Sooyaalka Noloshii Sillooneyd. Q33AAD.

Sooyaalka Noloshii Sillooneyd. Q33AAD.

Samatar

 

Hodan wax dan iyo muraadi kama hayaan, waxaa yimid Aabbaheed iyo adeeradeed, waxayna ku farxeen, kulankeeda, Hodan waa markii ugu horreysay ee ay aragto, Kalgacalka aabbaheed oo farxad la ilmeynaya, waayo wuxuu u qaatey inuusan dib u arkeyn, qaladaadkiisii badnaana waa hor yimaadeen.Waa laysku ooyey, ka dibna, waxaa lagu ballamey in reerka loo duceeyo oo berri Awr, Dibi iyo wan lagu qalo, si loo duraanto, oo reerka shuushka looga qaaddo.

Muddo markii meeshii la wada joogay, ayaa la kala hoyaaday, waxaana isku soo hadhay qoyskii reer Barroow oo aan colna ahayn, nabadna ahayn.

Waxaa la gaadhay maalintii laga saarayey Isbitaalka, Hanad, dhammaan asxaabtii oo aan cidina ka maqneyn ayaa soo galbiyey, waxaana markan la keenay gurigii uu ku barbaarey Samatar, qol baana loo banneeyey isaga iyo Samatar.

Ilbir ayaa ku hadhay wuxuuna u dhiibey lacag kale, markaasuu intuu gacanta qabtey u baaqay inuu la joogo.

Ilbir ayaa ku soo foorarsadey ku yidhi;

“ Ma wax cusub ayaa jira oo aad ii sheegi lahayd?”

Hana doo helay fursad uu ku hadli karo ayaa uga sheekeeyey wixii dhex maray isaga iyo Samataryare iyo xaallada Sareedo iyadoo faahfaansan.

Ilbir markuu dhegaystey ayuu aad ula dhacay, qalbi wanaagga iyo ragganimada labadii wiil ee yaryaraa ee uu ka soo kaxaystey suuqa iyagoo ku dandareysan, maanta uu yahay waalidkooda iyo walaalkooda   go’aanka ka gaadhi kara mustaqbalkooda iyo noloshooda.

Ilbir ayaa intuu aad u qoslay yidhi:

“ Oo hadda ma inaad reer dhaqdaa kaa go’an, aad baan ugu faraxsanahay, Aroos weyna waa laguu dhigayaa, guri gaar ahna waa laguu dejinayaa, wax allaale wixii agab ah ee gurigaasi rabana irbadna ha ahaatee anigaa bixinaya ee aan u sheego Korneylka”

Hanad ayaa ku farxay sida walaalkiis arrinka ugu raacay, balse erayga dambe ee Korneylka ayuu ka caga jiiday, maadaama uusan arrinkii weli meel dhigin, gabadha dhinaceeda.

Samataryare ayaa wuxuu fursad ku helay, Sareedo si walbana waxbuu ugu sheegay wuxuuna ka dhaadhiciyey inuu Hanad guursado iyaduna ay noqoto marwo nin leh, ubadkeeduna noqdo mid aabbe leh.

Sareedo arrintani waa mid ku adag, waayo weligeed waxay ku hammiyeysay wiil uu jacayl dhex maro oo aan cidina ku hoggaamin, haddase marxaladda la joogo, maaha mid ay xulasho iyo cugasho gaar ah yeelan karto, waxay kale oo ogtahay ineysan jirin fursad looga faa’iideysanayo aan ahayn in iyada loo faa’iideynayo.

Arrinkii wuxuu noqday mid dhinac walba laysku raaco, waxaana go’aan lagu gaadhay in Korneylka loo sheego, markii Ilbir, Dooli, Hanad iyo Samatar oo wada socdaa albaabka ka soo galeen ayuu korneylka oo fadhiyey inta si fiican u fadhiistey, ayuu yidhi:

“ Waa guul wiilashaydii oo wada bedqaba iney maanta iigu yimaadaan fadhiga, ee ma arrin cusub ayaa jirta, mise waa isoo salaanteen, kor waayeel waa wada indho Korneylku waa dareemay in loo socdo, hase yeeshee inuu hordhacana ma rabo.

