Sooyaalkii Siyaad Dheryadhoob Q2AAD. Sidaan W/Q: Cabdiraxiim H. Galayr

 

Sooyaalkii Siyaad Dheryadhoob Q2AAD.

Sooyaalkii Siyaad Dheryadhoob Q2AAD.

Sidaan qaybtii horeba ku soo sheegnay Siyaad (AUN)wuxuu ahaa nin garaad badan oo eebbe u dhaliyey maaninta iyo lafa gurka arrin walba oo loo maaro waayo.

Dhaxalkii walaalaha.

Waxaa dhacday oday dhalay Afar wiil iyo Gabadh inuu markii uu xaraarugayey wiilashiisa oo dul fadhiya dardaarana ka sugaya ku yidhi: “Afartiina mid aanan dhalin baa jira ee ogaada” isagoon u sheegina naftu ka baxday.

Wiilashii ayaa tuhun weyni kala galay, Hooyadii dhashayna waa joogtaa lagumase dhaco oo dhaqan maaha wiilkaaga aan aabbahayo dhalin lana aqoon Aabbihiis sheeg in lala hortago.

Arrintii wax la wadoba waxaa la waayey qaab loo maareeyo nin weliba isagaa naftiisa werwer u galay oo is yidhi war tolow ma adigaa ninka fartu ku godan tahay?.

Maalintii dambe ayaa loo sheegay haddii ay u tagaan Siyaad Dheryadhoob inuu si hawl yar u kala saari karo, kaddibna Afartoodiiba waxay isu diyaariyeen socdaal dheer oo miley qaadanaya sahaydoodana waa qaateen, waxay hadba meel tagaan degmadii loogu sheegay markay yimaadeen, ayaa waxay u yimaadeen meel abaar ah oo laga kala guurey, in cabbaar ah hadey socdeen ayay bidhaan reereed arkeen waana ku irkadeen.

Waxay u tageen nin odaya oo reerkiisu abaarta ku hadhay, is wareysi kaddib ayay weydiiyeen aaway degmadii kale maxaase keligaa meesha kugu reebay?

Odaygii ayaa ugu warceliyey degmadii wixii guuri karayey waa guureen, reerkana aniga iyo Sumalkaas ayaa halkaas dhignay!

Waxay yidhaahdeen: Sidee adiga iyo sumalku halkaas u dhigteen?

Wuxuu yidhi: Sumalka waxaan ka ilaaway xamilkii kaddibna idihii buu saartay waana kuwaas diraacna igu dhalay aniguna xamilkii baan iska ilaawo waa taas xaaskii umusha ah, sidee 60 maqal ah iyo xaaskoo umul ah miyaan geedi dheer geli karayaa?

Waxaa jirta xilli iyo ammin go’an oo xoolaha loo ogolaado inay rimaan iyo miley laga ilaalsho oo hadhoow jiilaalkii kugu keenaya sida ku dhacday ninkan odayga ah.

Kaddib waxay weydiiyeen halkeen ka helaynaa Siyaad Dheryadhoob, wuxuu u sheegay inuu saaka reerkiisu halkan ku dhaafay oo raadkiisi yahay kaas qoyan ay ka daba tagaan waa soorey waana ambabixiyey.

Waxay cagta saareen raadka reerkii Siyaad oo geedi ah waxay guraanba oo hadba taag iyo tog kula dhaco waxay soo gaadheen oday Orgi xaarey xambaarsan oo keligiis lugeynaya.

Waa is bariidsheen waxayna weydiiyeen halka ay ka helayaan reer Siyaad Dheryadhoob, kaddib wuxuu odaygiina u sheegay in ay raadkii ku joogaan aysan ka hadhin ayna dhaw yihiin.

In cabbaar ah markay ku joogeen ayay u tageen reerkii oo degaya, markay wareysteena waa loo sheegay in reerkii heleen, waxay weydiiyeen aaway Odaygii Siyaad waxaa la yidhi:” Orgi xaaray oo hadhay ayuu soo qaaday oo soo sidaa?

