Taariikhda fikirka islaamiga ah! W/Q: Mukhtaar Axmed Nuur

Erayga taariikh, asal waa eray af Carbeed ah, macnihiisu yahay ogaanshaha tagtada iyo dhacdooyinkii ku lammaanaa. Se eraygan marka wax laga baddalo dhanka qaab qoraalka waxa loo dhigi karaa ta’riikh oo macnaheedu yahay barashada sababaha ay wax u dhacayeen iyo waxa laga baran karo dhacdo kasta oo dunidan soo martay. Taariikh yahankii iyo Faylasuufkii(Ibnu Khalduum 1332-1406) buuggiisa “Muqaddima” waxa uu ku xusay in waxa asalka u ah cilmiga ay tahay taariikhda oo aan loo eegin maxaa dhacay ee loo eego maxay u dhaceen iyo maxaa laga bartay dhacdooyinka.

Sannadku marka uu ahaa 1930, nin faylasuuf Maraykan ah oo la odhan jiray (Arthur Oncken Lovejoy 1837-1962) ayaa waxa uu keenay fikradda taariikhda Afkaaraha amma aragtiyaha(History of Ideas(. Ilaa wakhtigaas waxa ay noqotay mid ka mid ah maaddooyinka cilmiga kuwooda ugu wananagsan. Nuxurkuna waxa weeye in laga lays wadiiyo sidee ayay fikraddani ku dhalatay ? yaa keenay ? yaa wax kusoo kordhiyay. Tusaale ahaan aragtida siyaasadeed ee dimuquraadiyadda ayaa laga fikirayaa sida ay ku dhalatay ? saamaynteeda taban iyo teeda togan iyo maxaa laga bartay ?

Dhanka kale, Quraanka Kariim ah waxa ku sugan qisooyin iyo taariikh badan oo ku wajahan shakhiyaaad iyo bulshooyinba, tusaale ahaan qisada Luqmaan Ibnu Xakiim iyo wiilkiisa ayaa tusaale u ah iyo casharro aynu kala baxno waano. Quraanku inta badan kama hadlo goorta iyo goobta ay qisadu ka dhacday se wuxuu ka hadlayaa sababta ay ku dhacday iyo waxa laga baran karo. Tusaale kale, qisooyinka cajiibka ah waxa ka mid ah qisada nebiyada kale ah Muuse, Ciise Ibraahim iyo weliba qisada boqorro iyo shakhsiyaad kala geddisan.

Dhinaca Islaamka, waxa jiray nin la odhan jiray (Xaaji Khaliifa 1609-1657) oo asalkiisu Turki ahaa ayaa waxa uu qoray kitaab lagu magacaabo كشف الظنون . kitaabkaas Xaaji Khaliifa waxa uu ku ururiyayay dhammaan wixii wakhtigaas dunida islaamka buugaag lagu qoray, waxa uuna u kala qaybiyay maaddo maaddo ahaan. Sida kuwo islaamiga ee Tafsiirka, Fiqiga, Axaadiista iyo Naxwaha. Wakhtigaas muslimiintu waxa ay ahaayeen kuwo kala af duwan sida Carab, Beeryishaan, Turki iyo qaar kaleba, saas awgeed Xaaji Khaliifa wixii isku af ah dhinac ayuu isu mariyay.

كشف الظنون kitaabkaan waxa loo adeegsadaa raad raac ahaan amma tix raac, marka la doonayo in la xaqiijiyo amma muranka laga saarayo cidda kutubka qortay ayaa loogu noqdaa. Dhanka kale dadka cilmi baadhisyada sameeya iyaga laftoodu wax ka baadhaan qaybaha kutubka iyo maaddooyinka kala geddisan ee ay ka kooban yihiin. Saas agweed Xaaji khaliifa ayaa loo aqoonsan yahay aas-aasaha iyo kaydiyaha ta’riishda fikirka Islaamiga ah.

Dakhaatiirtu waxa ay dhahaan ‘’ Ii sheeg waxaad cunto, waxa aad tahay baan kuu sheegiye’’ ha yeeshee wakhtigan waxa lagu baddalay ‘’ ii sheeg waxa aad akhriday amma akhrido, waxa aad tahay baan kuu sheegiye’’ saas awgeed 2 dii qarni ee u dambeeyay dunida islaamka waxa ku yimi is baddall ballaadhan oo dhinacyo badan taabanaya, sida dhaqaalaha, siyaasadda iyo aqoonta. Haddaba qormadan waxa aynnu ku eegaynaa 2 dii qarni ee laga soo gudbay dunida Muslimka maxaa la akhriyay ? maxaa la qoray ? maxaa la gorfeeyay ? maxaa lagu kordhiyay fikirka Islaamiga ah ?

