SIRTA NOLOSHA Q.11aad. W/Q Ahmed Hayow. (Dulmidiid)

Aabe Xuseen wuxuu qabsaday Qareen la yiraahdo Dr. Mahdi oo subaxdii jawaabta inuu geeyo saldhiga laga sugaayay ayuu aaday Dr. Mahdi oo u galay Taliyihii saldhiga, wuxuuna qareenku u sheegay Taliyihii inuu kiis uga furay Maxkamada Racfaanka dacwada loo haaysto Xuseen Xasan (Xuseen Arji), waxaa kale uu u sheegay warqad kiiskaas ku saabsan in loogeeynaayo reerka uu ka degan yahay qolka ijaarka ah, markaa go’aanki ka soo baxana ay Maxkamadu u soo gudbindoonto saldhiga, haddii ay noqoto ka saaris iyo haddii kalaba, Dr. Mahdi wuxuu farta ka saaray Taliyihi saldhiga nuqul ku saabsan dacwadaas oo cinwaan looga dhigay (Handadaad iyo Cagajugleyn) waloow uu Taliyuhu ka naxay cinwaanka warqada, haddana markuu sii akhriyay waa qaboobay, markaas ayuu qareenki ku yiri: “muxuu Xuseen iigu sheegi waayay inay jirto dhibaatadan lagu haayay?” Dr. Mahdi ayaa yiri: “dadku Qareenka iyo Taliyayaasha saldhigyada isku si wax uguma sheegaan, waxaana Xuseen lagu afar jibbaaray kirada qolka si haddii uu bixinkari waayo looga saaro, waxaana loogu cagajugleeyay in lagu sii kordhinaayo haddii uu ku adkeysto inuu bixiyo wixii looga dhigo qiimaha Qolka, waxaana lagu handaday in lagu dacwaynaayo sheeko been abuur ah ilaa gaalshiro laga geeyo” Taliyaha saldhiga waxaa ay ka sugaayeen reerki lahaa qolka u jiraaran Xuseen Xasan, inuu maanta uga saaro oo alaabtiisa bannaanka ugu soo daadiyo, balse Dr.Mahdi ayaa ka soo tegay Taliyahaas oo ladhakafaarsan warqadda loo dhiibay oo shaqshaqi lasiin lahaa cirka ku laashay.

Xasan Xuseen Xasan (3x) ayaa galabtaas Aabahiis u raacay inuu la soo fiiriyo Boos hal jidle ah oo bari u jeed ah, booskaasoo beec ah oo ay dulaaliintu u sheegeen inuu ka kooban yahay afar qof iyo musqul, gurigaas Cariish ah, dhulkiisuna yahay oo 12/12 miter, booskaas oo laguna dari karo laba qol oo kale, wuxuuna ku yaalaa meel aan ka fogeyn gurigooda oo ka xigta dhanka Baar Raaxo, waxaa booska iska iibineeysa islaan haaysata ilmo agoon ah, islaantaasoo wiilkeeda ilmaha ugu weyn uu ku wareeriyay Sucuudiga ii dir, waa islaan suuqa siigaale ku iibisa dhiil caana ah oo ay ka soo qaadato Abaareeyda, si ay uga hesho biilka carruurteeda, Eedo Xabiibo wiilkeeda Cabdi Taano wuxuu ka tegay waxbarashada, si loogu diro Sucuudiga oo uu uga soo xamaasho, wuxuunq hooyadiis marwalba ku yiraahdaa: (haddii aan Sucuudiga tago shaqo oo dhan waa ka fadhiisaneeysaa, anigaana noo gedaayo Boos dhagax ah haddii aad Carshaantaan ii gado oo igu dhoofiso) wuxuu hooyadiis ku calool jilicsadaa: (Hooyo faceey oo dhan, qaar waa soo shaqeeysteen, qaarna weli waa shaqeeysanaayaan) Eedo Xabiibo majecleyn inay iibiso booska ay ilmaheeda ku korsato, laakiin waxaa ka tan badiyay rabitaanka wiilkeeda curadka ah.

