Sooyaalka Noloshii Sillooneyd Q20AAD

Sooyaalka Noloshii Sillooneyd Q20AAD

 

Samatar

Korneylka waxaa usoo baxdey in arrin hinnaase salka ku haysaa jirto, sidoo kale aysan weli waxba u kala caddeyn, haddaba intaanu warreysanin Ilbir wuxuu la hadlay oo ballan ka samaystay, ganacsade Barroow iney isku arkaan, Hotel Guryosamo, Barroowna arrintaas waa ka yeelay, isagoo og in xaalkiisa ammaan xun yahay, wuxuuna u arkay xal kale uu xamaasad iyo xasarad ku abuuri karo, la kulanka korneylka, si labada deegaan iyo ciidan fooda isu daraan.

Koreylkuna waa xog raadis, isagoo si cilmiyeysan doonaya inuu meesha sartu ka qudhuntay ogaado.Waxaa la gaadhay, Xiligii ballanta, waxaa yimid, Barroow oo aad moodo inuu u soo diyaar garoobey dagaal, waxaana aad looga yaabay, xaddiga badnida ciidanka uu wato oo kor u dhaafayey 20 baabuur, dabeecadani kuma cusba dadka deegaanka, waxayse ku yaqaanaan, laba qof oo aan kalsooni ka dhaxayn markay isu soo gudbaan ama shirar leeyihiin wada hadal ah, inuu isku soo talo galo hoggaamiyaha kale.

Waxaa jiiro walba la dhigay ciidan, ka dib ayaa waxaa lagu wargeliyey Ilbir inay ciidan kor u dhaafaya 20 baabuur oo tikniko ah iyo kuwa raaxada ah oo ciidan ka buuxo, ay xadka ka soo gudbeen, si toos ahna amarka in wadada loo furo ah uu Korneylku baxshay.

Arrintan ayaa laba jeer waxay ka yaabisay Ilbir oo awoodii ciidanka iyo taladiisa loo dabamaray, ayna tahay arrin ku cusub in korneylku hawshaas galo, Barroow oo yimid oo intaasoo ciidana wata, waxaa xoogaa galay dareen ah, ma arrintii Hodan baa lagugu oggaaday, ma wax aadan ogeyn baa jira, waxaa la yidhi: “ Buubaal biyo kashiisa ku jira ayuu ka didaa” wuu talamay ma meesha lagu shirayaad aadaa,   haddana wuxuu is weydiiyey inaysan habbooneyn inuu aado, ileeyn , cidiba kama martiqaadine.

Ugu dambayn wuxuu go’aan ku gaadhay inuu la xidhiidho Korneylka, wuxuu ka wacay telefoonkiisa,   waxaase ka qabtay Qaare:

“ Hello adeer waa Ilbire ii warran?”

Qaare:

“ Hello Ilbir waa Qaare odaygu guduhuu ku jiraa aniguu telefoonka ii dhiibay”

Ilbir ayaa yaab iyo amakaag ka soo hadhay, arrinta uusan isagu ogeyn ee Qaare ogyahay iyo ammaanka Korneylka oo Qaare gacanta ku hayo, Ilbir ayaa yidhi:

“ Oo haddii shir jiro ama kulan, sidoo kale ciidan intaas le’eg gudaha soo gelayo, Korneylkuna amar siiyey maxaa laygu sheegi waayey? Maxaadse adigu iigu soo sheegi waydey?”

Qaare oo dhex ku jira ah, arrintuna ku xuntahay, Korneylkana aan rabin inuu amarkiisa jebiyo oo war aan la odhan gudbi oo gaadhsiiyo Ilbir, Saaxiibkii Ilbirna arka durtaba in isku dhacoodu soo dhawaaday, ayaa yidhi:

“ Niyaw wax badan oo aanan aniguba ogeyn baa jira, waase dareemay in wax lagaa qariyey, haddase ka warran haddaan Korneylka kuugu geeyo telefoonka”

Ilbir oo arrintaas ku qancay, welise mugdi iyo madmadoow badani ku jiro ayaa yidhi waayahaye bal u gee, Waxaa usoo galay, Qaare oo telefoonkii wada, Korneylku waa ogyahay cidda soo wacdey, intuu istaagay oo ka yara durkay meel kuraas nasiino ahi taalley oo ay fadhiyeen, ayuu yidhi:

“ Ilbir adeer shir muhiima ayaan ku jiraa, waana la socdaa inaan kula socodsiin, arrimahaas oo dhan, waan ka hadlaynaa, haddase wax dhiba ma jiraan, ciidankana anigaa amarka siiyey, halkaaga iska joog, ilaa maanta anigaa hawsha gacanta ku haynayaa, caawana waa arrinsanaynaa”

Ilbir oo weli ay ka degi la’dahay waxaa laga qarinayo ayaa yidhi:

“ Waayahay Adeer, adigaan kaa war sugayaa, markaas doo dhammeysataan isoo waca”

 

Waxaa goroda isla galay Korneylka oo doonaya in arrinta uu biya degeeda oggaado iyo Barroow oo u soo baxay inuu bellaayo falkiyo.

Korneylka ayaa yidhi:

“ Ma doonayo inaad raad arrooryo dib u raaco, oo idhaahdo sidaas maxay u dhacdey iyo maxaad sidaa iigu gashay, ee bal iiga warran? Xiisada taagan maxay tahay sababta dhalisay? Maxaadse iila soo socodsiin weyday? Haddii qaladaad dhaceen?”

