Sooyaalka Noloshii Sillooneyd Q31AAD.

Sooyaalka Noloshii Sillooneyd Q31AAD.

Samatar

Hodan waa yara calool xumaatey, iyadoo guriga laga lahayn, haddana ma joogto, hooyo sidaa laxaw ugu haysa iyo aabbe og dhibka iyo dhiilada haysa.Waxay gashay qol markaasay intey madaxa iyo gacmaha isa saartey iska ooydey, iyadoo ku calaacaleysa                                                                                                                                                      “ Adduunyadu maxay iiga hiilisay, maxay aniga nolosheydu mugdiga u gashay, maxaa farxada dadka kale haysto ii diidey”

Waxaa ku soo dhacay niyadeeda, erayadan:

 Nasiibka i laba dibleeyey

Daruufta nafteyda heertay

Dareenka cabsida u buuxshay

Darxumadiyo ciilka la ooyga

Dalaalimo hiil la’aanta

Hadana ka dal doorsan weyga.

Iyadoo nafteeda la dardaarmeysa oo ilmada iska tireysa, ayaa Luul oo qoslaysaa usoo gashay. Luul waa dareentey murugada iyo ciilka saaxiibteeda, waana qof aad u jecel way ag fadhiisatey, waxayna isku dayday iney dhiirigeliso, oo ay is garab taagto, maantase xaalada Hodan waa quus, oohin bay naf biday.Iyagoo sidii isugu mashquulsan ayaa waxaa yimid wiil ka mid ah wiilashii keenay, wuxuuna u keenay, telefoon markaasaa waxaa la hadlay, Ilbir oo u sheegay in meeshii dagaalku ka dhacay, uu joogay Barroow uuna yahay dhaawac yahay, haddana la dabiibayo.

Hodan waa ka xumaatey, waxayna weydiisay sababta meesha keentay wuxuu yidhi ma ogin, hadda anagaa gacanta ku hayna, sidoo kale waanu u sheegney ehelkiisa, waxayna la wada yaabeen, xidhiidhka kala dhaxeeyey qoladaas kale oo aysan waxba ka ogeyn, isagiina nooma xog warramin.

Hodan ayaa tidhi, halkee buu joogaa isbitaalka lagu hayaa? Ilbir ayaa u sheegay in Isbitaal gaar ah oo ilaalo joogto lagu hayo, Hodan waa soo dhaqaajisay, waxayna usoo baxday si halhaleela, waayo fadhi uma yaallo, hadduu dhintona, iney Asaay u qaaddaa waa lama huraan, markana waa iska reebtay Luul si aysan mar dambe u galaafan, ehelkeeda oo hadda ay ogeyd, naxdintii iyo werwerkii ku dhacay ayay u baqdey, waxayna soo aaday, meeshii ninkeeda loogu sheegay.

Barroow oo xabbadii laga soo saarey lana daweeyey oo nabbaradii la wada toley,markaasna hurdo iyo daal la gataati dhacay, oo suursan, ayaa ka war helay, gacmo naxariis leh, oo cagaha iyo korka u marinaya dufan una riixriixaya,ayaa dareemay qoyaanka ilmada ka da’aysa daammanka Hodan oo ku qubeynaysa korkiisa,

Hodan hadda niyad jabka ugu weyn ee hayaa, waa maxaa kelida kaa dhigay ee aad u weyday wax iskaa garab taaga, ama kuu gargaara oo aan saaxiib iyo macrifo ka ahayn, Hodan way ogtahay hiilka uu u galay Ilbir, balse, ma jiro qof ehelkeeda ah oo wanaag haba yaraadee u muujiyey, qof ka werweray, sidaasoo ay tahay, iyadu waa dhaqaaleyn jirtey, waana taakuleyn jirtey.

Barroow ayaa waxay ku noqotey aragtida Hodan markuu indhaha kala qaaday riyo iyo filan waa wuxuu noqday“ Indhihii Sixirka arkey” Mar qudha ayuu si naxdin leh oo neef weyni la socoto ula soo booday, ma Hodanbaa? Odayga hadda hinnaasaha ayaa jacayl ku beeray, oo Hodan in lagu haysto waa oggaaday, waana loo macaaneeyey, wuu isku duubey, waana laysku ooyey.

Ka dib ayuu yidhi:                                                                                                                                                                     “ Marnaba ma filaneyn inaan ku arkayo, waase mahad eebbe haddaan kulaney oo aad ii soo noqotey”

Hodan ayaa ugu warcelisay:                                                                                                                                                   “ Kuuma soo noqon ee waa ku soo booqday, waxaad tahay ilaa hadda ninkayga, mana jecli dhibkaaga, xaqna waa isugu leenahay inaan is booqano iyo inaan is gargaarnoba”

Barroow oo xasuustiisa ay ka dhex guuxayaa, habdhaqankii xumaa ee yasmada iyo quudhsiga lahaa ee uu kula dhaqmi jirey, siduu u bah dili jirey iyo sidaanu ugu arkeynin qof qiimo ka leh agtiisa ee ugu haystey allaab la mid ah maacuunta taalla gurigiisa , iyo sida ay maanta u kala fog yihiin, arrinkaas iyoo kii horre, oo maanta waxaa hor fadhida, gabadh dhinac walba oo laga eego ka mudan qiimeyn iyo qadarin, wuu is cannaantey, waana is ciil kaambiyey, isagoo wixii gef ka dhacay naftiisa ku guhaadinaya.

