Socdaalkaygii Hargaysa W/Q: Ibraahim Maxamed Sheekh

 

    Socdaalkaygii Hargaysa

                        “ Riyo ii rumoowdey”

Dareen farxad leh baa i galay marki aan ogaaday in aan safar u galaayo magaalada Hargeysa aniga oo safar shaqa ku tagi rabay,  magaalada Hargaysa taariikh markii ahayd ayaan u safray 04/03/2017 maalinimo sabti ah goor sheegtada ay ku beegnayd 11:10pm ayaa ka duulay garoonka Aadan Cabdulle Cusmaan ee gagida diyaaradaha ee Mogadishu, waxaa igu wehliyay saddex qof kale oo aan shaqa wadaag ahayn.

Inta aan hawada ku jirney waxaan dhararey inaan mar qura is dhex taago Hargeysa harwanaag, intii iigu raagsiga badnayd, waxaa ka dagnay  magaalada 12:40pm gagida Cigaal international airport ee Hargaysa, durbadiiba farriin soo dhawayn ah noo soo dhacday inta hawada kusii jirnay oo ahayd sida tan” Ku soo dhawoow shirkada Telesom.Waxaad ku isticmaali kartaa halkan Dhammaan Adeegyada Asaasiga ah ee

Telesom.  Qiimaha wicitaanka gudaha = $0.036 /Daqiiqadi , Qiimaha Dibadda =$0.24/daqiiqadi, Qiimaha SMS gudaha =$0.03, Qiimaha SMS dibadda = $0.15 wixii caawimo ah fadlan  la xariir 141″, waxa ahayd farriin qoraal na farxad galiyay kana jawabaysay inaa heli karno adeeg isgaarsiinayd oo la mid ah midkaan Muqdishu kaga soo tagnay,waxa usoo gudubnay inaa soo galnay qayb u qaabilsan laanta socdaalkaa ee Somaliland waxaa na waydiyay meesha u socono waana u sheegnay ka dib sharciyo na looga baahnaa inaa buuxino $15 lacag qidmada dadka soo galo laga qaadana aan dhiibay, intiiba waa marnay waxaa usoo gudubnay inaa sii galno magaalada oo Hotelkii naloo diyaariyay aan dagnay.

Waxuu i ahaa safar farxad aan ku dareemay waxaa wacday asxaab aan hore u aqaanay si magaalada la iigu soo wareejiyo, habeenkiiba waxaa bilaabay damashaad iyo ina ku dhex socdo magaalada bartana qaybahayda kala duwan.Hargaysa waa magaalada wayna waxayna caasimad u tahay somaliland waa magaalo ku hareeraysan buuro aad u qurux badan, waxa ka kooban tahay siddeed degmo, wa aw waagii hore waxa ay ahayd shan degmo inta ay kobocdayna sedex ayaa ku soo kordhay, degmooyinkuna waa sida tan oo kale –

 

1.Ahmed Dhagax.

  • Siinaay
  • Badhka
  • Octobar
  • Isha boorame.

2.maxamed mooge

  • Jarato
  • Jungal
  • Dhagax barkato
  • Gol-waraabe

3.Maxamuud Haybe

  • Qurac-dheere
  • Calaamada
  • Masalaha
  • Libaaxyada
  • Kaalinta sideedaa(gacanta).
  • Laanta hawada
  • Jameeca wayn
  • Gadar
  • Beeraha

4.Maroodi jeex

  • Suuqa
  • New hargeysa
  • Baar waraabe.

 

5.Koodbuur

6.26 Jun

7. Macalin Haaruun

8. 18May

Magaalada mug wayn maqaamka sare ku leh gayiga soomaali oo dhan xadaarad fog iyo sooyaal dheer ku leh guud ahaan soomaaliya gaar ahaan gobollada waqooyi, waxay dadkooda ku xeel dheeryihiin aqris iyo qoraalka afka soomaaliga, ilaalinta dhaqanka.Hargaysa waa magaalo ganacsi loogana adeegto soomaaliya qaybahayda kala duwan, aad u samaynayso kobac dhaqaale, dhismo iyo horumar dhan walbo ah.

waa magaalo nabadgelyadeedu 100% tahay waa arkaysaa ciidamada ilaalada noocayadooda kale duwan wax baqdin ah kama jirto, dadka iyo dowladda kalama soocna gaadiid ahaan iyo shacab ahaanba, waxaa ku arkaysaa magaalada dhexdeeda dad caddaan ah oo dhex lugayna, Hotellada kama jiro cabsi amaan ama qatar badan oo laaga baqaayo, dadkuna kalsooni ayey ku damashaadan.

Sida aan u barto dhaqan bulsha ahaan ayaa isku dayey in aan samayo dhexgalka bulshada, waxaa dhowr mar raacay gaadiidka dadwaynaha Hargeysa waxaa gaadiid dadwaynaha u ah basaska waa wayna oo 30 qaadka ah iyo illaa 35 kursi, waxayna kala lee yihiin xarumo laga raro xaafad xaafad iyo degmo degmo, aniga inta badan waxa u raaci jiray xaafadda Jigjiga yar, inta aad saaran tahay baska ma arkaysid qof la hadla qof kale lacag lagu raacana waa mid la yaqaan oo la jaan gooyay waana 1500 Sh SL (kun iyo shan boqol oo Shilin somaliland ah). 1dollar sar ahaa wuxuu ahaa markaas 7,000 Sh SL(Toddoba kun Shillin Somaliland ah). lacagtaas waa la isku soo dardaraa saf saf ilaa wadaha gaariga lagu keeno ayada oo dhan halkaas waxaa ka dareemaysaa in ay jirto aaminaad, waxaa kale jirto in dhaqanka dirrawallada gaadiidka nooc walbo ay tahay aad ku arkay dhaqan ixtiraam, gaari baa istaagay wado marar badan aniga oo saaran gaari ka dambeyo arkay in asaga mari karo haddana aanu haadka qaladan u gudbayn oo  sugaya in uu dhaqaaqo gaadhiga kale, si uu jaam u galin waddada waxaa laga yaaba in uu muddo sugo waddaha gaari dambe uu dulqaad sameeyo.

Dad ahaan waa dad martida jecel waqti badan la qaata in ay siiyaan,marti sooridda waa dad ku wacan;(Waxa igu maqaalo ah in hargeysa ay ka jirtay wax la yidhaa ku dulqadayn oo qofka aan wax haysan isaga oo aan cid wax waydiisan la odhan jiray hebel laba qof baa ku dulqadeeyey isaga oo aan garanayn xataa isaga oo aan waji garanayn, Hargeysi waa ta sidaa ku xusan) Waa bulsha kaftan badan aadan oo soo dhawayn fiican runtii ma ogaanaysid in aad ka maqantahay magaaladaad ku barbaartey.

Faras magaalada waxaa ku arkaysaa taalo leh muqaal diyaarad ciidan oo qaybta dambe ku sawiran calanka buluuga oo shan xidig ah, waxaa ku hoos qoran sidan “Xus oo xasuuso”.

 

W/Q: Ibraahim Maxamed Sheekh

SHEEKOOYIN