Sooyaalka Noloshii Sillooneyd Q18AAD.

Sooyaalka Noloshii Sillooneyd Q18AAD.

 Samatar

Hodan waxay oogtey colaad hor leh, iyadana godkeedaa biyo ugu galeen, Barroow waxaa yimid ciidankiisii oo gurmada, waxaana baabuur la saaray, Hodan oo loo sameeyey illaalo gaar ah oo ilaalisa, waxaana lagu wargeliyey inaysan albaabka ka degi karin.

Habeenkii sidii baa lagu kala seexday, qolo weliba waxay ciidan soo dhoobtay, aaggoodii, waxaana dhacay, inay magaaladii kala xidhanto, isla markiiba waa dareemeen dadkii shacabka ahaa,gaadiidkii dadweynaha, ganacsigii suuqyada iyo isu socodkii magaalada dhexdeeda, isku dhicii labada kooxood saamayn balaadhan ayuu ku yeeshay.

Ka dib, habeennimadii ayaa waxaa isugu yimid, Guriga Barroow, ganacsato badan oo ka soo jeeda dhinaciisa, iyagoo weydiiyey, xaalada iyo waxaa sababay isku dhaca iyo dagaalka maadaama uu goobjoog ahaa.

Barroow isagu waa ogyahay waxa sababay inuu isaga yahay, suuragalna maaha inuu dadka hortooda ka qirto, sidoo kale  Barroow waa ku ceeb, waa hinaasay oo xaaskayga ayaa u sabab ah, waxayna xidhiidh la leedahay oo aan uga shakiyey Ilbir, taas lafteeda ayaa sumcad xumo iyo magac xumo ah, wuxuu isku dayey markaa inuu majara habbaabiyo isagoo eedana dusha ka saaraya qolada kale.

Wuxuu yidhi Barroow:

“ Waad ogtihiin oo intaasoo sanno ayaa ciidankeenu sugayay ammaanka deegaankan Maanta waxaa socda, Guluf ay wadaan ciidamada Cirfiid ee Ilbir hoggaaminayo, kaasoo ay doonayaan, inay deegaankeenana ku qabsadaan, awoodeena ciidana ku wiiqaan inagana inaga dhigaan, dad ku hoos nool, oo siday doonaan ayay ka yeelaan”

Ganacsade Saalax ayaa yidhi:

“ Waanu la soconaa xaalada deegaanka, mana jirto maanta maalin ay ka wanaagsantahay, sababtoo ah, Ciidanka Ilbir, waa na dhici jireen, baad bay naga qaadi jireen badan, dilka dadkeenu waa u sahlanaa, muddo ku dhawaad labba sannad ah, dhacdadii idin dhexmartey ee aad ka heshiiseen, ka dib, xitaa lacagtii cashuurta ee wadamarista waa naga joojiyeen, markaa warka noo caddee, maadigaa xulufo kale yeeshay? Mida kale waxaa jira wadaado doonaya inay la wareegaan guud ahaan, deegaanka iyo dalka oodhan, annaguna kuma faraxsananin, Colaada idin dhexmartaa waxay keeni kartaa in xaaladu gacanta ka baxdo”

Hadalka Ganacsade Saalax ayaa loo wada garaabay waxaana lagu raacay ineysan munaasib ahayn, Colaad dhex marta iyaga iyo ciidanka Cirfiid, waxaa sidoo kale loo sheegay, inay ceeb tahay in ciidankoodu isku dayo inuu dilo, nin weyn oo caan ah, taasoo sababi karta in colaad daba dheer ay dhacdo iyagoo ula jeeda, Cirfiid.

Barroow talaa ku caddaatay, waayo odayashii iyo waxgaradkii waa ka soo horjeesteen, dagaalna suuragal uma aha, Af xumo iyo colaadna waa soo dhigtay, waxaa sugayana waa ugaadhsigii Ilbir oo uu ogyahay inuu gurigiisa ugu imanayo.

Barroow wuxuu yidhi:

“ Hadda waxaan ku jirnaa xaalad dagaal, haddii nimankaasi nabad keenaana waa la heshiinaynaa, haddii ay dagaal soo qaaddana waa iska dhicinaynaa”

Doodii waa ballaadhatey, waxaana Odayaashii isku raaceen, in dhinaca kale odayadooda Ergo loo diro oo laga leexdo, hoggaanka ciidanka. Taageerayaasha Ilbir waxay suuqa geliyeen, in markii horrena uu dilkii shirqoolka ahaa soo abaabulay, Ganacsade Barroow, haddana uu toos isugu dayey, inuu isbitaalka kala baxo, Korneyl Cirfiid oo laga difaacay.

