TAARIIKHDA BAANANKA ISLAAMKA IYO QAABKA AY U SHAQEEYAAN W/Q: Axmed Maxamuud Guure.

13138841_1166208296756811_6026692421452594776_n

TAARIIKHDA BAANANKA ISLAAMKA IYO QAABKA AY U SHAQEEYAN

Waxyaabaha ka xaaranta ah maalgashiga Islaamka:

  • Ribada ( riba)
  • Ghararka ama qararka ( uncertainty)
  • Maysirka (gambling )

Taariikhda baananka Islaamka iyo maalgashiga

Taariikh ahaan carabtu waxa ay ahaayen Islaamka ka hor dad ganacsato ah,oo ganacsiga aad u yaqaan ;kuwaas oo safarradooda u isticmali jirey gaadiid wakhtigaa aadka looga danbeyn jiray ee awrta kuwaas oo u kala gooshi jiray masaafooyin aad u kala fog fog, isla markaana qaadi jiray hanti safar ah oo aad u tira badan.Bilawgii maalgashiga dhaqaalaha Islaamka waxaa laga keenay ama laga bartay xilligii nebigeenna suuban Maxammed (NNKH), wuxuu ku shaqayn jiray hantida Khadiija. Dalalka Malaysiya iyo Masar ayaa markii ugu horreysay isku deyey in ay qaatan kuna shaqeeyaan maalgashiga Islaamka taariikhdu markey ahayd 1963dii.

Waxyaabaha ka xaaranta ah maalgashiga islaamka

Allaah (SWT ) wuxuu innoo xalaaleyey cadad malaha lamana soo koobi karo ,hadaba innaga oo ka eegayna dhanka maalgashiga Islaamka Allaah waxa uu iibka, iibinta iyo maalgelinta inaka xaaran yeelay.Ribadu : waa dulsaar aan xad lahayn kaas oo loo isticmalo noocya badan. Ribadu waa shey Allaah Islaamka uu ka xaaran yeelay, Allena  wuxuu Qur’aankiisa ku lee yahay’’

                                                                                           الَّذِينَ يَأْكُلُونَ الرِّبَا لاَ يَقُومُونَ إِلاَّ كَمَا يَقُومُ الَّذِي يَتَخَبَّطُه

 الشَّيْطَانُ مِنَ الْمَسِّ ذَلِكَ بِأَنَّهُمْ قَالُواْ إِنَّمَا الْبَيْعُ مِثْلُ الرِّبَا وَأَحَلَّ اللّهُ الْبَيْعَ وَحَرَّمَ الرِّبَا (سورة البقرة 275)’

Ribada waxaa loo kala saara laba nooc oo kala ah :ribada la dulsaaro lacagta deynta ah Ribā al-nasī’ah  (ribā on loan)  iyo ribada laysku beddelo laba shey oo isku mid ah Ribā al-faḍl (Ribā on barter).Ribada la dulsaaro lacagta deynta waa ribo dulsaaran lacagta deynta ah tusaale ahaan lacagaha dawladaha la amaahiyo ama shakhsiba ;waxaaba lagu amaahiyey $50000 waxaadna ku soo celinaysaa toddoba sano dulsaarkuna uu yahay 5% haddii ay wakhtigaa kula dhaaftona dulsaarkii sidiisi ayuu kuugu kordhayaa waa shey xaaran ah.Ribada laysku beddelo laba shey oo isku mid ah waa qayb ka mid ah ribada iyada oo laysku beddelayo laba shey oo isku mid ah haddana lacagta laysku weydaarsanayo mid la badinayo tusaale ahaan in laysku beddelo laba kombiyuutar oo isku shirkad ah, iskuna qiimo ah ,isku beddelkoodana mid la badiyo lacagtiisa.

 

Ghararku :waa shey Allaah uu innaka xaaran yeelay wana shey aan iibkiisu caddayn adiga oo qofka ka iibiso waxaadan gacanta ku hayn ama aad qiimihisa ka been sheegto. Tusaale ahaan waxa aan kaa iibinayaa kalluunka badda ku jira aniga oo aan gacanta ku hayn.

Maysirka waa khamaar waana xaaran uu Allaah ( S W T ) uu innaka xaarantinimeeyey, waa shey uu qofna khasaarayo qofka kalena uu fa’iidayo. Wuxuuna Allaah Qur’aankiisa ku lee yahay’’

  • يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُواْ إِنَّمَا الْخَمْرُ وَالْمَيْسِرُ وَالأَنصَابُ وَالأَزْلاَمُ

‘’     رِجْسٌ مِّنْ عَمَلِ الشَّيْطَانِ فَاجْتَنِبُوهُ لَعَلَّكُمْ تُفْلِحُونَ

Baananka Islaamku waxa ugu badan oo ay ku shaqeeyan waa:

  • Muraabaxa

Mudaraba waa heshiis maal-gelin shaqo taas oo ah heshiis ka dhexeeya laba qof ama baanka iyo shakhsi, baanka oo ah lacag bixiye ama maal-geliye (capital provider),wuxuu keenaya hantidii qofkuna labor provides (efforts) wuxuu la imaanayaa dadaalkii shaqo. Wixii khasaare ama burbur hantida ku yimaadda waxaa yeelanaya hantiilaha haddiise qofka hantida ku shaqaynayaa uu la yimaaddo dayicidd ama dadaal xumo wuxuu qayb ku yeelanayaa khasaaraha dhacay.

W/Q:  Axmed Maxamuud Guure.

Iimayl: mrguure99@gmail.com

Faysbuugga: https://www.facebook.com/mrguure44432?fref=ts

 

SHEEKOOYIN