Sirta ku duugan dacwaddii DF Somalia ay gelisay badda W/Q; Avv. Dr. Cabdulqadir Tallman

ddddd
Sirta ku duugan dacwaddii DF Somalia ay gelisay badda (Heshiis qarsoodi ah)

Magaceygu waa Avv. Dr. Cabdulqaadir Xaaji Maxamed “Tallman” Waxaan ahay sharciyaqaan caan ka ah dalka iyo dibeddaba. Arrinka dacwadan badda ku saabsan oo lagu furay Kenya, waxaan ka oranayaa laba kilmadood.

Qofka Soomaaliya dacwad gelinaaya, maanta oo ay tabar daran tahay, lana socda in Kenya ay garab taagan yihiin reer galbeedka oo dhan, gaar ahaan, NORWAY, waa qof lacag badan ku qaatay in badda loo xukumo Kenya.

Waxaa laga baqay in toos Kenta loogu wareejiyo baddan uu ceegaago shidaalka xad-dhaafka ah; markaasaa arrinka loo qayilay oo la soo hindisay hab kale oo Kenya loogu wareejin karo badda: WAA SAHAL:

Dacwad baan Kenya ku fureynaa oo aan hubno inay iyadu ku adkaan doonto. Sidaas ayaa muraadkiina lagu gaarayaa oo laaluushkii lagu bisleysanayaa, isla markaas, markii Kenya loo xukmiyo, cid eedda la saari karo ma jirto oo waxaan isku difaaceynaa:

Maxkamad caalami ah ayaa xukuntay, maxaan annaga ka qaban karraa?! Annaga dadaal bay naga aheyd oo waxaan rabnay in Kenya aan ka dhicinno baddeenna.

Laakiin, nasiib darro, dacwadii baa naloo kaga adkaaday.

Soomaaliya waa bukaan hadda uun taaftaaf bilaabay, Dawladda Xasan Shiikh Maxamuud oo legdan gelisay Soomaaliya oo tacbaan ah,,

WAA DAWLAD LEH UJEEDDO CAD OO AH IN LA BISLEYSTO LAALUUSHKA NORWAY IYO KENYA, BADDANA KENYA LAGU WAREEJIYO.

DAWLADDiI SHARIIF AXMED OO RABTAY INAY BADDA CADDEYSATO OO AY KAASH KA DHIGATO, WAXAA YUREEYAY BARLAMAANKII WAQTIGAAS.

BAL AAN HUBSANNO BARLAMAANKA MAANTA JIRA IN UU LEEYAHAY KARTIDAAS, WADDANIYADDAAS IYO HUFNAANTAAS..
WAXAANBA MAQLAAYAY: lixdan iyo siddeed (68) xildhibaan oo barlamaanka ka tirsan, waxay wataan baasaboorro ay leedahay dawladda NORWAY.

ALLA MAXAA BARLAMAANKA LAGA SOO BUUXIYAY XILDHIBAANNO KA WAKIIL AH NORWAY. SOW HADDA INOO MA CADDA SABABTA RAGGAN REER NORWAY LOOGA SOO BUUXIYAY BARLAMAANKA?!

HADDII XASAN SHEEKH MAXAMUUD UU LA SOCDO SHIRQOOLKAN, DEE ISNA WAA EEDEYSANE, HADDII UUSAN LA SOCONNA, WAA INUU DEGDEG WAX UGA QABTAA RAGGA DOONAYA IN AY BADDA DHAAFSADAAN XOOGAA SUNUUD AH.. EEDDU WAA AY QABANEYSAA DAWLADDAN, OO MAR UUN BAA LAGU MAXKAMADEYN DOONAA, FAKAN DARTII, XATAA HADDII SOOMAALIYA AY KU GUULEYSATO DACWADAN, DEMBIGU WAA TAAGNAANAYAA WELI. MAXAAYEELAY BADDEENNII BAA LA GELIYAY HALIS LAGU WAAYI KARI LAHAA.

Avv. Dr. Cabdulqadir Tallman
advtallman@gmail.com

SHEEKOOYIN