SOOMAALINIMADA WAA ISSIR. W/Q: Mohamed Musa Sh. Noor

Nor1

SOOMAALINIMADA WAA ISIR

Waxay ahayd subax ka mid ah subaxyada aan u soo kacay gudashada waajibkayga shaqo, sida caadada ii ahaydna waxaan la soo kalahay Gaarigayga aniga oo kusii jeeda halka aan ka shaqeeyo oo markaa ii jirtay 15km, waxaan dhagaysanayay mid kamid ah Idaacadaha Soomaalida waa VOA oo markaa Barnaamijkeeda Subaxnimo aan dhageesanayay, waxaana si lama filaan ah Dhagahayga ugu soo dhacay dabaal dag loo sameenayay Xornimada Kenya oo Dad Soomaali ah ay u sameenayeen, Gobolkuna waa Gobolka Waqooyi Bari ee Kenya ee ay Soomaalidu dagto.

La yaab iguma ahayn, doodna kama qabin in gobolku Khariirad ahaan iyo Maamul ahaanba uu ka tirsanaa Kenya, balse, waxa la yaabka igu noqday ayaa ahaa markii aan maqlay dad Soomaaliyeed oo u dabaal dagaya Xornimada Kenya, ha u dabaal dagaan ma xumee, hadana waxaan la sii yaabay sida ay ugu qanacsan yihiin uguna jidbaysan yihiin in ay yihiin Kenyan, walibana meeshaas waxaa laga jeedinayay Codsiyo badan oo ku aaddan Dad Kenya goboladeeda kale u dhashay oo ka baxay gobolkaas looga codsanayay in ay dib ugusoo laabtaan gobolka halka kuwa Soomaalida ah ee kasoo qaxay Soomaaliya eek u dhex jiro xeryaha Qaxootiga ah la leeyahay hanaga baxaan.

Dadka Hogaanka u hayay dabaaldaggaas oo Dad Soomaali ahaa ayaa waxaa ka mid ahaa hadalada isoo jiitay ee ay ku dhawaaqayeen, soo jiidashada ay isoo jiiteen ma ahan in aan u riyaaqayay ee waxay ahayd mid ka mid la yaabka aan ka qaaday qaabka ay u hadlayeen waxaana ka mid ahaa hadaladooda, anaga Kenyan ayaan nahay ma doonayno in Kenya naga halowdo, Soomaalia waa Dal dariskeena ah, dhibkooda ma rabno in uu nasoo gaaro, Dadka soomaalida ah ee kasoo gudbaya xuduudka ee dhibka ka geesanaya kenyadeena Dowladda waa in ay wax ka qabataa, Kenyaan ayaan nahay waana ku faraxsanahay!

Hadalkaas qofka wax garadka ah ee wali  uu ku jiro Dhiig Soomaalinimo meelo badan ayuu ka damqninayaa, waana hadal runtii aad looga qiiroodo in Dad Soomaali u Issir sheegto ay sidaa u hadlaan, Dalkii Soomaalia ee asalka u ahaana ay dhahaan dhibkiisa yuusan na soo gaarin Kenya dhib uma rabno, dadka kenyaatiga ah ee naga tagay hanoo soo laabtaan, Walalaahooda Soomaalida ah ee Xuduudka ay wadaagaana ay dhahaan hanala ka ilaalsho.

Waa iska xaal aduun oo ma ahan mid hadda wax wayn ama macna wayn ii suubinaya muuqaalka ama maqalka hadaladaas oo kale, balse, waxay ii ahayd oo kaliya farda kacsi aan doonayo in aan ugu daah furto Maqaalkan  la magaca Soomaalinimada waa Issir.

Haddii 30 sano ka hor aan la arki jirin, lagana xishoon jiray, la iskalana waynaa in Calan Waddan kale uu Qof kale oo Soomaali ah qaato waliba uu u heeso, maanta taa waa ka duwantahay oo xitaa Madaxdeena qaarkood ayaan haynaa iyaga oo Calamada Waddamada qaar siiba kuwa Darriska jeebabka ku sita ama si kale ugu heesaya.

Dad soomaaliyeed oo inta meel iskugu soo baxaan oranaya waxaanu nahay Itoobiyaan ama Kenyan ama American ama British maanta waa iska caadi oo wax wayn maahan, Calankii Buluuga ahaa ee Xiddigta Cad dhexda ku lahaana soo xusuusashadiisa ay ku ekaato 1da Luulyo iyo marka la doonayo in wax la Khayaano, micnaha Xil ama Xaflad la samaysanayo.

