Soomaalida Iyo Soddon Sano Kaddib. W/Q: Abdi Salaan Mahdi(Cirro)

Soomaalida Iyo Soddon Sano Kaddib.

Qallimadu kala duwan qormooyinkuna kala mudan taarikhuhuna kala macaan faalladuna kala qadhaadh. araartaydan isdaba taxan waxay gogaldhig u tahay maqaalkeenan ka soo odorosaya siday Soomaali u ekaan doonto 30 sano kaddib, waa haddii ay waddadan kusii mintidde`e. Sidoo kale waxa aynu u kala dhigdhigi doona weyddiimo si aan isugu iftiimino ujeedka qoraalkan weyddiinta ugu horreysana waxa ay noqon doonta sooyaal ka warranki.

1: Sidii Hore.

Soo jireenka ummadeed haddii qalin loo qaato waa mid aan laga gun gaadhin balse waxa aynu qadhiidhsan doona beydka sooyaal ee ku qotoma maqaalkenan. Haddaba Somaalidu jaran-jarooyin kala cawes iyo qodax badan ayey soo martay.Sida la wada ogyahayna waxa ay ahaayeen duul Ugaadhsato ah, kaddib Dhaqato iyo Beeralay isu badashay maantana doorsoonto Tuugsasho door-biday, haddaba su`aashu waxa ay tahay maxa keenay is gedgadin.?

Sida ay  qabaan cullimo badan oo Isir-yaqaana ayaa ah in Soomaalida halkii ay ka soo farcantay waa ( Kawaashinte) ay ahaayen ummad hilaadisa kobta barwaaqadu kulucsan tahay, ilaashatana deegaanka kuna xeeldheera sidii looga manaafacsan laha.sidoo kale Soomaalidii hore waxa ay ahaayen ummad maan-miira, dantoodana u qabsan jiray si wadareed kuna faani jiray ka shaqaysiga dhulkooda. bal markana waxa sabankan iska badalay aanu eegno.

1: Isbadalkii Sunta Noqday.

Sidii loo filayi in hore looga sii socdo talaabadii 1960-kii la qaaday ayaa 1980-kii la hakiyay 1990-kiina hakintasi ay dhashay jiil hore Soomaali aan u so marin kuwaaso ilaa maanta weheshada wixii ceebta ahaan jiray Qarniyadii hore. tusaale, Xaalufinta dhirta, Beenta, Dawarsiga shisheeye iyo in Geedka laaji soo fadhisto. Bal u fiirso

Ninka Geedku hadhsan laha Gudinta u sita, ka siduu wax u helo dadkiisa beenta u sheegaya, bal kasii warran ninka Kalluunkiso Baddu ay soo tufayso dawarsi bidaya, midba midka kale ka sii darane bal ka warran ninku Laaji u arriminayo uguna warramayo dantiisa, tana tii kale kasii darane waxa aynu joogna saban lagu dhaqmo qabyaalada oo aan lagu dhaqmin Soomaalinimada. Haddaba siday noqonaysa bulshada noocan ah soddon sano kadib.?

3: Xumaha Soo Bidhaamaya.

Sida laysla wada ogyahay marinka aad maanta ku socotid ayaa ah ka kugu ridaya mustaqbalkaaga bari. waxaad maanta qabsotana waa quudkaga bari, maantana Soomaalida waxa u ayaan daro ah inay u nool yihin Seddex ruux oo laba ay isku bah tahay halka midina ilmaader la yahay.

  • Kow: Ruux u nool inu dal shisheeye ka tuugsado maanka ka jaray dhulkiisi. Xisaabtana kumuu darsan waa lagu celin kara.
  • Laba: Ruux ku nool Soomaaliya balse kaa tuugsanya ka baryaya qaddaadiic. Hebelkanina nabdigaba muu galin in ninka la soo celinayo amba u dhiman karo.
  • Seddex: Ruux Dhulkiisi xaalufinaya amba sun shisheeye wato ku aasaya weeye ilmaaderkodna.

Sidaad u jeeddid sii jiridda Seddexda ruux waxa ay Soomaalida ku ridaysa haadaan dheer oo aan laga soo saari karayen, waxayna sii kordhinaysa nacayebka ay bulshada caalamku u hayaan magaca Soomaali oo waayadii danbe soo if-baxay. waxayna fududaynaysa in Ummada Soomaali ka tirantaro liiska bulshada caalamka, si kalena uga tirmi mayse waxa loo diwaan galinaya duulka aan adeegsan Maanka.Soddon Sano kaddib si aynaan u dabar go`ina aynu badalno hab fikirkeena Soomaaliyey.

W/Q: Abdi Salaan Mahdi(Cirro)

SHEEKOOYIN