Markay soo galeen dalaaliinti iyo dadki booska iibsanaayay, ayay isku naxday Eedo Xabiibo oo uu laxumaaday mowqifkeedi iibinta, laakiin cid wejigeeda ka dareentay waxaa ka jiray Xasan oo inti ay wada hadlaayeen Aabahiis iyo Eedo Xabiibo fiirinaayay dareenkeeda iyo siduu u dubaaxinaayo jirkeeda, sidi in cad laga gooynaayo oo kale ayay Eedo Xabiibo u dhibsaneysay beeca iyo gorgortanka, Xasan waxaa kale uu arkay wiilkeeda Cabdi Taano farxada ka muuqata, waloow aanu ogeyn in asaga daraadiis loo iibinaayo booska, haddana waxaa uga muuqda kala duwanaansho asaga iyo hooyadiis, inkastoo ay dhici karto lixajaclo waalid oo aan meesha ka marneyn, markay isbarteen oo isi salaameen Xasan iyo Cabdi Taano, kadib uu u sheegay inuu Sucuudiga aadaayo goor dhow, Aabe Xuseena wuxuu ku mashquulay fiir fiirinta booska iyo qolalkiisa si uu u helo cilad uu isaga dhimikaro lacagta, ciladaasna ugu doodo, waayoo uga darimayso xataa haddii ay u baaqato lacagta dulaaliintu ka rabaan, Cabdi Taano wuxuu kacaan safar geliyay dhalinti deriska la ahaa, marba haddii ay hooyadiis ka ogolaatay in Sucuudiga loo diro, waxayna ugu yimaadeen inay ugu hambalyeeyaan safarkiisa.

Waxay dood kulul dhex martay Aabe Xuseen oo rabay in xoogaa lacagta laga dhimo iyo Eedo Xabiibo oo iska iibineeysay xubin jirkeeda ka mid ah, waxay doodaas niyad jab ku riday Cabdi Taano iyo dulaaliinti oo midba ay tiisu u muuqatay, kuwaasoo asn jecleysan in lagu kala tago ilaa Cabdi Taano safarkiisa uga hagaago, dulaaliintana shaq shaqooda ay uga helaan, waxaana meel adag istaagtay Eedo Xabiibo oo ka soo dabci wayday inta ay sheegatay in booska laga siiyo, markaa kadib ayaa Aabe Xuseen waxaa gees ula baxay dulaal ka mid ahaa dulaaliinti oo ka soo dhaadhiciyay inuu ku yiraahdo qeyb ka bixi lacagta dalaalka, taas oo noqotay xal ay isla ogolaadeen laguna hishiiyay, kadibna sida sharcigu yahay waxaa Eedo Cabiibo la siiyay laba bilood oo ay guriga kaga guurto, waxaana warqadihi lagu soo wareejiyay magaca Maxamed Xuseen oo aan ogeyn in guriga lagu soo qoraayo.

Markay ka soo tageen ayuu Xasan ku yiri Aabahiis: “Aabe, islaanta waxay booska u iibineeysay wiilkeeda” Aabe Xuseen ayaa yiri: “anigana waxaan u iibinaayay weelkeeyga, laakiin ha u sheegin walaalkaa inaan magaciisa ku soo qoray” Xasan ayaa yiri: “islaanta inay wiilkeeda u iibiso way ku khasbaneyd, laakiin adiga kuma khasbanid inaad ku qortid wiilkaaga” Aabe Xuseen ayaa yiri: “maxaa islaanta ku khasbay?” markaa Xasan ayaa u sheegay kala duwanaashihi uu ku arkay wejiyadooda iyo in loo iibinaayay inuu Sucuudiga ugu dhoofo wiilkeeda, reerkuna ay agoon yihiin, Aabe Xuseen oo layaabanaa macangagnimada islaanta ayaa qashuucay markuu ogaaday inay agoon yihiin, waloow cid uun booska ka iibsan laheyd, haddana ma jecleysan inuu ka iibsado agoon u dhibaateeysan.

 

La soco. ……12aad.

Qoraha kala xiriir e-mailkiisa

xaayoow09@hotmail.com

SHEEKOOYIN