Geeska Afrika waxaa laysku yiraahdaa wadamada, Soomaaliya, Jabuuti, Ereteriya iyo Etoobiya, waxaana shaki ku jirin inay Soomaaliya ugu dhul weyn tahay; uguna dad badan tahay, marka la tira koobo dadka asalkoodu Soomaaliga yahay.
Gumeystayaashi reer galbeedka, waxay ku heshiiyeen in Soomaalida la kala qeybiyo, kala qeybintaas oo ay sabab uga dhigeen; in haddii ay Soomaalidu ka mideysan yihiin xooga iyo dhaqaalaha, inay awoodi karaan inay qaaradda Afrika hogaamiyaan, taa ayaana keentay in shan qeybood laga dhigo.
Markaan ka soo tagno taariikhdaa hore, waxaa hadda is weydiin mudan su’aalaha soo socda:
1. Maxaa Soomaaliya burburiyay, Etoobiyana badbaadiyay?.
2. Muxuu Melis Sanaawi ahaa, muxuuna uga tegay wadankiisa Etoobiya?.
Waxaan ognahay colaada ka dhexeysay labada wadan iyo waxa u sabab ahaa colaahadaas, sidaa oo ay tahayna, dadka intooda badan waxay aaminsan yihiin; in reer Galbeedku Etoobiya u badbaadiyeen arrimo la xiira diinta, Soomaaliyana ay u badbaadin waayeen; isla arrimahaa diinta ku saabsan, waa sabab macquul ah oo ka mid ah sababaha jira ama jiri kara.
Waxaa kale oo ayadana meesha ku jirta, inay Etoobiyaanku ka wadanisan yihiin Soomaalida, oo ay jecleyn inuu dalkooda burburo, ayagoo kala qabiilo ah sida Soomaalida oo kale iyo ayagoo ay u sii dheer tahay inay yihiin qowmiyado kala duwan, taana waxaa cadeyn u ah; isbedeladi ka dhacay wadankaas iyo sida ay u badbaadeen xarumihi dowladda, inkastoo la dhihi karo, Soomaaliya lafteeda waxaa ka dhacay isbedel aan dhiig ku daadan, kaasoo awooda la wareegay ayadoo aanu burbur dhicin.
Dadka qaarkood waxay aaminsan yihiin in reer Galbeedku aanay labada wadan kala jecleyn, laakiin ay yihiin laba dal oo laysu haayo, si aanay labadoodaba horumar u gaarin oo ay ugu jiraan dagaalo joogta ah, dagaaladaas oo aanay ku kala adkaan, midna midka kalana ka awood badnaan, waxay caddeyn u soo qaataan xukuumadihi soo maray labada wadan.
1.1960ki Soomaaliya waxaa ka jirtay xukuumad Dimuqaraadi ah, taasoo u dhiganta Boqortooyadi Xabashida, labadaa xukuumadood oo 1964 dagaalo dhex maray, waxay ahaayeen laba awoodood oo wax badan kala awood rooneyn (isu dhigan).
2. 1969 waxaa Soomaaliya ka curatay xukuumad militery ah, taasoo billoowday inay dhisto awooda ciidamada dalka, marki ay muddo kooban jirtayna, waxaa la ogaaday xawaaraha ay ku socoto, kadibna waxaa laysku dayay in loo helo awood hakisa, taana waxay keentay in la inqilaabo Boqorki Etoobiya, awoodi dalkana ay la wareegaan militeriga.
In Boqor Xeyle Salaase lagu aaso kursigiisa hoostiisa, sababta keenay ma ahayn naceyb ay reer Galbeedku u qabeen, laakiin waxay aheyd in muhiimadi laga lahaa ay dhammaatay iyo in loo baahan yahay awood military oo u dhigma midka Soomaaliya hogaamisa (isu dhigan).
Labadi xukuumadood oo militeriga ahaa, waxaa dhex maray dagaalo ba’an oo aan la wada socono, waxaa la naafeeyay awoodihi Geeska Afrika.
