SIRTA NOLOSHA 1AAD W/Q: Ahmed Hayow “Dulmidiid”

SIRTA NOLOSHA 1AAD

Xasan Xuseen waxaa dhalay Aabe xafiis Arji qore ah ku leh xamar weyne, xafiiskaas oo inta ka soo gasha uu reerkiisa ku masruufto wixii ka soo hara lacagta kirada qolka uga ijaaran meel ku dhow dhismaha ku teedsan Afar irdoodka ilaa kawaanka Xamar weyne, qolkaas oo bil walba lagu kordhiyo kirada uu bixiyo si haddii uu awoodi waayo looga saaro ayna ula wareegaan Rag ka xoolo badan oo sheeda ka dhowrta, waayoo wuxuu ku dhowyahay Bacadlaha Xamarweyne oo ay dadkaasi rabaan inay uga dhigtaan Maqaasiin ay ku keydsadaan Dharka Bagaashka ah ee uga soo dega Dekada, si ay Bacadlayaasha ku dhow jumlo uga iibsadaan, Xuseen Xasan [Xuseen Arji] wuxuu caan ku yahay sidda loo qoro Araajida hadba wixii la waydiisto, ha ahaato araajiyo lagu dalbanaayo dhalasho, baasaboor ama dacwad iwm, wuxuuna inta badan xooga saaraa kirada qolkaas uu ogyahay in lagala bixi rabo, asagoo deganaa muddo 5 sano ka badan taasoo intii ka horeeysay uu Dowlada u shaqeeynaayay, wuxuu ka shaqeyn jiray wasaaradda Waxbarashada iyo Barbaarinta shaqadaas oo looga soo ruqseeyay inuu Howlgab yahay, waloow aanu gaarin xilligii Howlgabka uuna aaminsan yahay in lagu bedelay Nin kale oo liiska Howlgabka ku jiray, Ninkaas oo la yiraahdo wuxuu bixiyay lacag laaluush ah, halka Dadka qaarkoodna ay yiraahdaan waxay isku Reer yihiin Wasiirka oo liiska ka saaray kuna bedelay Xuseen Arji si ay tirada loo baahan yahay u buuxsanto, maalintaas Xuseen Arji la soo ruqseeyay waxay u aheyd maalin madoow.
Xasan Xuseen waxaa la dhashay 5 wiil iyo 4 Gabdhood, waxaa ka weynaa Wiil la yiraahdo Maxamed iyo Gabadh la yiraahdo Caasha Cuud, Hooyo Khadiijo iyo Aabe Xuseen Arji waxay dhexda u duubteen sida ay u korsan lahaayeen 10ka ay dhaleen, ayadoo uu dhaqaalahoodu aad u liito, waxay degan yihiin guri Cariish ah oo lix qof iyo musqul ka kooban, gurigaana waxaa la kala dhisay dhowr goor oo midba qol lagu daraayay, waxay Hooyo Khadiijo dubtaa Muufo, taasoo maalmaha qaarkood haddii laga gadanwaayo inti qada kale la karin lahaa ay ciyaalku ku qadeyn jireen, Xasana waxa ugu badan ee uu noloshiisa cunay waa Muufo uu ku quraacday kuna qadeeyay, habeenkiina ku casheeyay, ciyaalka way dhibsadaan qadada inay Muufo noqoto, laakiin waa u caadi quraacda iyo cashada oo mar mar cambuulo la kariyo, wiilka curadka u ah reerka waa Macalin BB ah oo Dugsiga Hoose/dhexe Dhagaxtuur macalin ka ah kaasoo ay ku socoto dacwad ah inuu Rikaateeyay gabar Fasalka 6aad dhigata oo Aabeheed Safiir yahay, gabadhaas oo la yiraa Deeqa Bashiir, waxayna ku haaysataa inuu ugu hanjabay inay dheceeyso haddii aanay ugu imaan ballanta uu u dhigo, arrintaas oo ah shirqool ay u dhigeen Macalimiin ka mid ah kuwa Dugsiga oo ku kacsan Maxamed Xuseen oo laga joojiyay shaqada ilaa arrintiisa ay meel uga dhacdo, waxayna arrintu cirka isku shareertay, markuu maqlay Deeqa Aabeheed oo Dalka dibadiisa joogay taasoo keentay in Maxamed Xuseen xabsiga loo dhaadhiciyo ayadoo aan baaritaan lagu sameyn dacwadi Deeqa, xarigaasna wuxuu soo dedejisay in Maxamed