SIRTA NOLOSHA Sheeko taxane ah Q.29aad W/Q Ahmed Hayow (Dulmidiid)

Caydaruus waa nin jecel inuu taariikh nololeedkiisa runta ka sheego, gabar kasta uu u sheegayna way kaga tagtay, waayoo waxaa u muuqata inuu Caydaruus laheyn ehel iyo qaraabo, maadaama uu ku soo koray xarada Oorfano, xaradaas oo ay dadka qaarkood u haystaan inay ku nool yihiin ciyaal aan Aabe laheyn ama aan waalidkood la’aqoonin, taasoo ay Caydaruus u sii dheertahay in aanu aqoonin Adeeryaal iyo Abtiyaal toona, mana yaqaano wax dhaafsiisan seddexdiisa magac oo ah Caydaruus Nuur Cali, waana sababta uu isu baro gabar kasta uu lakulmo ama uu damco inuu shukaansado, wuxuuna taariikh nololeedkaas ku seegay kuwa ay isku Dugsi ahaayeen iyo kuwa ay Jaamicada isla dhigtaan, waxay gabdhuhu isu sheegaan inuu ciyaal Oorfano yahay, Caasha Xuseena habeenkaas way ka seexan wayday siduu Caydaruus isu baray, mana jecleysan inay ogaato qofka uu yahay, sababta oo ah waxay ka cabsi qabtaa inay reerkeedu ku diidaan inay raacdo wiil aan asal ahaan loo aqoonin, haddiiba ay run tahay waxa uu sheegaayo iyo inuu Aabe leeyahay, ugu dambeyn waxay ku seexatay inay waxba wax ka horeeyaan (first think first) sidaa daraadeedna ay marka hore ogaato runminada taariikh nololeedkiisa.

Subaxdaas Aabe Xuseen wuxuu sii maray guriga Eedo Xabiibo oo looga soo dhaweeyay si farxad leh, wuxuu arkay reer wejiyadoodu nuuraayaan oo aad dareemeyso inay u soo laabatay rajo adduun, waxaa asaga iyo Cabdi Taano loo soo dhigay quraac ay karisay hooyo Khadiijo, kadib markay quraacdeen oo uu Aabe Xuseen siiyay Hooyo Khadiijo warbixinta guriga, ayay ayadana u sheegtay xaalada soo wanaagsanaaneysa ee reer Xabiibo, markaa ayuu Aabe Xuseen gacanta ka qabsaday Cabdi Taano, xafiiski Shangaani markay tageena waxaa Cabdi Taano lafadhiisiyay teeb uu ku barto sida waraaqaha loo daabaco.

Xasan oo xalay ku soo daalay shaqadi Biibitada ayaa subaxaas soo maray guriga Busaad, si ay Dugsiga isugu sii raacaan, markuu guriga soo galay ayay Hooyo Basra waydiisay: “Xasan siday noqotay islaanti ay xalay hooyo ku maqneyd?” Xasan ayaa yiri: “Eedo war kama haayo, laakiin waxaan u maleynaa inay fiican tahay” Hooyo Basra ayaa tiri: “Busaad ayaa noosheegtay inay hooyo lajoogeyso islaantaas haysata ilmaha agoonta ah, adigana inaad habeenki ka shaqeeyneyso Biibitada iyo inaad halkaa wax ku wada akhrisan doontaan, maadaama aad sannadkaan geleysaan imtixaan kamadambeys ah” Xasan wuu gartay inay Busaad ka dambeeyso sheekadaas, balse markay soo bexeen ayuu Busaad ku yiri: “inaad Biibitada igala shaqeyso miyaad rabtaa, ileyn meeshaas maaha meel wax lagu akhrisan karee?” Busaad ayaa tiri: “ma dhib ayay kula tahay inaan kaala shaqeeyo?” Xasan ayaa yiri: “maya, laakiin waxaan diidaa inay dhallinyaradu ku faduuliyaan iyo inaad saqdhexe igala soo lugeyso Biibitada” Busaad ayaa tiri: “wiilki ifaduuliya waxaan u haayaa af aan iskaga difaaco, mida kalana Caashaba waxay Biibitada ka soo tagtaa saqdhexe ee maxaan Caasha ka duwanahay?” Xasan ayaa ku dooday inay Busaad ka duwan tahay Caasha, marka laga fiiriyo dhanka qoyska iyo howsha ay qoyskeeda u hayso, laakiin Busaad ayaa tiri: “waxaan u haystay inaan anigana walaashaa ahay, waayoo waxaan islahaa walaashiis Caasha Xuseen ayaad ula mid tahay” Xasan oo ka gilgilanaaya hadalkaas ayaa ogolaaday inay Biibitada kala shaqeyso, wuxuuna u sheegay markuu qadeeyo inuu hooyadiis ka doonaayo adeega Biibitada, ayadana ay ugu timaado maqribka kadib.

