Sooyaalka Noloshii Sillooneyd Q32AAD. Samatar

Sooyaalka Noloshii Sillooneyd Q32AAD.

 Samatar

 

 

 

 

 

Waa la wada farxey, markaasaa loo dhaqaaqey qolkii Hanad oo cuntadii taallo Samatar keenay oo aan cidina afkaa saarin, waxaana si wada jir ah iyo walaalo is jecel, wax lagu wada cuney weel qudhaata, Samatar, Sareedo iyo Hanad.

Samatar iyo Sareedo waxay u dhaqaaqeen cunto cunis, Balse, Hanad isagu meel kale ayuu ku maqanyahay oo ka shaxayaa, badweyn ayuu dhex mushaaxayaa, wuxuu miraya hirarka kalgacalka, wuxuuna ku maansoonayaa buuraha hilowga iyo xiisaha dushooda, waxaa qalbigiisa ka dhex yeedhaysa heestii caanka ahayd ee   Mahigaan ee hobollada Khadra Daahir ku luuqeyn jirtey.

Mahiigaan jacaylbaan

Dhex muquurayaaye

Miiraalihii midigta igu qaadyoo

Mawjad baa i sidatee.

 

Naftay kay u muhatana

Iga maqanoo waayee

Ma maqanahay ma joogaa?

Ma miirkacay ma negi ahay?

 

Allahayoow mar ii sahal

Hay maax duminine anige

Allahayoow mar ii sahal

Allahayoow muraadkayaga

Noo sahal.

 

Waxaa meeshii la joogay Cabbaar, ka dib waxay Sareedo ka codsatay Samatar inuu raaco, si ay waxyaabo yaryar uga sii iibsato, Suuqa oo ay u baahnayd isagana wehel uga dhigato.

 

Hanadbaa markuu maqlay, codsigaa ee ay albaabka ka baxdey u yeedhay Samatar wuxuuna u dhiibay, Lacag badan oo isku xidhan kuna dhaw, Hal milyan oo Shilin Soomaali ah oo uu haystay inuu hawlihiisa ku dhammeysto, subaxnimadiina la socotey, Hadyadihii uu u keenay Ilbir ee Bastoolladu ku jirtey.

Markaasuu yidhi waan ogahay oo waxba ma haysid waxaa adeero ku siiya maahine, gabadhuna wax badan ayay u baahantahaye, Lacagtan qaaddo isku miinee, haddii cidi sidaa kuu eegtona, la hadal Doolli, gabadhana, dhar iyo kabo iyo wax allaale waxay u baahan tahay uga iibi, adiguna waxaad doonto ka iibso.

Samatar ayaa intuu madaxa ka dhunkaday isagoo qoslaya yidhi:

“ Walaal ama sidan oo kale hakaa ahaado ama hayska dhinto, maanta waxay iila mid tahay maalintii anigoo shan jira oo aan weligay dushayda maro cusub gelin aad dharka   i siisay carafta badnaa”

Hanad ayaa intuu qoslay yidhi:

“ Waxba ilaawi maysid, weli miyaad xasuusataa maalintaan is baraney ee aan yariisoow kuugu yeedhay ee dharkii aan soo xaday aan ku siiyey ee iga yaryaraaday?

Samatar ayaa yidhi:

“ Haddaan ku idhaahdo dharkaas iyagoo meelaha qaar ka jeexjeexan laakiin weli midabkoodii joogo ayaan hayaa miyaad iga rumeysanaysaa?”

Hanad ayaa la amakaagay oo ugu jawaabay:

“ Yaah, oo miyaad weli haysaa? War ileyn waxba kaama xumaadaan Samataroow, war hadda nin weyn baad tahaye iska tuur”

Samatar ayaa ugu warceliyey:

“ Tuuri maayo, waxaan doonayaa inay weligay I daba socdaan, si aan xitaa carruurtayda u tuso, ugana sheekeeyo Sooyaalka Noloshii Sillooneyd ee aan soo maray”

Hanad oo qoslaya ayaa yidhi:

“Miyaadan ilaawayn, Sooyaalkaas Samataroow?

Samatar oo doodiisa xoojinaya yaa ugu halcelinayey:

Noloshu waa meerto waxay leedahay macaan iyo qadhaadh is garab guranaya mid weliba wuxuu kugu reebayaa xasuus ma guuraan ah, waxaana la rabaa inay kuu noqdaan Halbeeg aad ka duusho, Samar oo hadalkiisii watayaa ayaa yidhi:

“ Ma xasuusataa Islaantii yareyd ee meeshaan fadhiisan jirney ku gadi jirtey dhuxusha, ee ina dhaqaaleyn jirtey ee Jinow? Ayaa iiga sheekaysay sheeko aanan weligay ilaawin oo magaceedu ahaa “LADNAANTU DADKA WAY UGA DARTAA” sheekadan ayaa ku dhacdey Samataroow nin Sabool ahaa oo aan wax hantiya lahayn oo tuugsan jirey, markaasaa maalin walba waxaa geedka uu hoos fadhiyo soo fuuli jirey laba shimbirood, labada shimbirood ayaa waxay cidoodu ahayd” Ladnaantu dadka way uga dartaa” markaasay ta kale u jiibin jirtey jaalkeeda oo ku celcelin jirey, haayoo waa uga dartaa waa uga dartaa” Ninkii saboolka ahaa arrintan waa la coloobey wuxuuna mar walba tuuryey jiray shimbiraha isagoo ku qaylinaya, “ Maxay nooga dartaa mabaanaan arage.Maalintii dambe ayaa isagoo shimbirihii tuuryeynaya waxaa ku soo baxay, gabadh uu dhalay boqorka degmadu, markaasay waxay saarneyd faras oo waxay ka timid ugaadhsi, ku tidhi, maxaad Shimbiraha u sheeganaysaa? Maad iska dayside, geedka waa wada leedihiine.

