SIRTA NOLOSHA Sheeko taxane ah Q.30aad W/Q Ahmed Hayow (Dulmidiid)

Ayadoo muda bil ah ay ka harsan tahay xiritaanki Sanad Dugsiyeedka 1979/80 oo ay soo dhawaatay fasaxi la siin lahaa ardayda leh imtixaanaadka kama dambeysta ah, sida fasalada 8aad iyo 4aad ee dugsiyada dhexe iyo sare, ayuu Xasan soo maray guriga Busaad si ay isu raacaan, waxaa albaabka uga hortimid habaryar Sureer oo ku tiri: “Busaad maanta mabexeeyso oo waa xanuunsan tahay” markuu damcay inuu gudaha u galo guriga ayay Sureer ku tiri: “way jiiftaa ee markale u imoow” Xasan wuu isaga tegay, maalintaasna Ciise ayaa dugsiga dhowr goor ku waydiiyay Busaad waxa ku dhacay iyo inuu gurigooda soo maray, Xasana wax tixgelin ah masiin su’aalaha Ciise oo uu ogyahay inuu Busaad jecel yahay, laakiin ay ku booday xataa asagoo maqlaayana ay habeen ku tiri: “sheeko shukaansi meesha mataalo saaxiib, kuma rabo haddii aan ku irina micneheedu waa kuma rabo mar walba” si kasta uu ugu mashquulay Ciise inuu ka baaro Xasan inuu wax ka ogyahay waxay Busaad u maqan tahay, haddana waxba kama helin ilaa uu marki ugu dambeeysay Xasan ku yiri: “Ciise intaad albaabka dugsiga ka baxdo oo tagto guriga Busaad, waxaad waydiisaa waxa ku dhacay, waayoo aniga inay xanuusan tahay, islamarkaana ay jiifto ayaa la ii sheegay ee mar kale ha i waydiin” Ciise waxbuu ogyahay manarabo waxa jira inuu tafaasiil ka siiyo Xasan, balse wuxuu rabay inuu ogaado miino uu saaka ku aasay guriga reer Saxardiid inay qaraxday iyo in kale, sababta uu su’aalaha ugu soo celcelinaayo Xasana waxay tahay, inuu ka ogaado haddii aanay qarxin miinada cidda ka saartay qarxisada, balse markuu ku qanci waayay jawaabaha uu Xasan ka siiyay su’aalaha faraha badan ee uu waydiiyay, wejigiisana ka fahmi waayay dhiilo, ayuu qaatay fekradi uu Xasan u soo jeediyay oo aheyd inuu aado guriga Reer Saxardiid, sidaa daraadeed wakhtigi quraacda ayuu Ciise isaga tegay dugsiga, gurigiisa markuu tagay, intuu dharki dugsiga iska dhigay ayuu aaday guriga reer Saxardiid, albaabka markuu ka soo galay ayay Kab dacas ah ka hor keentay Busaad, kana soo eriday gurigooda, Hooyo Basra ayaa kala qabatay si uu Ciise uga baxo si nabad ah, Busaadna waxay Ciise ka daba geeysay hadal ah: “haddii aad mardambe ila hadasho adigaa ka masuul ah wixii meeshaas ka dhaca, xataa ima salaami kartid”.

Xasan markuu dugsigi ka soo baxay, wuxuu soo abaaray guriga reer Saxardiid, markuu albaabka soo istaagayna wuxuu arkay sawir aan weligiis ka bexeeynin maskaxdiisa, sawirkaas oo ah [Busaad oo hor taagan Aabe Saxardiid oo kursijiif ku fadhiya, ayadoo ilmeeyneeysa oo leh: “Wallaahi Aabe waa been) Sureer waxay agtaagneyd hooyo Basra oo surfiyad dabka u saaran babineeysa, Suleymaan iyo Cabdiqanina waxay ku fadhiyeen kuraas deyrka taalay,Yoonisna deyrka dhexdiisa ayuu socsocday] reerku markay Xasan arkeen, ayaa lawada aamusay oo la soo wada fiiriyay, Xasana waxaa galay dareen ah inaanu jawigu fiicneyn, markaas ayuu salaamay Aabe Saxardiid iyo reerka intooda kale, kadib ayuu Busaad ku yiri: “sideed xanuunki ka noqotay hadda?” markay Busaad ku tiri: “waa fiicanahay” ayuu Xasan gadaal iskaga laabtay asagoo aan cidna u yeeran sidi caadada u aheyn reerka aan cidna sooceshan.

