Soomaalinimadu ma isirbaa mise waa Af?
Markaad aragto ciwaanka qormada waxaad is weydiinaysaa farqiga u dhaxeeya ISIR IYO AF, waa dhab in farqi weyn u dhaxeeyo oo aad u qotodheer, waana tan sababtey inaan is weydiino. Soomaalidu waxaa ay ka mid tahay umaddaha adduunka ugu faca weyn ee haddana saamaynta ku lahaa Ilbaxnimooyinkii adduunka ka jirey sida Ilbaxnimooyinkii, Masaarida, Giriiga, Shiinaha, Faaris iyo kuwii Islaamkaba, sida cad buuggaag badan oo adduunka lagu qoray waxay sheegayaan inay jirtey , in ka badan 10, 000 oo sannadood.
Waxaa Soomaalida soo marey marxaladdo kala duwan, waxaa lagu tiriyaa inay ka mid ahaayeen dadyoowga adduunka ugu xadaarada fogaa, dhinacyada, Ganacsiga, maamulka iyo weliba aqoonta.Soomaalida oo inta badan laysku raacay inay xidhiidh Isir wadaagga la leeyihiin, Faraaciinta oo ahaa dad sooyaal fog ku leh adduunka oo ilaa hadda raadkoodii muuqdo, haddana waxaa ku dhacay burbur dhinaca kaydkii aqooneed iyo midkii taariikheed.
Soomaalidu waxaa soo marey Boqortooyooyin badan oo ka taliyey kana arrimiyey, inta ay maanta ku nooshahay umadda Soomaaliyeed, kuwaas qaarkoodna ka horreeyeen Islaamka, qaarna ahaayeen, casrigii islaamku dalka soo galay.
Sida ay qorayaashii adduunka soo marey ee Carab iyo Cajamba lahaa qoreen , in dadkii ku noolaa, carigii loo yaqaan, dhulka uduga” Soomaaliya” inay ahaayeen, dad xadaarad fog leh iyo dhaqan qotodheer oo ay kaga duwanaayeen dadka kale, sidoo kale Af leh murti iyo suugaan dhaxalgal ah.Sooyaalka ay soo minguuriyeen, Badmareenadii adduunka iyo arrimaha ka hadlaya Taariikhda Soomaaliya, waxaa wax ka qorey , Giriigga, Ingiriiska, Carabta, Shiinaha, Boortaqiiska iyo Qorayaal badan oo Soomaali ah.
Haddaba waxaan beryahan dhawaangal ku ah, umadda Soomaaliyeed oo aad moodo in sheegashada magaca Soomaaliyeed, uu la fududaaday magacaas iyo habdhaqanka ilaa 10, 000 sanno ka hor soo jiray in looga guuro 10 maalmood.
Ujeedkaygu maaha inaan durayo ama diidayo, in Soomaalidu noqon karaan dadkeedu dowladdo iyo deegaamo kala duwan, sida haddaba ay u yihiin, oo qaarkoodna dowladda xor ah u yihiin kuwa ay dowladda gumeysi ah ku hoos nool yihiin.
Balse, arrintan waxaa igu dhaliyey weydiintan ayaa ah markaan arkay, Soomaali ku dhaaddanaysa, Calamo kale kuna naalooneysa magacyo umaddo kale.
Tusaale: waxaa kuugu filan maanta wiilka Jooga Jigjigga wuxuu rumeysanyahay inuu yahay, Itoobiyaan, halka wiilka Wajeerna uu aaminsanyahay inuu yahay Kenyaati, wiilka jooga Jabuutina uu aaminsan yahay, Jabuutiyaan, sidoo kale waxaa cargaagtan iyo baxaadeg ku jira, Labadii Gobo ee Soomaaliya isku ahaa, oo hadda 60% ay magacyo kale la baxeen.
Weydiinta meesha taal ayaa ah, Soomaalinimadu ma isirbaa mise waa Afka?
Adduunka waxaa jira waddamo badan oo Af wadaag ah, balse aan dhalasho wadaag ahayn, waxaa tusaale kuugu filan, dadyoowga ku hadla, Afka Faransiiska, Isbaanishka, Ingiriisida, Carabiga iwm.
Marka aad maqasho, dadka Afka Soomaaliga ku hadla, ama dhulka Soomaalidu degto, waxaa kuu soo baxaya, in uusan jirin Isir mideeya dadkaasi ee kuwana deegaanku mideeyey, kuwana afku mideeyey, sidoo kale waxaa meesha ka baxaya, magaca Soomaali.