Matktabadda al eksandariya ( Alexanderia) ee ku taalla dalka Masar magaalada Qaahira ayaa waxa ay ururisay 200 buug oo ah kuwii ugu muhiimsanaa ee Muslimiintu ay qoreen 2 dii qarni ee u dambeeyay. Sidoo kale waxa ay sameeyay inay 200 ee buug ay sii kala hufaan oo waxa ay kasoo saareen 100 buug oo ah kuwa ugu saamaynta iyo waxtarka badan. Machadka caalmiga ah ee fikirka Islaamiga ( International Institute Islamic Thought) oo ku yaalla dalka marakaykanka ayaa isna waxa uu sameeyay majallad lagu ururiyo butubta islaamiga oo kitaab kasta la qorayo nuxurkiisa iyo waxa uu ku saabsan yahay si kooban.

Akhriste, badanaa waxa la la is waydiiyaa “ Muxuu yahay xidhiidhka ka dhexeeya waaqica iyo fikirka ?’’ ma fikirka ayaa waaqica saameeya mise waaqaca ayaa fikirka saameeya ? maxaa keena inu fikir dasho ? sida taariikhda ku cad sannadkii 1924 ayay bur-burtay boqortooyadii Cusmiyaadu, wakhtigaas qarnigii ka horreeyay boqortooyadii Cusmaaniyadu waxa ay la daala dhacaysay iska caabbin ballaadhan oo kaga timi dhinaca reer galbeedka, saas awgeed doodaha falsafiga ee balladhan ayaa qaarkood waxa ay ku doodaaya in waaqucu uu yahay kan abuura fikirka, halka doodahaas qaarna ay ku doodan in fikirku u yahay kan abuuraha waaqica, halka doodahaas ay qaar kale sheegeen in fikirka iyo waaqicu ay isa saameeyan ee aanu midna kale ku lahayn saamayn toos ah.

Dhanka kale, doodahaas falsafadeed ayaa ku dooday in fikirku yahay kan abuura ee baddala waaciqa iyagoo daliishanaya soo diristii nebiyaasha, tusaale ahaan ka hor inta aan lasoo dirin Nebi Maxammed Scw nolosha bulshadii carabtu waxa ay ku sugnaayeen xaalad aan la sheegin karin, saas awgeed waxa ay leeyihiin muddo 23 sano oo qudha ayuu waxyigaas wax ka baddalay dunida ilaa wakhtigan uu uu raad wayn ku leeyahay. Waxa kale oo ay daliishaan halgamayaasha xaq u dirirka ee dadka ka qabta dhibaatooyinka iyo cidda dhibaatada ku haysa, tusaale ahaan odeygii Halgamaaga aha ee Hindiya ee (Mahatma Gandhi 1869-1948) ayaa sheegeen inuu halgan aan hubaysnay kala hor yimi gumaystihiin Ingiriiska kaas oo dhaliyay in bulshada reer Hindiya ay ka xoroobaan saancadka.

Si kastaba waa dood furan oo aad u ballaadhan ilaa wakhtigan ay ka doodaan aqoon yahannada iyo faylasuufyadu, waana dood wejiyo badan oo qolo kasta oo qabta fikirradaas kala duwan ay la yimaaddaan caaddaymo aan layska indho tiri karin.

Sheekh Almis Yaxye oo noo qabtay Muxaadarada aan qoraalkan ka samaynayo ayaa sheegay inuu isagu qabo in labadan arrin ay isa saameeyaan, maxaa yeelay fikirku ma u uu jiri karo waaqic la’aan sidoo kale waaqicu ma jiri karo fikir la’aan. Sida sunnaha ahna badi wax kasta oo isku lammaan waa ay isa sameeyaa. Tusaale ahaan Eebbe xumo ka nasahnaaye waxa uu quraanka kariimka ah ku sheegay inuu shay kasta ka leeyahay laba wax iska soo horjeeda. Tusaale ahaan abaar iyo barwaaqo, modow iyo iftiin. Saas awgeed haddii lasoo gaabiyo dooddaas waxa gar ah in waaqica iyo fikirku ay saamayn isku leeyihiin.