Suuqyada magaalada ayaa sheekada ugu xooggani noqotey, isku dhaca labada kooxood oo ah kuwo, awood muuqata ku leh magaalada Doonyaaleey.

Hodan waxay noqotey xabsi guri, marka waxay heshay fursad ay dadka ku barto ninka qabaa waxaa uu yahay, waxaa yimid isku dhac iyo buuq fara badan oo dhexmaray, ilaa ay gaadhay   hadalkii ugu dambeeyey oo ay tidhi:

“ Anigu mayhi addoon aad dagaal ku qabsatay, kuma rabo kumana jecli ee madaxeyga isii, haddii aad diidona, waddanka ayaan kaaga tegaya ama adduunka oodhan”

Barroow, waxaa ku dhacdey cirkaa dheer dhulkaa dheer, dhinacii siyaasadda waa ku guuldareystay oo ma haysto garab iyo gaashaan, dhinacii nolosha kalena waxaa laga qaaddayaa oo gacantiisa ka baxaysa, Muraayad uu iska daawan jiray, Hodan laxaw iyo kalgacal kuma hayso, aan ahayn inuu ku faanno inuu qabo gabadha yar ee quruxda badan.

Hanad iyo Doolli waxay noqdeen, ilaalada gaarka ah ee Korneylka, Samatarna wuxuu gaadhay heer wanaagsan waxbarashada ilaa meel kasta xaafadda iyo iskoolkaba laga jeclaystay, Samatar yare noloshii adkeyd waxaa u beddelay waayo wanaagsan, wuxuu maalin walba qoraa, habkuu u noolaa kulankii Ilbir ka hor, adduunka wuxuu ugu jecelyahay, Hanad, Dooli, Ilbir oo uu yaqaanno, walaalihii, Sidoo kale Korneylka oo ay dhammaantood u yaqaanan Aabbahood.

Ilbir waa la daaray, laba arrimood ayaa isu galay, mida koobaad ee ah in la Caraadiyey oo waxay sheegaysay Hodan ay hortiisa ka dhacdey, iyo in ay is hayaan nin duulaan ku ah, noloshiisa iyo awoodiisa ciidan.

Ilbir wuxuu ka daalay wicitaanka Telefoonkii Hodan oo mar horre laga qaadday, ka dib ayuu wuxuu dirsaday gabadh ka mid ah, kuwii guriga joogay oo uu ugu dhiibay Telefoon kala xidhiidho.

Gabadha Xadiyo waa gabadh caqli iyo garasho, badan, waxay markiiba xuuraamisay, qaraabada Hodan, Hooyadeed reerkay ka soo jeedo iyo iyada lafteeda, waxayna markiiba sheegatay, reer aan magaalada deganeyn balse ay ehel yihiin, iyadoo Baabuur cad oo ciidan waardiyeynayo wadata, ayay u tagtay, waxayna u sheegtay inay dibadda ka timid, una baahantahay la kulanka Xaaska Barroow, markii la waydiiyeyna cidda ay tahayna waa isu sheegtay, ka dib waa loo oggolaaday, Gudaha ayay gashay, waxayna u tagtay Hodan oo gurigeeda aan ka soo bixi karin.

Hodan waa loo sheegay cida u timid laakiin dan iyo muraad kama lahayn, oo ciil iyo cadhaa ku gadhoodhey, waxayse samaysay sidii dhaqanku ahaa, inaysan arrinteeda hoose waxba kala socodsiin ee ay naagnimadeeda ku dhammeysato, martidana qaabisho, maadaama ay meel dheer ka yimaadeen.

Markii gudaha la soo galay, ee laysa salaamay, ayay tidhi, anigu mayhi qofka aan sheegtay, waxaa ii kaa soo direy Ilbir, waana qaabka keliya ee aan kuugu imaan karayey, waxaanan oggaanayey nabadqabkaaga iyo xaaladaada guud, sidoo kale waxaan kuu sidaa Telefoon lagaala soo xidhiidho, sidaa awgeed, magacaygu waa Xadiyo waxaanan ahay Ilbir walaashiis.

