SIRTA NOLOSHA. 3aad W/Q Ahmed Hayow Dulmidiid

 

Habeenkaas Reer Saxardiid waxay ku casheeyeen Muufo laga soo geday Eedo Kheyrto oo ay soo wada iibiyeen Sureer iyo Ciise, kadib markuu Ciise u sheegay inay aad u fiican tahay Muufada Kheyrto, markii ay casheeyeen ayay derbiga bannaanka soo fadhiisteen Busaad, Ciise iyo Yoonis oo cabaar la joogay wax yar kadibna ka tegay, Busaad oo indheheedu ku maqan yihiin dhanka guriga Xasan uu ka jiro, ayadoo rajeeyneeysana inuu ka soo boxo wiilka ay aad u aaminsan tahay, kaasoo ay ka qaadan laheyd wuxuu u sheego ayuu Ciise ku yiri: “Xasan waa Wiilka ugu buundada badan dugsiga oo dhan, laakiin waa xaasid” Busaad ayaa tiri: “maxaad tiri?!” Ciise ayaa ku celiyay: “Xasan waa xaasid aan jecleyn in kaalinta koowaad laga qaado” Busaad ayaa tiri: “muxuu xaasid ku yahay uu dadka ugu diiday inay koowaad noqdaan?” Ciise oo aan ka jawaabin ayay tiri: “ma in imtaxaanka laga qisho ayuu diiday oo sidaa ayuu xaasid ku yahay?” Ciise ayaa yiri: “maya sidaas maaha ee waa dhuuni aan cid kale waxba u ogoleyn” Busaad ayaa tiri: “ma fahmin waxaad ula jeedo waa xaasid iyo waa dhuuni” intay madaxa ruxruxday ayay tiri: “xaq buu u leeyahay inuu diido in laga qisho, mana filaayo inuu cidna u diiday inay iskeed u dadaasho oo asaga gaarto ama dhaafto” Ciise ayaa yiri: “waa runtaa” Busaad intay xagiisa u soo jeesatay ayay waydiisay: “adiga kaalintee Dugsiga uga jirtaa?” Ciise ayaa yiri: “wax badan kama hooseeyo Xasan” waxay tiri: “haddaba dadaal waad gaaridoontaaye” kadib waxaa soo baxday Sureer oo la soo fadhiisatay, markaa ayay Busaad gudaha iska gashay, ayadoo ka fekereysa hadalada uu Ciise ku lahaa, waayoo ma aaminsana wuxuu sheegaayo oo dhan iyo warbixinta uu siinaayay ayada iyo wiilasha, waxayna ka xun tahay inuu fursad uu ku hadlo uu siinwaayay Xasan oo ay wejigiisa ka dareentay inuu ku waafaqsaneyn wuxuu Ciise sheegaayo.

Xasan markuu gurigooda galay, wuxuu ugu tegay nin dhallinyara ah oo waagi uu yaraa reerka la noolaa oo la yiraahdo Samatar oo uu dhalay Oday Korneel ah oo la yiraahdo Cali Dirir, Odaygaas oo ahaa tababare ciidan oo aanay jirin xera ciidan uusan tegin dalka oo dhan, Korneel Dirir waa aanay isaqoonin carruurta uu dhalay, waayoo waa nin meesha uu tago naag ka guursada, marka laga beddelana madaxeeda siiya, marka laga reebo xaaska iyo carruurta u jooga magaalada Muqdisho, waxaa jira carruuro kale oo kala jooga Baaydhaba, Garoowe, Dhuusamareeb iyo Buuhoodle oo uu ku dhashay Samatar, kaasoo ay soo korsatay Hooyadiis Suleeqo oo uu Aabihii furay ayadoo leh uurka Samatar, markuu gaaray 12 sano ayuu Samatar soo aaday magaalada Muqdisho si uu reerkiisa u soo barto, inkastoo aanu haysan wax dhaafsiisan magaca Aabihii iyo inuu ciidanka ka tirsan yahay, markuu hooyadii guursanaayay wuxuu Aabihii ahaa Kabtan, waxaana loo yaqaanay Kabtan Dirir, laakiin markuu wiilkiisa soo baadi doontay, wuxuu gaaray derejada Korneel.

Samatar waxay magaalada Muqdisho ku soo dhaweysay inuu galo halgan nololeed, kadib markuu waayay cid taqaana Kabtan Dirir, wuxuuna ka mid noqday ciyaal iskuriska suuqyada ka xamaasha, maalin maalmaha ka mid ah ayaa Aabe Xuseen Arji wuxuu arkay ciyaal badan oo ku goobanaayo Samatar, markuu ka celiyay ayuu waydiiyay sababta ay ula dagaalaayaan, wuxuu Samatar u sheegay inuu magaalada ku cusub yahay iyo maasha uu ka yimid iyo ujeedada uu u yimid.

 

 

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.