Waxa la yidhi “Baahidu waa hooyada hal abuurka” si fikradi u dhalato waa inay baahi jirtaa, tusaale ahaan odeygaas hindiga ah ma uu jireen haddii aanay jirin baahida xorriyad la’aanta iyo gumaysiga ee dadkiisa ku habsatay, sidaas oo kale Ebbe nebi umuu soo direen haddii bulshadii wakhigaas noolayd aanay qabin baahi diimeed iyo mid akhlaaqeed. Waana kii Nebigu Wcs xadiiska ku sheegay “ Waxa lay soo diray uun inaan dhammaystiro akhlaaqda wanaagsan” halkaas waxa aynnu ka fahmaynaa in wakhtigaas bulshadii jirtay ay ahaayen kuwo ka dhintay dhanka akhlaaqda.

Qarniyadii hore dunida waxa ka jirray loollan ku dhisan awoodda dhanka ciidanka iyo dhul ballaadhsiga. Tusaale ahaan imbaraadoorriyaddii roomanku waxa ay ahayd mid ku fidsan dunida daafaheeda iyo badi intii wakhtigaas la deegganaa. Imbaraadoorriyaddaasi keliya waxa uu u jeedkeedu ahaa inay in ay dunida u taliso oo ay xoog ku haysta, mana uu jirin fikir iyo diin ay faafinayeen, waana tan keentay in aanay dunida wax samaayn dhaqan ah ku leeyahay.

Haddaba akhriste awoodaha amma quwadda waxa loo qaybiyaa laba qaybood oo kale ah, awoodda wayn iyo awoodda yar, awoodda wayn waxa tusaale u ah dhaqaalaha, ciidanka, siyaasadda, tiknoolajiyadda iyo sirdoonka. Halka awoodda yarina ay tahay awoodda adeegsiga soo jiidashada waxaana tusaale u dhaqanka, labbiska, cuntada iyo adeegsiga waxa ay bulshoba bulshada kale kaga duwan tahay. Tusaale ahaan qaabka xiirashada iyo labbiska qaarkiis waa fikrad ay cidi hinddisatay si ay saamayn ugu yeeshaan cid kale.

Akhriste saas awgeed wakhtiyadii hore aad looma adeegsan jirin awoodda fudud, taas ayaa dhaxalsiiyay in islaamku uu ka dib dhico dhanka fikirka iyo falsafadda. Arrinakasna waxa sabab u ahaa duullaannadi salaybiyiinta la odhan jiray kuwaas oo kallifay in awood ciidan iyo mid dhaqaale la adeegsado si laysaga cabbiyo duullaankaas. Muddo dhan 2 oo sano ayay duullanaadsi kusoo socdeen Muslimiinta, saas awgeed ayaa khasab noqotay in layska cabbiyo oo loo adeegsado awoodda ay adeegsanayeen mid la mid ah.

Akhriste waxa aad ka fikirtaa islaamku waxa uu gaadhay dalka Isbayn oo Andulus la odhan jiray ilaa waqooyiga Faransiiska ee maxay dalalkaas Islaam u noqon waayeen ? sababtu waa in islaamku halkaas ku gaadhay xoog iyo awood, saas awgeed dadkii xaggaas muddo badan ka dib ayay iska caabbin iyo isir sifayn ku sameeyeen musliimiintii, halka dalaka aasiya sida Malaysiya, Indawniisiya iyo badi waqooyiga afkiga uu Islaamku ku gaadhay adeegsiga awoodda fudud sida ganacsiga iyo dacwadda. Waana sababta dalalkaasi ay Muslimiin u yihiin.

Taariikhdu marka ay ahayd 1900, boqortooyadii Cismaanidu waxa ay Badhe saab u soo direen dalka masar la odhan jiray Maxammed Baashaa, Eraygan Baashaa waa af Turki macnihiisu yahay darajo amma heer uu gaadho qofka masuulka ahi, Maxammed waxa uu ahaa nin jecel culuumta maadiga ah sida falsafadda iyo guud ahaan cilmiga bulshada, Axmed waxa uu ku furxay in loo dirayo Masar oo wakhtigaas ahayd xarun wayn oo cilmiga hoy u ah. Halkaas waxa ku yaallay ilaa wakhtiganna ku yaalla machadka keliya ee aqoon lagu barto, goortaas aqoonta waxa lagu dhigan jiray masaajidda iyo meelaha xerta.

Maxammed markuu magalaada yimi waxa uu u yeedhay sheekhii machadka haystay, waxaana uu waydiiyay “ Maxaaad ku dhigataan machadka ?” wuxuuna u sheegay manhajkii wakhtigaas la dhigan jiray culuumta diiniga ah oo qudha oo kale ahaa fiqiga iyo iyo hadbyadiisa sida Shaaficiya iyo Xanafiya iyo kuwo la midka ah, waxa uu mar kale waydiiy “ Meeye culuumtee dabeecaddu ? meeye culuumtii beerugu ? meeye culuumtii falsafaddu ? meeye culuumtii taariikhda iyo mandiqu ?