Hodan ayaa farxad la jahawareertay oo isku duubtay, gabadhii, mahadcelin iyo ammaana ka bixi wayday, kadibna u sheegtey inaysan bannaanka u bixi karin, ciidana ilaalinayo, xaalkeeda caafimaad fiican yahay, balse keeda maskaxeed xun yahay, waxoogaa ka dib ayaa lays macasalaameyey iyadoo lagu ballamey inay soo noqon doonto.

Markay albaabka ka baxdey, ayaa Huruuse oo arkay maalintii uu Hodan la socdey ee guriga Ilbir tegay Gabadhii marti soortay iney ahayd, ayuu ku yidhi, Cismaan oo agtaagan, war gabadhan waan aqaana oo guriga Ilbir ayay maalin aan u raacnay Hodan nagu soo dhaweysay ee maxay halkan ka soo doontay? Taliye Cismaan oo ah taliyaha ilaalada Hodan loo xil saaray,ayaa telefoon direy Taliye Jirdac sida xaal yahay, Taliye jirdac ayaa yidhi ka markiiba, war ka dabataga, oo iyadana kufsada, Gaadhina ka dhaca, ragga la socdana dila.

Markiiba waxaa laga daba qaatay, Baabuur ciidan ah, nasiib wanaagse lama arag, oo iyaguba waa is dhaheen armaa laydin fahmaa, marka ma aysan raacin jid toos ah, Jirdac ujeedkiisu waa in labada ciidan isku baaba’aan waana nin dhibka jecel,balse isma weydiiyo halista qof ahaan iyo koox ahaanba ka gaadhi karta.

Telefoonkii waxaa soo wacay Ilbir, mar allaale markay codkiisa maqashay, ayay oohin la dhacdey Hodan, wuxuu Ilbirna ka bixi waayey aamusiinteeda iyo qancinteeda, wuxuu weydiiyey xaaladeeda caafimaad iyo nololeed,  waxay u sheegtay in ilaa maalintii aysan helin wax xoriyada, shaqadeedii iyo farxadeedii ay maalintii ugu dambaysay, ciil iyo cadhona meel la jiifto, cid iyo ciirsina aysan haysan, sidoo kale waxay u sheegtay inBarroow oggaaday in xidhiidhka ka dhaxeeyo oo ay kulmi jireen iyada iyo Ilbir, balse, aysan jirin wax dhaafsiisan inay xidhiidh wanaagsan lahaayeen iyo is fahan, waxay u sheegtay in xaaladeeda nololeed qarka u saarantahay inay is disho, maadaama aysan ahayn qof xor ah oo nolosha dhibaato ugu dhammaatey, Oohintii ayayna halkii ka sii qabsatay, Hodana caafimaad ayay ka heshay maadaama ay heshay qof ay kala sheekaysan karto dhibaatada haysata oo ay ku nafisto.

Ilbir cirka iyo dhulkaa ku yaryaraaday, waxaana uu garan waayey wuxuu sameeyo, dhaqan ahaan ma jecla in haweenka la dhibo, sidoo kale gabadhan dareen ka duwan haweenka kale ayaa ugu jira, isaga isma oga inuu jecelyahay, balse waxaa qasbayaa waa jacayl iyo dareen kalgacal oo u galay, xasuusteeda iyo hadaladeeda ayaa maskaxdiisa ka dhex guuxaya, inta badana waxaa dhex miranaya muuqaalkeeda, haddana waa jacayl sursuur cidhiidhi ah oo halisteedu badan tahay galay.

Odayadii labada dhinac way is arkeen,   Odayadii ka soo jeeday dhinaca korneyl Cirfiidna waxay ballan qaadeen inay u tegayaan madaxda ciidanka oo ugu horreyn wadooyinka laysu furo, wixii dhexyaalna laga wada hadlo, halka arrintu ka murugtayna la soo baadho.

Labada qaybood ee Odayaashu ma oga, in qof dumara oo uu qabo Barroow laysku haysto, haddiise ay oggaadaan, arrintu weji kale ayay yeelan kartaa oo halistiisa leh dhaqan ahaan iyo diin ahaanba, waa arrin ku culus oo aysan qaadi karin.

La soco qaybaha dambe

Cabdiraxiin Hilowle Galayr

Galayr1977@hotmail.com

SHEEKOOYIN