Sooyaalka Noloshii Sillooneyd Q30AAD.

Sooyaalka Noloshii Sillooneyd Q30AAD.

Samatar

Hanad wuxuu ku indho daraandarey, quruxda, habsamida iyo hannaanka isku dheelitiran ee ilaahay sareedo u abuurey, waxaadna mooda sida uu indhaha daymadeeda uga buuxsanayo nin aan weligii gabadh ilwaadkan iyo quruxdan oo kale alle u ebyey.

Hanad oo ku maqan daawasha ayay ku tidhi:

“ Sidee xaalkaa yahay maanta maxaadse isku dayeysaa?

Hanad oo isla maqnaa ayaa sidii qof hadraya soo baraarugey, haa   walaal,   maxaad tidhi?

Sareedo oo dareentey inuu hambabarey, ayaa tidhi:

“ is deji waal dhib ma jiree, maxaad xiisayneysaa oo cunto aan kuu keenaa?”

 

Hanad ayaa isagoo cod naxariis leh, dareemay jawigiisuna ka beddelanyahay kii qaylada dheeraa ee lagu yaqaaney iyo iska dhicidii uu ku barbaarey ayaa yidhi:“ Walaal wax allaale wixii lay siiyo waa cuni karaa, ee kaar baa I hayee iigu yeedh kuwan meesha ka shaqeeya, isagoo barkintiisa ka baadhaya, wuxuu dhegta ugu sheegay Ilbir oo ahaa inuu bastoolad ugu qariyey meesha”

Sareedo wey baxdey iyadoo gabadh Kalkaaliso ahi la socoto, balse markay labadoodu soo galeen ayay naxeen, isagoo feedha qaawan oo sharootadii ku wareegsan tahay oo Bastooladii cabeysanaya, Sareedo waa qof uur leh, waa wareertey waana suuxdey, gabadhii kalkaalisada ahaydna waxay u qaaddatey in wiilkay dableeyda ahi nafteeda u socdo oo uu dacwo u qabo, naxdin darteed ayay kaadi lugaha qooysey iyadoo ku cataabeysa:

“ Walaaloow ilmaan korsadaa ee hay dilin” waxaa sidoo kale si kedis ah usoo galay Samatar oo cabitaano kala duwan iyo cunto bannaanka uga keenay dhammaantood iney ku qadeeyaan.

Samatarna waxaa af kala qaad ku noqdey gabadha dhulka taal iyo mida ooyeysa, markaasuu intuu isa soo maqiiqay la qabsadey Bastooladii, Balse Hanad oo la yaabey qaabka wax u dhaceen ayaa u sii daayey.

 

Samatar wuxuu markaas leeyahay:

“ Walaal Hanadoow xumidaa maxaad walaashay u dishay, maxaad walaashay u dishay”

Samatar oo weli qeylinaya, kalkaalisadiina orodey, ayaa u tegay Sareedo balse wuxuu arkay ineysan wax dhaawaca qabin, ka dib ayuu intuu is dejiyey yidhi:

“ Maxaa adina iyo gabdhaha idin dhexmarey?

Hana doo helay fursad uu ku saxo qaladkii dhacay ayaa yidhi:

“ Waxba adiguna waxba ima weydiin iyaguna waxba ima weydiin, Aniga Bastoolad waxaa saaka ii keenay Doolli iyo Ilbir si haddii wax yimaadaan aan isugu difaaco, gabdhuhu anigoo cabeysanaya oo iska hubinaa iney xabbadi dhuunta jirto iyo in kale ayay soo galeen, maxayse tahay gabadhani, waayo? Xagee naga soo gashay?

Samatar oo aan u jawaabin, ayaa waxaa meeshii soo dhoobtey dad badan oo isugu jira, shaqaalihii caafimaadka, dadkii booqashada ku yimid ee dadkoodu isbitaalka jiifeen, ilaaladii caafimaadka.Illaaladii ninkii ugu horreeyey markuu arkey, inuu Hanad yahay ayuu is dejiyey, isagoo taliyihiisa u sheegay, waa Wiilkii Korneylku nagala dardaarmey, waa Hanad ninkan waa la yaqaana.Dhakhtarkii meesha ugu sareeyey ee heeganka ahaa ayaa yimid, gabadhii sareedo ayaa sariir la saarey, wuxuu u yeedhay Kalkaalisadii wuxuuna weydiiyey:

“ Marwo Kaaho, sidee wax u dhaceen? Maxaa gabadha ku dhacay? Maxaase adigu la qaylisay?”

Marwo Kaaho oo weli sakatisan, dharkiina iska soo beddeshay, ayaa tidhi:

“ Gabadha wiilka walaashiis ah, ayaa isoo wacdey, waxay dhahdey wiilka wuxuu i dhahay caawimaan rabaa, markaan u imidna waxaan u soo galay isagoo bastoolad haysta, waanna cabsaday, markaan qeyliyey ayay gabadhiina iyaduna ila naxdey, maahine, waxna naguma dhihin, waxna naguma samayn, waxna nama dhexmarin”

Hanad waa amakaagsan yahay , waayo wuxuu ilaa hadda la yaaban yahay is fahmi waaga dhacay, iyo gabdhaha cabsida darna la suuxeen darna la qaylodhaamiyeen.Dhakhtarkii ayaa weydiiyey, adeer meeshani waa goob caafimaad, hubna looma oggola ee sidee wax u jiraan?

