Sooyaalkii af-genbiyada (inqilaabyada) ka dhacay Turkiga W/Q: Axmed Cali Abokor

Untitled

Sooyaalkii af-genbiyada (inqilaabyada) ka dhacay Turkiga

Laga soo bilaabo markii dhidibada loo taagey dalka Turkiga ilaa maanta la joogo ,waxa jirey hirdan xooggan oo ku dhisan xukun maroorsi;sifo kasta ha lahaadee.Waxa kale oo aan la hil-maami karin in ay jireen kuwo ahaa waqtigii dawladdii Cusmaaniyiinta ,lagana xusi karo kuwii ka dhacay xaruntii looga arrimin jirey Cusmaaniyiinta ee hilaaddii u dhexeysey 1807 – 1808 ,iyo weliba sannaddii 1913 ,saddex iyo labaatankii ,bishii Jeenaweri.Halkaas marka lagaga soo tago intii ka danbeysey dawladdii Cusmaaniiinta, waxa dhacay tiro dhawar af-genbi ;kuwaas oo kala ahaa:

Sannadku markuu ahaa 1960/27/May,waxa af-genbi sameeyey koox ka mid ah saraakiisha cidamada qalabka sida ;iyada oo xukunka laga tuuray dawladdii la soo doortay,waqtigaas waxa ka jirtey dalkaas qalalaase dhanka siyaasadda ah , mid bulsheed,iyo xag dhaqaaleba,waxa markii xukunka laga fara-maroojiyey dawladdii la del deley raysal wasaarihii xilligaas Cadnaan Mundiris .Waxana la sheegay in falkaas ay ka danbeeyeen siddeed iyo soddon sarkaal.Jeneraal lagu magcaabi jirey Jamaal Koorsal ayaana inqilaabkaas hoggaaminayey.

Koob iyo toban sannadood ka dib oo ku beegan 1971/Maaris/12,halkaas oo xukunka tuuris mar kale ay sameeyeen ciidamadu,iyaga oo meesha ka saaray kuwii hore u qabsaday,dalka waxa rasal wasaare looga dhigay bilo ka gadaal Sulaymaan Daymereel .Kolkaas oo ay si toos ah u hir-gashay 1973dii.

Mar kale waxa xukuumaddii la wareegtay xilka iyana la ga tuuray 1980,bishii sagaalaad,laba iyo tobankeedii kolkaas oo ay fuliyeen af-genbiga hoggaankii sare ee ciidanka;uu majaraha u hayey Kancaan Iifreyn,xabsiyada ayaa loo taxaabay madaxya-weyntii siyaasadda ,dabadeed na la magcaabay shan-xubnood si ay dalka u sii hoggaamiyaan ,dastuurkiina waa la laabay ,mid ku meel-gaadh ahna waa la sameeyey .Dooddii ugu weyneyd ee ay ku andacoonayeen kuwa xukunka la wareegay waxa ay ahayd in ay soo celinayaan midnimadii waddanka iyo ummadda reer Turki ,dammaanad qaadidda xuquuqda shacabka iyo xuryadooda ,soo noolaynta amniga.

Waxa xigey isna 1997/Feebarwari/28dii ,waxana loo bixiyey Inqilaabkii Caddaa.Qolyihii markaasi diidana siyaasadda Raysal wasaaraha islaamiga ahaa ee waqtigaas Najmu diin ay sheegeen in uu khatar ku yahay xukunka calmaaniga ,kolkaas waxa ciidanku ku khasbeen in uu is casilo xil-kana maalin cad iskaga tago.Waxyaalihii ay soo hor-dhigeen waxa ka mid ahaa:

  • Ganaax in lagu soo rogo xijaabka jaamacadaha.
  • Siddeed sano in laga dhigo waxbarashada aasaasiga ah.
  • In la xidho madarisadaha Qur’aanka kariimka ah.

Markii ay kasoo waaddey waxa 2007dii waxa dhacay isku day la fashiliyey ,xukunno ayaa lagu fuliyey dadkii ka danbeeyey qaarkood ,dalka waxa raysal wasaare ka ahaa Rajeb Dayib Erdogaan .

Jimcihii /15/Julay/2016,waxa dhacay isku day fashilmay kaas oo ay isku dayeen qayb ka mida saraakiil sarsare.Waxa iska diidey in uu hir-galo shacabweynaha reer Turki madax iyo minjaba ,iyaga oo isku duuban .

Xigashooyin

https://sabq.org/bgJcRQ

Wikibiidhiya

http://www.alarabiya.net/ar/

https://arabic.rt.com

http://arabic.cnn.com

http://www.alweeam.com.sa/

http://qushq.com/blog/73556.html.

W/Q: Axmed Cali Abokor

SHEEKOOYIN