Soomaalida Masar iyo Tahriibka! W/Q: Abdullaahi Nor Halane

 

images-1

Soomaalida Masar iyo Tahriibka!

 

Markaa maqasho Qahira ama Masar, waxaa kugu soo dhacaya waxbarashada qeybaheeda kala gaddisan. Waxaa intaas u sii dheer, magaca kale, ee ey ku dhexleedahay dowladaha calamka, kuwa Islamka, Bariga Dhexe iyo kan qaaradda Africa.images-7

Waxaa intaas oo dhan suurogaliyay faca ey jirto Masar, oo ah, meesha ay isaga danbeeyen ilbaxnimooyin fara badan, iyo Anbiyadii Ilaahey soo diray, oo halkaa joogi jireen amaba ay imadeen.

Magaca Masar waxyabaha kor u sii qaday waxa ka mid ah Al-azhar, oo ah jamacadaha adduunka ugu faca weyn mid ka mid ah, waana halka uu soo abbaaro ruux kasta, ee raba, in uu barto culuumta diinta ISLAMKA. Ruuxa Soomaaliyeed magaca Masar ama Qaahira agtisa qiimo weyn ayey ku ledahay, meshuu rabo ha jooge.

Intaa oo dhan ayada oo jirto, ayaa Masar waxa ka soo cusboonaday is badal siyaasadeed, oo saameeyay nolosha qeybaheeda kala duwan sida; dhaqalaha, waxbarashada, amniga iyo waliba is dhexgalka bulshada. Waxaa la xasuustaa shantii sano ee ugu danbeysay in uu dalka Masar ay soo mareen saddax madaxweyne, laga bilaabo bilwagii sanadkii 2011, xiligaas uu Masar madaxweyne ka ahaa, Maxamed Xusni Mubaarak ilaa manta, oo xilka talada gacanta ku hayo madaxweyne ABDIFITAH CC.images

Dhammaan is badalladaas waxey u gogol xareysaa in ay Masar ka dhacaan ama ay ka dhaceenba waxyaabo aan horay looga baran. Sidaas si lamid ah, waxaa jira dilalka toogasho, ee wali aan dhinac u dhicin, ee lagu xukumayo madaxweynihii hore ee dalka Masar Maxamed Morsi iyo dhamman garbihii la shaqeynayay xilligaas, ee isku kooxda ahayeen.

Xaq iyo xaqdarro, waxaad rabtaba ku fasiree, waxaa igu dhaliyay intaa oo dhan in aan ka sheekeeyo, arrin cusub, oo sameyn aad u ballaaran ku dhex leh dadka Soomaaliyeed, waana arrin ardadii Soomaaliyeed iyo dhammaan bulsha weynta u diiday hoyaad iyo harsiimo, oo wadna qabad ku noqatay habsami socodkii nolosha iyo tan waxbarasho, ceeb weynna ku noqotay jamhuuriyadda Soomaaliyeed.

Dhibaatada Soomaali la soo deristay waa (TAHRIIIIBKA) waxaa wali reer Qaahira dhagahooda ka sii guuxaayo arday wax ku baratay Qaahira, oo tahriibtay, gaar ahaan saxafi ku geeriyooday dhibatadaas. Waxaa ka sii horreysay dhimashada gabar in badan daganeed dalka Masar.images-4

Dhibaatadu intaas oo kaliya ma ahan, oo waxaa xiran boqollaal Soomaali, oo isugu jiro rag iyo dumar, oo xabsiyada ka boxo, waxaana yaab iyo amakaag noqotay qof fal danbiyeed tahriib lagu qabtay, oo la cafiyay xuriyaddiisa dib u helay, isla maalmo ka bacdi isla dhacdadii lagu qabto.

Tani waxey ku so adeysa xilli ey aad u sii badaneyso dadka ku soo qul qulaayo dalka Masar, si ay uga tahriibaan, ayaga oo ku sii wajahan halkaas iyo dalka Talyaniga, oo waxaad arkeysa wajiyo aad u fara badan, oo u badan dhallinyaro ka kala timid dalkeenni, oo ku so badanayo dalka Masar, ayaga oo doonayo qaab sharci darro ah in ay uga baxaan dalkan Masar.

waxgaradka rer Qahira waxey eedda weyn dusha uga turayaan dadka ka muqallaseeyo arinkan, wana dadka kaliya ee TAHRIIBKA Masar suuq geeya, waxana dadka qaar ey shegaan muqallasiinta tira badnidooda iyo khibrad xumada ay marmarka qaar ay sababto in la xero ama dhac iyo waliba jirdil loo geysto tahriibayasha.

Waxaa inta badan dadka tahriiba looga fa’iideystaa oqoon darradooda dalka Masar iyo waliba luuqaddeedaa, ayaga oo an garaneynin meesha ay u socdaan iyo halka ay ka socdaan, waxa la leeyayahay iyo wax la farayo. Waxaa arrinka sii murjiyay markii la qabtay dad tahriibayaal ah, oo warqado aqoonsi ka wato jihooyin rasmi ah, ayaga oo laga dhigayo dalxiisayaal ama ardy, waxeyna noqon kartaa arrinkaan faldanbiyeed kii ugu weynaa, waa haddii ay ku caddaato dadka lagu tuhmayo arrinkaas.Unknown

Si kastaba ha ahaatee, waxaa nala gudboon, haddaan nahay oqoonyahanka reer Qahira, in aan guntiga dhisha ku xerano, sidii loo badbadin lahaa nolosha maatida Soomaaliyeed, ee ku dayacan dalkan Masar.

Waxaan baaq u dirayaa safaaradda iyo dhammaan qof kasta, oo ey quseeyso wax ka qabashada arrinkan, in ay soo faragaliyaan, meelna looga so wada jeesto, kuwa wax tahriibiyo iyo kuwa la tahriibiyo.

Waxaan halkan uga faa’iideysanayaa in ay jiraan qeybo badan, oo jeclaan lahaa in arrinkaan go’aan laga garo la iskana arko amaba kulammo badan laga sameeyo, sidii xal looga gaari lahaa arrinkan murugta xambarsan.

Ogaaw, khatarta kuma ekaan doonto kuwa tahriibayasha oo kaliya, ee waxey saameyn doontaa qof kasta oo Qahira amaba bannaankeeda daggan. Sidoo kale, waxey cabsi ku abuureysaa dadkii u dalxiisi jiray Qaahira bannaankeda, ayadoon la kala garaneynin kan tahriibaya iyo kan dalxiiska ah amaba magaalo kale u socdo.images-5

Gabagabadii, waxaan dhihi lahaa, haddii dhibaato dhacdo qof wanaagsan iyo qof xunba, wey galaafan, ee si midnimo ay ku jirto ha la isaga kaashado, haddii kale, waxaa dhici doona waxaan la mahdin doonin!

 

W/Q: Abdullaahi Nor Halane

Cairo Egypt

cabdalla_7@hotmail.com

 

SHEEKOOYIN