Wuxuuna ugu jawaabay “ Culuumta dabeecaddu waa faral kifaayo ah oo cid kasta kumay waajibin, culuumta dabeecaddu waxa ay u baahan yihiin aalado, dhaqaale iyo manhaj” annagu waxa aanu nahay bulsho fuqaro, reer baadiye ah oo culuumtaas ma jirto baahi aannu u qabno, maadaama aannaan awoodi karin waxa ay u baahan tahay oo ah dhaqaale iyo aalado. Saas awgeed halkaa waxa aynnu ka fahmaynaa waxyaabihii fikirka xoojin lahaa oo ay asal yihiin culuumta maadiga oo aan wakhtigaas jirin.

Saas awgeed iyadoo wakhtigaas Boqortooyadii Islaamku ay keliya adeegsan jirtay awood, iyadoo ay ugu wacnayd xaaladda ay wakhtigaas jirto, garaadka dadku uu hooseeyo maaadama awood uun lala soo bixi jiray, iyadoo lala dhuuman jiray barashada culuumta maadiga iyadoo la adeegsan jiray kutub qadiim ah, ayaa waxa dhacday in (Maxamed Ali Baasha 1769-1849) halkan ka akhriso taariikh nololeedka Maxamed Baaasha ee uu qoray Ibraahim Yuusuf Hawd)(————————) uu bilaabo in ardey iskoollar shiib ah u diro dalka Faransiiska.

Waxa lasoo xulay ardey, waxa lagu xushay aqoon iyo karti badnaan, waxaana shardi looga dhigay inay soo bartaan aqoonta qaybta maadiga ah siiba culuumta dabeecadda. Waxa uu yidhi uma baahni qaanuunka maxaa yeelay sharciga ayaa qaanuun ii ah, uma baahni cimiga bulshada kaasna aniga ayaa ku filan ee keliya waxa aad soo barataan culuumta dameebcadda sida Sayniska, Kimistariga iyo Fiigista ee kuwaas aya innaga soo barta. Ardeyda waxa la raaciyay sheekh ka mid ah culimada Azhar si uu salaadda u tukiyo isla markaana warbixin uga siiyo ardeyda iyo sida ay wax u baranayaan.

Sheekhaas waxa la odhan jiray (Rifaaca Dah-daawi 1801-1873) muddo dhan laba bilood ayay sii socdeen, maadaama Masar iyo Faransiisku aad u kala fog yihiin dhul iyo bad ahaanba, saas awgeed Rifaaca waxa uu bilaabay inuu afka Faransiiska uu sii barto muddada uu safarka ku jiro. Markii ay Faransiiska ardeydii waxa ay bilaabeen inay galaan goobihii lagu dhiganayay culuumta dabeecadda, Rifaacana waxa uu bilaabay inuu isna wax barto oo uu jaamacad kale.

Rifaaca waxa uu bilaabay inuu magaalada dhex maro, indho- indheeyo oo u fiirsado sida bulshadani u nooshahay, waxa uuna markiiba qoray buuggiisii ugu horreeyay. Sidaas awgeed akhriste ta’riikhda fikirka Islaamiga ah waxa ay ku salaysnaan doontaa 41 buugg oo ah kuwa ugu muhiimsan ee dhinaca fikirka Islaamiga kuwaas oo wax badan ka baddalay hab fikirkii Muslimiinta ee wakhtigaas iyo ilaa hadda. Kitaabadani waxa ay kala yihiin kuwan hoose……

  • تخليص اإلبريز في تلخيص باريز Buuggan waxa waxa uu rifaaca kaga hadlayaa qaab nololeedka iyo qaab dhismeedka ay lahayd magaalada Baariis iyo dadkii ku noolaaba. Waxybaaha uu buuggaan hadlayo waxa ka mid ah, sida magaaladu u dhisan tahay, sida sakadaha, waddooyinka iyo dhismayaasha kaleba. Waxa kale oo buugga hadlayaa qaab nololeedka daadkaas oo ah sida ay u labbisataan lab iyo dheddigba, waxa ay cunanaan iyo guud ahaan sida dadku u nool yihiin. Guud ahaan buuggan waxa uu si guud uga hadlayaa nolosha Faransiiska oo dhan, ka dibna waxa uu usoo dirayaa Maxamed Cali Baasha oo ah Masuulka Masar.

