SIRTA NOLOSHA Sheeko taxane ah Q.31aad W/Q Ahmed Hayow (Dulmidiid)

Xasan(3x) isbedel aanu jecleysan oo ula muuqday weji gabax ayuu la soo kulmay, wuxuuna qaatay inuu ka warsugo shakiga galay intuu ka soo kala cadaanaayo, galabtaas kama soo bixin gurigooda, ilaa maqribki cid guriga ugu timid oo ka soo wardoontayna majirin, Busaad weligiis uma tebin sida uu hadda ugu baahday inuu arko, mar wuxuu isyiraahdaa: (malaha way xanuunsan tahay, mana awoodo inay guriga ka soo baxdo) marna wuxuu isyiraahdaa: (wejigi aad aragtay uma ekeyn mid xanuun uga maqnaaday dugsiga, muuqaalka reerkana ma fiicneyn ee ka warsug) markuu dhulku madoobaaday, ayuu Xasan ka soo baxay gurigooda, wuxuuna soo fiiriyay dhanka guriga reer Saxardiid, wuxuu arkay Busaad oo kaligeed fadhida derbi bannaanka gurigooda, Busaad intay soo qabeeysatay oo ka soo nafistay buuqi ku furnaa maanta oo dhan ayay soo fadhiisatay derbiga ay ku sheekeysan jireen Xasan, markuu u soo dhaqaaqay dhankeeda ayay salka ku xajisatay derbiga, waayoo waxay islaheyd intaad kacdo u yeer 3x haddii uu dhankaaga soo aadin, sababta oo ah waxay kala ogeyn inuu Xasan ogyahay waxa dhacay iyo in kale, markuu Xasan u yimid ayuu ku yiri: “sidee maanta laguu qabtay?” Busaad oo aan garan wuxuu ula jeedo qabashada ayaa tiri: “qabasho sidee ah?” Xasan ayaa ku yiri: “halkee ku xanuuntay? ileyn inaad xanuunsan tahay ayaa saaka la ii sheegaye” markaa kadib ayuu ag fadhiistay, Busaad ayaa waydiisay: “ma maqal waxa dhacay?” Xasan oo yaaban ayaa yiri: “maxaa dhacay?” waxay ku tiri: “saaka markay wiilasheenu orodka ka yimaadeen, ayuu Cabdiqani feer igula soo booday, waxaa iga celiyeen Suleymaan iyo Hooyo” Busaad intay aamustay ayay sii waday hadalki: “Ciise ayaa wuxuu u soo sheegay waxaan jirin oo maanta oo dhan aan la ooynaayay” Xasan waxaa u shidantay cajalad ah su’aalihi saaka Ciise weeydiinaayay iyo muuqaalka uu duhurnimadi markuu guriga Busaad soo gelay uu kala kulmay reer Saxardiid, Busaad ayaa soo fiirisay Xasan oo fekeraaya, markaas ayay ku tiri: “walaal Xasan, wax been ah ayuu Ciise naga sheegay, haddana waa la ogaaday beentiisa, maanta oo dhanna waxaan u haaystay inaad sheekadaas ogtahay” Xasan oo aan weli hadlin ayay Busaad tiri: “3x maxaa ku helay? maad ila hadashid!” Xasan ayaa yiri: “warkaa ma maqal hadda ka hor, laakiin waan dareemay maanta duhurki markaan gurigiina soo galay inuu jawigu fiicneyn” Busaad ayaa tiri: “maxaad gadaal ugu laabatay oo aad hore ugu soo geli wayday?” Xasan ayaa yiri: “weji furan iima muuqan, laakiin haddii aan ogahay waxa aad hadda ii sheegtay, waxay ahaan laheyd inaan imaanin ama gudaha intaan si fiican u soo galo inaan isdifaaco” Busaad ayaa tiri: “waa runtaa, laakiin midka dambe oo ah inaad isdifaacdo ayaa fiican, haddana waa dhammaatay oo anigaa naga difaacay beenti Ciise sheegay” Xasan ayaa yiri: “marki aad Aabahaa hor taagneyn oo aad laheyd: (Wallaahi Aabe waa beentiis) ma eedeynta ayaad iska difaaceeysay?” Busaad intay qososhay ayay tiri: “eedeynta ayaan naga difaacaayay, soow sax maaha?”.

Waxaa guruga ka soo baxday Habaryar Sureer oo magaalada u socota, markaa ayay Busaad istaagtay si ay u soo qaadato garbasaar weyn oo qaboowga ka celiya, Sureerna intay Xasan salaantay ayay ku tiri: “wiil fiican ayaad tahay, waayoo Busaad maanta waxaa laga goyn lahaa qoorta, haddii uu run noqon lahaa warki Ciise soo sheegay” Xasan oo ka naxay warka Sureer ayaa yiri: “sababta qoorta looga gooynaayo maxay tahay?” Sureer ayaa ka gaarsiisay: “Aabe Saxardiid wuu ka xanaaqay arrintaas oo wuxuu yiri {haddii uu wiilkaas xun gabadheyda kula kacay waxaas, qoorta ayaan ka jaraa} laakiin markaan soo ogaanay Aniga iyo hooyo Basra inay been tahay, ayuu midida dhulka iska dhigay, wuxuu yiri: (uma rabo gabadhayda wiil ay dhashay islaan muufo dubto iyo wax lamid ah)” markay Sureer ku dhufatay dharbaaxooyinkaas qalbiga Xasan Xuseen ayay iskaga dhaqaaqday, Busaad markay soo baxdayna fadhigi uguma soo laaban 3x, gurigooda markay ka raadisana kama soo helin.

Xasan Xuseen wuxuu subaxaas ku toosay dhawaaqa dhabcanta guri deriskooda ah ay ku salaaxeeysay Islaanta carshaanta ka xaarisa xaafadooda ee loo yaqaan Faameey, islaantaas oo ah naag saf loogu jiro oo sida lagu helaa ay adagtahay, waxay dadku ka aaminsan yihiin inay Faameey si fiican u taqaano sida laysugu qiyaaso ciida iyo dhabcanta leysku daraayo, waxaana la yiraahdaa (Faameey gurigi ay xaariso wuu ka fiican yahay guriyaha ay xaariyaan Islaamaha kale) waxaana dhacda guryaha carshaanta ah ee la’iibinaayo, in lagu xayaysiiyo Faameey ayaa xaarisay, si loogu kalsoonaado cimriga guriga, Xasan wuxuu ka soo kacay Sariirti Birta aheyd oo joodariga Qumbaha ah uu saarnaa, asagoo aad moodid inay laf walba jaban tahay oo aan istaagi karin, wuxuu qaadan la’ yahay hadalki uu xalay maqribki ka maqlay Busaad habaryarteed.

 

 

La soco. ………….32aad.

SHEEKOOYIN