Sooyaalkii iyo Sanadguuradii 2AAD ee Mareegta Laashin

2016-08-09-PHOTO-00000008

Sooyaalkii iyo Sanadguuradii 2AAD ee Mareegta Laashin.

Waa arrin soo jireena in wax weliba maalin curtaan ama la hirgeliyo, balse waxaa jirta curashada ka hor waxaa jira dedaal iyo diyaar garow badan oo loo galo, muddo dheer ayaa maskaxda iyo dareenka Hawlwadeennada Laashin ay ka guuxaysay sidii loo hirgelin lahaa, loona abuuri lahaa Mareeg iyo madal ka duwan kuwa maanta Soomaalidu adeegsato.Hubaal in la mahadiyey guud ahaan Mareegaha wararka iyo wacaalka ee umadda Soomaaliyeed oo wax badan ka beddelay wacyiga maanta, balse, sidoo kale   waxay wataan qaarkood lurkooda iyo ladhkooda.Wax walba oo la sameeyaa waxay marka hore soo maraan ka baaraandeg culus, taasoo keentay inuu yeesho tayo iyo tiigsi wanaagsan.

Yoolka mareegta Laashin.

Mareegtan looma aas aasin in dhaqaale lagu helo ama laga sameeyo, balse, waxaa loo aas aasay in ay bulshada isbeddel dhinaca Hal abuurka, Qoraalka iyo aqriskaba.Haddaba si loo helo mareeg ka madax bannaan is jiidjiidka iyo kala aragti duwanaanta dhinacyada is diidan ee bulshada Soomaaliyeed, waxaa loo abuurey Laashin in le helo, Qoraallo iyo Hal abuur tayeysan oo kor u qaaddaya dhammaan qaybaha arrimaha Bulshada siyaasadda iyo horumarkaba.

Qoraallada Laashin ayaa ah kuwa faafreeban oo tafatiran kana dhawran wax walba oo keeni kara kala foggaansho, waxaannuna qof walba u qeexnaa haddii iin ama god daloolo uu leeyahay qoraalkiisu inuusan buuxin kaalintii looga baahnaa.Hubaal 99% qorayaasha iyo hal abuurka wax ku qoraa inay yihiin kuwa hufan oo aan lahayn wax turxaan ah.Qoraallada ku baxa laashin waa kuwo ka diirada lagu saaro marxaladaha kala duwan ee dadka iyo dalka Soomaaliyeed sidoo kale waa kuwa adduunka iyo hareeraheena ka dhacaya, waxaa ku soo baxa mareegta laashin qoraallo badan.

Qoraallada Laashin.

  • Maaweelo iyo madadaalo
  • Sooyaal iyo Raadraac
  • Wacdi iyo diini
  • Wacyigelin iyo baraarujin
  • Aqoon iyo Ogaal
  • Aragti iyo Aaraah
  • Dhaliil iyo boggaadin
  • IQB

Mareegta laashin waa mareegta qudha ee aad ka helayso ugu yaraan 24 sheeko oo taxane ah mid weliba maalin leedahay, waxaa ku dhammaaday, Sheekooyin badan oo ay qorayaashu awoodooda qalin iyo farshaxankooda curineed ku soo bandhigeen.Sidoo kale kama madhna sheekooyinka gaagaab, Qoraallada Sooyaalka adduunka iyo kuwa dalku soo maray, Tagto iyo timaado labadaba.

Hawl sanadeedkii laashin.

Sanadkan oo ahaa sanadkii labaad ee Mareegta laashin, waxaa ku soo biirey qorayaal aad u fara badan, oo kor u dhaafayaan Boqolaal haddana dhallinyaro iyo Arday ah, waa hadafka iyo ujeedka laga lahaa Mareegta  Laashin in la helo, Degel ay dhallintu ku soo bandhigaan aragtidooda, aqoontooda, hibbadooda iyo hal abuurkooda, waxaana ammaan iyo boggaadin iska leh, dhammaan qorayaasha Soomaaliyeed oo u qalab qaatay,  Tayeynta Afka, toosinta bulshada, tusmaynta  wadada guusha  iyo takoorida xumaha, waxaan iyana la hilmaami karin iney ahaayeen sanadkan  gabdhuhu kuwa ugu  tiro badan qorayaasha  Mareegta Laashin, gabdhahaas oo aan kala dhicin ayaa dhammaantood kaalin lixaad leh ka qaatay horumarinta Afka iyo hiddaha umadeed.Ugu dambayn Laashin waa madal loogu talo galay in qof weliba wuxuu aaminsan yahay ee aan bulshada diinteeda iyo dhaqankeeda waxba u dhimeyn ku soo bandhigo. Waa gole dood kasta oo aqoon iyo ogaal u furan, waana degel aannu qofna marti ka ahayn talo iyo tusaaleba ku leeyahay.

Xasuusin.

Ugu  dambayn  waxaa  muddo saddex maalmood ah   u furan dhammaan qorayaasha iyo aqristayaasha iney ka soo talo dhiibtaan, waxay saluugeen iyo waxay la dhaceen ee ku qanceen,  dhiirigelinta iyo dhaliishuba waa waxtar waana  deeq ka timaada  dadka wax galka ah,  qof walba waxaa u furan inuu qoraal dheer iyo mid gaaban ka soo diyaariyo wuxuu sanadkii hore  arkay iyo wuxuu rabo in lagu soo daro ama wax laga beddelo Mareegta laashin.

Ugu dambayn waxaan halkan uga gudbinaynaa  Hambalyo dhammaan  hawlwadeenada  Mareegta laashin  Qorayaasha, Hal abuurka iyo aqristayaasha Hambal Hambalyo iyo Sanadguuro wanaagsan.

W/D Cabdiraxiin Hilowle Galayr

laashin77@gmail.com

 

SHEEKOOYIN