Sooyaalka Noloshii Sillooneyd Q15AAD

Sooyaalka Noloshii Sillooneyd Q15AAD

Samatar

Waxaa la yimid gurigii korneylka, waxaa loo qaaday markiiba isbitaalka. Waxaa ku dhacay dhawr xabbadood, oo feedhaha, garabka iyo lugta midig ka qabsaday, balse, korneylka waa miyir qabaa, waana ogyahay cidda dhaawacday.

Markuu Ilbir soo ag fadhiistay, ayuu yidhi:

“Aaway Hanad iyo Doolli?” Ilbirba ayaa ugu jawaabay:

“Markiiba waan qabtay baabuurka ayay ku dul xidhan yihiin!”

Korneylka ayaa waydiiyey:

“Maxaad u xidhay, oo ay galabsadeen, aniguna iyagaan ka werwersanaaye?”

Ilbir ayaa yidhi:

“Waxaa lay sheegay in Samatar saaxiibbadiis dhibka kuu geeysteen, marka iyagaan u maleynayey, ee sidee wax u jiraan?”

Korneylkii ayaa yidhi:

“Maaha wiilashayda Hanad iyo Doolli, ee iigu yeedh. Waxaan doonayaa inaan wax u sheego”

Ilbir ayaa neefi ka soo go’dey, oo laba qalbi ku jiray, maadaama dhinacna walaalihii ku eedaysnaayeen, dhinacna aabbihiisii labaad dhaawac ka soo gaadhay. Waxay marxaladdiisu gaadhay meel halisa, isagoo aamminku ku yaraaday, ayuu su’aalo badan, naftiisa waydiinayey; maxaa ku kellifay Hanad iyo Doolli, inay dilaan aabbahaa? Muxuu ku galabsaday, isagoo soo koriyey, inay ka soo horjeestaan? Ka dib, ayuu ciidanka u diray, inay keenaan, oo xadhkaha ka furan Hanad iyo Doolli.

Labadii wiil, oo naxsan, ayaa laga soo furey xadhigii, waxaana gudaha loo soo geliyey isbitaalkii, markay arkeen korneylkii, oo dhaawaca ayay ku dul ooyeen, iyagoo hareeraha ka fadhiistay. Doolli ayuu madaxa u salaaxay, oo Korneylku ku yidhi:

“Libaax baad tahay, Libaaxuna ma ooyo, ee wuu taaha, waana hiinraaga. Waxaad tihiin adiga iyo Hanad wiilashayda aan dhib la’aan dhalay, waxaan doonayaa inaan idiin sheego, inaad iska ilaalisaan, naftiinna, tan Ilbir iyo Samatar yare, ninka Dalmar ahaa!”

Ilbir ayaa la soo booday

“Ma Dalmarbaa ninka xabbada kugu dhuftay? Maxaa ku kellifay?”

Korneylka ayaa yidhi:

“Habeen ayaa aniga iyo Hanad, oo guriga joogna, wuxuu iiga sheekeeyey, inuu ka baqayo ninkaas inuu i shirqoolo, sidoo kale, inuu wadaaddada la shaqeeyo, oo xaalkiisu is beddelay, iyagana ka aamminsan yahay inay Gaalo yihiin, hase yeeshee, waxaan uga sheekeeyey, in xitaa walaalaha rumaad ku kala tagaan, aragtida iyo talada, ee uu san colleysan. Sidoo kale, ay soo dhaweeyaan, waxaan u sheegay, haddii la weynaado, in gu’ walbaaba waayihiisa wato, oo hadhoow nin weliba meel degayo, reer yeelanayo, arrimo badan ayaan kala hadlay, sidoo kale, waxay ii sheegeen inuu ku casuumay gurigiisa, oo ay diideen, balse, markii dambe waxaan kula taliyey inay u tagaan oo xidhiidhiyaan, waxaa laga yaaba inuu is beddelo”

Ilbir ayaa ogaaday in fursad badan aanu siinin wiilasha dhinaca talada, booskii aabbennimada iyo waalidnimada Korneylku u buuxiyey. Sidoo kale waxuu ka xumaaday, inuu dambi ka galay, oo taas lafteedu keeni karto kalsooni darro iyo niyadjab, isaga oo aan wax hubsan, uu xabsi iyo xadhig kula kacay, in kastoo uusan dhibaabe kale u geeysan, haddana, wuxuu ka baqay inay cuqdad ka qaadaan.

