Sooyaalka Noloshi Sillooneyd. Q21AAD

Sooyaalka Noloshi Sillooneyd. Q21AAD

 Samatar

Markuu ka soo baxay goobtii wada hadalka ayuu soo beegsaday gurigiisa wuxuuna la hadlay, Ilbir oo wadnaha farta ku haya, xaalkiisuna ilaa markii aannu saalooneyn, wuxuuna yidhi waxaan ku soo socdaa guriga ee guriga iigu kaalay.

 

Ilbir ayaa markiiba dhakhso usoo jiheystay dhinaca guriga isaga oo aad ugu goomoon, ogaanshaha xaallada cusub ee soo deristay.

 

Markii Ilbir yimid, ayuu soo abbaarey qolka Korneylka, ka dib Korneylka ayaa markay is gacan qaadeen, soo dhaafay oo albaabka laabay,Ilbir ayaa shaki weyni sii galay, ka dib isagoo waxoogaa werwersan, ayuu korneylkii soo noqday.

 

Korneyl Cirfiid waa dareemay inuu Ilbir argagax ku jiro, oo u maleynayo in wax badan khaldan yihiin, markuu jawigiisa arkay ayuu yidhi:

“ Adeer is deji wax dhiba ma jiraan, waxaannu maanta kulanay Barroow oo arrimo dhawra ka wada hadalnay,dhacdadii isbitaalka iyo gacanqaadkii idin dhexmaray, isagu waxyaabo kale oo been ah ayuu ii sheegay waxaanse soo oggaaday halka muruga iyo ismaandhaafku ka yimid”

 

Ilbir oo dhegeysanaya, dhuuxaya hadalka, kelmad walbana toban u kala dhigaya marka afkiisa ka baxdo, aadna ugu dheygagsan ayaa yidhi:
“ Oo muxuu sheegtay? Maxaase aniga layga qariyey ciidanka iyo shirka? Ma isbeddelbaa jira? Sideeyse ku dhacdey Arrin Qaare ogyahay inaan anigu oggaan waayo”

 

Korneylka ayaa wado usoo baxday, markaasuu yidhi:

“ Anigaa la ballamey, wuxuuna shuruud iiga dhigay inaadan shirka nagala soo qayb gelin, sidaa awgeed anigoo doonaya inaadan iga xumaan ayaan arrintoo dhan kaa qariyey”

 

Ilbir ayaa yidhi:

“ Maxay tahay arrinta gaarka ah ee uu iga tabanayo, ee aannu ciidanka kale iyo adiga kaa tabaneyn?”

 

Korneylka ayaa ugu jawaabay:

“ Waa arrin dhacda waana wax curad ah oo maaha ugub, Barroow waa nin weyn, waxaana gaadhay war ah, in adiga iyo xaaskiisa aad leedihiin xidhiidh, anigu warkaas ma hubbo, haddiise aan dabagalay, raadka uu sheegay waxbaa ka jira, saw ma jirto inaad dhawr jeer kulanteen, adiga iyo Hodan sidoo kale aad la xidhiidho?”

 

Ilbir ayaa talo ku caddaatay, xaalkuna wuxuu marayaa, meel qadhaadh, been uma sheegin weligiis Korneylka maantase huri mayso, haddana wuxuu is leeyahay saw ceeb maaha, waxaa ku furmay jahawareer, ka dib intuu isla soo booday ayuu yidhi:

“ Arrintii Samatar ee Afduubka ahayd, ayay Hodan si wanaagsan ula macaamishay, Samatar, inta badana xidhiidhkayaga sababtiisu waxay ku saabsanayd, Samatar oo ay iga codsatey inay iyadu xanaaneyso maadaama aysan ubad lahayn, Hooyana u noqoto, haddana aniga waxaa igu cuslaatey masuuliyadda aan iska saaray, inaan gacan aan tayda iyo taada ahayn ku aamini karin Samatar,   xaalkiisa ayay iisoo wacdey dhawr jeer, kullamadayaduna arrintaasay ku wajahnaayeen”

 

Korneylku waa nin ruugcaddaaya, garay in runa loo sheegay waxna laga qarshay, markaasuu yidhi:

“ Heshiiska miyey ku jirtay inaad Hooyo iyo Aabbe u noqotaan?”

Ilbir oo aan jawaabta ka fiirsan ayaa la soo booday: Haa adeer”

Korneylka ayaa qoslay markaasuu yidhi:

“ Hodan waa gabadh qurux badan, mana jecla odayga qaba, arrinta oo dhana waa la socdaa, balse waa “Xero dhiig” arrimahan oo kale reero dhan ayaa ku rogmada dhaqanka Soomaalida nin xaaskiisa lagala baxo,waxaan jeclaan lahaa, arrinkaas inaad ka dheeraato, haddiise rabitaan jiro, hakuu ahaato maalintey xor noqoto ee ay kala tagaan”

 

 

Ilbir iyo Korneylkii waxay muddo arrintii rogrogaan, waxaa lagu ballamay inuu faraha kala baxo, iyadoo ay wada joogaan ayaa waxaa albaabka soo galay, Hanad oo xiimaya markaasuu yidhi:

 

“ Ilbiroow walaal, gurigeenii waa la weeraray, waxaana weerarey rag wata saddex baabuur, waxayna ku dileen, Afar ciidankeena ah, Baabuurna waa dhaceen, waxay kale oo qaateen walaashaa Sacdiyo iyo wiilkeedii Salmaan.

 

Sidoo kale waxay Bombo ku dhufteen Ganjeelkii guriga oo jabay, mar qudha ayaa laysla oogsaday, waxaana lagu yaacay dhinacii gaadiidka, Korneylkii wa is ilaaway inuu jiran yahay, Afka horre ayuu ka soo fuuley, cid joog tidhina ma jirto.

 

Waxaa loo yimid, Gurigii aad gelgelin moodo, oo weerar habeysan lagu qaaday, Albaabkii oo Jaban, Muraayadihii oo dhulka la dhigay, iyo dhaawac iyo mayd dhexyaalla.

 

Inkastoo ciidanku gurmad ku yimid, oo nimankii dhawr nin oo mid nolol lagu qabtay laga reebtay, haddana weerarkoodii iyo ujeedkii waa ku guuleysteen.

 

Samatar yare oo meel ku dhuuntay ayaa soo baxay, wuxuuna sheegay inuu Arkayey, Dalmar oo gadhweyn daystay oo dadka leynaya, wuxuuna raadinayey, Hanad iyo Doolli, wuxuu ku qaylinayey, Hanad iyo Doolli nolosha iigu soo sima hayga dilana e.

 

Waxaa loo dhaqaaqay, Dhaawac gurid iyo Mayd aasid, Ilbir farruurta ayuu ruugayaa waa gaadmadii labaad, waxaa horre loo dhaawacay Korneylka, haddana waxaa loo socdaa waa isaga iyo labada wiil, sidoo kale waxaa gacantiisa laga bixiyey walaashiis oo magan u ahayd oo uu ballan ka qaaday.

 

Ilbir xaalkiisu dhinacna kama degana, waxaa soo wajahay maalmo kale oo madoow, isagoo iska tirtirey xasuustii qadhaadheyd ee uu ku soo korey, wuxuu dhaar ku marey, inuusan nasan oo jiifsan ilaa uu god ku oggaado, Abu Salmaan iyo Dalmar.

 

La Soco qaybaha kale.

Cabdiraxiin Hilowle Galayr

Galayr1977@hotmail.com

 

 

 

 

 

SHEEKOOYIN