 

Barroow ayaa ku andacoodey, ayaa yidhi:

“Arrinta ciidankiinaa sababay, iyagaa soo farageliyey arrimaha dhankayaga ah, waxaay geeystay, dhac, jirdil iyo kufsiba, arrintaasina maaha mid aan u dulqaadan karno, sidoo kale ma jirin cid na oggeysiisay in isbitaalka lagu keenayo iyo sababta laguu keenayo, arrimahaas ayaa sababay isku dhaca iyo ciidankaaga oo nin naga dilay markaannu ka codsanay inay deegaanka noo firaaqeeyaan, taliye Ilbirna wuxuu noogu dhaartay inuu awood noogala wareegayo deegaanka waase waxaanu kala helnaa”

 

Korneylku intaas afkiisa ayuu eegayaa iyo jawigiisa wuuna dareemayaa inuu been iyo waxaan jiri ku andacoonayo, hase yeeshee wuxuu rabaa inuu ka daba tago arrinta dhabta ah, wuxuu yidho:

“ Waxaa lay sheegay inaad u gacan qaaday xaaskaaga Ilbirna kaa qabtay ka dibna isagana aad u gacanqaaday, arrintaasina ayay sababtay isku dhaca, Ilbir waa necebyahay, Ragga haweenka dila, waayo Sooyaalkiisa nololeed ayay saamayn ku leedahay, waxaanan filayaa inuusan ujeeddo gaar ah ka lahayn, hase yeeshee, ma garan karo sababta dhabta ah, laakiin, Xaaskaagu waxay noo sheegtay inaad wax walba ka warheyso, oo aad ku faraxsantahay in isbitaalka lay keeno, fekraddana iyadaa iska lahayd, Aniga iyo Ilbirna waa soo dhaweyn, haddiise aan ogahay, inaadan ogeyn raalina ka ahayn, maba dhacdeen”

Barroow oo xaalku jiq ku yahay, ayaa yidhi:

“ I dhegayso Cirfiidoow, wiilka yar ee aad Adeerka u tahay, wuxuu in mudda ahba ka daba laablaabanayey, Xaaskayga, maalintaasna iyagoo wada jooga ayaan ugu talogalay, Xaaskayga ayaa igu soo afcelisay anigoo isaga la hadlayaa, aniguna waxaan maray waddadii saxda ahayd ee ii furneyd, haddaba waxaa is weydiin leh, maxaa keenay inuu ii gacanqaaddo aniga, Ma Xaaskayguu aniga iga celin karaa, mise waa walaalkeed ama waalidkeed, faduusha arrintaas gelisay ma ii sheegi kartaa?

Barroow Jawigiisu waa is beddelay, cadhaana ku wareegsantay wejigiisa, Foolkayaa soo kaduudtay, indhuhuna ximir gaduudan ayay noqdeen, Farruuryuhu cadho darteed ayay iskood u dhaqdhaqaayan, gacanta bidix sanqasho iyo seenyaalo ayay billowday, guud ahaana waxaad ka dheehaneysaa, xaaladiisa guud in ay mareyso meel aad u qadhaadh, waa halkii ay Haweenka Soomaaliyeed ka odhan jireen “ Jidhkiisa haddii la saro kobbo dhiiga kama timaadeen”

Korneylka ayaa isku dayey inuu u caqli celiyo xaalkiisana dejiyo, waxbase kama faa’iidin, wuxuuna billaabay markan Barroow Sawaxan iyo qaylo, iyadoo dadkii meelaha jooga wada dareemeen, wuxuuna Korneylka kala dooransiiyey inuu faraha kala baxayo arrimaha ka dhaxeeya isaga iyo Ilbir iyo inuu soo raacayo oo ay u diyaar garoobaan dagaal iyo iska dhicin.

Korneylku waa nin degan, go’aana dhakhso kuma qaato, wuxuu yidhi:

“ Si masuulnimo ku jirto aan u wada hadalno, Ilbir waa wiilkayga anigaana waxaad ka tabaneyso kaa dhaqaya, ma dareen ka duwan waxaad ii sheegtaa jira, Oday baan ahay, kor waayeelna waa wada indho, ee ma Hinnaase ayaa jira aad uga shaki qabto xaaskaaga Ilbir, waxaan kaa ballanqaadayaa haddii arrintaasi jirto, caddeyna loo helo, Inaan Xil iyo Xoolaba kaa siiyo, lagaagana soo galiimo, xaaskaagana lagaaga leexdo”

Barroow hadalkaasi kuma duxin ee Korneylkii oo taagan ayuu albaabka halhaleel uga baxay, weliba si cadho leh usoo xidhay, waxaana ka daba dudey ciidankiisii, iyagoo si gardaro iyo aabbi ku jiro, Hoteelka iyo shaqaalihiisa u sii dul maray.

Korneylku waa arkay xaalku siduu yahay, wuxuuse ogyahay, hawl ka kacday haween inay darrantahay, markaan waa lama huraan inay is arkaan, Korneylka iyo Ilbir, xaqiiqadana uu ka war doono, wuu ogyahay inuu Ilbir been u sheegaynin,

Korneylka talaa ku cad laftiisa oo haddii dagaal dhaco, ma yaqaan sababta uu dhacay ee rasmiga ah, marka wuxuu doonaya, inuu oggaado arrinta saxda ah iyo jidka ugu habboon ee wax lagaga qaban karo.

Markuu ka soo baxay goobtii wada hadalka ayuu soo beegsaday gurigiisa wuxuuna la hadlay, Ilbir oo wadnaha farta ku haya, xaalkiisuna ilaa markii aannu saalooneyn, wuxuuna yidhi waxaan ku soo socdaa guriga ee guriga iigu kaalay.

Ilbir ayaa markiiba dhakhso usoo jiheystay dhinaca guriga isaga oo aad ugu goomoon, ogaanshaha xaallada cusub ee soo deristay.

 

La soco qaybaha kale

Cabdiraxiin Hilowle Galayr

Galayr1977@hotmail.com

 

 

SHEEKOOYIN