SOLOMON KALUSHI MAHLANGU | Cabdinaasir Xiddig

SOLOMON KALUSHI MAHLANGU

Waxaa qore Cabdinaasir Xiddig

“Waxaan doonaynaa madaxbannaani, taasi waa waxa kaliya ee aan doonayno. Madaxbannaani ay carruurtu wax ku baran karaan, dadku ay ku shaqaysan karaan, dalku uu ku hormari karo, intaas un baan doonaynaa. Anigu waxaan ahay un mid ka mid ah askarta gobonimo-u-dirirka, waxaa jiri doona kuwo badan oo gadaashayda kici doona. Ma jiri doono sharci, dawlad, booliis iyo millatari hor istaagi kara kacdoonka gobonimo-doonka. Waan dagaalami doonaa, dagaalkana waan wadaynaa, ilaa ay dadkeenna oo dhami ka xoroobayaan….”

Hadalkii ugu dambeeyay ee uu Naftii-hure Solomon Kalushi Mahlangu maxkamadda ka hor jeediyay intaan la daldalin.

Solomon Mahlangu, wuxuu ahaa geesi naftiisa u huray gobonimo-ku-noolaanshaha dadkiisa. Wuxuu ahaa halyay baal dahab ah ka galay sooyaalka halganka Koonfur Afrika iyo guud ahaan qaaraddeena Afrika. Wuxuu ahaa indheergarad da’ yar oo ay u cuntami waysay ku-hoos-noolaanshada calankii cunsuriyadda iyo kala sarraynta; iyo geesi dhimasho ka doortay noloshii liidatay ee uu ka dhaxlay awooweyaashiis.

Solomon Mahlangu, wuxuu 10kii Juulaay ee sanadkii 1956-dii ku dhashay magaalada Pretoria ee dalka Koonfur Afrika. Wuxuu ka soo jeeday qoys aad u sabool ahaa. Hooyadiis iyo aabbihiis waxay kala tageen asagoo yar, waxaana kaligeed soo korisay hooyadiis oo ahayd shaqaale hoose.

Solomon, wuxuu waligiisba dhibsan jiray noloshii liidatay ee ay dadkiisu ku noolaayeen iyo midabtakoorkii ku baahsanaa dalkiisa, wuxuuna doodda caynkaas ah bilaabay yaraantiisii. Wuxuu ku biiray dugsiga Mamelodi, kaasi oo uu uga haray fasalka 8aad. Wuxuu dabshidkii 1976-dii u goostay dalka Musanbiig, halkaasi oo uu uga biiray jabhaddii UMkhonto we Sizwe oo ahayd garabkii hubaysnaa ee ururka ANC (African National Congres). Wuxuu halkaas ku soo qaatay tababar dhanka ciidanka ah, wuxuu dalkiisa hooyo ee Koonfur Afrika ku soo laabtay sanadkii 1977-dii asagoo xambaarsanaa tababar jabhadnimo iyo nacayb uu u hayay maamulkii midabtakoorka ee dadkiisa cadaadiska ku hayay.

Solomon Kalushi Mahlangu, wuxuu gacanta u galay ciidankii booliiska Koonfur Afrika, waxaana xabsiga loo dhaadhiciyay asaga iyo qaar saaxiibadiisa ah, laguna soo oogay eed ku qotontay dil, isku-day dil iyo hub sharcidaro ah, taasi oo sababtay in Mahlangu 6-dii April ee 1979-kii maxkamadi ku xukunto dil daldalaad ah.

Waxaana Mahlangu oo 23 jir ah iyo kooxdiisii lagu daldalay magaalada Pretoria. Mahlangu, waxaa la xaqiijiyay in jirdil daran loogu gaystay xabsiga, jirkiisana ay ka muuqdeen dhaawacyo aad u xoogganaa oo intooda badan dhanka madaxa ka gaaray.

Solomon, wuxuu ka mid yahay dadka aadka loo xuso, laguna xusuusto gobonimo-doonka, waxaa ku faana, oo uu tusaale u yahay dhallinyara reer Koonfur Afrika ee jecel in dadkoodu ka baxaan xaaladda adag ee ay ka dhaxleen hannaankii ibliisiga ahaa ee midabtakoorka, kaasi oo ku xukumay dulli iyo saboolnimo.

Waxaa inta badan magiciisa iyo sawirkiisa laga dhax arkaa bannaanbaxyada looga soo horjeedo dawladda uu hoggaamiyo ururkii uu ka tirsanaa ee ANC, waxaa kaloo jirta hees caan ah oo lagu maamuusay halgame Solomon Kalushi Mahlangu, taasi oo ah mid qofkii dhagaysta dhax istaajinaysa maalmihii gobonimo-doonka Koonfur Afrika. Sidoo kale waxaa jirta taallo lagu maamuusay.

Waxaa xusid mudan in uu jiro filim aad loo daawaday oo laga sameeyay sooyaalka naftii-hure Solomon Kalushi Mahlangu, kaasi oo looga hadlayo xaaladihii kala dambeeyay ee ay soo martay taariikhdiisu, wuxuuna filinkaasi sawir guud ka bixiniyaa xaaladdii adkayd ee ay ku sugnaayeen dadka madawga ah ee reer Koonfur Afrika, qaab dhaqankii qallafsanaa ee ciidankii midabtakoorka iyo go’aanadii geesinimada lahaa ee ay qaadan jireen xibnihii ka tirsanaa uraradii gobonimo-doonka reer Koonfur Afrika, gaar ahaan garabkii hubaysnaa ee ANC ee UMkhonto we Sizwe.

Xigasho:

Barta YouTube:

SABC NEWS

ENCA NEWS

LE MISSENGER

AP ARCHIVE

ANC LEADS.

SHEEKOOYIN