Barroow waxaa u soo galay, Korneylkii iyo dhakhtarkii oo wada socda, Korneylkii ayaa salaamay, wuxuuna ka codsaday inay u firaaqeyso gabadhu, Markaasaa Barroow si xushmad leh u yidhi:                                             “ Hodan gacaliso, ha tegin warbaa isugu keen laabane, inta aan qoladan la hadlayo”

 Korneylka ayaa soo galay, xaaladiisa ka wareystay oo weydiiyey, isaguna inuu aad u wanaagsan yahay ayuu ugu jawaabay.

Koreylka ayaa weydiiyey, xidhiidhka ka dhaxeeya isaga iyo kooxda Abu Salmaan.Barroowna wuxuu ka hadlay, sidey isu soo galeen, in loo sheegay in xaaskiisa la haysto, sidoo kalena madax furasho lagu xidhay, qaabkaasaan meesha ku imid.

Korneylka oo hoosta ka guuxaya, una jeeda hadal suuragal ah iney tahay, ayaa yidhi:                                            “ Waxaan la hadlay beeshaadii, Odayadii oodhana waa la yaabeen arrintan, balse, adigaa uga sheekayn doona, hadda baabuur ayaa bannaanka kuu taagan, waad bixi kartaa, xabbadihii waa lagaa saarey, dawooyinkaagiina waad joogteyn doontaa”

 Barroow ayaa yidhi:                                                                                                                                                      “Waxba kama qabee gurigeyga ha lay geeyo, ee iigu yeedha xaaskayga”

Korneylka ayaa bannaanka usoo baxay, wuxuuna dul yimid, Hodan oo hiqdaa haysa, Korneylku waa nin is dhawra, haddana ma jecla haweenka in la dhibo, wuu usoo dhawaaday waana u sheegay dalabka ninkeeda, balse, waxay u sheegtay inaan ninkaasi xidhiidh kala dhaxaynin ee ay dar alle usoo booqatey, waa ku ooyday, waxayna u sheegtay inay dunida keli ku tahay.

Korneylka oo dareemay kuleylka iyo dhibka haysta, sidoo kalena u garaabey Ilbir, maadaama uu caawinayey qof aan cid daba socotaa jirin, ayuu ku yidhi:                                                                                                                      “ Hadda raac, guriga la tag or orod waxba kuu tari maayo, si marwonimo ah, arrinkiina uga wada hadla, waxaanan arkaa, xaalku sidii shalay waa ka duwan yahay ee geesinimo muuji, oohinta badana iska daa iyo qalbi jabka”

Hodan hadalka korneylku dhiiranaan ayuu ku beeray, waayahay ayayna ugu jawaabtey.Waxaa la soo saarey baabuurkii u diyaarsanaa, Barroow iyo xaaskiisa Hodana waxayna u jiheysteen gurigoodii, iyagoo qof weliba wax is leeyahay, Markan Barroow, shuruud walba oo ay ku xidho waa u diyaar, intaan ka ahayn, inuu furo ama fasaxo, inuu hantida oodhan ku wareejiyo, inuu taladeeda qaato, iyo inuu macaamilka wanaajiyob, balse,   iney kala tagaan ma rabo, waxaa Barroow maankiisa qunbiciyey, Hodan oo noqotey shan iyo toban jir, hilaaca iyo dhalaalka midabkeeda heemaalka iyo hanaanka alle u sargooyey, heensaha iyo hubqaadka aaney gabadhina ku gaadhan, wuxuu ka jeesan la’yahay, hannaanka iyo habsimada alle u habeeyey jidhkeeda iyo joogeeda isku jaango’an ee meel ishaadu diido ama kahato aadan ku arkey,  jaaheeda iyo jamaalka soo jiidasha iyo jinniyada leh, ee aanay indhuhu ka daaleyn inay maantoo dhan daymoodaan.

Hanad ayaa riyo soo jeeda, galay isagoo Sareedo guursaday oo ay qoys yagleeleen, Hanad gabdho dhawr ah waa shukaansaday, waana la sheekaystey, balse, dareen baaxad leh kuma aysan abuurin.