Waxaan maqli jiray faanoole fara kama qodna, calankaas ahaan jiray astaanta lagu aqoonsado Dadka Soomaalida ah maanta, wuu sii daciifayaa oo dhawaan cid sheegataba waa la wayn doonaa, meeshii u awalba ku dhashay kuna koray ayuu ku harayaa sida muuqato waana Muqdisho, maxaa yeelay goboladii kale ee  Waddanka Gobol walba Calan ayuu samaystay, Heestii Soomaaliyay toosoo ahaydna waxaa sii badalay heeso kale oo Gobolaysi ah.

Gobol walba marka uu Calan yesho heesna u samaysto micnaheeda waa in uu u diyaar garoobayo in uu noqdo Waddan ka madax banaan Caasimaddii hore ee Muqdisho la oran jiray ee Soomaali Issirkeed oo dhan u ahayd, sida Makka ay ugu tahay Islaamka Caasimad.

Balse, Maanta midaas waa sii wiiqmaysaa oo Muqdisho ayuu kusoo haray Calankii astaanta u ahaa Issirka Soomaalida, Soomaalinimada sideedaba waa Issir, in Qaran la noqdaana in la isla ogolaadaa ayaa ka horaysa, sida hadda muuqatana Qaranimo Soomaali ah waa la iska diiday oo Qolo walb Calan ayaa u taagan, haddii shalay Reer Hebel aad ku aqoonsan jirtay marka aad waydiiso oo uu qofku isaga isku kaa sheego, maanta waydiin kaagama baahna, Calankiisa uun eeg waad iska fahmaysaa cidda uu yahay iyo halka uu kasoo jeedo.

Shalay haddi la oran jiray Cadow ayay Soomaali leedahay Cadowgedana waa Gaalo oo ay ugu horayso Itoobiya iyo Kenya maanta waxaa jira kuwa Soomaali ah oo ruxaya c\Calamada Itoobiya iyo Kenya, kuna faraxsan in ay yihiin waddamadaas kuwa u dhashay, waliba wax ka maleegaya sii aasitaanka Qaran  Soomaali ku abtirsato.

Waxaan dhowr jeer is wadiiyay Su’aal kali ku ahayd Qalbigayga, taas oo ahayd Umaddan la dhaho Soomaali, ma umad ku midaysan isirnimadaa mise umad intaas wax dhaafsiisan isla ogol ? jawaabta aan helay inta aanan ku mashquulin raadinta ama Cilmi baaristeeda waxaa ii cadaatay in ay yihiin oo kaliya dad u nasab sheegta micnaha ku abtirsada Magaca Soomaali ee Issirka iska ah, balse aan isla ogolayn in ay noqdaan Umad meel taagan oo issirnimadaas ka dhaxaysa wax ku qaybsata waxna ku gaarta.

Tilmaamaha kuu baxaya marka aad u fiirsato in inta doonaysa Soomaalinimada ay yartahay waxaa ka mid ah in isla adiga aqrinaya Qoraalkan aad dib ugu laabato Dadka ehelka kuu ah ee Qurbaha ku koray ama ku nool ay qaarkood xitaa ogolayn in Magaca Soomaali ay sheegtaan ay ka jecel yihiin kana doorbidaan noqoshada ama sheegashada Dalka ay markaa ku nool yihiin, taas oo runtii ah tilmaan cad oo aad ka dheehan karto halka loo jeedo iyo sida ay wax yihiin .

Qofka Soomaaliga ah ee Issirnimada kaala dhaxayso waa in uu marka hore kula fahamsan yahay in aad wada tihiin sida hal Qoys, lehna hal hadaf, lana doonayo in idinka oo Gacmaha is haysta aad Dunidan dhibka badan si wada jir ah u wajahdaan, balse, haddii uusan taas kula fahamsanayn waa dhib aad u wayn mana ahan Qof aad wada sheegan kartaan in aad tihiin hal Qoys.

Qofka isaga oo kula dhashay ayuu hadana ahaan karaa Qoom kale, micnaha maahan Qofka Caloosha hooyadaa aad iskala soo baxdeen in uu yahay qof adiga kaa mid ah ama kula mid ah marba haddii uusan jirin hadaf dhexdiina ah kaas oo aad iskula ogoshihiin in aad Walaalo tihiin ayna tahay in wax badan aad wadaagtaan wax badana aad isku qadarisaan .

Diinteena Islaamka marka ay walaalnimada tilmaamaysay waxay u kala saartay ilaa dhowr Nuuc in uu walaalku ku imaan karo, balse, waxay kan ugu muhiimsan ka dhigtay midka aad Islaanimada walaalaha ku tihiin, taas oo macna ahaan laga dheehan karo in walaalkaa uu yahay kan aad isku hadafka ka tihiin wax badan oo Nolosha ka mid ahna aad isla aaminsantihiin .