Muddo sitimaan ah ayay howshu ku socotay sidi loogu tala galay, Busaad waxay dadka ka qaadaa lacagta, Xasana wuxuu dadka u geeyaa wixi ay u baahdaan, wax walba oo Biibitada lagu iibinaayo waxay dhammaadaan wakhti hore, galab kastana hooyo Khadiijo way soo kordhisaa adeega Biibitada, waxaa ku soo biirtay Caasha oo alaabta u dhaqda, hooyo iyo reer Xabiibana waxaa lagu kordhiyay adeegyadi labada xilli ee subaxa iyo habeenka, Eedo Xabiibana intay roonaatay ayay howsha inteeda badan kala wareegtay hooyo Khadiijo, hal sitimaan gudihii ayaa lagu gaaray heekaas, dhanka kalana Cabdi Taano wuxuu bartay garaaca teebka iyo qaabka loo qoro araajida, asagoo lasoo baxay fara fudeyd iyo asagoo bartay sida macaamiisha loola dhaqmo, waxaa Taano ka muuqatay inuu yahay wiil u diyaar garoobay inuu reerkiisa wax taro.

Waxaa muddadaas laga mashquulay Caydaruus oo waayay fursad uu Caasha u helo, si uu u ogaado inay raali ka tahay inay uga sheekeyso taariikh nololeedkeeda, ilaa hadda ma arkin gabar diyaar u ah inay isbarto, wuxuuna aaminsan yahay gabadha ugu horreysa oo ka ogolaata inay isbarto, inay gabadhaasi tahay midda nolosha lawadaagi doonta oo kaga sokeysa inti uu lasoo kulmay, waxaa kale oo fursad waayay Ciise oo tebay habeenadi uu u imaan jiray Busaad iyo Xasan, intaana naftiisa ku madadaalin jiray, wuxuu u imaatinkaas ku ogaan jiray heerka ay kala joogaan Busaad iyo Xasan, wuxuuna ku qanacsanaa inay jirin sheeko labadooda u gaar ah, taasoo rajagelin jirtay inay maalin u soo dabci doonto Busaad, waxaa kale oo fursad waysay Deeqa Bashiir oo laga mashquulay qorshaheedi kulanka Macalinkeeda oo aan imaanin Biibitada, taasoo markay soo xirto uu ka kaxeyn jiray walaashiis Caasha, inkastoo ay Deeqa wakhtigaa gaari karin, haddana fiidka hore markay timaado aanay helin fursad ay ku sheegato muraadkeedi.

Laakiin haba xumaatee waxaa fursad heshay Sureer oo lakulantay Macalin Maxamed oo habeenadaas guriga yimaada wakhti hore, si uu carruurta uga warhaayo, maadaama aanu Caasha ka soo kexeyneyn Biibitada, Sureer oo ku soo rogaal celisay ayaa habeenadaas u calaacashay Maxamed, inkastoo uu ka diiday haddana kama harin inay dhinac walba ka marto.

 

La soco. ……..30aad.

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.