SIRTA NOLOSHA Q.5aad W/Q Ahmed Hayow (Dulmidiid)

Haddii ay wax akhrisanaayaan waxaa lagu wada akhristaa guriga Busaad oo reerkeeda u sheegtay inuu Xasan yahay wiilka dugsiga ugu Aqoonta badan, middaas uu u qiray Ciise marki ay waydiiyeen wiilasha la dhashay Busaad, waxaa gabadhooda loo helay wiil wanaagsan oo lagu aamini karo.

Xasan wuxuu dhex galay reer Saxardiid, wuxuuna noqday sidi wiil ay dhaleen oo kale, markuu doono wuxuu la qadeeyaa reerka, gaar ahaan marki uu ogaado inay gurigooda jirin qado aan Muufo aheyn, haddii uu doono wuxuu la seexdaa wiilasha gaar ahaan Suleymaan, reerkiisu kama welwelaan inta badan, maadaama ay ogyihiin inuu ku maqan yahay guriga reer Saxardiid, Busaad iyo Xasana waxay noqdeen dad walaalo ah oo kale, waxayna aad waa uga faa’iidaysatay siduu wax u barto oo isbedel weyn ayaa ku dhacay aqoonta Busaad iyo luqada Ingiriiska Xasan oo ka faa’iiday Suleymaan oo si fiican u baray agsamka Mareykanka, Ciise wuxuu isku dayay inuu wax la barto Busaad iyo Xasan, laakiin muraadki uu ka lahaa wax labarashada oo ahaa inuu shukaansado Busaad ayaa u suurageli waayay, Busaadna way ku gacan seyrtay markay ka dareentay inuu shukaansidoon yahay.

Waxaa si fiican isu dhex galay reer Saxardiid iyo reer Xuseen Arji, Sureerna waxay  jeclaatay oo ay saaxiibeen Xasan walaalkiis Maxamed oo markii dambe ka diiday wax walaaltinimo dhaafsiisan, Sureer markay in mudo ah isku dayday inay dhaqaalo ku soo jiidato wiilka BBga ah oo shaqadiisi laga soo eryay, wiilkaasoo ay nushaarkeeda ku bixisay sidi ay ku heli laheyd, Sureer iyo Maxamed waxay habeen walba isu raaci jireen Casho iyo Shaneemo, ayadoo muraadkeedu ahaa inay kasbato qalbiga wiilka ka soo jeeda reerka saboolka ah, haddii ay heshana uu uga dambeeyo awaamiirteeda, fursadna ay u hesho nin ay jeceshahay oo sida ay jeceshahayna ay ka dhigato inuu u noqdo [waa Laf dhuux leh iyo Dhagax leysla helay] inkastoo aanay jirin wax cillad ah oo ay Sureer laheyd, cilladaasoo gaarsiin karta inuu ku diido Maxamed, oo aan ka aheyn inay afar sano ka weyneyd, ayuu habeenki isugu dambeeysay labadooda uu Maxamed u sheegay inaanu guursan karin qof ka weyn, kadib markay ku soo qaaday sheeko guur, Sureer ayaa waydiisay cidda u sheegtay da’deeda iyo inay ka weyn tahay, wuxuu Maxamed ku yiri: “teesarahaaga Munishiibiyada ayaan ka arkay dhalashadaada” Sureer ayaa tiri: “ma waxaad baartay boorsadayda? adigoo aan idin iiga qabin?” wuxuu ku yiri: “maya, laakiin maalin aad ii dhiibtay boorsada oo aad igu tiri: lacag ka soo saar, ayuu Teesaruhu soo raacay asagoo weliba kala furan, markaana waxay indheheeygu ku dheceen taariikhda dhalashada” Sureer ayaa tiri: “maxaa ka micna ah haddii aan kaa waynahay!” Maxamed ayaa yiri: “waxba kuma jabna, laakiin anigu waxaan jecelahay inay iga yar tahay mida aan guursanaayo” Sureer iyo Maxamed habeenkaas ayaa isugu dambeeysay, waxayna u qaaday naceyb aan yareyn dhamman reer Xuseen Arji oo ay gurigooda tegi jirtay inta badan, waxaana Maxamed ula jiray cillada ah inay Sureer ka weyn tahay, wuxuu ka shaki qabay inay sheeko ka dhexeeyso walaalkiis Xasan iyo Busaad oo ay kala guursadaan Gabar iyo Habaryarteed.

 

La soco. …….6aad.

SHEEKOOYIN