3. Maalinba waxay meel soo joogto, 1990 waxaa Soomaaliya la wareegay Jabhado, Etoobiyana waxaa ka socday dagaalo Jabhado oo ayagana xukunki la wareegay, Mingistu waxaa loo sheegay inay dhammaatay muhimadi laga lahaa, sidaa ayuuna ku baxay, halkaana waa (isu dhigan).
4. Labada dal waxaa gacanta ku haayay Jabhado hubeysan, inkastoo ay reer Galbeedku; kaalin ku lahaayeen deganaanta wadanka Etoobiya, haddana waxaa kaalin mug leh ka qaadatay wadaniyada shacabka Etoobiyaanka, waloow reer Galbeedku aanay gacan siinin Soomaaliya, haddana waxaa burburkeeda kaalin ka qaatay wadaniyad la’aan.
Nidaamki Etoobiya ka jiray, waxaa in mudda ah hogaaminaayay melis kaligii, waxaana wakhtigaa loo siiyay in laga war sugo waxa Soomaaliya ka soo baxa, si loo kala ogaado inuu noqdo xukun military ah ama mid shacab ah, inkastoo laysku dayay in laga dhiso dowlad sida Federalka Etoobiya ah, haddana waxaa soo if baxay ururo Islaami ah, oo awood ku yeeshay gudaha Soomaaliya.
Midoowga Maxaakiimta Islaamiga ah, markay dalka intiisa badan qabsadeen, waxaa reer Galbeedki la noqon wayday inay Etoobiya ka dhisaan Maxkamado Masiixi ah, oo la jaan qaada kuwa Islaamiga ah ee Soomaaliya ka curtay, si ay isula sinmaan oo isu dhigan u noqdaan, taana waxay keentay in meesha laga saaro Maxkamadihi Soomaaliya, ayadoo loo adeegsanaayo xoogaga Etoobiya.
Waxaa marag ma doonta ah in Melis hunguri ka galay qabsashada Soomaaliya, asagoo ku madax adkaaday reer Galbeedki daba ka riixaayay, taasina waxay keentay in lagu kiciyo awood dalka ka saarta, inkastoo dadka qaarkii ay aaminsan yihiin in shacabku ku kacay, haddana waxaa jiray kaalin ay reer Galbeedku ku lahaayeen dagaalada lagu saaray Etoobiyaanka, waayoo reer Galbeedka ayaa dan gaar ah ka lahaa Soomaaliya, waxaana la sheegaa inuu waagi dambe Melis u dhintay sun la siiyay.
Waxaa Melis Sanaawi abuurtay dowladi militariga aheyd ee Soomaaliya, waxaana loo abuuray laba sababood oo kala ah:
1. Inuu difaac u noqdo Jabhadi EPLF (Eritrean Peoples Liberation Front) oo loo yaqiinay (Shacbiya) oo la aasaasay 1970ki uuna markaa hogaaminaayay Isaias Afewerki, Jabhadaasoo dagaalo kula jirtay xukuumadi Mingitu, waayoo wadada ay soo maraan ciidamada Mingistu markay Ereteriya weeraraayaan, ayaa aheyd dhulka Tigreegu ay degaan, sababtaa ayaa loo sameeyay Jabhada TPLF (Tigree Peoples Liberation Front) oo loo yaqiinay (Weyane) oo la aasaasay 1975ki, si ay shacabka reerka Ereteriya ugu nastaan, ayagana ay wadada ugu fadhiistaan ciidamada Mingistu.
2. Inuu Melis kala qeybiyo qowmiyadaha Etoobiya, xurnimadoodana siiyo Ereteriya iyo Soomaalida galbeed.
Melis sidaa ayuu ku joogay wadanka Soomaaliya, asagoo raali ku ahaa inuu fuliyo ujeedooyinki laga lahaa.
Isaias Afewerki ayaa Melis keenay Caasimadda Soomaaliya, si ay dowladda Soomaaliya u siiso megengelyo iyo mucaawino military, labadoodana waxay haysteen baasaboor Soomaali ah oo ay dibadaha ugu dhoofi jireen.
