilligii la gaaray ayuu soo wacaay, waxay ku billowday su’aal:

“Sigane, horta, ma jirtaa, gabar aad ka la tagteen?” Sigane oo la ma filaan ku noqotay hadalkaa, ayaa yiri:

“anoon ku baran baa intaan maqnaa gabar abtigay dhalay waalidku isku kaaya qasbay, balse, intaan maqnaa ayaan furay, oo ismaanaan arkinba!” hadalkaas wadnaha ayuu ku dhuftay Suubban, oo is laheed waa beentood waxa ay kuu sheegeen, balse, markaas ayey hubsatay, in warka loo sheegay, oo dhan uu run yahay. Ka dib ayey weydiiysay;

“ma jirtaa, gabar aan aniga aheyn ood xiriir guur leedihiin?” wuxuu yiri’

“maya” waxay kaloo waydiisay:

“ma jirtaa, gabar aad jeceshahay oo aan aniga aheyn?” iyadiina mayuu yiri, balse, markan wuu xanaaqay, oo wuxuu dhahay, waa maxay in aad saa wax ii waydiiso, waana laysku af garan waayay, jawi xanaaq oonay nolosheeda intay xiriirka lahaayeen galin ayey galeen.

Caamir iyo Carroolo ayaa soo wacay wanaanay u sheegeen, in ay hayaan sawirrada gabdha uu jecelyahay Sigane, wayna u soo direen, waxayna ka codsadeen, in ninkaa uu qiyaamayo, ee ay ka fiirsato guurkeeda, maadaama ay gabar masaakiina oo daacada tahay, ayna ka naxeen, oo u gargaareen.

Suubban waxay ku xanaaqday Caamir oo ku tiri Carroole iyo adiguba colaad wadayaal baa tihiin, haddii qof la qiyaamayana idinkaa saaxiibkiin qiyaamaaya, balse, war danbe hay keenina fadlan, anaa taydu i haysataaye, telephonekiina way ku damisay.

Caamir ayaa soo wacay dhowr mar, ka ma qaban, balse, farriin ayuu u soo diray uu ugu sheegayo, in uu la soo hadashiinaayo gabadhuu qabay Sigane! Suubban oo aad u sii qaraxday ayaan haddana Sigane u sheegin wax ku saabsan xiriirradiisa badan.

Caawa ayaa lagu ballansan yahay in la kulmo waana la kulmay. Telephone saaxiibkeed ayadoo iskaga falaadaysa, isna u sheekaynaayo, ayey si kadisa waxay ku aragtay qoraallo ay isdhaafsadeen Sigane iyo gabar sawarridii loo soo diray ka mida ka muuqato, waxayna aad u la yaabtay waxan isa soo taraya, in kastooy aamustay, haddana Sigane oo dareensanaa, in markaan aanay Suubban kalsoonidii hore ku qabin, ayaa isdifaac iyo qancin aan ka daalin.

Maalinkii danbe ayey tiri gabdhahaan tee ka taqaanaa, iyadoo tusaysa sawirro? Wuu yaabay, uuna ka dhaartay, balse, galabta ayaa Caamir soo wacay, waxaanay u sheegay in gabadhii uu la hadashiiyo, gabadhii ayaa la hadashay una sheegtay, in ninkaan qabay aad ayeyna u yaabtay Suubban, waxayna ka codsatay haddaba intaas in aay ku joojiyaan oo aanay war danbe u keenin kulligoodna black ayey saartay, walow uu dadkaa Sigane baray haddana saaxiibbadiis yihiin, haddana mar kasta waxay qiimaysaa hadallada Sigane, badanaa Sigane wuu xanaaqaa oo aad u canaantaa ilaa ay gaaraan in aay ku sigtaan in xiriirkoodu go’o. Suubban oo runtii aad u daggan ayaa mar kasta isku dayda xog rasmigaa in ay isaga ka maqasho ka hor aqal galkooda.

Dhanka kale waxay sugayaan labada qoys ee Suubban iyo Sigane ku dhawaaqidda xilliga aqal galkooda oo dhan kastaa waa lays waydiiyaa oo su’aaluhu ka la joogsi ma leh, maxaa idin haysta iyo maxaa idinku dhaggan? Hadda waxaa soo socota dadkii warka sheegaayay laysla fahan, laakiin, dood iyo muran dheer oon laguna kala tagin waxna lagu dhisan waxaa xaqiiq ah, in qof kastaa kan kale si dhaba u jecel yahay. Sigane oo ka cosaday Suubban, in sheekadan sooba af jaraan, ayaa yiri waan aqalgalaynaa, dadkan ku dayn maayaan wax kuu sheegaa, waxaanan raadinayaa gurigan dagi laheyn, balse, waan kaa wadayaa meeshay joogaan, oo Kismaayo ayaan u wareegaynaa aqal galka ka dib, in kastoo lagu heshiihyay guurkii oo la qorsheeyay ayaa haddana waxaa si kadisa ah ugu baxday safar shaqo Suubban, oo markii hore shaqadeedii uga tagtay, in ay Kismaayo dagto, oo shaqo Kismaayo ka heshay, maadaama saygeeda cusub uu Kismaayo u wareegayo, oo shaqadiisu halkaa noqonayso, ayaa haddana waa qof in badan markaan waxay dhisayaan gurigii oo loo alaab aruursanayaa. Waxay rabtay marka safarkeeda Nayroobi soo dhammaado, in ay Kampala aaddo, si online  ah jaamacad uga barato, balse, Sigane ayaa u sheegay, in aanu joogi karin la’aanteen mar hadday soo dhammaatay shaqadii, ee ay u soo laabato, waayo, wuxuu dareemayaa cidlo, marka ay ka maqantahay magaalada.

Xaqiiqdii aad buu u jeclaa, iyada oo u qiimaynaysa codsigiisa ayey go’aansatay, in ay dalka dib ugu soo laabato. Habeenka ay soo bixi leheed, ayey is ku dayday, in ay wacdo, balse, ayaandarro, markii hore is ma helin, markii uu telkii ka qabtana, iyadoo xanaaqsan ayey ku titi: “Anna adaan ku raadinayaa, adna waad is ka maqan tahay, mise dad kalaad ku maqneed!” Waa qof iska qabta xasaasiyede, Sigane oo aad u xanaaqay, baa yiri maalin kasta ma lay tuhmayaa, ma shakibaan guri ku dhisaa! Walaaley macasalaama!

Waxay is weydiisay, in ay dartiis u soo laabato, haddana uu intaa ka maqnaado in aysan gar ahayn! Ka muhimsane, in qof ay dartii ugu soo laabanayso dalka, uu sidaa ugu la hadlo, welibana xiriirkii halkaa ku jaro, in ay garasho iyo gacalnimo ahayn! Aad ayey uga xanaaqday hadalkaa waxaana lagu kala tagay si yar, oo aan garawoshiyo lahayn, haddaba, afar sano ka dib, yaa qaldan?.

 

Dhammaad.

 

W/Q: Dr. Farax Sheekh Cabdirisaaq

SHEEKOOYIN