Ilbir ayaa isku duubay, oo labadoodii dhexdagashaday. Korneylkii ayaa ku yidhi;

“Kuwani waa walaalahaa ruma, adduunkana adigey kuugu jecel yihiin, weligood ku khiyaami maayaan, adiguna kor iyo hoos u ogoow. Samatar yarena ha lay keeno” Sidoo kale wuxuu ku yidhi, hadal ay ka wada naxeen: “Haddii aan dhinto, Samatar yare ayaan idin ku ogahay”

Ilbir ayaa wuxuu markiiba isugu yeedhay, in la raadiyo,  10 Tikniko ah  ayaa hawshaas loo xil saaray raadinta  Dalmar, Hanad iyo Doollina ay raacaan baabuurta  tusaana ciidanka meel walba oo ay ku tuhmayeen Dalmar, noloshana loogu keeno, haddii la helo, haddii la waayona, guriga iyo waxaa jooga oo dhan la soo kaxeeyo.

Ciidankii ayaa heegan galay, waxaana isbitaalkii soo buuxiyey, odayaashii beesha oo dhan, iyagoo aad uga werwersan xaaladda Korneylka, balse, aan ogeyn, dagaalka meesha uu ka socdo. Korneylka ayaa u sheegay inay dableey soo weerareen, isagoo diidaya inuu cid carrabaabo, si aan beel iyo dad aan waxba geeysan aano iyo anafo loogu geeysan.

Ciidankii oo Hanad hoggaaminayo ayaa tegay gurigii uu habeenkii dusha ka tusay Dalmar, waxayna soo taxaabeen, qoys aan weligood arag Dalmar, aqoonna u lahayn, iyadoo wiilashiina la garaacay waalidkiina loo hanjabay, balse, markii ay xaqiiqsadeen in loo been guurey ayay dhammaan waxaa ciidan la hordhigay masaajiddadii looga shaki qabay iyo goobihii ganacsiga ee uu la shaqayn jiray.

Abuu Salmaan, wuu fahansanaa, inay sidani dhacayso. Waa gacan ku gabbad Dalmarna waa qariyey, isagoo weliba ka xun qorshahooda la oggaaday, maadama Korneylku arkay Dalmar.

Dalmar ayaa goor fiidnimo ah, wuxuu ku soo diyaarsaday saddex ka mid ah saaxiibadii meel luuq ah, ka dib ayuu soo booqday xaafadda Korneylka, cabbaar markuu Samataryare la joogay ayuu Korneylka u tegay, wuxuuna   yidhi:

“Muraad baan kuu lahaa!”

Korneylka oo u maleeyey inuu gacanqabasho dhinaca jeebka ka rabay ayaa yidhi;

“Maxaan kuu qabtaa adeer?”

Ka dib ayuu yidhi:

“Waxaan jeclaan lahaa inaan waxoogaa gooni u faqno.” Ka dib Korneylkii ayaa isa soo taagay, waxay u soo dhaqaaqeen, dhinaca ganjeelka, oo furnaa, kadib ayuu u billaabay inay gabadh heshiiyeen, hase yeeshee, la yidhi; yaa ku garanaya? Arrintaasina ay sababi karto, inuu waayo gabadha, maadaama uusan aqoon cidda uu yahay iyo qoyskiisa.

Korneylka oo aad ula dhacay arrintiisa iyo kalsoonida uu ku qabo, ayaa bannaanka ula soo baxay, si aysan dadka kale u maqlin arrintooda, wuxuuna yidhi:

“Saacaddan laga billaabo, waxaa ku dhalay walaalkay Xersi Xaashi, waxaadna tahay Reer hebel, ha ka cabsan anigaa kuu doonaya gabadha, anigaana sooryada bixinaya, aroosna waan kuu dhigayaa. Waxay isku ahaayeen Korneyl Cirfiid iyo Dalmar kuwii maahmaahda Soomaaliyeed tidhi; “Nin aad kabihiisa toleysaa, kafantaada tolaay” Korneylku wuxuu ula dhaqmayaa sida wiilkiisa, waxaana ka go’an iney helaan dhammaantood, inta dadku haysto, sidoo kale, wuxuu doonayay inuu ku dhiirrigeliyo. Ilbir oo uu in badan ku gubaabinayey inuu guursado, balse, uu kala quustay, ayuu rabay inuu uga dhigo kedis, kuna yidhaahdo; Dalmar oo aad dhali karto ayaa gabadh keensaday!”

Mase dhicin, oo bannaanka markuu yimid, ayaa mar qudha, wuxuu ka warhelay, niman dhinac marayey, oo bastoollado la soo wada baxay iyo Dalmar, oo albaabka soo laabay, isaguna dhinaciisa xabbada kaga billaabay. Nasiib wanaag, mugdiga iyo kedis ayaa waxaa caawiyey baabuur nal soo shiday, ka dib, ayay ka carareen, balse, qorshahoodu ma ahayn inay nolol kaga tagaan.