Balse haddii Qofku uusan idin ka dhaxayn wax idin mideeya aydaan walaalo noqon Karin, waxa kaliya ee lagu walaaloobana ay yihiin waxa la isla fahamsan yahay jiritaankooda, haddii aysan taas jirina micnaheeda uu yahay in aan waxba la wadaagin, wadaagi karina .

Hadaba in aan Soomaali  wada nahay oo wada dhalanay waan isla wada ogol nahay, balse, in aan wada noolaano, isna nabad galino, horumarkeenana ka shqayno, cadowgeenana isla garano taas waan ku kala leexsanahay, taas oo macnaheeda noqon karo in wax aan wadaagi karno uusan jirin, qofkuna mar walba uu ka tirsan yahay meesha uu yahay oo uu aaminsan yahay Maamul ahaanteeda iyo Caqiido ahaanteeda macana badana markaa aysan suubinayn isu ekaanshaheena iyo Issir wadaageena.

Soomaali ahaan in Magaceenu uu Soomaali yahay, Issir ahaana aan sidaa ku magacaabanahay waa waxa kaliya ee aan ka wada simanahay islana fahamsanahay, balse, su’aasha ah Qaran ma noqon karnaa haddaan shalay ahayn xitaa dib ma usoo ceshan karnaa? waxaan filaa taas in aan la isku ogolayn, Nin walbana uu ka jeclaaday in uu qayb ka ahaado meesha uu ka tirsan yahay, sidaasna uu uga qanaaco badan yahay helitaanka Qaranimo Soomaaliyeed .

Maanta marka aad dhinac walba ka eegto Cadow aan isla anaga ahayn oo liddi isku ah ma jiro, cadowga aan sheegaynana isla anaga ayaa isku adeegsanayno, isla anaga ayaana u kala shaqayno cadowga, isla anaga ayaana u kala adeegna cadowga, marka cadow aan Soomaali ahayn ma lihin, marka runta laga hadlayo, Nin walba oo Soomaali ahna maanta wuxuu u shaqaynayaa cadowga, iyo kasoo horjeedka Soomaali dambe oo dib loo helo .

Hadaba dhabta in lagu noolaado oo dhalanteedka laga baxo waa u muhiim qof walba oo qiiro Waddaninimo ku jirto, inteena xun ee Soomaali diidka ah iyo inteena wanaagsan ee soomaali doonka ah waxaa badan maanta inteena soomaali diidka ah,  marka inta badan ayaa saamay badan mar walba, maadaama ay kaashanayaan dhaqaala badan oo Cadowgu ugu deeqayo, iyo Awoodo Military uu cadowgu la garab taagan yahay .

Maamulka Waqooyi Galbeed  ee Soomaaliland la magac baxay waxaa dhistay Itoobiya, sidaas is la mid ah kan puntland iyo jubaland, iyo midka dhwaan lagu dhawaaqay ee konfur galbeed, waana hubaal kuli in ay ku dhisan yihiin ajandaha iyo rabitaanka itoobiyo iyo Kenya ee aysan ku dhisnayn rabitaan Soomaaliyeed qolo walbana calan ayay wadataa, taas oo barito jaanis u siin karta in ay ku biiraan haddi ay doonaan Dowladaha dariska ah maadaama maamul shaqeeya oo mug leh aysan Soomaalia lahayn .

Xitaa haddi ay sidooda ahaadaan oo aysan cidna ku biirin waa Maslaxadda Wadamada Dariska, maxaa yeelay waa Maamulo yar yar oo aan awood badan lahayn dhibna aan u gaysan Karin Bari ka maalin, kulana gor gortami doonin soomalida kale ee maqan .

Fursadda labaad ee ay ka helayaan Wadamada Dariska ayaa ah in khyaraadka Dabiiciga ah iyo Dakadaha ay sida ay doonaan u isticmaalaan ayaga oo la galaya Heshiisyo qaas ah oo u ugolaanaya in si Raqiis ah u isticmaalaan amaba Qarash la’aan u isticmaalaan Dakadaha iyo Garoomada ay leeyihin .

Ficil walba sida uu u ku bilowdo ayaa laga dheehan karaa astaanta dhamaadkiisa, taas waxaan uga gol leeyahay bal eeg imisa jeer ayaa maqashay dowladda itoobiya oo la saxiixatay heshiis dhinaca Hawada ama Badda ah Maamulka Soomaliland ama Puntland, aaway dowladdii Soomaaliyeed ? maamul goboleed ka tirsan Waddan Dowlad leh Dastuurka u ogolaanaya in uu la saxiixdo heshiis ay ka maqantahay Dowladda Qaranka uu ku abtirsado xaguu ku qoran yahay?

