SIRTA NOLOSHA. Q.10aad W/Q Ahmed Hayow (Dulmidiid)

Maxamed Xuseen oo quraacanaaya ayaa waxaa albaabka soo garaacay Maamule ku xigeenki dugsiga dhagaxtuur oo ay la socdaan masuuliyiin ka socda Wasaarada Waxbarashada, Maxamed wuu ka naxay aragooda, wuxuuna u qaatay inay ugu yimaadeen dacwad kale, waxaa albaabka ka furtay Hooyo Khadiijo oo ayadana layaabtay waxay ka rabaan wiilkeeda ay shaqadiisi ka soo eryeen, makaas ayay ku tiri: “Maxamed waa joogaa, laakiin muxuu haddana idinka soo haleeyay?” Masuulki ka socday Wasaarada ayaa yiri: “waxaan u wadnaa Kheyr iyo inuu shaqadiisa ku laabto” markeey Hooyo Khadiijo uga wareegtay albaabka inay soo galaan, ayadoo faraxsan markaa ayuu Maxamed gartay inay wax isbedeleen, isla markiina intay la hadleen ayuu raacay, waxay tageen Wasaarada Waxbarasha Maxamed iyo Sarkaalki ka socday Wasaarada, waxaana loo sheegay in baaritaan lagu sameeyay kiiski shaqadiisa looga eryay sanadi hore, kiiskaana uu noqday mid aanu shuqul ku laheyn, kadib markay cadeeysay Deeqa Bashiir oo ay marqaati uga noqotay Mulki Maxamed, kadibna waxaa loo qoray Mushaarkiisi intuu shaqada ka maqnaa oo dhan, muddadaas oo ah sanad iyo laba bilood uu hadda furan yahay dugsiga, waxaana loo sheegay inuu ka shaqeeynaayo Dugsiga Hoose/Dhexe ee Baarbe laga billaabo berrito, dugsigaasna uu Maamule ka yahay, Maxamed waxaa la soo siiyay jeeg ku qoran lacag uu ka baqay inuu culeyskeeda la qaadi waayo, markuu ka soo tegay Wasaaradi ayuu soo maray xafiiska Aabihiis oo ay u fadhiyaan dad badan oo raba in loo qoro araajiyo, dadkaas oo la yaaban gacan culeyska Xuseen Arji oo lagu amaani jiray gacan fudeydka, Aabe Xuseen markuu arkay Maxamed oo soo galay xafiiskiisa ayuu hal mar la qarxay dareen uu qarsanaayay, dareenkaas oo ka keenay culeyska la soo dersay wuxuuna yiri: “maxaad ka soo doontay xafiiska? ma shaqo aad qabato ayaad weeyday?” wuxuu sii raaciyay: “nin weyn ayaa tahay, inaad meherad yeelato maxaa kuu diiday?” Maxamed oo la yaabay dabeecadda Aabihiis ku cusub, dabeecadaas oo aanu weligii ku arkin ayaa intuu jeegi u dhiibay wuxuu ku yiri: “waxaa lay ogolaaday inaan shaqadeeydi ku laabto, waxaana Maamule ka noqanaa dugsiga hoose/dhexe Baarbe, jeegaana waa inti aan shaqada ka maqnaa ee noo soo sarif” Aabe Xuseen markuu ka qaaday Jeegi oo uu fiiriyay lacagta ku qoran ayuu soo xasuustay hadalki ay xalay ku tiri Hooyo Khadiijo kadib ayuu yiri: “ilaaheey albaabada oo dhan mawada xiro, waana ku farxay albaabka uu noo furay” Maxamed ayaa ku yiri: “Aabe waxaad u egtahay qof niyada kadaalan oo culeys ka weyn kan reerka uu haayo” markaa ayuu Aabe Xuseen u sheegay dacwada la rabo in looga saaro Qolka Xafiiska u ahaa iyo dhaqaala xumada haaysatay, kadib wuxuu Maxamed u sheegay sida Kiiskiisi dacwada uu ku dhammaaday, waxayna wada qorsheeyeen waxa lagu qabanaayo lacagta oo ah inuu Qareen difaaca ku qabsado iyo inuu iibiyo boos ay kireystaan oo lacagtiisa qaar ka mid ah looqoondeeyo ijaarka Xafiiska.

Maxamed markuu ka soo tegay Aabahiis, wuxuu ka fekeraayay siduu ka yeeli lahaa Deeqa Bashiir iyo saaxiibteed Mulki oo aanuu ka maleeysaneyn inay Mulki ku lugleedahay Shirqoolka loo maleegay, maadaama loo sheegay inay ku markhaati furtay Maamulaha inuu Deeqa ku khasbay inay asaga nabsato, Maxamed wuxuu kala garan waayay inay mudan yihiin gabdhahaasi in lootago loona mahadceliyo iyo inaanay mudneyn xataa in la salaamo, waayoo Deeqa Hooyadeed ayaa kab ladhacday markii lagu yiri gabadhaada ayuu rakaateeyay ayadoo aan waxna hubsan, Aabaheedna waa kan sababta u ahaa in asaga la soo xiro, xiritaankaas oo markhaati u noqday Kiiska beenta ah ee lagu haaystay, ugu dambeyn wuxuu go’aan ku gaaray inuu gabdhahaas faraha kala baxo.

Maalinta uu Maxamed shaqadiisa billaabay ayay waxbarashadoodi billaabeen Deeqa iyo Mulki, ayagoo ku faraxsan wanaaga ay u sameeyeen Macalinkoodi, kaasoo hadda loo dalacsiiyay Maamule Dugsi, waloow aan dugsigooda looga dhigin oo loo daayay Maamule ku xigeenki, Deeqa ayaa waydiisay saaxiibteed Mulki: “Macalin Maxamed ma laga yaabaa inuu nooga mahadceliyo howsha aan u qabanay?” Mulki ayaa ku tiri: “maxaad u qabatay Macalin Maxamed? Khalad aad ka gashay ayaad dib u saxday, anigana mid aan ka gelin ayaan isku tiimbareeyay” Deeqa ayaa tiri: “maxaad isku tiimbareeysay?” Mulki ayaa tiri: “soow ma ihi Qof wax ka ogaa shirqoolki loo dhigay oo Macalin Maxamedna uma aaminsana sida ay dadka kale u aamineen” Deeqa ayaa tiri: “Mulki abaayo ma jecleyn inaan dhiiqo lugaha kuu geliyo, laakiin waxaan ka shaqeeynaa sidi aan kaaga saari lahaa dhiiqadaas” Mulki ayaa kula talisay: “hadda dhiiqo kale lugaha hanoo gelin oo ha dhihin Maamulihi waa nabsanay” Deeqa oo hadalki ka dhexgashay ayaa tiri: “sidaas madhahaayi, waana kaa saaraa dhiiqada” Mulki oo aan fahmin sida ay u suurta gelineeyso iyo danta ay Deeqa ka leedahay ayaa tiri: “waxay hadda ku fiican tahay inaad sideeda ku deeyso” Deeqa iyo Mulki waxaa Macalin Maxamed aragtidiisa ugu dambeeysay, marki laga eryay shaqadiisa, mana yaqaanaan meeshuu ka degan yahay Howlwadaag.

 

La soco. ……11aad.

SHEEKOOYIN