Samatar wuxuu dhashay sanad ku aaddan 1987di. Isagoo sanad jira ayaa waxaa billowdey dagaalladii u dhaxeeyey Jabhadihii iyo dowladda. Samatar noloshasiisa wuxuu la kowsaday qax, oo waxaa dagaalkaas sababsaday aabbihii iyo laba walaalihii ah oo ka waaweyn inay ku dhintaan.
Waxaa u soo hadhay hooyadii, ka dib hooyadiina isaga oo saddex jira ayaa waxaa ay sababsatey dagaal beeleed, duullaan lagu soo qaaday halkii ay u qaxeen. Waa nolol qax iyo dhimasho u dhaxaysa.
Waxaa halkaas ka qaadatay, ayeeydiis hooyadi dhashay, oo markaa da’ ah. Waxay la timid magaalada DUNSAN. Markuu raad dhaqaajiyey, intaasna nolol adag iyo silic ku jiro, ayaa waxaa iyana tii Alle u timid ayeeydiis, oo xijaabatay.
Samatar waxaa u baryey waa aan wanaagsanayn, waxuu maydkii rogrogayey muddo dheer, qaylo, oohin iyo qarracan ayuu kala duldhacay, ilaa markii dambe dad ku soo baxeen oo loo sheegay in waqtigeedii dhammaaday. Ma garan karo, sababta ay uga tagtay ogeysiis la’aan, mana garanayo cidda u bedeleysa, isagoo laba kabood oo dacas ah haysta ayuu u soo dhaqaaqay dhinaca magaaladu ka xigtay.
Wuxuu halkaas ka billaabay inuu qaabkuu u noolaan karo u noolaado. Dadka ku hareeraysan waa arkaan inuu ilmahan yari darxumaysan yahay, oo aanu xitaa gaadhin, da’ lagu ciyaala suuqeeyo, kana yaryahay shan sanno, balse, ma jirin qof u wanaag faley, oo noloshaa adag ka dhex qaatay. Qaarkood ayaa markay arkaan meelaha lagu qayilayo iyo maqaaxiyaha isagoo reebreebkooda leefaya, si jees jees ah ugu yidhaahda “Waryaa Qolo maa tahay?!” ma jiro maalin qudha qof weydiiyey war magacaa ama maxaa meeshan ku keenay?.
Waa umad bahaloowdey oo naxariistu ka guurtay meesha uu tareenku kula jabay. Samatar wuxuu is weydiiyaa markuu maqlo wacdiga culummada isagoo meelahaa koollo kula dhuumanaya iyo sigaarka haashka ah ee ee dhulka ka uruursaday; Ilaaha wadaadkaasi ka sheekaynayo ee wanaagsan, goorma ayaad helaysaa gargaarkiisa?
Samatar waxba ma aaminsana, waayo ma jirto cid bartay, ma jirto cid uga sheekaysay, ayeeydiis waxay ahayd qof noloshooda la legdamaysa, wuu ka maqli jiray, Ilaahaybaa keenaya iyo Ilaahay baa ina siinaya, balse, ma uusan qiyaasi karayn.
Dadka iyo deegaanka uu ku noolyahay wuu ogyahay inay Muslin yihiin, mase yaqaanno waxay Muslinnimadu tahay. Lama barin loogama sheekayn wuxuu ishiisu ku arko mooyee, oon haddana, isaga dareen galinayn.
Samatar dalka uu la joogo wuu ogyahay in Soomaaliya la yidhaahdo, mase yaqaanno waxa ay tahay dulucda Soomaalida, sababtoo ah ma jirto cid bartay ama uga sheekaysay waxay tahay ama soo ahaan jirtay.
Samatar Af Soomaaliga waa yaqaan, wuxuuse ka yaqaan inta uu ku danaysto, aadna u isticmaalo; Alla Adeer i sii ama Alla Adeer I daa, Ama Eeddo i sii iyo Eedo i daa. Labadan eray wuxuu ka bartay adeegsigooda joogtada ah, dibjirka iyo darbi jiifka ka waaweyn oo marka la qabto, marna ku calaacala, markay naftu qabatana dadka wax ku weydiista.
Ma jiro xidhiidh gaar ah oo kala dhaxeeya dib jirka. Waxaa ugu dhawaa oo noloshiisa uusan illaawin Hanad oo ka weynaa ilaa shan sano, inuu maalin intuu dhar uu soo xaday isku tijaabiyey, ay le ekaan waayeen, dabadeedna uu weydiiyaa, “Waraa yaroow magacaa?” Markaasuu la soo booday SAMATAR. Kaalay ayuu ku yidhi, ka dib wuxuu siiyey, surwaal iyo funaanad qurux badan oo weliba caraf badan. SAMATAR ayaa ugu jawaabay isagoo fahansan inaan waxba laysa siin, lacag ma haysto, wuxuu yidhi, kaama rabo ee qaado, balse, haddaad adiguna wax soo hesho, ii keen, waxaad ka mid tahay kooxdeyda, Yariisoow.
Samatar waa ku farxay, wuxuuna ku lebistay dharkii. Samatar cuntada ma kala yaqaan, ujeedka maaha magaceda, balse, macaankeeda, waayo mid aan isaga u macaanayn ma jirto, mana jirto maalin intuu dhergay uu daacey.
Samatar xitaa hadduu Alla bariyada (Kulanka ama Sabta) ka qaybgalo, waxaa lagu sooraa bannaanka, iyadoo laga qashaafayo, waxaana wax loogu daraa, Labaatan ka waaweyn, hadduu sacab bariis ah ka helo waa nasiibkii.
Samatar wuxuu galay gu’gii 7aad waxaana soo wajahdey marxalad kale…
La Soco Qaybta Labaad.
Cabdiraxiin Hilowle Galayr