SIRTA NOLOSHA Sheeko taxane ah Q.33aad W/Q Ahmed Hayow (Dulmidiid)

Subaxdi labaad Busaad intay ka hormartay ayay Xasan ku sugtay albaabka dugsiga laga galo, Xasan oo filanaynin ayaa arkay Busaad oo hortaagan, markay ishoryimaadeen ayay ku tiri: “walaal Xasan maxaa ku helay oo aad noo gooysay?” Xasan ayaa yiri: “inaan dhib dambe kuu keenin ayaan go’aansaday” Busaad ayaa ku tiri: “wax dhib ah oo aad ii keentay majiraan, waxaa nagala sheegay war been ah, dib dambana cid u aaminaysa majirto, wararka nuucaas oo kale ah” Xasan ayaa yiri: “waxaan jecleystay inaan been dambe nagala sheegin” Busaad ayaa waydiisay: “ma i aamineeysid miyaa? reerkeena oo dhan way ka xun yihiin inaad noo imaanweydo oo aad nooga maqnaato beenti uu Ciise sheegay” Xasan ayaa ka dhaqaaqay oo gudaha ka galay Busaad oo hadleeysa, laakiin Busaad kama quusan, sababtoo ah waxay u qaadatay inuu Xasan weli u baahan yahay wakhti uu ku illoobo beenti laga sheegay, waxaa ayada lafteeda la xumaaday markay dib u xasuustay Ciise beentuu ka sheegay.

Xasan go’aan adag ayuu ka gaaray inuu tago guriga reer Saxardiid, maadaama uu tusay Busaad heerka uu ka taagan yahay inuu gurigooda tago, wuxuu u qaatay inuu u baahnayn inuu iska qariyo ama ka wareego halka ay degan yihiin, sidaa draadeed ayay Busaad aragtay asagoo ka sii baxaaya gurigooda, wuxuuna u dhaqaaqay dhanka gurigooda soo xigo maahine dhanka kale, Busaad intay ka daba baxday ayay u yeertay: “Xasan…Xasan….walaal Xasan wax yar ii istaag” markuu istaagay wuxuu arkay inay u soo diyaar garoobin bixid oo ay wadato dharki ay ku joogi jirtay guriga iyo agagaarkiisa, markay agtiisa timid ayay waydiisay: “Xasan weli macareeysan tahay?” wuxuu ugu jawaabay: “caro sidee ah?” Busaad ayaa u sheegtay: “markaan maanta dugsiga ka imid, waxaan lahadlay Hooyo iyo Suleymaan oo ayagana ka careeysan beenti Ciise naga sheegay ilaa intaad ka careeysan tahay ayay kaala mid yihiin” waxay sii raacisay: “waxaan u sheegay inaad caro aawgeed la soo geli la’dahay gurigeena, Suleymaan ayaa igu yiri: (Xasan xaq buu u leeyahay inuu arrintaa ka caroodo, waayo waa wiil daacad ah, anigana waan ka caroon lahaa in laygu sheego wax aan sameyn)” Xasan ayaa yiri: “Suleymaan waa runtiis, anigana lagama yaabo inaan dib dambe gurigiina u soo galo” Busaad way ka naxday hadalkaas markaa ayay tiri: “Xasan walaal, muxuu reerkeenu kaa haleeyay? waxaa reerka loo sheegay waxaan jirin, taas ayaana shakiga keentay, waxayna u qaateen inay wax ka jiraan, kadib markay Habaryar Sureer tiri: (habeen walba waxaan magaalada ka imaanaayay iyagoo kaligood isla fadhiya) taas ayaana keentay in loo qaato inay suurtagal tahay waxa nagala sheegay” Xasan ayaa yiri: “inuu shaki dambe imaanin waa waxa aan u gooynaayo gurigiina, mana rabo in qoorta lagaa gooyo” Busaad ayaa la soo booday: “yaa qoorta iga gooynaayo?” Xasan ayaa ku yiri: “Aabahaa soow kuma dhihin haddii ay run noqdaan waxa la sheegaayo qoorta ayaan kaa gooynaa, haddii uu faraxumeeyay wiil Hooyadiis muufo dubto, gabadheeyda uma ogoli reerkaas saboolka” Busaad oo anfariirtay ayaa tiri: “yaa waxaas kuu sheegay?” Xasan ayaa yiri: “iska daa cidda ii sheegtay, laakiin wuxuu amaan noogu jiraa inaan ku kulano dugsiga oo kali ah, waayoo arday badan ayaa joogaan” Busaad oo dhakafaarsan ayuu Xasan ka dhaqaaqay asagoo leh: “meel ayaan u socdaahe iga raali noqo”.

