Suufinimo : Sooyaal iyo Saamayn! W/Q:Cabdikariin Xuseen

imagesSuufinimo : Sooyaal iyo Saamayn

Hordhac

Dugsiyada fikir ee sameysmay boqolguuradii labaad ee tirsiga Hijrada waxa ka mid ah, fikirka Suufiga ah, oo aad u faafay saamayn badanna ku yeeshay dadka muslin ka ah dhexdooda, Suufinimadu waxa ay qayb ka noqotay fidinta iyo barashada diinta oo culumo badan oo suufiyo ah, ayaa dhulal badan ugu socodaalay si ay diinta u gaadhsiiyaan, meelaha suufiyadu aadka uga hawlgaleen waxa ka mid ah, geeska Afrika, oo geyiga Soomaaliduna ka mid yahay (1). Suufinmada wax badan baa laga qoray,oo taageerid iyo naqdin ba isugu jira; suufiyada qudhooduna qoraallo badan bay sameeyeen oo ay aragtiyahooda ku difaacayaan. Qoraalkan kooban waa iftiimin guud oo ku saabsan taariikhda Suufinimada iyo heerarkii ay soo martay, manhajka tasawufka iyo dariiqooyinka ugu caansan uguna saamaynta badan.

   Qeexitaan iyo Bilowga Suufinimada

Suufinimada qeexitaanno badan baa loo sameeyey, suufiyada iyo dugsiyada fikir ee kalena siyaabo kala duwan baa ay uga hadleen, bilowgaba waxa aan la isku waafaqsanayn halka uu ka soo jeedo erayga Suufi, oo dadka qaar ku sheegeen in uu ka soo jeedo, “A Sufuwah’’ oo ah saafinimo akhlaaqeed iyo mid ruuxi ah, kuwo kale waxa ay sheegeen in eraygu sal ku leeyahay “Asufah” loogana jeedo dad sabool ah, quraan ruugnimo iyo cibaado badnaanna lagu yiqiin oo masaajidka Nebiga [nnkh] hoy ka dhigan jiray, tafsiirka ugu xooggan ee culimo badani qaateenna waa in erayga Suufi ka yimi marada Suufka ah ee ay xidhan jireen Suufiyadu, laguna yaqaannay.
Sakariya Al ansaari [dh.929h] wuxu ku qeexay Suufinimada: “Suufiminadu waa kasmada lagu barto culidda nafta, sifaynta akhlaaqda iyo in kor iyo kalba looga shaqeeyo sidii loo gaadhi lahaa badhaadhaha lagu waarayo”
Abu Qaasim Al junaydna wuxu yidhi [dh 297h] : “Suufinimadu waa in habdhaqan kasta oo wanaagsan la qaato, habdhaqan kasta oo liitana laga dheeraado”

Suufinimadu waa hawlgal iyo habdhaqan qofku u sameeyo si uu uga dhabeeyo, dhammays tirnaan akhlaaqeed, garashada xaqiiqada iyo badhaadhe ruuxi ah. Suufinimada inta badan diimaha badankoodu waxa ay se kula kala geddisan yihiin meesha laga dhinbiil qaadanayo iyo hannaanka suufinimada loo marayo. Tasawufka Islaamiga ahina waa hannaan ku dhisan fahanka diinta. Markii diintu faaftay ee la dhex galay dadyow dhaqanno kala duwan, dadkuna ku loollameen kala badsiga adduunyada iyo dhex muquurashadeeda, ayaa ay Soo baxeen falcelino arrinta la iskaga moosayo oo ay bilaabeen dad u go’ay Cibaado iyo Alla bari, nolosha adduun dhaldhalaalkeedana aad isaga xakameeyey, loona bixiyey Cubbaad iyo Suhaad, rag iyo dumar badan oo cibaado iyo khalaawayn ku caan baxay ayaa jiray oo ay ka mid ahaayeen Malik ibnu Diinaar, Ibraahim inbu Ad’ham, Raabicah al Cadawiyah, Shaqiiq Al balakhi ikk. Kooxdaas Cibaada badnaanta iyo u dhowaanshaha Alle ku caan baxday ayaan buddhig u ahayd Suufinimada aadka u faaftay qarniyadii ka danbeeyey, walow aanay raggaasi samayn fikir iyo fahan diineed oo ay kaga gaar noqonayeen Muslimiinta kale.
Ibnu Khalduun oo bilowga Suufinimada Faahfaahinayaa waxa uu yidhi: ( Aqoontani waxa ay ka mid tahay culuumta sharciga ah ee diinta ku soo derriday, waxaa asal u ah in Cibaadada oo la qabtimo iyo Alle oo loo go’aa arrin caadi ah ka dhex ahayd Salafka {Saxaabada iyo Taabiciinta} ujeedkiisuna waa cibaadada aan xadlahayn, nolosho adduunka oo laga wejidadbo, iyo in laga Saahido, raaxaysiga iyo waxa dadka badankiisu ku fooganyihiin, gooni la noqdo, cidlana lagu cibaadaysto, arrintaasi wax caadi ah ayey iska ahayd xilligii saxaabada, markiise adduun raadisku batay boqolguuradii labaad ee tirsiga Hijrada, ayaa dadkii Cibaadada u go’ay loo bixiyey Suufiyo…….) (2) .