Sida saxda ah, Qofku waa Soomaali, Dhulkuna waa dhul Soomaaliyeed, Afkuna waa Af Soomaaliyeed, Dhaqanka iyo hidduhuna waa kuwa Soomaaliyeed, intani haddii Soomaalidu wadaagto, aan kala saarno, Magaca Soomaaliyeed, iyo Soomaaliya.
Soomaaliya waa waddan ay ku midoobeen, labadii Gobo lee kala ahaa, waqooyi iyo koonfur oo ay kala gumeysanayeen, Ingiriiska iyo talyaaniga, labadan gobol waxay qaateen magacii loogu yeedhayey, guud ahaan geyiga Soomaaliyeed oo ahaa, Soomaaliya, oo ay waddamada reer Galbeedku ugu yeedhi jireen, ka dib magacii Buunna ama (Punt) halka ay umaddaha carbeed iyo aasiyaanka badankooduna ugu yeedhi jireen, Soomaal.
Afkeena marka loo eego waxyaabaha la wada yahay, ee lagu mideysan yahay, waxaynu u sifaynaa sidan, “Umaddaha Carbeed, Umaddaha Islaameed, Dhulka Gaaleed, Sheeko Carruureed Iwm”.Dhammaan erayadani waxay wataan baaddi soocda, EED, oo dhinaca u dambeysa ka raacaysa, eraygaasi waa mid sheegaya, wax ama walax la wada leeyahay oo lagu midaysan yahay. Haddaan idhaahdo. Dhulka Soomaaliyeed, Dhaqanka iyo hiddaha Soomaaliyeed, Afka Soomaaliyeed, Umadda Soomaaliyeed. Ma sheegin waddan iyo gobol midna balse waxaan ka hadlay inta wadaagta Isirka Soomaalinimada.
Maxaa iska beddelay arrinkaas?
Saw nooma muuqato, hadda iney jirto diidmo iyo inkirmaad lagu hayo, Isirkii soo jireenka ahaa, ilaa hadda ma jirto Dowlad ama qowmiyad ka tirsan waddamada Carbeed oo ka guurtay Carabnimadeeda iyagoo kala diimo iyo deegaamaba duwan.
Maxaa sababay iney umadda Soomaaliyeed ka guurto ama ay billowdo madhac dhaanka iyo dhallangediska lagu samaynayo magaca Isirka Soomaalinimada, Shanta Soomaaliyeed gobolka aad doonto ka soo jeed, maaha mid aad ku qasbantahay inaad sheegato Soomaalinimadu ee waa mid aad u dhalatey oo ilaahay kaa dhigay kuuna doorey, maaha mid qolo gaar ahi kugu sanduleysay oo aad uga guureyso ee waa mid aad la leedahay adiga iyo kana aad is leedahay ku xumee.
Haddii aabbahaa god galo, adduunkana aad ugu necebtahay isaga iyo ubadkiisa, ogoow lababa xaq baad u leedahay, midda koowaad waa magaca aabbahaa, midka labaadna waa dhaxalkiisa, ugama guureysid magaca aabbahaa walaalkay baan necbahay, waayo magacu waa mid aad nasiib u wada yeelateen wadaagiisa, balse arrimaha kale ayaad ku kala tagsan tihiin.
Isku oo wada duub, weydiintani waa mid ina wada hortaal una baahan lafa gurid iyo ku baraarugga la dagaallanka erayadda dhawaan galka ah ee weliba qolyaha wax qora iyo warbaahintu adeegsadaan, “ Inta Af Soomaaliga ku hadasha? Dadka dhulka Soomaalida dega? Labadan waxay meesha ka saarayaan inay jiraan dad Soomaaliyeed oo leh magaca Soomaali dhalasho ahaan ah Soomaali waana tan keentey, Ciwaanka qormadayda weydiinta ku billaabmaysa ee ah.“Soomaalinimadu ma isirbaa mise waa Af?”
Haddaba su’aashani waa mid dhammaanteen naga dooneysa, Jawaab sax ah inaan ka bixino, Aqriste ma tahay Soomaali mise waxaad tahay dadka qawaday Soomaalinimada? Wuxuu yidhi Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi:
Qof saluugey maankiisa
Ama suufay muuqiisa
Ka sal kacay xaqiiqdiisa
Qabku saami ladha maaha
Nin sitaba bar baa saran
Ninka sii sitaa jooga
Raggannimada sooceeda
Adigoo sagaal buuxshey
Hal ku seegay baa yaalla.
Cabdiraxiin Hilowle Galayr