Siyaasiga Qarsoon. W/Q. Ahmed Hayow

quotescover-JPG-36

Haddii aad aragto qof ku guuleystay doorasho madaxnimo, waxaad xasuusnaataa inuu jiro siyaasi qarsoon oo dadaal ku bixiyay guushaas.

David Axelrod waa nin ku takhasusay u ololeynta musharixiinta, wuxuuna weligii ku taami jiray inuu qof ku taageero siduu ku noqon lahaa madaxweynaha Mareykanka.

Asagoo 13 jir ah ayuu ka mid ahaa dadki u ololeeynaayay Robert F. Kennedy, jeceylka uu hiwaayadiisa u qabayna waxay gaarsiisay inuu ka soo qalin jebiyo University of Chicago, wuxuuna soo bartay political science.

1984ki wuxuu ka mid ahaa kooxdi u ololeyneysay Paul Simon, wuxuu ku billaabay booska ah (communication director) is gaarsiinta, usbuucyo ka dibna wuxuu u dallacay (co-campaign manager) kuxigaha hogaamiyaha ololaha.

1987 wuxuu u ololeeyay soo laabashada Harold Washington oo ahaa duq magaalihi ugu horeeyay oo madow ah, kaasoo (mayor) duq magaalo ka ahaa Chicago.

Wixii markaa ka dambeeyay, wuxuu Axelrod billaabay inuu la shaqeeyo dadka African American ka ah, wuxuuna ku guuleystay duq magaalayaal badan oo madoow ahaa, Dennis Archer oo noqday duqa magaalada Detroit, Michael R.White oo Cleveland ka noqday duqa magaalada, Anthony A. Williams duqa magaalada Washington Dc, Lee P. Brown oo Houston ka noqday iyo John F. Street oo Philadelphia ka noqday duq magaalada.

2004ki Axelrod wuxuu ka mid ahaa dadki u ololeeynaayay John Edwards, wuxuuna ku guuldareystay fidinta dacaayadaha, laakiin wuxuu u sii joogay inuu afhayeen u sii ahaado, Edwards wuu ku guuldareystay inuu Democratic u noqdo musharax, kadib Axelrod wuxuu 2006 ka mid ahaa hogaamiyeyaashi u ololeeyay inay demoqaraadigu 31 kursi oo dheeri ah ka helaan aqalka hoose ee mareykanka.

Obama iyo Axelrod waxay is barteen 1992 laakiin ma aanay jirin wax dhexmay oo dhaafsiisan gobalka Illinois iyo magaalada Chicago inay isku mowqif ka ahaayeen, inkastoo uu Obama kala tashaday mowqifka uu 2002 ka istaagay dagaalki Bush ku qaaday Ciraaq, markuu Obama isi sharaxay 2007ki wuxuu ka mid ahaa musharixiinti dimoqaraadiga ahaa oo soo dalbaday Axelrod inuu u noqdo campaign manager, waxaa kale oo soo dalbaday Hillary Rodham Clinton, John Edwards, Chris Dodd iyo Tom Vilsack, codsiyadaas waxaa ugu adkaa midka Hillary Clinton, sababta oo ah waxay ku xirneyd Axelrod xaaskiisa iyo hooyadeed, waayoo waxay Hillary u soo aruuriyay lacago tabarucaad ah oo ku baxaysay mashruuc loo yaqaanay (epilepsy cure) sababta oo ah Axelrod gabadhiisa curadda ah ayaa cudurkaas ku dhalatay, xaaskiisana waxay aaminsaneyd inay Hillary ku dadaaleyso sidi xal loogu heli lahaa cudurka epilepsy, waxayna afka Hillary ka maqashay 1999 inay la dagaalameyso cudurkaas carruurta ku dhaca.

Axelrod wuxuu go’aansaday inuu ka mid noqdo Obama campaign, wareysi uu siiyay joornaalka Washington post ayuu ku yiri “waxaan ku fekeray haddii aan Obama geeyo white house, inaan dhammeystiray wax nafteeyda qaali ku ahaa”.

Siyaasada ay Hillary ku tartameysay waxay aheyd waaya’aragnimo (experience) waayoo aqalka cad ayay joogtay 8 sanadood oo uu Bill Clinton madaxweynaha ahaa, taasoo ah awooda kaliya oo ay u sheeganeysay musharixiinti kula tartamaayay musharaxa xisbiga.

Axelrod wuxuu ku fekeray inuu ka horgeeyo siyaasad ah (change) wuxuuna Hillary iyo waaya’aragnimadeedi uu ka yiri: “aqlka cas oo ay Hillary sheeganeyso inay sanado dhex joogtay ayaa ah mid isbeddel u baahan (change)” taasina waxay keentay inuu Obama ku guuleysto gobalki ugu horeeyay oo ah Iowa caucuses, halkaana waxaa ka billoowday sawaxanka (change we believe in) oo ah dhaqdhaqaaq isbeddeldoon.

Labada hab ee ay gobalada Mareykanku wax u doortaan oo kala ah Primary iyo Caucus, wuxuu Obama ku guuleystay Caucus states oo dhan, kuwaasoo ay Hillary siinin wax muhiimad ah, gobaladi ahaa primary states wuu la qeybsaday Hillary, waana sababta uu ugu gudbay final election ka ilaa uu white house ka gaaro.

David Axelrod wuxuu dadka Mareykanka ka geday inuu nin madoow madaxweyne gaarsiiyo, inkastoo Obama laftiisu uu dadaalay, haddana waxaan qormadaan ugu tala galay, dadka aan ogeyn inaan u sheego jiritaanka siyaasiga qarsoon, balse aanay siyaasadu wada aheyn hogaanka fulinta, hogaanka sharci dejinta iyo hogaanka sharciga oo kali ah.

Campaign manager waa ninka haga siyaasada musharaxa, waa nin la socda guuxa shacabka iyo dareenkooda, waa nin musharaxa u sheega meelaha looga baahan yahay inuu dadweynaha kala hadlo iyo wax qabadyada uu u ballan qaadaayo dadweynaha.

Campaign manager waa ninka musharaxa u sheegaayo dhaliilaha kuwa tartanka kula jira, waana ninka u koontaroola musharaxa dhaliilaha uu soo qaadanaayo iyo kuwa aanu soo qaadaneyn, waa nin geli kara doodaha telefeshinada iyo raadiyaasha, kana jawaabi kara su’aalaha la waydiiyo, jawaabahaas oo aan keeneynin kala aragti duwanaan asaga iyo musharaxa ah, inta aan soo sheegay iyo in la mid ah ayuu leeyahay campaign manager, ninka uu soo saaray wuxuu inta badan u noqdaa political adviser, sidaa daraadeed ayuu Axelrod u noqday Obama senior adviser, laga billaabo January 20 2009 oo ah maalinta uu xukunka la wareegay Obama, ilaa iyo dhammaadki 2011 oo uu uga tegay inuu ka soo shaqeeyo soo laabashada Obama 2012 campaign.

 

 

SHEEKOOYIN