Hanad oo markan helay fursad uu ku hadlo, ayaa yidhi:

“Anigaa gabadha u dirsaday Kalkaalisada, si kaar waxoogaa ah aan dareemayey ay wax iga caawiya irbad ama kiniin i siiso, nasiib darrose waxay isoo galeen, anigoo bastooladan gacanta ku haysta, bastooladan gacanta waxaan ugu heystaa, waxaan meeshan u jiifaa xabbado igu dhacay, waanad oggeydeen intaan miyir la’aa, nimankii dhibkan ii geeystayna waa I daba joogaan, marka inaan isku difaacaan u heystaa, maahine cid waxba ma yeelayn”

Markii arrintii la oggaadey inaan dareen jirin ayaa waxaa loo dhaqaaqay dhinaca sareedo, ka dib waxaa loo sheegay, Samatar oo madaxa ka hayey iney uur leedahay oo la xannaaneeyo, lagana ilaaliyo wixii dhibaya iyo wixii cadho gelinaya, sidoo kale dawooyin loo qorey oo fitamiino ah loo soo iibiyo.

Samatar ayaa ku soo noqday qolkii Hanad jiifey wuxuuna uga warramey gabadha xaalkeeda, billow ilaa dhammaad, Hanad ayaa Afka kala qaadey, ilmona isku soo taagtey, markaasuu yidhi, intuu isku duubey, Samatar walaal waxaad tahay Halyeey, ilaahay haykaa daayo, waa runtaa waa walaasheen, waa inaan dayaca ka jirnaa, waa inaan is garab taagnaa waana inaan noqonayaa kuwa u hiiliya walaasheen Sareedo.

Samatar oo hadalkani laabtiisa sida barafka u qaboojiyey, ayaa yidhi; “Walaal laakiin, gabadhu uur bey leedahay, uurkuna waa waxaa loo tuurey ee maxaa xal ah?”

Hanad ayaa intuu madaxa xoqday waa dabeecad lagu yaqaan ilaa yaraantiise, ayuu yidhi:

“ Walaal inagaa aabbo la’aan iyo hooyo la’aan ku soo kornaye, ilmahaas yar waa inuu helaa hooyo iyo aabbe waana runtaa waa arrin xal u baahan, maxaan samaynaa? “

Samatar oo intuu hadlayey Hanad ku foognaa falanqeynta iyo falcelinta hadalka hanad ayaa yidhi:

“ Hanadoow hooyo la’aani ma haysee, aabbo la’aan ayaa haysa, anigu kaalintaa waan buuxin lahaa, ee waxaan hormarsadey inaan walaalkeed ahay, balse adiga iyo Doolli waa in midkiin, gabadha guursadaa oo uu ilmahaas yarna ka badbaadiyaa Noloshii Sillooneyd ee aynu ku soo korney”

Hanad oo warkaas u guuxey, balse aan ogeyn jawaabta ka iman doonta dhinaca Sareedo, ayaa yidhi:

“ Anigu diyaar baan u ahay, waana ka helay gabadha quruxdeeda, maalin ay noqotana waa guursan lahaa, intaan dhaawaca ahaana waa ku fekeray haddii ilmo kaa hadhi lahaayeen markaad dhimato waa guul, balse waa inaan Aabbaheen Korneylka iyo walaalkeen Ilbir la tashanaa”

Waxaa soo galay gurigii reer cigale, Luul iyo Hodan oo wada socda,   markaasaa reerkii ku soo kala ordey, oo laysku duubey, Hooyo Shaqlan ayaa oohin la dhacdey, oohin farxadeed, waxaana la arkey in la jidh diley, haaraha garbahooda ka muuqda, iyo daamanka madoow, balse waxay u sheegeen, in wadaado af duubteen, haddana ay isa soo madax furteen, waxaa arrintaa uga marag kacay, wiilkii xisaabiyaha u ahaa,   markaasey Hooyo shaqlan tidhi, halay waco, Macalin Bucurde, waa inaan rabbi barri baxshaa oo xoolo la qalaa, haddii gabadheydii iyo saaxiibteed alle ii soo badbaadiyey.

 

Hodan waa yara calool xumaatey, iyadoo guriga laga lahayn, haddana ma joogto, hooyo sidaa laxaw ugu haysa iyo aabbe og dhibka iyo dhiilada haysa.Waxay gashay qol markaasay intey madaxa iyo gacmaha isa saartey iska ooydey, iyadoo ku calaacaleysa,“ Adduunyadu maxay iiga hiilisay, maxay aniga nolosheydu mugdiga u gashay, maxaa farxada dadka kale haysto ii diidey”

Waxaa ku soo dhacay niyadeeda, erayadan:

 

Nasiibka I laba dibleeyey

Daruufta nafteyda heertay

Dareenka cabsida u buuxshay

Darxumadiyo ciilka la ooyga

Dalaalimo hiil la’aanta

Hadba ka dal doorsan weyda.

Iyadoo nafteeda la hiifeysa oo haaraameysa  ilmaduna hibitiqeyso ayaa  oo , ayaa Luul oo qoslaysaa usoo gashay.

 

La soco qaybaha dambe

Cabdiraxiin Hilowle Galayr

Galayr1977@hotmail.com

 

 

 

 

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.