Macalinimada laga eryo, markaana waxaa luntay sumcadi Maxamed Xuseen, kaasoo ahaa Macalin aad looga jeclaa dugsiga, waxayna niyad jab ku noqotay Aabahiis oo ku fekeraayay inuu ka kaalmeyn lahaa dhaqaalaha Reerka, inkastoo uu ku qancay dhaartiisa iyo inay been tahay waxa lagu qabsaday, sidaa ay tahayna Maxamed uma haayo xal lagu aamini karo wuxuu sheegaayo, xalkaasoo uu ugu noqon karo shaqadiisi Macalinimada, siddaa daraadeed waa inuu guriga iska joogaa, culeyskana ku kordhiyaa waalidkiis intuu mustaqbal kale uu ka yeelanaayo, kadib markuu ku dooday inuu sidaas uga hareeynin kiiska beenta ah oo lagu soo eryay, waloow wuxuu ka qaban karaba anay u muuqan Aabe Xuseen oo asagaba shaqadiisi looga fadhiisiyay xaqdaro aanu awoodin inuu wax ka qabto.
Busaad waxaa la dhashay wiil ka weyn oo Cabdiqadar la yiraahdo iyo laba gabdhood oo ka yaryar, laakiin waxaa la degan laba wiil oo Adeerkeed dhalay oo ka wada weyn Busaad iyo walaalkeed, labadaas Wiil oo la kala yiraado Suleymaan iyo Yoonis, Cabdiqadar iyo Yoonis waa Fasalka 1aad dugsiga Sare, Suleymaana waa Fasalka 2aad dugsiga Sare, xaafadda ay degan yihiin Suleymaan iyo Yoonis wax xiriir ah lama laha, Aabahood Axmedna wuxuu degan yahay Dalka Mareeykanka, wuxuuna wiilashiisa u soo diray walaalkiis Saxardiid inay la noolaadaan oo dalkooda wax ku soo bartaan, asagoo uga baqay inay ku lumaan dhaqanka Mareeykanka, sababtoo ah wuxuu ka shakiyay markay yaraayeen wax yaabaha loo soo dhigay oo aan dhaqanahaan iyo Diinahaanba ugu fiicneyn wiilashiisa, Adeerkood markii loo keenay waxay kala ahaayeen Fasalka 3aad iyo 4aad Dugsiga hoose, waxayna deganaayeen Iskool Buluusiyo inta aanay soo degin xaafadaan Howlwadaag, Busaad iyo walaalkeed Cabdiqadar waxay ka faa’iideysteen walaalahood Luqadda Ingiriiska, maadaama ay ku soo koreen wadan Afkaa looga hadlo oo ay u sahlaneyd inay Ingiriis ku hadlaan inti ay Af Somali ku hadlilahaayeen, markay yaraayeen oo aanay Somaliga si fiican u baran, gaar ahaan Cabdiqadar wuxuu ka dhaxlay is go’doominta dadka kale aan wax lagu darsan, waxaana beryihi hore layaabay Adeerkood iyo Eedadood Basra oo ah Busaad Hooyadeed, laakiin markay arkeen inay caado u gaar ah u tahay oo ay ogaadeen inay raali ka yihiin inay la noolaadaan Reerka, haddana ay arkeen inuu ku biiray wiilkooda Cabdiqadar oo waxay sameeyaan la sameeynaayo oo weliba ay leeyihiin qorshooyin degsan oo ah wakhti wax la akhristo, wakhti la jimicsado iyo wakhti la sheekeysto, ayay Aabe Saxardiid iyo Hooyo Basra ku qanceen Akhlaaqda ay leeyihiin Suleeymaan iyo Yoonis, wiilashu waxay inta badan jecelyihiin inay habeenka Jimcaha Shaneemo aadaan, waxaa kale oo guriga wax ka degan gabar layiraahdo Sureer oo la dhalatay Hooyo Basra oo ka shaqeeysa Hotel Shabeele qeybta soo dhaweynta iyo diiwaangelinta dadka Hotelka soo degaaya, Sureer waa 27 jir lamana yaqaano sababta ay u guursan wayday, laakiin waxaa la ogyahay sababta ay ula soo degtay walaasheed ugana soo guurtay Reerkooda taasoo ah inay Xuriyad u hesho waxa ay rabto.

Sheeko taxan. La soco 2AAD

W/Q: Ahmed Hayow “Dulmidiid”

SHEEKOOYIN