Suugaanta ”SALSAL” maxaad ka taqaannaa? W/D: Abwaaan Maxamad Xuseen Faarax

15591732_1284959444880589_108035411_n

Suugaanta ”SALSAL” maxaad ka taqaannaa?

 

Waxaan nahay bulsho murti iyo suugaan ku dhaadata. Sooyaalkeenna aqoon, ogaal iyo aqool waxaa ku taxan yihiin suugaan jaad walba leh, oo u ah kayd laga helayo, waxaan ahaan jirnay, walina nahay.

Wali ma mashaqay ”SALSAL”? Haddaad maqashay, maxaad suugaantiisa ka haysaa? Aaway raggii saddex subaxlaha dhaamin jirey? Haddiise aadan maqal anaa kuu sharxidoonee, bal igu la hees tixahan aan idiin soo xulay, oo aan shibbane iyo shaqal walba ka soo qaatay hal tusaale.

 

B

Bisim EEBBE waa boqol

Waana barako badan yahay

Wixii lagu billaabaana

Ma ba’aan ma baaqdaan

Mana baaqinoobaan! (1)

 

T

ALLOW taawo (2) kaa magan

Iyo tuugmo Aadami

Iyo tage mar soo noqo

Talaa Reer ku laabane.

 

J

Jugjugleeye waa Roob

Jiilaal waa abaaraha

Janno waa dhul jiriddiis

Jahannabana waa Naar

Nin jiraaya mooyiye

Waa loo wada jalleecaa.

 

X

Haddii xabadku xuuriyo

Indhuhuna xayiigmaan (3)

Anaa xoogle waa been.

 

KH

Khayroow qaboonnada (4)

Ninka khuuriyeen qumin

Waqti buu khasaarshoo

Kheyrkiis ku dhaafaa.

 

D

Awr dardara nimaan qabin

Haddii daw ka hiilliyo

Daruuruhu fogaadaan

Waa tuu dalagsanaa jirey.

 

R

Naago riintadaa (5) u daran

Ragna ruugaruugaha (6)

Roobna kii rug dheergala

Oo reerka kaa hayamiya.

 

S

Ninkii sahay ku noolaa

Iyo soorta dhaanshow

Saymaa galabta muuqdee

Sidee yeeli doonaa?.

 

SH

Inta shalaw (7) lagaa mudo

Oo shishacweyn (8)  laguu dhigo

Lagugu ma sharuundhiyo. (9) 

 

DH

Haddaan dheellis kuu raro

Iyo dhooman (10) laallaad

Igu dhiibad baa tahay

Igu mana dhaqaaqsanid!

 

C

Nin cirweyn ciddaa neceb

Caasi waalidkaa neceb

Cinniin naagahaa neceb

Ciyaartoy culimadaa neceb

Habeenkey cabsida tahay

Cabaadoow colkaa neceb!

 

G

Adigoo galgalad weyn

Adigoo gadoobbacad (11)

Adoo geedo hoosyaal

Geelu kaa ma soo dido.

 

F

Mar haddii filkeen fuley

Oo Foore (12)nagu dhacay

Fadhi noo ma yaallee

Fanka (13) toosi Fiilloow. (14)

 

Q

Ku la qaadi mahayoo

Qaddarkey ma gaaree

Aan kuu qaabsameeyee

Qabanqaabso qooryare

Qadiin ha isku yeeline.

 

K

Adigeey kadeedaye

Kebeddaada la callaal (15)

Kiil (16)kaagu soo noqoy

Oo kuriskaaga ley kari.

 

L

Lixloow iyo labaaloow

Ninba kiisu wow lacag

Balse ka la lihiin roon.

 

M

Mayle nimaad ka meertiyo

Maska cadi nimow cunay

Nin walaalki meydyahay

Naagtii nimay maroytahay

Meehannaw ma daayaan

Ee waa muusannaabaan.

 

N

Nur hadduu fogaadee

Dadku wada naqraacaan

Neefka geel ninkan qabin

Abaartuu negaadaa.

 

W

Waqtigii wareegyoo

Waagii waa wajaanta cad

Inta woowga dhigatiyo

Waalyeelladow ka kaagaca.

 

H

Adiga hariyahaagii

Halahow la joogaa

Anna hariyeheygii

Hooyadiiba lama helin.

 

Y

Yeeryeer Libaaxloow

Waad yaabi doontaa

Waase yeyga kuu yaal.

 

A

Afarroow nin dhaansaday

Afar wiil adeegsadey

Afayahay islaameed

Afkaa loo dhoweeyaa.

 

E

Illaa edegsadaadii

Waan is eeganaynoo

Meelna ka la ma aadnee

Ehel miyaan wadaagnaa?.

 

I

Isha Aadanuu daran

Iyo ereyga naagaha

Waana laga ilaalshaa.

 

O

Omos kii fogaay iyo

Oonleydaad ogeydoo

Amaah laga heleynbaa

Aabbow leyga leeyahay.

 

U

Uruuriyaha awr geel

Waa ugaaska duunyoo

Ummaddu u adeegaa.

 

Dhamamad.

 

Eraybixin:

 

(1) Baaqinoobaan: neef aan caano badnayn. Waxyaraan.

(2) Taawo: feker badan iyo dhibaato.

(3) Xayiigmaan: indhuhu caddaadaan. Kor u jiidmaan, oo rogmadaan.

(4) Qaboone; labada qaboone, ayaa la yiraa, waana qorrax soo bax ama qorrax dhac.

(5) Riintada: gunuunac.

(6) Ruugaruugaha: Cirweynaha aan waxba deeqin.

(7) Shalaw: Hunguri. Dhuunta.

(8) Shishac: ood xoolaha lagu kor qalo. Murti baa leh: “Ceesaan walbaa Shishaceey is dhigtaa lagu qalaa!”.

(9) Sharuundhin: raqda soo duldhoobasho.

(10) Dhooman: Haamaha horaaddaha ah.

(11) Gadoobba: Lag. Shaf.

(12) Foore: dabayl.

(13) Fanka: dusha.

(14) Fiilloow: midabka caddaanka, waliba aadka u sii cad.

(15) Callaal: agab la saarto gaadiid aan kaaga ahayn, ka dib markii uu kaagii hallaabay.

(16) Kiil: Meeshaad ku aaddaneed bannaanaatay.

 

W/D: Abwaaan Maxamad Xuseen Faarax

SHEEKOOYIN