Soo koobidda buugga Noloshii Sillooneyd 𝐖/𝐐: 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢𝐬𝐚𝐥𝐚𝐚𝐧 𝐌 𝐗𝐢𝐫𝐬𝐢

𝗦𝗼𝗼𝗸𝗼𝗼𝗯𝗶𝗱𝗮 𝗯𝘂𝘂𝗴𝗴𝗮 𝗡𝗼𝗹𝗼𝘀𝗵𝗶𝗶 𝗦𝗶𝗹𝗹𝗼𝗼𝗻𝗲𝘆𝗱

Waxaan akhriyay ammin fiicanna oo aan ku jiray, sidoo kalena, aan nasiino ku helay: buugga NOLOSHII SILLOONEYD. Waa buug aan akhrintiisa u hammuun qabay, aadna aan u raadin jiray nasiib wanaagse isoo gaaray! durbadii aan gacanta ku dhigayba akhrintiisa ayaan horey ka galay ma madlan dibna uma dhigan, maxaa yeelay, wuxuu ahaa mid aan xiiso gaar ah u qabay, nabdigana aan ku hayay inaan ka durduuran doono aqoon iyo ogaal fara badan, waxaan ka sugaagay buugga iyo aqoontii aan ku tuhmaayayba waa ka helay weliba filashadaydii in ka badan oo toban jibbaar ku noqon karta ayaa ka helay.

Buuggaas oo magaciisu yahay Noloshii Sillooneyd uuna qoray 𝐐𝐨𝐫𝐚𝐚: 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢𝐫𝐚𝐱𝐢𝐢𝐧 𝐇. 𝐆𝐚𝐥𝐚𝐲𝐫, waa buug ku qoran af-soomaali barax tiran, si miyir qabtana loo faafreebay, buuggu waxa uu ka soo baxay ama soo saartay: Aslida (Madbcada) Laashin, si qurux badan ayaa loo haaneediyay loona aslay, waxaana lagu dahaaray dahaar indho qabad leh, muuqaalka dahaarka buuggu waa mid aad ka dheehan kartid sida uu qoraagu xilka iskaga saaray soo dhowaynta akhristayaashiisa.

Sida maggaca buuggu muujinaayaba waxa uu buuggu ka hadlayaa nolol dhabanna hays ah oo ruux ku noolaa miley ka mid ah intuu ifka joogay, buuggu waxa uu soo gudbinayaa xaaladda uu ku sugnaa wiil yar oo Hooyo iyo Aabbe la’aan uu baday dagaalkii ka dhacay dalkeenna, wiil noolaa maalmihii dalkeennu ku jiray gulufka colaadda, waa buug si guud ugu soo bandhigaya bulshda mid walba gefkuu galay, buugga oo qaab sheeko maan curis ah u qoran, akhristihiisana ku jujuubaya in aadan ka dul kicin ilaa dhammaadkiisa gaaro, maxaa yeelay, sheekadu waa sheeko isku xiran oo aanan kala go’ lahayn.

Qacda hore markaad buugga iba furto ama aad baalashiisa billowdaba waxaa aad kuu soo jiidanaya af-soomaaliga baraxtiran ee hufan ee uu ku qoran yahay buuggu hab qoraalkiisa heerka sarreeya iyo sheekada xiisaheeda, waxaana ku dareen gelinaaya farshaxanka qoraagu u adeegsanayo tusaalooyinka uu bixinaayo iyo weliba hab gudbinta san ee qoraagu uga duwan yahay qorayaasha kale.