Busaad intay gurigooda tagtay ayay caro kala dul dhacday Habaryar Sureer oo ku inkirtay inay hadalkaas u sheegtay Xasan, Busaad ayaa cadeyn u keentay oo tiri: “Xasan duhurti markuu noo soo gelaayay war uma hayn waxa dhacay, xataa galabki markuu ii yimid ma ogeyn oo anigaa u sheegay beenta nagala sheegay, asagoo caadi ka ah ayaan gudaha guriga ka galay adigoo oo la joogta, markaan soo laabtayna Xasan maba joogin, taas ayaa cadeyn u ah inaad u sheegtay” waxaa garta soo galay Cabdiqani oo yiri: “runta ay sheegtay Sureer miyaad diideeysaa?” Hooyo Basra ayaa tiri: “haddii ay Sureer sheegtay iyo haddi kalaba, ma aheyn in warkaas oo kale loo sheego dadka inaga koreeya, ha ahaado Xasan ama cid kalee” Busaad ayaa tiri: “Xasan walaalkeey ayuu ahaa, waxbaan wada baran jirnay, hadda cuqdad ayaa ka gashay gurigeena, dib dambana u soo gelimaayo ayuu igu yiri, dabkaasna waxaa shiday Sureer” walaalkeed Cabdiqani ayaa yiri “Xasan haddii aanu gurigeena soo gelin, maxaa kaa halaabaayo?” Busaad ayaa tiri: “Hooyo wiilkaan iga aamusi” Cabdiqani intuu xanaaqay ayuu u istaagay inuu walaashii dilo, laakiin waa laga qabtay wuxuuna yiri: “maxay ka qiimeeyneeysaa haddii uu diiday inuu gurigeena soo galo” Suleymaan ayaa yiri: “Xasan waa laga gardaran yahay, waayoo beenbaa laga sheegay, wuxuuna xaq u leeyahay in laga raaligeliyo shakiga beenta ah” waxaa hadalki ka daftay Hooyo Basra oo tiri: “Xasan inuu guriga soo galo iyo inkale, waxaa ka muhiimsan hadalka loo sheegay, haddii aan loosheegi laheyn xaalku halkan magaareen” Busaad ayaa tiri: “hooyadeey waa runteed, Suleymaana waa runtiis, midka u baahan in laga raaligeliyo Xasan, waa hadalki ay Sureer u sheegtay” Cabdiqani ayaa yiri: “yaa ka soo raaligelinaaya? ma Aabe ayaad leedahay ka soo raaligeli? ileyn cidda hadalkaa tiri waa Aabee?” Busaad waxay meesha ka joogi wayday walaalkeed, markaa intay garbasaarta wejiga saaratay ayay qolkeeda iska gashay.

Xasan wuxuu hore reerka ugu sheegay inay jimcaha imaanaayaan Deeqa iyo Mulki, maalintaana ay reerka marti u yihiin, sidaa daraadeed ayay hooyo Khadiijo ugu dirtay adeega loo baahan yahay maalintaas, asagana wuxuu rabay inuu u tago Mulki si uu ugu adkeeyo ballanta jimcaha oo ay ka harsan tahay berri oo kali ah, marka hore wuxuu aaday Mulki oo uu gurigeeda tegay ayadoo maqan, hooyo Mako oo ay gabadheeda u sheegtay arrimaha martiqaadka iyo inuu qorshuhu yahay inay Macalinkooda soo raaligeliyaan, ayaa Xasan ku tiri: “Mulki waxay aaday guriga saaxiibteed Deeqa Bashiir” Xasan ayaa yiri: “hooyo waxaad u sheegtaa inaan u imid, waxaa lay dhahaa Xasan Xuseen, waxaana ladhashay Macalinkooda Maxamed” hooyo Mako ayaa ku tiri: “Mulki ayaa wax walba ii sheegtay, reer fiican inaad tihiina waan ogahay oo hooyadaa Khadiijo ayaan isbaranay maalmihi ay lajoogtay islaanta xanuunsaneyd, laakiin Eedo maad ka sii martid guriga Deeqa Bashiir?” Xasan ayaa yiri: “Eedo ma’aano guriga Deeqa, balse wax dhib ah majiraan, waxaana rabay inaan Mulki ku adkeeyo ballanta, ayadana ay Deeqa ku adkeyso” hooyo Mako ayaa Xasan ku tiri: “sug waxaan kugu daraa wiil ku geeya guriga reer Bashiir” markaa ayay wacday Mulki walaalkeed Faysal Cilmi oo ay hooyo Mako u dhashay nin guursaday kadib markay kala tageen Mulki Aabaheed Xaaji Maxamed Hilowle, waxaa guriga iska raacay Faysal iyo Xasan oo markii lageeyay guriga uu Faysal ka soo laabtay.

 

La soco. ………34aad.

SHEEKOOYIN