  • صناعة العمران المدن Buuggan labaad waxa iska leh isla Rifaaca Dah-daawi, buuggan waxa uu rifaaca waxa uu si gaar ah ugaga hadlayaa qaab dhismeedka ay lahayd magaalada Baariis, sida qaab dhismeedka waddooyinka, bullaacadaha, naqshada dhismayaasha iyo guryaha, xafiisyada dawladda, maaraynta qashinka iyo guud ahaan sida magaaladu u dhisan tahay. Wakhtigaas Masar waxa ay ahayd magaalado qadiim ah oo may habaysnayn magalaadu, saas awgeed Maxamed Baasha danta uu ka lahaa ayaa ah in wax badan oo wax tar leh laga soo minguuriyo Faransiiska si loogula Tartamo Horumarka qaybihiisa kala geddisan yahay, kitaabkaasna waxa uu mar kale usoo diray Maxamed Baasha.

  • المرشد االمين للبنين والبنات Buuggan saddexaad isla Rifaaca ayaa qoray, Rifaaca waxa uu ahaa qofkii ugu horreeyay ee ka hadla xuquuqda haweenka, waxa uu ka horreeyay (Qaasim Amiin 1863-1908) oo ahaa sharci yaqaan reer Masar ah oo ah qofkii labaad ee waxa ka dhaha xuquuqda haweenka. Akhriste si bulshadu ay horumar u gaadho waa in laga fikiraa xuquuqda ay dadku leeyihiin, saas awgeed Rifaaca iyo Maxamed Baasha oo isku garabsanaya in Masar iyo Shaam oo dhan ay horumariyaan ayaa waxa ay ka fikirayeen wax kasta oo ay u arkayeen in bulshadu ay horumar ku gaadhayso saas awgeed buuggan waxa uu wax ka baddalay qaab nololeedkii bulshadii Masar.

Rifaaca iyo Ardaydii muddo dhan afar sano ayay ku sugnaayeen dalka faransiiska iyagoo qof kasta soo bartay wixii loo diray. Rifaaca muddaadaas uu dalka joogay waxa uu qoray 4 buug oo isla wakhtigan daabacan oo meel kasta laga heli karo. Saas awgeed markuu uu Rifaaca soo noqday waxa uu Maxamed Baasha ku yidhi “ Amiiryahow mar kasta ma ardey ayaynu dirnaa ? ma dadka oo dhan ayaynu dirnaa ? ka warran haddii aynu samaysanno kulliyad innoo turjunta waxa afka faransiiska ku qoran oo dhan ?’’ waxaana markaas la furay kulliyad loogu talo galay inay turjunto kutubta.

Boqorkii 7aad ee Boqortooyadii Cabbaasiyada ee la odhan jiray (Ma’muun 786-833) waxa uu wakhtigiisii furay maddarasad lagu baran jiray qaybaha kala duwan ee aqoonta oo la odhan jiray daar al xikma, maddarasaddaas waxa ay wax badan ka baddashay aqoonta bulshadii wakhtigaas noolayd, sida taariikhda lagu hayana Boqortooyadii Cabbaasida wakhtigeedu waxa uu ahaa wakhti aqoonta qaybaheeda kala geddisan horumar laga gaadhay. Halka Maxamed Basha markii uu Furay Kulliyadda Turjumidda ay bulshadii wakhtigaas ay ku tallaabsadeen horumar dhanka aqoonta ah.

  • مناهج األلباب المصرية في مباهج اآلداب العصرية Rifaaca mar kale waxa uu qoray buuggan cajiibka ah, kitaabkaan waxa uu Rifaaca kaga hadlaya, qiyamka iyo akhlaaqiyaadka ay bulshadaaas lahayd, tusaale ahaan sida ay balanta ay u ilaaliyaan, sida jidadku ay nadiif u yihiin, sida loo hadlo marka dadka la dhex joogo. Buuggan waxa ay si fudud u odhan karnaa inuu ka hadlayo sida aad ula dhaqmayso bulshada aad la nooshahay, marka loo eego dhanka akhlaaqda, ixtiraamka iyo is caawinta. Maadaama aan horay u sheegnay in wakhtigaas xoog la adeegsan jiray waxa la ilaaway badi dhaqankii iyo anshaxii wanaagsanaa.

Sannadkii 1841 ayaa lagu taariikheeyaa inuu ahaa marki ugu horraysay ee reer galbeedku soo gudo galaan dunida Muslimka. Isku socodka dadka iyo alaabaha oo Af-soomaali ahaan lagu macneeyo Xero edagayn ayaa waxa uu sabab u yahay inuu wax badan ka baddalo qaab nololeedka bulsho meel deggan. Saas awgeed reer galbeedki waxa ay ka fikireen qaab iyo hab ay bulshada Muslimiinta ah kusoo dhex galaan. Waxa aanay yidhaahdeen maadama Muslimiinta iyo gaalada uu ka dhexeeyo xidhiidh ganacsi waxa loo baahan yahay in la sameeyo xeerar amma shuruuc lagu maamulo ganacsiga.