  Heerarkii Suufinimada

Suufinimadu marka laga tago magacu xilliga uu u baxay waa habdhaqan soo jirey tan iyo bilowgii Islaamnimada, oo ay jiraan dad cibaadada iyo laylyidda nafta ku talax tegay xilligii nebiga Nnkh, tusaale ahaan Anas waxa uu soo weriyey (Waxa guryaha Nebiga NNKH, tegay siddex ruux oo warsanaya Cibaado Nebiga, markii looga warramayna waa ay yareysteen waxaanay yidhaahdeen , innaga iyo Nebigu NNKH halkee ayeynu isaga imanaynaa dembigii hore iyo ka danbeba waa loo dhaafaye. Midkoodbaa aniga habeen sida uu u dhan yahay waa iga salaad, mid kalena wuxu yidhi : Anna sanadku siduu u dhan yahay waan soomayaa, kii saddexaadna wuxu yidhi : weligay guursan maayo! Arrintiibaa Nebiga gaadhay, markaas buu u yeedhay kuna yidhi : [ma idinkaa sidaa yidhi? Allaan ku dhaartee anigaa idiinku Alle ka cabsi badan, haddana waan soomaa waan afuraa, waan tukadaa waanan seexdaa, dumarkana waan guursadaa, qofkii jidkayga ka madaxtaagay naga mid ma aha])’3’

Suufinimadu saddex heer oo kala danbeeyey ayey soo martay, mid walibana kii hore ayuu bidhaansanayey waxaanay kala ahaayeen:-

B- Heerka Cibaadaysiga iyo Suhdiga

Xilligan oo hillaaddii noqonaysa dhammaadka qarniga koobaad ee hijrada iyo qarnigii labaad, waxa muslimiinta ku dhex faafay ku foognaanta adduunka iyo tabo lagu raaxaysto oo cusub, falcelinta arrintaasi waxa ay dhashay dad cibaado u banbaxay oo nolosha dhaldhalaalkeeda ka raysatay, waxa ka mid ahaa, Fudayl ibn Cayaad, Ibrahim ibn Ad’ham, Macuuf al Karkhi Ikk. Heerkani waxa uu ku caan yahay, Cibaado badnaan, gooni joognimo, cunto yaraysi, guur la’aan iyo waano iyo wacdi dadka loo jeediyo.

T- Heerka Samaysanka Fikirka Suufinimada
Marxaladdan Suufinimadu waxa ay ka guuraytay keli kelidii, oo kooxaysi ayey noqotay, waxa samaysmay dugsiyo iyo culimo suufinimada loo daba fadhiisto oo allifay habab nafta loo laylyo iyo jaranjarooyin la maro. Waxa calanka u siday laba dugsi oo kala ahaa:

Dugsiga Baqdaad: hormuudna ay u ahaayeen Xaaris al Muxaasibi [dh:297h] iyo Abu qaasim al Junayd [dh: 247]

– Dugsiga Masar iyo Shaam : waxa hor kacayey Du Nuun Al masri [dh:247]

Inta badan hannaanka naflaylyidda, Werdiga iyo hawlaha cibaadaysi ee dugsiga suufinimada waxa la jaangooyey xilligan, eraybixinta suufiyada ee jaadadka badanna raggan ayaa horseed u ahaa, sida Muriidka oo loola jeedo ardayga layliga nafeed ee suufinimada ku jira, Cirfaan oo ah garasho sare oo alle ku mannaysto qofka welinimada gaadha, maqaamaat, oo ah jaranjarka loo maro naf laylyidda iyo culidda qalbiga, isla xilligan ayey soo baxday in aqoonta diinta loo qaybiyo Shareeco iyo Xaqiiqo (4), waxa kale oo bilaabmay in tasawufku yeeshay maraajic iyo kutub laga daalacdo’5’ .

