Sooyaalka Dr’s Xaawa Cabdi Dhiblaawe| W/Q: Abwaan Cabdinaasir Xiddig

Sooyaalka Dr’s Xaawa Cabdi Dhiblaawe

Drs Xaawa Cabdi, waxay sannadkii 1947-dii ku dhalatay magaaladda Muqdisho ee caasimadda Jamhuuriyadda Fadaraaliga ah ee Soomaaliya. Wax-barashadeedii dugsiga hoose, dhexe iyo sare waxay ku dhamaysatay isla magaaladda Muqdisho. Sannadkii 1964-tii ayey Drs Xaawo, deeq wax-barasho ka heshay midowgii soofiyeedka, halkaasi oo ay ku soo takhasustay cilmiga caafimaadka, gaar ahaan cudurrada haweenka.

1971-dii ayey ku soo laabtay dalkeeda hooyo, ayadoo xambaarsan aqoon iyo waayo-aragnimo aad loogu baahi-qabay, waxayna shaqadeedii ugu horreysay ka billowday isbitaalka digfeer ee hadda loogu magac-daray Ordugaan. Drs Xaawa, waxay sidoo kale barenimo uga soo shaqaysay Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed, halkaasi oo ay ka soo saartay hawl-wadeenno aad u farabadan oo dhanka caafimaadka ah.

Mar la waydiiyay sababihii ku riixay in ay barato cilmiga caafimaadka, ayey sheegtay in ay hooyadeed u geeriyootay dhibaato ka soo gaartay xanuun kuwa haweenka ku dhaca ah, ayna in badan daawanaysay hooyadeed oo la silcaysa xanuunkaas, dhacdadaas xanuunka badan ka dibna ay go’aansatay in ay garabsiiso hooyooyinka Soomaaliyeed ee daryeel la’anta u dhimanaya. Waxaa xusid mudan: in markii Drs Xaawa hooyadeed dhimatay ay jiray oo kaliya 11gu’.

1991-dii, markii ay meesha ka baxday dawladdii Maxamed Siyaad Barre, ayey Drs Xaawa, dhidibbada u taagtay mid-ka-ah isbitaallada ugu caansan, uguna wax-qabadka badan degmada Lafoole, isbitaalkaas oo ahaa sidoo kale meel ay degganaayeen dadka soo barakacay. Drs Xaawa Cabdi, waxay ahayd qof caan ku ahayd caawinta, daawaynta iyo daryeelidda hooyada iyo dhallaanka Soomaaliyeed, kuwooda saboolka ah, waxayna shaqadaas naf-hurka ah ku mutaysatay abaalmarino iyo boggaadin dalka iyo dibadda ah.

 5-tii Ogoosto, 2020-kii ayey Rabbi ha naxariistee Drs Xaawa Cabdi Dhiblaawe ku geeriyootay Soomaaliya, geerideedaas oo noqotay mid ay ka argagaxeen dhammaan bulshada Soomaaliyeed iyo dadyowga daneeya arrimaha binu-aadannimada. Waxaa jira laba gabdhood oo dhakhaatiir ah oo ay dhashay Drs Xaawa, kuwaasi oo u istaagay in ay halkeedii ka sii wadaan shaqadii barakaysnayd ee ay hooyadood caanka ku ahayd, waxaana gabdhahaas la Kala yiraahdaa: Drs Deeqa iyo Drs Aamina.

Ugu dambayn: waxaa xusid mudan in Drs Xaawa Cabdi Dhiblaawe ay nooga tagtay dhaxal kale oo aad u qiimo badan kaasoo ah: buuggeeda “KEEPING HOPE ILIVE”.

  1. Xigasho: BBC Somali
  2. barta YouTubeka SNTV
  3. barta YouTubeka
  4. Bandhigga
  5. Wikipedia.

W/Q: Abwaan Cabdinaasir Xiddig

SHEEKOOYIN