Nimankii reer galbeed waxa ay yidhaahdeen “ Ka warrama haddii uu khilaaf soo kala dhex galo ganacsada alaabaha kasoo dejisa dekada iyo goobaha kaleba maadaama aynu nahay dadka kala diin iyo afba ah ?’’ ka diban waxa ay soo jeediyeen in la sameeyo qaanuun amma xeer lagu kala xukumo ciddii wax isku khilaafta. Tusaale kale “ Waxa la xusay in Sayid Maxammed Cabdille Xasan uu kasoo degay Dekadda Ber-bera, maadama wakhtigaas uu Ingiriisku haystay Soomaalilaan, waxa ay ku yidhaahdeen keen cashuurtii soo degista, isna wuu yaabay oo wuxuu yidhi ma dalkayga ayaan cashuur ka ka bixiyaa” u jeedka ay reer galbeedku qaanuunkan usoo jeediyeen ayaa ah inay raadiyaan meel daloosha oo ay muslimiinta kasoo dhex galaan.

Rifaaca ayaa maqlay warka sheegaya in reer galbeedkii ay soo jeediyeen fikradda dejista xeerarka amma qaanuunka, waxa uuna u tagay amiirka Maxamed Baasha, amiirkii waxa uu yidhi maxaa aynnu u baahannay oo aynu arrinkaas ka nidhaahnaa ? Rifaaca waxa uu yidhi Shareecadeenna Islaamku waxa ay ka tagtay ma jiraan saas awgeed aniga ayaa soo diyaarinayaa qodobbo ku saabsan arrinkaas. Nasiib xumo arrinkaas waa lagaga awood batay oo waxa la yidhi islaamka ha lagu xukumo shareecadooda, arrinkaas ganacsigana ha loo daayo xeerarka aynu isla af garannay reer galbeedka.

  • الرد على الدهريين Aqoon yahankii ku xeesha dheeraa arrimaha siyaasadda iyo aragtihana Islaamiga ah ee la odhan jiray (Jamaalu Diin Al-afqaani 1838-1897)ayaa waxa uu qoray buuggan xagga sare ku xusan. Ugu horrayn marka la doonayo in la sameeyo is baddal, waxa sugan inay jiraan laba hab oo loo maro is baddalka, labadan hab waa aragti caan baxday oo cid kasta doo doonaysa inay is baddal ku samayso urur amma bulsho ay khasab tahay inay maraan labadaas hab. Labadan hab ayaa afka qalaad lagu yidhaahdaa ( Top-down and bottom-up Aproach).

Ma hoggaamiyaha amma madaxwaynaha ayaa dadka baddala mise shacabka ayaa madaxwaynaha baddala ? haddii la doonayo in is baddal la sameeyo in shacabka aqoontooda iyo xirfadooddooda la baddalaa mise wa in hoggaamiyaha oo qudha la baddalo si uu shacabka u baddalo ? Jamaalu diin afqaani waxa uu qabay in amiirka amma qofka bulshada hogaamiyaa uu isagu noqdo qof sax ah si uu is baddal u keeno. Waxa uu qabaa in is baddalku xagga sare ka yimaaddo (Top-down).

Ardeygiisa (Sheekh Maxamed Cabdoo 1849-1905) ayaa isagu qabay aragtida kale ee in is baddalku uu ka yimaaddo xagga hoose, maadaama hoggaamiyuhu uu bulshada kasoo dhex baxayo waa in bulshadu tahay mid qiyam iyo akhlaaqleh, bulsho horumarsan ayuu kasoo bixi karaa hoggaamiye wanaagsani. (Bottom-up) labadan aragti qolyaha ka doodaa waxa ay leeyihiin waxa xukuma deegaanka iyo duruufta lagu nool yahay. In is baddalku xagga sare ka yimaaddo waxa ka dasha dhibaato badan, waxa hubaal ah inuu dhiig ku daato sidii xukuumaddii kacaanka ahayd, in xagga hoose is baddalku xagga hoose ee bulshada ka yimaaddana waxa ay qaadanaysaa wakhti badan, oo in dad la disho waa hawl aad u adag oo tacab, maal iyo wakhtiba u baahan.

Labadan hab ee isbadallka qofku kii uu doono waaa uu qaadan karaa, se waxa loo baahan yahay in qofku uu sheego sababta uu u qaatay, qofku habka uu marayo waa inuu dadka ku qanciyo sida iyo qaabka loo dhaqan gelinyo, saas awgeed Sheekh Maxamed Cabdi waxa uu la yimi shan qaab oo loo dhaqan geliyo habka uu qabo oo ah in is baddalka bulshada xagga hoose laga soo bilaabo.