Sida howlaha reer Xuseen ay caadiga ugu soo noqdeen, Eedo Xabiibo ayaa diyaarinta adeegyada Biibitada kala wareegtay hooyo Khadiijo, waxayna iska daysay caanihi ay ku gadi jirtay suuqa siigaale, sidaa ay tahayna waxay reer Xuseen u qoreen saami ay ku leedahay badeecada ay u sameyso Biibitada, saamigaas oo uga badan wixi ay ka heli jirtay dhiisha caanaha ah oo ay ka qaadan jirtay islaamaha Abakaareeyda ah oo caanaha ka keena deegaanada ku xeeran magaalada, Eedo Xabiibo faa’iidada kale ay haysato ayaa ah inay carruurteeda lajoogto oo ay shaqadeedu tahay gurigeeda dhexdiisa, midda kalana waxay tahay wiilkeeda oo subax walba shaqo u jarmaada, galabti inta badana guriga yimaada asagoo sida hilib laga soo gaday kawaanka Xamar weyne, Cabdi Taano waxaa tababay Aabe Xuseen oo intuu wax baranaayay ku tarbiyeeyay inuu reerka u sii qaado bac ay ku jiraan, Cabdina wuxuu arkay siday hadiyadaas saameyn ugu yeelatay reerkiisa, wuxuu arkay hooyadiis oo gacanta ugu tufeysa ayadoo dheheysa: “ilaaheey wax kheyr qabo gacantaada hasoo geliyo” Cabdi waxaa kale uu arkay siday walaalihiis ugu farxaayaan, markuu u keeno Qaro, Cambe, Zaytuun, Isbaandheys iwm, wuxuuna dareemay inuu hadda cagta saaray wadadi uu masuulka ugu noqonlahaa reerkiisa.

Caasha markay ku laabatay shaqadeedi habeenimo, waxaa Caydaruus u soo laabtay fursadiisi qaaliga aheyd, fursadaas oo keentay inuu Caasha waydiiyo fekerka ay ka qabto taariikhdiisa uu uga sheekeeyay iyo siduu isu baray qofka uu yahay, Caasha ayaa ku tiri: “sheekada aad ii sheegtay waa sheeko qoyskaaga ku saabsan, Allaha u naxariisto Aabahaa iyo walaalkaa, fekerka aan ka qabana waxay tahay inay ahaayeen geesiyaal u dhintay Dadkooda, Dalkooda iyo Diintooda, balse adiga waan ku arkaa inaad buugaag sidato iyo inaad cagaarka cunto” markaa ayay Caasha qososhay, Caydaruus ayaa yiri: “qaadka waxaan cunaa habeenka jimcaha, waana iska dhaafi karaa haddii aad igu tiraahdo iska dhaaf, midda waxbarashana mar dhow ayaad arkidoontaa shahaadadeyda hadduu Rabbi idmo, balse su’aasheydu waxay tahay, dad ehel ii ah oo aan aqaano majiraan, ha ahaado Adeer ama Abti, waxaana ahay nin go’doonsan oo kaligiis ah, waana taa sababta aan isu kaa baraayay, haddaba sidee ii aragtaa qof ahaan?” Caasha ayaa tiri: “qof dhulka laga helay miyaa tahay? waa maya jawaabtu, waayoo waxaad leedahay Aabe iyo Hooyo ku dhaleen, taas ayaana markhaati kuu ah oo kugu filan, mana jirto sabab aad u go’doonsan tahay ama isugu aragto inaad go’doonsan tahay” Caydaruus oo ay raja geliyeen hadalada Caasha ayaa yiri: “maxaad ka qabtaa inaan ka dhabeeyo kaftankeeygi ahaa waxaan ku waydiistay hooyo, waana ikaa siisay?” Caasha ayaa tiri: “middaa waxaa ka horeysa inaad marka hore reerkeeyga isbartid oo ayagoo ku yaqaanaan aad iga doonatid” Caydaruus oo ku farxay jawaabtaas ayaa ka ballan qaaday inuu maro wadada ay Caasha tiri ii soo mar, markaa ayuu ku yiri: “ma waalidkaa ayaan isbaraa? mise walaalahaa?” Caasha ayaa ugu jawaabtay: “waalidka waxaa ugu weyn Aabe, walaalahana Maxamed” markaa ayuu Caydaruus doortay inuu Macalin Maxamed kala sheekeysto arrimihiisa.

 

La soco. ………31aad.

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.