Waxaa is waydiin mudan:
a) Siriqdi burburka ee Etoobiya lala damacsanaa, maxaa keenay inay Soomaali ku dhacdo?.
b) Sidee ugu suura gashay Melis inuu dalkiisa ka badbaadiyo burburka iyo inuu arrimaha Soomaaliya gacanta la galo?
Melis wuxuu xuriyadooda siiyay Eritrea oo uu u fuliyay ballanti uu ka qaaday Efewerki, Etoobiyana wuxuu ka sameeyay nidaam uu ugu magac daray Ethiopian Federalism, kaasoo ah federal gacan ku rimis ah oo la soo dooranaayo xubnaha Baarlamaanka, ayagana ay dooranaayaan Ra’iisul wasaaraha dalka hogaaminaaya, kaasoo awood u leh inuu madaxweyne maqaar saar ah magacoowdo.
Kilinada wuxuu u ogolaaday inay iskood isu maamulaan, sidaa oo ay tahayna, asaga ayaa magacaabaayay madaxda kilinada federalka, wuxuu kilinka 5aad u magacaabay madax fara badan oo isaga dambeysay, waxaana caqabad ku ahaa, ururo dagaal kula jiray; oo ay mid yihiin ONLF iyo ururo diimeed ka soo horjeeday xukuumada Melis.
Markay arrinta kilinka 5aad ku cuslaatay, wuxuu degsaday shax uu la ciyaaro dadka Kilinka ku nool, waxaa qorshaha u hagaajiyay hogaamiye kooxeedyadi Soomaaliya, kuwaasoo uu u dirsaday inay u soo gacan geliyaan, dadka ku abtirsada kilinka 5aad oo Soomaaliya jooga.
Arrintaasi waxay keentay in Melis fadhigiisa loogu geeyo; Soomaali badan oo jawaano madaxa loo soo geliyay, kuwaasoo laga soo qabtay dalki xigaalka u ahaa, waxaana lagu soo xiray xabsiyada Etoobiya.
Muraadki uu Melis lahaa markuu suuragal u noqday, ayuu dadki ka soo saaray xabsiga wuxuuna ku yiri: “dadka aad isku haleyneyseen waa kuwaa ii kiin keenay, wadankaan ayaadna xaq ku leedihiin oo dhulkiini ah, haddii aad dalkiina daacad u noqoneysaan, waxaan idinka dhigaa ciidamada ilaalada xuduudka, waxaadna arki doontaan, idinkoo ciidama ah oo wata dareyska Etoobiya iyo gawaari Urala ah inaad u tagtaan kuwi idin soo qabtay, idinkoo farta ugu yeeri doona”.
Halkaa waxaa ka soo baxay, dhallinyaro badan oo aaminsan inay Etoobiyaan yihiin, kuwaasoo waalidiintood ay aamisanaayeen inay Soomaali yihiin iyo ciidamo booliis ah oo ilaaliya xadki ay uga soo gudbi jireen walaalahooda raba inay ka xoroobaan gumeysiga Xabashada.
Falsafadi Melis waxaa sii wada Ra’iisul wasaaraha hadda jooga, kaasoo ka shaqeeyay inay Soomaalidana naceyb u qaado shacabka kilinka, wuxuu abuuray inay Liyuu Booliisku weeraro ku qaadaan dadka Soomaaliyeed ee degan agagaarka xad beenaadka, si ay halkaa ugu xasuuqaan shacab reer guuraa ah, si ay naceyb ugu qaadaan degaanka kilinka 5aad, oo loo waayo kalsoonidi walaaltinimo iyo riyadi shanta Soomaaliyeed.
Wada dheer ayaa loo soo maray, inay madaxda Soomaalidu u kala dhuuntaan Etoobiyaanka, waxaana sabab u ah isku kalsoonaan la’aan dhexdooda ah, waayoo mid walba wuxuu ka cabsi qabaa, inuu midka kale ka xigsado dhinaca Xabishada, kadibna asaga loo adeegsado inay ka takhalusaan, laakiin ma jiro qof masuul ah oo aan ogeyn siyaasadda Xabashida iyo inay caqabad ku yihiin Ummadda Soomaaliyeed.
xaayoow09@hotmail.com