  • Dib u habayn (Reform) lagu sameeyo jaamacadda Azhar

  • Maangelinta jaamacaha

  • Hagaajinta Masaajidda

  • Dib u habaynta guddiyada bulshada

Sheekh Maxammed Cabdoo qodobaddaas ayuu ku dooday inay yihiin meesha is baddalka dhabta uu ka imanayo, Sheekhu waxa uu ugu horraysiiyay in jaamacadda Azhar oo ahayd xarunta ay kasoo baxayaan aqoonyahanka bulshadu in dib u habayn lagu sameeyo sida wax loogu dhiganayo iyo manhjadka la dhiganayaba. Waxa kale oo uu sheegay in masaajaddu aanay noqon meel salaad uun lagu tukadee ay noqdaan xarun dadka iyo bulshada laga abaabulo. Jaamacadda Azhar waxa ay ahayd xarun madax bannaan oo awood leh, maadama iskeed loo maagl geliyay, waxa la xusay in markii uu xukunka qabsaday (Jamaal Cabdinasir 1918-1970) uu jaamacadda hoos geeyo, dawladda, haddi kale dawladda ayay ka hor imanaysaa.

  • اإلسالم والنصرانية مع العلم والمدنية Sheekh Maxammed Cabdoo waxa uu qoray buuggan, buuggan waxa uu sheekh kaga hadlayaa islaamka iyo saamaynta ay ku leeyihiin cilmiga iyo magaalooyinka. Waana mid ka mid kutubka saamaynta yeeshay ee aad loo akhristo. Diintu asal ahan cilmiga iyo deegaankaba saamayn badan ayay ku yeelata, waana fikrad ka dhalatay duruufihii wakhtigaas taagnaa.

  • تفسير اجزاء القرآن Sheekh Maxamed mar kale waxa uu qoray kitaabkan tafsiirka walow sida la sheegay aanu dhammaystirin. Waxa jira boqollaal buug oo tafsiir ah, sabatuna waa in mar kasta tafsiirka la waafajiyo duruufaha iyo xaaladaha lagu nool yahay. Sheekhu kitaabkan waxa ugu talo galay inuu manhaj u noqdo aragtida uu qabay ee ah in is baddalka xagga hoose laga soo bilaabo.

  • الوشيعة فى نقد عقائد الشيعة Fayla suufkii Muslimka ee Muuse Jaarulaah 187-1949) ayaa isna waxa uu qoray buuggan qiimaha badan, buuggan waxa uu sheekhu kaga hadlayaa doodihii iyo xiisadihii wakhtigaas taagnaa, waana kutubtii loogu talo galay in lagu dhigto manhajka dugsiyad aqoonta. Waxa uu buuggu ka hadlayaa inuu dhex u noqdo kooxo badan oo wakhtigaas uu ka dhexeeyay loollan dhinaca aragtida ah. Sidoo kale waxa uu buuggu farta ku fiiqaya reer galbeedka oo wakhtigas faro galay dhinaca dhaqanka iyo ilbaxnimada ah ku hayay Muslimiinta.

  • رسائل النور Aqoon yahan la odhan jiray (Sacadu Diin Nuursi 1977- 1960) isaga oo ku xidhan Xabdi ku yaalla ruushka ayay duntay boqrtooyadii Cusmaaniyadu, marka uu arkay inuu in muslimiintii ay kala yaaceen oo qoloba meel gaar ah samaysatay ayuu waxa uu bilaabay inuu inuu kelidii meel iska dego oo uu bilaabo inuu keeno fikrad lagu soo celinayo Boqortooyadii, ka dibna waxa uu bilaabay inuu qoro majallado amma maqaallo uu u bixiyay farrimaha Iftiinka, waxa uu kula dagaallamay fikradda Cilmaaniyadda iyo in muslimiintu ka tagaan diintooda, farriimahan waxa ay ka qayb qaateen dadaallo badan oo lagu doonayay in lagu soo celiyo Khilaafadii Islaamiga ahayd.