Sareedo waa soo naaxdey(Miiraabtey) markaasay aragtey Hanad iyo Samatar oo dhinacyada ka fadhiya, intey is illowdey bay tidhi:                                                                                                                                                      “ Alla maxaa wiilka dhaawac ah usoo kicisay”

Si wadajir ah ayay qosol iyo dhoola caddeyn ugu soo dhaweeyeen, Samatar ayaa kor u soo qabtey oo fadhiisiyey, oo ku caawiyey iney tiirsimo ka dhigato, Madaxa sariirta barkina dhabarka u geliyey, ka dibna biyo qaboow oo macaan intuu usoo qabtey ku caawiyey inay kabbooto.

Sareedo waxay aad ula dhacdey, oo mar walba ruxaya dareenka qalbigeeda naxariista iyo xannaanada ay heshay iyo wiilka yare ee u furey albaabada farxada iyo yididiilada nolosha cusub, markay fadhiisatay, ayaa loo sheegey inay arrinta ay ka naxdey aysan ahayn sida ay u qaaddatey, is fahandarrona dhacdey. Hanad ayaa  saaka loo keenay, Bastoollada, waxaana la yidhi isku ilaali, isaguna wuxuu hubineyey in xabbado ku jiraan iyo in kale, adiga iyo gabadha kalkaasida ahina waxaad u qaaddateen si kale.

Sareedo ayaa tidhi:                                                                                                                                                                   “ Anigu maba cabsan laheyne, qaylada iyo qalqalkii kalaalisada ayaa i baqdin gelisay inuu aniga i dilo kama cabsoone inuu dilo miskiinta ayaan ka baqay, waxay sii raacisay, anigu waan necbahay ragga qoryaha qaata ama ciidanka ah”

 Hanad hadalkaas kuma farxin oo riyadiisa kuma darsan, gabadh ciidanka neceb iyo qoryaaleyda iney tahay sareedo, waxoogaa huq iyo hanjab ah ayuu dareemay, , balse, ma oga sababta ay u tidhi.

 Samatar ayaa sheekadii fahmay oo yidhi:                                                                                                                           “ Walaal dadku isku wada mid maaha, ciidankii ku xumeeyey ee kuu awood sheegtay iyo Hanad waa kala laba, annaga dhaqankayagu waa in haweenka la ilaaliyo, waa in la xaqdhawro, adduunkana Ilbir iyo Hanad waxay ugu neceb yihiin qofka haweenka iyo masaakiinta dhiba”

 Sareedo oo aad ula dhacdey arrinkaas, ayaa Hanad yidhi:                                                                                             “ Walaal waa dhab ciidanku mid xun iyo mid san waa leeyahay, balse, aniga waxaan filayaa inaadan weli ogeyn sababta ciidanka iga dhigtey, markaasuu, uga warramey Sooyaalka Noloshiisa Sillooneyd iyo sidey ku billaabatey, wuxuu u guudmarey, wixii soo maray qaabkuu ku yimid, magaalada, dhibka iyo eedaadkuu xasuusta xumaa ee la soo dersay markuu yaraa, siday isku heleen, ineysan jirin, cid adduunka u naxariisatey oo soo dhaweysay, markuu tabarta darnaa, cid hiil iyo garab siisay, aan ka ahayn, wadihii baabuurka Nageeye ee keenay magaalada Doonyaaley, iyo saaxiibadii iyo walaalihii cusbaa ee uu halkaas ka helay, ee midba maalin noloshiisa ku soo biirey.

 Sareedo ayaa iska ooyday, waxayna tidhi:                                                                                                                          “ Maxaa dad badan loo gefaa oo la guhaadiyaa, aan la ogeyn sababta iyo duruufta ku keliftey, xaalada nololeed ee aysan dooran ee ay ku dhex jiraan. Waxaan arki jirey gabdho la maago oo la xanto oo la leeyahay, Wacal bay dhashay ama uur Garaca ah bay qaadey, iyadoon cidina hoos u wareysan una garaabin, haddey ka hadasho runteeda, waxaan arkay wiilal sidiina oo kale ah, oo magacyo badan loogu yeedhayo, Tuug, Mooryaan, Dayday, Fadhato, Jirri, Darbijiif, Kooladhuuq IQB. Balse aysan cidina u dhabbogelin waxaa keenay inay noloshan adag doorbidaan”

Sheekadii baa laysla qaaddaa dhigay, ka dib waxaa soo galay, Dhakhtarkii oo sheegay inuu Hanad Barri bixi karo, xaalkiisuna wanaagsan yahayn, Kalkaaliso dhaydana guriga loogu soo dirayo.

Waa la wada farxey, markaasaa loo dhaqaaqey qolkii Hanad oo cuntadii taallo Samatar keenay oo aan cidina afkaa saarin, waxaana si wada jir ah iyo walaalo is jecel, wax lagu wada cuney weel qudhaata, Samatar, Sareedo iyo Hanad.

La soco Qaybaha dambe.                                                                                                                                      Cabdiraxiin Hilowle Galayr

Galayr1977@hotmail.com

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.