Abuu Salmaan markuu ogaaday inuu noolyahay Korneylku, waxaa isugu timid baqdin iyo argagax. Haddii la helo Dalmar, in isagana la ogaanayo ayuu hubay. Sidoo kale, wuxuu ogaaday in ciidankii Ilbir oo dhami ku dabajiraan Dalmar oo ah, furaha lagu ogaan karo ciddii ka dambaysay isku daygii dilka Korneylka.

Dalmar waxaa la geeyey tuulo magaalada ka baxsan, sidoo kale, waxaa la qabqabtey wadaaddo badan, oo Dalmar la shaqayn jirey, waxaana dhammaantood la dhigay xabsi ku yaal xerada ciidanka Ilbir. Magaaladii waxaa ka oogsamay cabsi, ciidankii Ilbirna waxay sameeyeen, dhaqdhaqaaq weyn.

Wadaaddada mid ka mid ah, ayaa yidhi;

“Dalmar annagu Ilaahay dartiis ayaanu u caawinayney, haddase, gacantayada waxaa kala baxay koox xagjir ah, kuwaasoo doonaya inay ka dhigtaan hub ay umadda ku gumaadaan!”

Wadaadkii ayaa ka sheekeeyey meelaha laga helayo iyo ninka gacanta uu ugu jiro. Nasiib wanaag, wuxuu carrabka ku dhuftay, Abuu Salmaan, oo magaciisa dhabta la yidhaaho; Cabdi Shube, horrena u ahaa nin budhcad ah.

Cabdi Shube wuxuu ahaan jiray dableey, weliba kuwa sida ujeeddo la’aanta ah, dadka u dila. Wuxuu ahaa nin naxariis darran, iimaan la’, oo budhcad ah, baabuurta jidka u gala, ilaa maalintuu garaadsadey, Cabdi Shube, dadka uu gar iyo mag la’aanta ku dilay, tiradooda lama xisaabin karo.

Ninkii sidaa ahaa, ayaa waxaa maalin la galay heshiis koox wadaaddo ah, oo xagjira, iyaga oo isugu darey lacag, caabuur iyo xaas, una sheegay in wuxuu dambi galay laga cafiyayo, naxariista Allena qalbigiisa buuxin doonto, noqona doonno kuwa Alle hadhkiisa hadhsada, hadduu la shaqeeyo, hadba qofkii loo dirona uu khaarajiyo. Cabdi Shube, waxaa loo xil saarey inuu dadka indhaha ka rido.

Wuxuu dilaa madaxda ciidanka hore, weliba hoggaankooda, janaraallada, Korneylada, ilaa laga gaadho sarkaal. Wuxuu ugaadhsada, dhakhaatiirta, injineerrada, aqoonyahanka, waxgaradka iyo nabaddoonnada, cid kasta, oo ay is leeyihiin waxaa dhegaysan kara laba qof.

Abuu Salmaan ayaa loo bixiyey, waxaana loogu kineeyey wiil uu dhalay. Wuxuu dilay Abuu Salmaan, dhammaan saaxiibbadiisi ay hore isula qadhaaban jireen iyo madaxdii ciidankii uu ka tirsanaa, sidoo kale, wuxuu dilay, dad waxgal ah, oo ciiddaas ka badan, arrintan oo gaadhsiisay inuu noqdo, Amiir ama taliye guud, waana meesha uu hadda la rabo inuu geeyo Dalmar. Wuxuu aad uga helay Salmaan Dalmar qorshihiisa ugu horreeyey inuu ka billaabay meeshuu isaga ka billaabay oo ah, dadkay nolol iyo naf wadaagta ahaayeen.

Markii la gartey qof ahaan iyo muuqaal ahaanba, Abuu Salmaan ayuu amar ku bixiyey Ilbir in cirka iyo dhulka meeshuu joogo laga keeno, isagoo noolna loo keeno,

Hanad iyo Doolli daqiiqad salka dhulka may dhigin, ka dib ayay soo heleen, xaaskii iyo wiilkii Salmaan meesha ay ku nool yihiin, waxaanay labadoodiiba u soo afduubteen xeradii ciidanka ee Ilbir, iyada oo la doonayo inuu yimaado Abuu Salmaan, oo lugihiisa ku soconaya.

 

La soco qaybaha dambe

Cabdiraxiin Hilowle Galayr.

SHEEKOOYIN