Soonki iyo Siyaasadda” Sheeko gaaban”

quotescover-JPG-67

Soonki iyo Siyaasadda” Sheeko gaaban”

Ducaale iyo Geedi waxay ahaayeen laba saaxiibo oo aad iskaga warqabay xilligi ay somaliya joogeen. Hadda qurbaha ayay soo galeen waloow ay laba wadan kala joogaan. Ducaale ayaa waxa uu qadka kula sheekeystay saaxiibkiis geedi oo maalmahan qadka uga maqnaa talefanki oo kadhumay dartiis sheekadaan ayaana dhex martay…..

Ducaale: war ninyahoow maalmahan xaggee ka baxday miriqdaada wa la waayaye?

Geedi: sow bishi cibaadada ma ahayn tahajud taraawiix quraan aqris ilaahay hanaga aqbalee.

Ducaale: war waa isku annagiiye si fiican iila hadal. Soonka meeqo maalin ayaa kaa fakatay?

Geedi: war maalin iga fakata iska dhaafe berri waxaan bilaabi rabaa lixdi maalin waddaca ahayd

Ducaale: belo! Ka gudub maxaad war kahaysaa carrigi waxaan maqlay dhulki BACADLAN qeybo kamid ah inaanan laga ciidin maalinki jimcihi?

Geedi: hadda aniga dad ma xanto kow dheh balse waxaan maqlay in dowladda BACADLAND ay qaadacday wax kasta oo ka yimaada dhanka MAAQISHLAND. Marka bishi ciiddana looma dhameyn oo reer BACADLAND lagalama tashan arrinta ciidda.

Ducaale: gartay. Madaxweynaha asiga wuxuu jimcadi fadhiyay BBC qolo fannaaniin ahna waa la fadhiyeen heestee ayuu dalbaday madaxweynuhu?

Geedi: wuxuu dalbaday heesti waa duulisteeniiye dayaxa aanu aadno!

Ducaale: dayaxa aanu aadno miyey ahayd ama aanu dhaafno?

Geedi: hhhhhhhh

Ducaale: booqashada Obama kenya ku imaanaa wax iiga sheeg?

Geedi: su’aashaas mowduuca kuma jirto

Ducaale: waa runtaa, laakiin, sheekada xiisaha badan ayaa ah in dhallinyaro kenyaati ah ay wacad ku mareen inay ku kaadin doonaan geed uu Obama abuuray 2006 haddii Obama uusan booqan jamacaddooda.

Geedi: kaadidooda tira badanaa kenyaatiga waxay hore ugu kaadi jireen qaadka ay Soomaliya u soo diraan, haddana ma beeraha mareykanka iyo waxaa uu abuurey ayey ku darayaan?

La soco qeybo kale.

Cabdirisaaq Xasan Jidhi (aqwaan).

aqwaan101@hotmail.com

South africa Cape town.

SHEEKOOYIN