Waxaa hadalkii billaabay Ilbir una sheegay halka xaal marayo, Korneylka ayaa farxad la ilmeeyey oo yidhi;

“ Maanta waxaan arkaa rag dalka iyo dadkuba u baahan yahay inaad tihiin, ma jiro waqti xaadirkan cid cid kale garab siisa ama caawimaad u fidisaa, waxaad tihiin wiilal gobonnimo eebbe u dhammeeyey, aniguna waan idinku taageeray, naf iyo maalba, balse, reerkii gabadha soo koriyey ee intaa soo le’ekaysiiyey, hala wargeliyo oo aan ka doonano iyadoo gurigeena joogta.”

Arrinkan dambe ee Korneylku ka dhawaajiyey ayaa noqday arrin aan la ogeyn saameynta ay ku yeelan karto, Sareedo, balse, waxaa laysku raacay in Samatar loo diro oo uu arrinkaas kala hadlo, Soona oggaado halka ay degan yihiin.

Hanad baa yidhi:

“ Laakiin dadkaasi waa kuwii xumeeyey, armeey inagana ina qiimeyn waayaan?

Korneylka ayaa ugu jawaabay:

“ Innagu waajibka ina saarani waa ineynu la socodsiino, haddey diidaan ama ina xumeeyaan dhib malaha maxaa yeelay inagu qalad maynaan samayn, iyaga ayaa noqonaya kuwa qaladka sameeyey, isaga oo doonaya inuu fahansiiyo, ayaa yidhi, anigu miyaan ku qaldanahay inaan Gabadh kuu doono Hanadoow?

Hanad ayaa la soo booday:

“ Maya maya aabbahay baad tahay, adduunkana cid aan idinka ahayn kuma lihi, wuxuu yidhi: Saw ma ogid in iyadana uu soo koriyey Aabbe Kayse iyo Hooyo Asli oo haddeysan u bixin iney Eeyuhu ku cuni lahaayeen bannaanka?

Hanad ayaa yidhi:

“ Waa sax, adiga iyo Ilbir ayaa naftayada ilaahay ka sakoow ka masuul ah, waana dhab, haddaanu gabdho nahay oo nala soo doonanayo inaad idinku bixintayada lahaan lahaydeen iyo xurmadaba”

Samatar ayaa u tegay oo arrinkii kala hadlay, balse, waxaa fajiciso ku noqotey markuu arkay, Sareedo oo ooyeysa, markuu weydiiyey sababtana waxay tidhi:

“ Ma gudi karo abaalkiina, waa fursad kale oo aan ku heli karo walaalahay iyo waalidkey, haddey i naceen oo I tureen, arrin aanan anigu sababtiisa lahayna igu dayriyeen, aniga waa ii farxad in layga doono, Sooryadeydana loo geeyo, ama ha diidaan ama ha yeelaan”

Galabnimadii dambe ayaa waxaa loo direy, Laba Oday oo ka soo jeeda dhinaca Korneylka, laakiin ku dawakhay, cida la doonayo iyo cida loo doonayo, maadaama xeerka ay yaqaanan yahay, mid abtirsiimo ku salaysan, hadda wiilka Hanad ah inuu iyaga ka tirsan yahay way ogyihiin, balse, ma yaqaanaan reerkiisa, sidoo kale gabadha markii loo sheegayna waa ku sii wareereen.

