SIRTA NOLOSHA Sheeko taxane ah Q.18aad. W/Q Ahmed Hayow (Dulmidiid)

Deeqa Bashiir waxaa soo sagootiyay Xasan, markuu bannaanka guriga keenay ayay Deeqa ku tiri: “aad iyo aad ayaad ugu mahadsan tahay fariinteyda aad gaarsiisay iyo sidaad tixgelinta ii siisay” Xasan ayaa ku yiri: “Alle ka sokoow adigaa mudan in lagaaga mahadceliyo wanaagi aad sameysay iyo weliba wakhtiga aad dib u soo nooleysay rajada reerka iyo midda walaalkeeyba” Deeqa oo dareentay inuu jiray ciriiri dhaqaale oo ay reer Xuseen lakulmeen inti uu Maxamed shaqa la’aa ayaa tiri: “waxaan Macalinkeeyga ku sameeyay ma’aha wax laga sabri karo, waayoo waxaan xataa dhaawacay baahidi ay reerkiisu u qabeen” markaa waxay weli taagnaayeen guriga albaabkiisa oo ay Deeqa damacsaneyd inuu Xasan ku laabto gurigiisa, ayadana ay kaligeed iska baxdo, laakiin Xasan ayaa ula dhaqaaqay dhanka ay Deeqa aaday shalay markay fariinta u dhaaftay, Deeqana way ka daba dhaqaaqday, intay sii socdeen ayuu Xasan yiri: “dadka oo dhan way khaldamaan, waxaana ugu fiican qofka khaladkiisa ka soo laabta, reerkeeyga oo dhanna way ku farxeen dib u soo kabashada walaalkeey, sidaa daraadeed haka welwelin wixii hore looga soo gudbay, waayoo maanta wuxuu walaalkeey gaaray ilaa maamule dugsi taana adiga ayaa u sabab ah” Deeqa ayaa tiri: “waxaan ka baqaa sida aan u hortegaayo wejigiisa, sababtoo ah waxaan ka mid ahaa ardayda uu fasalka ugu jecel yahay, wuxuuna igu dhiirigelin jiray inaan si fiican wax u barto” Deeqa oo hadalki sii wadata ayaa tiri: “waxaan xasuustaa maalin uu igu yiri (Deeqa haddii aad kordhiso dadaalkaaga waxbarashada, waxaan hubaa inaad noqon karto safiir sidi Aabahaa oo kale) kadib ayuu iwaydiiyay (soow kuma fekereysid inaad sidi Aabahaa noqotid?) markaan ku iri haa, waan rabaa inaan noqdana wuxuu igu yiri (carruurtu waxay inta badan raadkooda raacaan walaalidkood, sidaa daraadeed lasheekeyso waalidkaa si aad u ogaato wadada ay u mareen meesha ay joogaan, kadibna iskuday inaad gaarto ama dhaafto) wixii markaa ka dambeeyay haddii aan fursad u helo waan lasheekaysan jiray Aabaheey, mana ku fekerin inaan sidiisa oo kale noqdo, balse wixii ka dambeeyay marki ay saaxiibteey Mulki ixasuusisay khaladka aan ka galay macalinkeyga, ayaan dareemay wanaaga uu ila jeclaa iyo xummaanta aan u geystay” Xasan ayaa waydiiyay: “saaxiibtaa ma gabadha markhaatiga kuu noqotaa?” Deeqa ayaa tiri: “haa, waa gabadha igu dhalisay oo markhaatiga ii noqotay” Xasan ayaa yiri: “walaalkeey markuu ogaaday inay gabadhaas lug ku laheyd kiiskiisa, wuxuu uga xumaaday si aad iyo aad ah, waayoo ismuu laheyn lug ayay ku yeelaneysaa shirqoolkiisa, maadaama ay isku reer yihiin maamulaha iyo gabadhaasna wuxuu u qaatay inay ayadu wakiil uga aheyd dhibka loo geystay” Deeqa oo arrintaa aad uga naxday haddana ka baqeysa inay sheegto qorshaha ay maamulaha ku nabsadeen oo ay Mulki dejisay ayaa tiri: “gabadhaas wax shaqa ah kuma laheyn shirqoolka walaalkaa” Xasan ayaa yiri: “siduu ii sheegay Maxamed ma filaayo inuu gabadhaas cafindoono weligiis, laakiin adiga wuu ku cafiyay inkastoo ay weli ku jirto aamindaro iyo cabsi uu ka qabo isaragiina, balse wuxuu diyaar u yahay inuu kaaga mahadceliyo wanaagi aad sameysay” Deeqa waxay ku kaliftay inay arrintaa sida loo xallinaayo ay kala tashato Mulki, sidaa daraadeed ayay Xasan uga mahadcelisay soo dhaweynta uu soo dhaweeyay, waxayna u sheegtay inay Maxamed mar kale soo raadineyso berri galab, kadibna waxay toos u aaday guriga Mulki.

 

La soco. …..19aad.

 

 

SHEEKOOYIN