Soomaalida Iyo Aragtiyohooda. W/Q: Ibrahim Nolosha

Soomaalida Iyo Aragtiyohooda. 

Adduunyada kolka aad eegto waxa inta badan ka jira wax loo yaqaanno “xorriyadda hadalka” inkastoo waddamada qaar ay ka socdaan olole lagu cabburiyo fekerka iyo aragtiyaha dadka ku nool dhulalkaas sida siyaasiyiinta, qoraayaasha, hal-abuurka, weriyayaasha iyo qaar kaloo badan oo ay maskaxdooda ka guuxayaan arrimo u baahan in wax laga qabto kuwaasi oo taagan isla waqtigaas ama hore u dhacay.

Dhigaalkan waxa aan uga warramayaa aragtideyda ku aaddan sida ay Soomaalidu uga fal-celiyaan ama u tebiyaan fekerka iyo shaqsiyadda qof kale oo nool ama dhintay. waxse iga xusuus ah in dadka aan ka hadlayaa aanay dhammaantood aheyn ku abtirsadayaasha magaca Soomaali. hase ahaatee qormadani waxa ay lafo-gureysaa war-celinno ay adeegsadaan qaar inaga mid ah.

Tusaale mid baa doonaya in uu wax ka yiraahdo ama faallo ka dhiibto qoraal, muuqaal ama maqal la baahiyey oo lagu qaadaadhigayo wax jira ama hore u jiray una baahan in aragti cilmiyeysan laga bixiyo. Durba waxa uu la soo boodayaa “waad qaldantahay, wuu qaldanyahay, weey qaldantahay ama weey qaldanyihiin!”. Waxaase is weydiin mudan in la kala saaro, ma abuurka ILAAHEY ayaa mudan in qalad lagu tilmaamo? Mise hadal ka soo yeeray ama dhaqan lagu arkay qofka ama dadka la maagayo ayaa qalad lagu sheegi karaa?

Maalin maalmaha kamid ah ayaan ku soo bandhigay bog aan ku leeyahay mid kamid ah baraha bulshada maqaal aan u bixiyey GEF MISE GAR? kaas oo aan kaga hadlaayey arrimo siyaasadeed. Mid kamid ah jaallayaasheyda bartaas aanu ku wada xidhiidhno ayaa isagoo ka aragti dhiibanaya qoraalkaas wuxu weeraray qeyb kamid ah jirkeyga oo aheyd maskaxda uu ALLE igu manneystay. Waxan ku iri “ma hadalkeyga ayaad jeclaan laheyd inaad aragti ka dhiibato mise qofnimadeyda ama shaqsiyaddeyda iyo sidu ILAAHEY ii uumay ayaad duullaan ku tahay?”. nasiib wanaag wuu ila gartay xusuusinta gefka uu ku hadlay, Kolkaasuu raalli gelin ka bixiyey isagoo qiranaaya meel ka dhaciisa, waana arrin wanaagsan.

Qaar kamid ah qolyaha wax qora ama baahiya laftoodu waxay isku dayaan in ay soo bandhigaan feker iyo aragtiyo ku aaddan hab-dhaqan ay ku arkeen qof kale. laakiin waxay ku talax-tagaan ka hadalka ujeedkooda iyadoo ay marmarka qaar dhacdo in ay abbaaraan shaqsiyadda, abuurka iyo firka qofka ay ka hadlayaan.

Dhaqankeenna soo jireenka ah ee Soomaaliyeed iyo diinta aanu aaminsannahay ee Islaamka, intuba inooma jideyn caay iyo xad-gudub lagula kaco aadanaha kale, in ay inaga reebeen mooyaane. Nabigeenna suubban ee Muxammad naxariis iyo nabad-galyo korkiisa ha ahaatee waxa uu yiri “ILAAHEY ka xishooda, xishood dhab ah”. Marka aynu ka xishoonno wax ka sheegista abuurka EEBBE.

Dad waxa jira marka ay aragtidooda la wadaagayaan umadda inteeda kale meel fog wax ka arka kuna cabbira, hadalkooduna uu ku koobmo ama ku biyo shubto bilow ilaa dhammaad xagxagasho la’aan. Cidna uma geystaan garaafo iyo waxyeello kolka ay ku hawlanyihiin muujinta shucuurtooda. Waxan mar kasta bogaadinayaa qof kasta ee aan abbaarin waxna ka sheegin haybta iyo dadnimada ruux kale ama dadyoow jooga iyo kuwo geeriyooday iyadoon aflagaaddo loo geysanaynin.

© Ibraahiim Cismaan Afrax (Nolosha)

Boorama, Awdal, Soomaaliya

SHEEKOOYIN