Guud ahaanna marxalaaddan ma ay soo ifbixin waxyaabo caqiido ahaan, khilaafsan diinta, waana kuwan iyagoo iftiiminaya usuusha fikirkoodu ku taagan yahay, ( Usuushayadu waa todoba: Ku dhaqanka kitaabka Alle, Ku dayashada Rasuul [NNKH], Xalaal Cunid, Dhib la’aan, dunuubta oo laga dheeraado, Tawbad, iyo gudashada xaquuqda) Sahal A Tastri ‘6’

X- Heerka badhxanka Suufinimada

La falgalka aqoontii iyo ilbaxnimadii dadyowga kale, samayn ballaadhan ayey ku yeelatay qaab fikirkii muslimiinta, waxaana Samaysmay dugsiyo fikir oo badan, Suufinimada waxa dhex qaaday falsafado badan oo laga soo guuriyey, dadowgii kale ee aqoontooda la turjumay, sida Alxuluul,7, Al itixaad ‘8’ Al faydu wal ishraaq’9’ IKK

Suufiyada marxaladdan waxa ugu caansan Xallaajj, Sahrawerdi, Ibnu Carabi, iyo Ib faarid. Waa heerka meesha Suufiyada iyo dugsiyadii fikir ee kale muranka diimeed ka dhex dhalanayo, gaalaysiinta iyo dilkana xaaladdu gaadhay. In kastoo Suufiyadu ku doodayaan in erayada culimadaasi adeegsani ee diinta ka hor imanaya aan loo la jeedin, sida caamadu u taqaan ee ay tahay afgarad Caarifiinta tasawufka ku talaxtegay isla garanayaan, ama aan raggaasi wax yaabaha laga sheegayo aanay odhane laga been abuurtay, marnaba se ma ahayn wax la’aan oo waxtar weyn ayey aqoonta diinta iyo fidinteedaba ka geysteen, kutubtooduna waa mawsuucooyin aad loogu aayey, Inbu taymiyah oo ahaa ragga aadka u naqdiyey Suufiyada Falsafadyahanka ah, isagoo tilmaamaya mid ka mid ah Kutubtiisa waxa uu leeyahay ( Kutubtiisa waxa dhex ceegaaga hadallo iyo warar sugan oo waxtar u leh diinta, sidoo kale waxa loogu tegayaa aragtiyo liita oo aan la qaadan karin)10 Waa marxaladdan marka ay hirgaleen dariiqooyinka la yaqaan ee Suufinimada.

    Dariiqooyinka Suufinimada

Boqolguurada shanaad ee tirsiga hijrada iyo wixii ka danbeeyey waxa aad u faafay dariiqooyin badan oo ay u kala miirantahay suufinimadu. Dariiqooyinkaasi in kasta oo ay ku kala tagsan yihiin, habraaca wax dhigasho,iyo afkaarta ay qabaan, misana intooda badni waxa ayka simanyihiin arrimo door ah oo ay ka mid tahay:-

– Wadaadka dariiqadu ku abtirsato inta baddan magaciisa loo bixiyo.

– Wadaadka iyo xertuba in ay ku abtirsadaan Aalu beydka.11

– Xer waliba sheekheeda waxa ay ka soo weriyaan karaamooyin ku talaxtag ah.

– Qaar ka mid ah dariiqooyinka suufiyada ayaa aaminsan in jidka keli ah ee lagu badbaadayaa yahay kan wadaadka dariiqada.

– Dariiqo waliba waxa ay leedahay astaan ama calan u gooni ah.

– Waa la iska dhaxlaa sheekhnimada dariiqada.

– Dariiqooyinka badankoodu caqiido ahaan waa Ashaaciro.