Nimankii walaalaha ahaa waa is eegeen, markaasay garteen inuu ahaa ninkay soo dhaafeen, haddana waxay eegeen xoolaha meesha daaqaya tiradooda iyo badi intey le’eg yihiin waxay is weydiiyeen, war ninka ilaahay xoolahaa ugu deeqay maxaa orgi yaroo xaaray xambaarkiisa ku jujuubey?

Meelbaa gogol loo dhigay ardaa ah waana la soo dhaweeyey, waxoogaa kaddibna odaygii baa yimid Siyaad ahaa, waana loo sheegay ragga rabay waa u tegay bariido kaddib iyo is warsi iyadoon arrinkii la guda gelin ayaa marwadiisii ku qaylisay oo adeejisay, Siyaadoow qabo, Siyaadoow keen, Siyaad yeel, isna orod iyo gucle ayuu ka bixi waayey?

Mar kale ayay is weydiiyeen, war heedheh ninkaan haweenaydu hadba dhinac u eryeysaa talo nagu biirin maayee maan iska dayno.

Habeenkii fiidkii ayuu u yimid, waa is wareysteen waxayna weydiiyeen, labadii arrimood ee ay kula yaabeen: Maxaa adigoo waxaasoo xoola leh Orgiga xaaray kuu xambaariyey, adigoose ninka magacaas leh sidee haweenaydaadu kuu adeejinaysaa?

Uma warceline wuxuu weydiiyey waxay u socdeen, waana uga warrameen dardaarankii aabbahood ee ahaa inuusan Afartooda mid ka mid ah dhalin.

I suga buu yidhi: Habeenkii uma tegin, wiil buu u direy oo ku yidhi ragga midba meel seexi, wiilkiibaa ku yidhi: Aabbe wuxuu idin yidhi meel ha wada seexanina ee na kaalmeeya xooluhu xero wanaagsan ma lahee mid dhinaca guryaha haka seexdo si haddii bahal yimaad laysaga dhacsho.

Sidii ayuu midba meel u seexiyey, kaddib saqdii dhexe ayuu neef garabkiis oo qaaday oo marba mid ka kiciyey war cun, ayaandarro ragga saddex ka mid ahi waa diideen ilaa ay ragga kale arkaan inaysan keligood wax cuneyn, mid ka mid ah ayaa yidhi: Raggii kale aaway waa cuneen buu ku yidhi: Isna intuu qaatay ayuu isku hubsaday.

Waagii markuu baryey ayuu Afartoodii isu keenay, markaasuu u keenay neefkii oo xubintii xalay ka maqan tahay, wuxuuna yidhi, haddaan idiinka warcelinayaa, middii aad iigu timaadeen iyo labadii aad ku darsateenba?

Kaddib Siyaad baa qaylo dhaamiyey oo haweeydiisii u wacay markaasuu yidhi: Heblaayoow aqalka meeshaad ka dhistay waa kala dheertahay fur oo halkaas ka dhis, waayahay ayay tidhi, haddana mar kale ayuu yidhi: Fur oo halkaas kale ka dhis waa marooraaye, markuu saddex jeer xaaskii adeejiyey ee ay haye maahine maya iyo muran dhihin, ayuu yidhi: Haddaan shalay diidi lahaa maanta ima maqasheen waana sababtaan shalay warkeedaa u dhageysanayey.

Arrinta labaad hilibka aad cunteen ka warrama, waa macaan waa heer sare ayay dhaheen, wuxuu yidhi: Haddaan Orgigii shalay ka tegi lahaa hooyadii baan idiin bireyn lahaa waana Orgigii xaaray hilibkiisa waxaad ka dheregteen.

Waa yaabeen, haddaan idiin sheego Afartiina midka aan Adoogiin dhalina waa ninka xalay xubinta maqan cuney ee keligiis Garabka cuney.

Waa lays weydiiyey kaddibna wiilkii baa yidhi: Anigaa cunay oo SIyaad wuxuu ii sheegay inaad wada cunteen.

Halkaas ayuu ku kala saaray, una sheegay ninkan inuu walaalkood hooyadood dhashay yahay, kuwa kalena isku hooyo iyo aabbe yihiin.

La soco qaybaha kale

Xigasho: Nabaddoon Kaarshe Axmed Belel(Zurich)
W/Q: Cabdiraxiin Hilowle Galayr

SHEEKOOYIN