 

Ninkii Saboolka ahaa aqoon uma lahayn, gabadha waase arkay inay tahay gabadh qurux badan isuna dheelitirin   hu’ iyo hubqaad, ayaa ku yidhi:

Xageen ladnaanta ku aragnay, waata mar walba leh” LADNAANTU DADKA WAA UGA DARTAAYE”

Gabadhii ina boqor oo sheekada ninka iyo shimbiruhu xiisa geliyeen ayaa ka tagtey.Laba maalmood ka dib ayay usoo dirtey saddex nin waana la soo kaxeeyey ninkii waxaana la keenay   Gurigii weynaa ee Boqortooyada, markaasuu indho daraandarey, waxaa loo gudbiyey, qayb ka mid ah, waxaana loo geliyey, dhar aad u qurxoon oo Xariira, kuwiisiina waa laga furey, waana laga qaaddey, sidoo kale waxaa loo keenay shaqaale toboneeyo ah, waxaana lagu yidhi, shaqaalahan oodhami adigey kaa amar qaaddanayaan.Isagoo arrintii la amakaagsan ayaa waxaa habeenkiina loo keenay, gabadh aad biyo dahab moodayso, waxaana loo sheegay intay tahay marwadiisa waana loo guuriyey isla habeenkiiba.

Ninkii Saboolka ahaa , noloshii macaaneyd wuxuu u qaatey, riyo, ka dib waxaa u yimid, saddex nin oo qalabeysan oo seefo iyo gaashaamo iyo warmahooda sita, waxayna u sheegeen, inay guriga oodhan iyagu masuul ka yihiin, Qol aad u yar maahine, qolkaasna aysan geli karin.Waa yeeleen waana qaateen   farriintii la faray, muddo markii ay ku jireen dabaal iyo damaashaad, ayaa maalintii dambe, xaaskiisii looga taagwaayey qolkii, waxayna jeclaatey inay gasho, muddo wuxuu ka celceliyoba, waa ka awood badisay, qoob iyo qayloba waa isugu dartey.

Maalintii dambe ayay qufulkii ka jebiyeen qolkii mise waxaa yaalla, Dharkoodii mid weliba intuusan noqon Suldaanka ay gashanaayeen.Maalintii labaad ee uu arko, gabadhii Boqorku dhalay ayay ahayd, waxayna u sheegtey inay dhammaan xariirta iyo dahabka ay sitaan dhigaan, dharkoodana gashadaan.Ninkii oo sidii uu ahaa, Guyaal ka hor ah, ayaa yimid isagoo wata xaas iyo ilmo yar geedkuu keligii, ka tuugsan jirey, markaasay shimbirihiina soo fuuleen, iyagoo sidii caaddada u ahayd isu jiibinaya “ LADNAANTU DADKA WAY UGA DARTAA” markan waxaa jiibtii ku biirey, ninkii oo soo waayo arkay, wuxuuna ka daba yidhaahdaa mar walba oo shimburuhu ku dhawaaqaan “ Waa runtaa waa runtaa oo waa uga dartaa”

Hanad ayaa intuu qoslay la dhacay la ilmeeyey, isagoon wax dhaqdhaqaaqa samayneyn oo , Afka Samataruun eegayey.

Markaasuu Samatar yidhi:

“ Dharkan waxaan rabaa inaan carruurteyda ku xujeeyo sidii Boqoradda oo qol ku xidho, ninkii qolkaas furana bannaanka u saaro”

Hanad ayaa markan siduu u qoslayey, Qufacay oo damqaday, iyagoo qoslaya oo farxad la ilmeynaya ayay soo kala tageen.Sareedo oo raagsatey ayaa soo noqotey, waxayna la yaabtey sida ay u qoslayaan, iyadoon ogeyn waxay ku qoslayaan, haddana ilko qurux badan ayay la muusootey, waxayna niyada ka tidhi, kuwan ayaaba walaalaha dhabta ah iska jecel.

 

Barroow wuxuu tegay gurigiisa, isaga iyo xaaskiisii, waxaa loo gogley qol gaar ah oo loogu talogalay, sidoo kale waxay u wacdey, dhakhaatiirtii la shaqayn jirtey, Ilaalladii Baroow waxay la yaabeen, sida Hodan ku soo noqotey?

Guriga waxaa isugu yimid, guud ahaan dadkii shansanayey Barroow, waxaana galaa baxaya guriga booqasho ciidaa ka badan, iyagoo qaarkoodna hoosta ka nuxnux leh, oo Hodan is weydiinaya, sawtii la lahaa waa dhooftey iyo sawtii la lahaa waa dhimatey?

Hodan wax dan iyo muraadi kama hayaan, waxaa yimid Aabbaheed iyo adeeradeed, waxayna ku farxeen, kulankeeda, Hodan waa markii ugu horreysay ee ay aragto, Kalgacalka aabbaheed oo farxad la ilmeynaya, waayo wuxuu u qaatey inuusan dib u arkeyn, qaladaadkiisii badnaana waa hor yimaadeen.

Waa laysku ooyey, ka dibna, waxaa lagu ballamey in reerka loo duceeyo oo berri Awr, Dibi iyo wan lagu qalo, si loo duraanto, oo reerka shuushka looga qaaddo.

 

 

La soco qaybaha dambe.

Cabdiraxiin Hilowle Galayr

galayr777@gmail.com

 

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.