Dariiqooyinka Suufiyada ee ugu Saamaynta badan, kuwa kalena ay ka sii Farcameen waxa aynu ka soo qaadan karnaa:

Dariiqada Qaadiriyada: Waa dariiqo uu aasaasay looguna magac daray sheekh Cabdilqaaddi Al jeylaani (dh. 561 H). Isaga jeexay jidka dariiqadu u marto Alle u dhowaanta iyo Cibaadaysiga, xertiisuna marba in baa ay ku sii dareen, waxa kooxdiisu soo tebiyaan warar ashqaraar leh, oo karaamooyinkiisa iyo welimadiisa ku saabsan.Wuxu qoray kitaab la yidhaahdo Al Fartu rabbaani.

Darriqada Arifaaciyah: Waxa lagu magacaabay Wadaadka Axmed bin Cali Arifaaci, oo ree Marooko ahaa, dh: 578 H meelo baddanna waa ay ku faaftay.

Dariiqada Shaadaliyah: Waxa loogu magac daray Suufigii Saahidka ahaa ee Abu Xasan Cali ibn Cabdillaahi Ashaadali (Dh. 656 H).Dariiqooyinka kale ee la yaqaanna waxa ka mid ah: Naqshabandiyah, Al khatmiyah, Al badawiyah, Al dusuuqiyah, Al teyjaaniyah ikk.

  Manhajka Suufinimada

Suufiyadu waxa ay dejiyeen manhaj hawleed laga rabo qofka Suufiga ahi inu uu raaco si uu u gaadho welinimo iyo aqoonta oo daboolka looga qaado.

B- AQoon : Suufigu waa inuu noqdaa, Alle yaqaan, diinta aqoon badan u leh, kuna xeel dheeraado tabaha nafta loo laylyo, qalbigana loo culo.

T- Sheeekh: Qof kasta oo raba inuu noqdo Suufi waa inuu helaa, sheekh hage u noqda oo aqoonta iyo Cibaadooyinka uu samaynayo u qoondeeya.

J- Layli Nafeed: Waa in muriidku u jilib dhigo sidii uu nafta doonisteeda uga adkaan lahaa, uguna sandulleyn lahaa ku dhaqanka diinta.

X- Xuska Alle (Adikru): Waa in laga reeyo mooganaanta iyo is illowsiinta, laguna dadaalo in carrabka iyo qalbigu joogteeyaan xuska Alle.

Dhowr qaab ayaa loo werdiyaa,

– Digri dahsoon iyo mid muuqda: oo ka dhigan in carrabka laga dhawaaqo ama qalbiga laga digriyo.

– Digri qofeen iyo mid kooxeed: Waa in qofku keligii meel ku werdiyo ama kooxi digri wada sameeyaan sida inay ku ceceliyaan Magacyada Alle.

Kh- Al khalwah: Waan in dadka laga fogaado, hawlaha adduunkana laga nasto muddo, si qalbigu u dareemo xasillooni, khalwada muriidka waxa hagaya sheekhiisa, khalwaduna waa laba nooc, mid guud oo mu’minku ugu banbaxo , xuska Alle, Qur’aan akhris, iyo naf xisaabin, iyo mid gaar ah, oo lagu raadinayo darajada welinimada iyo Cirfaanka.

Suufiyadu si qofku u gaadho dhabbaha badhaadhaha aakhiro iyo welinimada waxay sameeyaan acmaal ay Eebbe ugu dhowaanayaan, ayna ka mid yihiin, Tawbad, Isxisaabin, Alle ka cabsi, Run sheegid, Badhaxtir Cibaado, Sabir, Xalaal miirad, Saahidnimo, tala-sarashada Eebbe, Mahadnaq iqk. Hawlahaa Alle loogu dhowaanayo ee Suufiyadu sameeyaan midhaha iyo wanaagga ay jarto waxa ka mid ah:

B- Al kashfi : oo looga jeedo in Alle yaqiinta daaha uga qaado, aqoon daboolan la daalacsiiyo, asraatana wax looga bidhaamiyo.

T- Ilhaam : Waxa ka dhigan tahay in qalbiga weliga Ilaahay tuso aqoon, sida suufiyada badh ku tagsanyihiinna aqoonta Ilhaam ku timaadda waa lagu cammal fali karaa.