Oday Cibaar oo la hadlaya Oday Xaashi ayaa yidhi:

“ War heedheh dhaqan magaalo waa ku wareeray, nimaan cidaada ahayn ka ergee oo u geed fadhiiso, gabadh aan cideeda la aqoona cid kale uga geed fadhiiso, anigu ma garan”

Oday Xaashi oo ka reer magaalsan dantiisuna tahay, Korneylka oo mid walba wax u laabey ayaa yidhi:

“ Weligaa miyaadan fiirsan ruwaayad Soomaali? Waxaad arkaysaa qof aabbe aan aabihiis ahayn, Aabbeysanaya, sidoo kale qof Hooyo aan hooyadiis ahayn Hooyadaysana, mid xaas aanu qabin oo xitaa nin kale qabo waa marwadeydii leh, mid wiil nin kale dhalay waa wiilkaygii leh, duni waalan baa la yidhaahdaa ee ruwaayada inaad Hanad adeerkiis tahay ku metel, Sooryadana dhiib”

Oday Cibaar oo aad ula dhacay tusaalaha Oday Xaashi ayaa yidhi:

“ Wacadaloo ay tani ruwaayad tahay, waxaanse is weydiinayaa, haddee haddaad wiil gabadh u doonto, hadhoowna wuxuu dhimo waa lagaa rabaaye, hadduu maanta dilo, saw diyadeeda laynagama rabo?”

Oday Xaashi baa yidhi:

“ Dee taasi ma iyadaa dhib leh, haddey dishoba saw diyadiisa qaadan mayno”

Cibaar ayaa intuu qoslay yidhi:

“ Dhib malahee, wiilka Aabbihiis yeynu ku sheegnaa?

“ Oday Xaashi baa yidhi:

“ Dee waa Hanad Cirfiid waana nin reerka ah, maxaad adigu la kardhaneysaa oo aad isu xanibeysaa?”

Arrinkii waa laysku raacay, reerkiina waa loo tegay, loona sheegay in gabadh laga soo doontey, Ammin iyo ayaana laga rabo iney cugtaan, Lacag bac ka buuxda oo reerku u baahnaana waxaa loo sheegay inay tahay GABAATI, weliba Sooryadii iyo Yaradkiiba dhiman yihiin”

Hooyo Koraad oo ahayd Xaaska Kayse ayaa amakaagtey oo afka gacanta saartey, Hadalka ay maqlaysaa waa wiil Korneyl Cirfiid dhalay,   haa jawaabta ka beddelini waa inay colaad galabsan karto, sidoo kale, waxaa usoo baxay fursad ah inay noqoneyso, Hooyo Buur ku tiirsan oo gabadheeda Korneyl cirfiid qabo, intey iska oohisiisay ayay tidhi:

“ Waannu weyney meel ay jaan iyo cidhib dhigtey, waa alle mahadii haddey nooshahay haddana nin doonayso iney guursato, balse, reerka Odayadiisii waa maqan yihiin, ee waxaad yeeshaan, Jimcaha ayaan ergo idiin soo direynaa, maalinkaasaan cayimeynaa maalinta meherka”

Odayadii gogol fadhiga ahaana waa la qaateen, kuwii dadabgalka ahaana waa ku qanceen haye iyo warsan baa lagu kala tegay.Balse nasiibdarro, Abuu Salmaan oo xaallada looga warramey ayaa wuxuu lacag siiyey tuugo xaafada deganeyd, si ay u khaarajiyaan labada oday,tuuggadii iyo budhcadiina intey dileen labadii Oday oo baadheen ayay jidka dhigeen, waxayna ka fureen xitaa dharkii, iyagoo si ka baxsan bani aadminimada ula dhaqmey.

Reer Kayse arrinkaas war kama aysan haynin, waxayna u qalab qaateen sidii ay arrinka loo keenay u dhiqi lahaayeen, gabadhooda cafis uga dalban lahaayeen, arooskeedana uga qayb qaaddan lahaayeen.Laba kala bariday kala war la’ ee waxaa qaylodhaantu gaadhay, Ciidankii Ilbir iyo Korneyl Cirfiid, oo u dareemay, Beesha Dareemaley iney ujeedo iyo ula kac sidaa u faleen.

 

La soco qaybaha dambe

Cabdiraxiin Hilowle Galayr

Galayr777@gmail.com

 

 

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.