Waa sida aan sheegayo waa astaan bilow u ah sida ay ku dambayn doonto Soomaalida dambe ee aan arki doono Qarniga soo socdo, haddii Soomaalidii shalay ay ahaayeen kuwa dagaal badan oo cadowgooda ceeja iskaga qabtay, soomaalida maanta ma ahan sidaa, waa kuwa iyaga isku ciil qaba, Qabiil walbana walaalkiis uu yahay Gaalka Madow ee uu soo kiraystay.

Waxaa kaloo jira Maslaxad midaysan oo ay wada leeyihiin Waddamada Gaalada oo dhan taas oo isku hoos jirta, balse si u kala duwan, haddaan ku hormaro Galbeedka istiraajiyad cusub ayay dheelayaan taas oo ah in ay arkaan Dad soomaaliyeed oo aan awood lahayn oo dhinac walba sida la rabo loola hadli karo danta laga leeyahayna laga dhamaysan karo, si bari ka maalin aysan isaga hor imaan Maslaxadaha is bad badala  ee Dunida.

Waddamada Darisk ayagana dhib wayn oo ku dhaganaa ayaa ka fuqaya, kaas oo ah in meesha ay ka baxdo wax la dhaho Soomaali dambe oo isku soo hiilisa, qayb qayb iyo Qolol Qolo waligood qoorta is kula jirta, xitaa waxaa iman doonto in maamul goboleedyada marka salka loo dhigo si hoose loola sii hadlo Beelaha ku hoos jira maamuladaas oo beel walba loo dareensiiyo taageero hoose loona tusiyo in maamulka ay ku hoos jiraan uusan Caddaalad ahayn, halkaana ay ka sii bilaabato xabaddii Soomaali wayn isku ridi jirtay oo markaas isku badasha mid maamul goboleed, taas oo sii yaraysa Awoodda maamulkaas uu yeelan karo ama yeelan lahaa.

Howshu waa isku maqan lagu maqan yahay, inagana Qabiil Qabiil ayaan iskugu maqanahay,  waana nala ku maqan yahay, oo waxaa la doonayaa in aan gaarno heer qof walba oo Soomaali ah uu naco kan ina adeerkiisa ah qof uu aaminana uu waayo, taas oo hadda astaanteeda ay si dhif dhif ah inoogu muuqato.

Ugu dambayn waxaan kusoo gunaanadayaa Maqaalkan in Soomaalinimada ay Issir tahay, balse aysan ahayn Qaran la isla ogol yahay, qof walbana  uu kaga qanaaco badan yahay Maamul Soomaaliyeed maamulka uu ku hoos nool yahay ee aan ehelka u ahayn Islaamka iyo asalka Soomaalida.

Nin safraya aya hadda ka hor la waydiiyay goorta uu safarkiisu dhamaan doono iyo halka uu tiigsanayo? markaas ayuu ku jawaabay “safarkaygu wuxuu dhamaan doonaa maalinta aan aniga dhamaado, tiigsigayguna waa tagoog ha tabin taas oo uu ula jeeday in safarkiisu yahay mid aan sal lahayn oo is baddalka Nolosha la jaan qaado” tiigisga uu ka hadlayna ay tahay in inta uu nool yahay wax uu laqo uu doonayo, fadhina uusan ku helayn wax uu laqo ee uu socodka wax ku helayo, isaga oo markaas sii faahfaahinayana wuxuu yiri “Dadkii hore Qofka Masaafurka marka uu meel kusoo hoydaba waxbaa la siin jiray ama ugu yaraan Neef ayaa loo qali jiray taas ayuuna uga dan lahaa marka uu leeyahay Tagoog ha tabin .

Hadaba howsheena waa tagoog ha tabin, safarkeenuna yahay mid aan sal lahayn micnaha hadaf la’aan ah, marka waxaa iskugu keen darsoomay sal la’aan iyo tagoog ha tabin, waana laba dhaqan oo astaan u ah safar sahay ku salaysan oo saldhigasho aan lahayn.

Safarka waxaa fiican in uu leeyahay sal saldhigasho ku salaysan gaaridda meel, Sahayda loo qaadanayana waa in ay ahaataa mid lagu gaarayo meeshaas loo socdo, balse, Safarka haddiiba uu ku salaysnaado Sahaydoon oo kaliya, saldhigna uusan lahayn waa safar aan dhamaan, ileen waxa loogu jiro ayaa ah mar walba dadka la ag marayo in wax looga helo micnaha “xaan cunaa”?

Waxaan kusoo gunaanadayaa maqaalkayga oraahadan aan aniga samaystay ee ah

“SOOMAALINIMADU WAA ASSAL LA SHEEGTO, EE SALDHIG LA DAGO MAAHAN “

W/Q: Mohamed Musa Shiikh Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

 

 

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.