J – Welinimo : Waa heerka u sarreeya oo qofka mu’minka ahi Alle u dhowaanshaha ka gaadho, waxana lagu helaa Iimaan dhab ah iyo Alle ka cabsi.

Suufiyadu waxa ay ku talaxtageen culimadooda waxaanay ka soo weriyaan karaamooyin aan caqligu qaadan karin iyo waxyaabo ashqaraar leh, Sida in ay la hadlaan meytida, biyaha badda dul lugeyn karaan, bahalaha dad cunka ah, la sheekaysan karaan, iyo in aan awliyadu dhiman ee ay dhuumato, ruuxdooduna maalmaha arbacada kulanto.Waxaanay u qaybiyaan karaamooyinka awliyada mid duleed oo caamadu arki karto iyo mid daahan oo weligoo keli ahi arki karo.

     Saamaynta Suufinimada

Suufiyadu waxa ay ka mid tahay dugsiyada ugu saamaynta badan ee Islaamka, waxa aan cidna ka qarsoonayn doorka ay ku lahaayeen diin fidinta, iyo barashada aqoonta diinta, inta badan dalalka la yaqaan ee Muslimka ah waxa ku yaal qabriyada wadaado Suufiyo ah oo safarro ku maray dhulka Islaamka iyagoo u hagar baxay in ay diinta gaadhsiiyaan dadka. Walow si aad ah loo naqdiyo fikirka Suufinimada haddana ma qarsoona dadaalka ay diinta geliyeen. Beryahan danbena waxa la odhan karaa Saamayntooda waxa shiiqiyey iyagoo ka dheeraaday manhajkii culimadoodii hore, barashada diintana aan dedaal badan gelin ee ku koobnay, shallaad, waliimaysiga iyo xuska dhalashada Nebiga NNKH, waxa intaa dheer dardarta iyo xoogaysiga Salafiyiinta oo meelo badan si tartiib ah uga cidhiidhsaday Suufiyadii, waxa keli ah oo suufiyadu fursad ku heli karaan dadkana ku hanan karaan iyagoo la yimaadda Cusboonaysiin iyo aqoon diineed oo heersare ah.

Gebagabadiina qoraal iyo laba toona lagaga ma geyoonayo Suufinimada iyo baadhitaannada ku saabsan, waa se isku day aan buurnayn oo wax lagaga bidhaaminayo dhinac ka mid mawduuc ballaadhan oo wejiyo badan leh, una baahan in waqti iyo aqoon badan la geliyo, baadhitaanno badanna lagu Sameeyo.

 

1-Suufinimada iyo dhulka Soomaalida waxa aynu ku lafaguri doonnaa, qoraal gaar. Haddii alle idmo.

2-Ibnu Khalduun ~ Al muqadimah~ baabu tasawuf.

3- Bukaari iyo Muslim. Anas bin Maalik ayaa ku soo weriyeen.

4- Suufiyadu aqoonta diinta waxa ay u qaybiyaan shareeco oo ay ula jeedaan axkaamta muuqata iyo xaqiiqo oo ay ula jeedaan acmaasha qalbiga.

5- Sida quut Al quluub oo uu qoray Abu daalib Al maki

6- Dabaqaat Asuufiyah, bogga 210.

7- Al xuluul : waxa ay ula jeedaan in Ilaahay korreeye dhex galay maqkhluuqiisa.

8- Al itixaad : waxay ula jeedaan in Ilaahay la falgalay Makhluuqiisa

9- emanation :waa aragti falsafi ah, oo falfadyahanka Suufiyadu ka soo guuriyeen Giriigga.

10- Ibnu Taymiyah : Mahmuuc Al fataawaa~ galka 11aad.

11- Waa meesha la tuhunsan yahay in beelaha Soomaaliyeed ka soo dheegto ku abtirsiga Allubeydka

                 

                    Tixraac

– Almawsuucah Al carabiyah.

– Abu Cabdiraxmaan Asullami: Dabaqaat A suufiyah.

– Ibnu Khaldoon~ Al muqadimah
– Cabdulqaadir Ciise- Xaqaa’iqu tasawuf.

-Asahli, Cabdalla Ibn Dajiin : Duruq asuufiyah nash’atuhaa, caqaa’idhuhaa waa asaaruha.

W/Q:Cabdikariin Xuseen

SHEEKOOYIN