Intaad akhrinta buugga ku guda jirto qoraagu in badan ayuu kaa qoslinayaa , marar badanna waa kaa caraysiinayaa , mararka qaarna jilayaasha sheekada ayuu qaarna ku jeclaysiinayaa qaarna kula collaynayaa, dagaal aadan diyaar u ahayn ayaad galaysaa taageero aan is ogayn adoo koox u ah ayaa mararka qaar is arkaaysa, balse, qoraaga ayaa ilbiriqsi kasta dhan kuu jeedinaaya oo kugu hawlaya dhacdooyin kala jaad ah. Sheekada intaan akhrinteeda ku guda jiray waxaan dhowr mar isku dayay inaan dhammaadkeeda saadaaliyo ama sadarba sadarka ka danbeeya aan saadaaliyo, waanse ku guul daraystay qoraaguna iima oggolaan, taasina waxa ay xiiso gaar ah u yeeshay buugga.

Qoraagu waxa uu buuggiisa uga warramayaa wiil Samater la yiraahdo: waxa uu soo bandhigayaa meertadii noloshu marisay iyo ugu danbayntii halka uu ku danbeeyay, heerarkii uu soo maray iyo hirkii uu gaaray, isagoo rafaad, raxanraad iyo iyo dhibaato noloshu soo marisay, garabkii la siiyay iyo ciddii siisay, abaalkii wiilkaa loo galay iyo siduu u abaal celiyay, dhaqanka gurracan ee bulshadu kula dhaqantay wiilkaa yar iyo siduu asagu yeelay goortuu taag helay, wiilal walaal nolohu ka dhigtay oo dhiig isku shubay, dhib iyo dheefna isla maray. Qoraagu si xog ogaalnimo ah ayuu uga warramayaa xaaladdii uu ku sugnaa dalka soomaaliya waayihii colaadda, sidii fududeed ee laysku dili jiray falxumadii dhextaallay bulshada, macangag iyo garasha xummadii ragaadisay bulshada, garasho yaridii ku habsatay intii muruqa iyo maalku gacantooda galay.

Buugga waxaa dhex jiifa casharro tiro beel ah oo qofka akhriyaa ka baran karo, hadduu si mug leh ugu fiirsado, buuggu mar waa dhaqan side, marna waa af bare, markale waa sooyal haye, sidoo kale waa gar yaqaan u doodaaya intii laga gardarraa ee lagu gaboodfalay, waayo, waxa uu soo bandhigayaa wixii ku dhacay, ogaalka iyo aqoonta buugga laga korosan karo, waxaa ka mid ah: barashada dadka, tixgelinta inta taagta daran iyo garab istaaggooda, abaal celinta iyo dhug u yeelashada waxaa hareerahaaga ka dhacaya.

Buugga oo aan anigu muddo shan saacadood ah dulfadhiyay waxaan ka dheefay ama aan ka korosaday haddii aan tiri is iraahdo ma tirin karo, ogaal iska maaxanaaya ayaan dhex maquurtay, madaddaalo ayaan ka dhergay, waayo aragnimo badan ayaan ka helay, waxaan bartay foolkii dhabta ahaa ee hooggaamiye kooxeedyadii is haysan jiray waayo gulufka iyo is eryadka, waxa uu buuggu i dhexgeeyay dagaalladii dalka ka dhacay, waxaan si fudud ku ogaaday intaan buugga akhrintiisa ku guda jiray hababkii kala gaddisnaa ee keeni jiray isku dhacyada hoggaamiyo kooxeedyada, waxaan si xeeldheer u u ogaaday in ay dhammaantood aragti iyo ujeeddo lawayaal ahaayeen.

Farriinta buuggu sido waxaa ka mid ah: qaab nololeedkii adkaa ee bulshadu ku sugneyd ayaan is dhextaagay waa ka jir xumooday fool xumadii dhacday dareen yaaq yaaqsi ah ayuu buuggu igu abuuray, waxaan ka maroor dillaacay qaabkii culimada diintu u habaabiyeen ama u halleeyeen, dhallinyaro badan, siday dabka ugu shubeen dhallin tiro beel ah oo waxbadan uu qaranku ka dheefi lahaa, balse, si fudud nafta loo dhaafiyey!

𝐖/𝐐: 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢𝐬𝐚𝐥𝐚𝐚𝐧 𝐌 𝐗𝐢𝐫𝐬𝐢

SHEEKOOYIN