  • االسالم واصول الحكم : sannadihii 1900 iyo wixii ka dambeeyay oo dhan dunida Islaamka waxa soo gadhay mowjad aan la filayn oo ah in aanu Islaamku lahayn waxa la xidhiidha xukunka iyo dawladnimada, ee islaamku yahay diin cibaado oo isku xidha addoonka iyo Ilaahay, maadama ay bur-burtay khilaafadii Islaamku waxa Muslimiintii kala qaybsantahay kusoo baxday boos bannaan oo ah qaabka laysku xukumo, saaw awgeed Sheekh lagu magacaabo (Cabdirisaaq Al-azhari 1888-1966) ayaa waxa uu qoray buuggan xagga sare ku xusan oo uu kaga hadlayo asalka xukunka. Waxa wakhtigaas aad usoo shaac baxay fikradda Cilmaaniyadda, oo uu hormuud u ahaa aas-aasaha jamhuuriyadda Turkiga ee (Mustafe Kamaal Ataatuuk 1881-1938)

Al-azhari waxa lagu tilmaamaa inuu yahay aabbaha cilmaaniyadda islaamiga ah oo ah in diinta iyo dawladnimada la kala saaro ee aan bulshda laga dhigan cilmaaniyad, waxa uu ku dooday in laga soo bilaabo Mucaawiya Binu Abii Sufyaan ilaa wakhtigan uu buugga qoray uu ahaa wakhti madow oo Islaamka so maray, wuxuuna sheegay in qaab xukunku uuna ahayn waxa ku xusan quraanka iyo sunnadaha.

  • الدولة المستحيلة sannadkii 2012 waxa soo baxay buuggan, waxa lagu tiriyaa Mawjadda labaad ee xukunka Islaamka, Al-azhari isna waxa lagu sheegay mawjaddii koowaad ee Islaamka ee dhinaca gudaha, halka kan kale lagu sheegay dhanka dibadda, buuggan waxa qoray nin aqoon yahay reer Falastiin ah oo la yidhaadho (Waa’il Al-xallaaq 1955) waxa uu hadda bare sare ka yahay jaamacadda Colombia ee dalka maraykanka. Aqoon yahankani waxa uu buuggiisa kaga hadlaya asalka xukunka. Buuggan waxa uu qaadaa dhigayaa kala soocidda awoodaha, dawladnimada casriga ah, sharciga, siyaassada iyo akhlaaqda. Buuggan waxa lagu tirayaa inuu raac-raac u yahay doodaha ugu muhiimsan ee ku saabsan xukunka iyo dawladnimada.

Aqoon yahankani waxa uu ku doodaya in islaamku uu yaqaannay dawladnimo boqortooyo amma imbaraadooriyad ah, se wakhtigan iyo waaqican laga soo gudbay dawladnimadii boqortooyada ahayd. Waxa jira wadddamo badan oo boqortooyo ah sida Ingiriiska, Sucuudiga iyo qaar kale oo badanba, se cidda hawsha kala wadda uu yahay nidaam dimuquraaddi amma mid ka mid ah nidaamyada siyaasaseed ee casriga ah. Doodo badan ayaa dashay buuggan, waxa lagag fal celiyay qoraalo, bugaag iyo muxaadirooyin badan. Fikradda cilmaaniyadda oo dunida Muslimka si xawlihi ugu fidday ayuu buugani marjax u noqday.

Sannadkii 1938 iyo wixii ka dambeeyay Dalka masar iyo arlada loo yaqaan Shaam waxa ka taagnayd dood aad u xaasaasi ah oo xagga loo socdo. Maxaa yeelay wakhtigaas dalalka Islaamka oo dhan waxa gacanta ku dhigay Ingiriiska iyo badi reer galbeedka, dooddaas waxa ay dhalisay in qofba meel ula ordo. Waxa buug qoray nin laga magacaabo (Daaha Xuseen 1889-1973) aqoon buugga waxa la yidhaahda ( Mustaqbal Masar) aqoon yahanku waxa buugga kaga faallooday in mustaqbalka masar iyo dalalka shaamka uu jiro in la raaco aragtiyaha iyo nidaamyada dawleed ee reer galbeelka.

Aqoon yahan kale oo lagu magacaabo (Salaama Muusa 1887-1958) ayaa isna waxa uu qoray 3 buug oo kale ah اليوم والغد, آمنت بالغرب, كفرت بالشرق aqoonyahanku 3 buugba waxa uu kaga hadlaya qaddiyaddii wakhtigaas taagnayd ee la xidhiidhay dhanka maamulka, siyaasadda horumarka bulshada Muslinka ah, sida aad ku aragtid magacyada buugaagta, tusaale labada buug ee isku lidka ee “ waxa aan ka gaaloob beriga iyo waxa aan aaminsay galbeedka” waxa ay noqdeen laba buug oo af-kala qaad ku noqday Musliinta, maxaa yeelay wakhtigaaas waxa loo kala jabay qolo ku doodaysay in dib loogu noqdo khilaafadii islaamka iyo qolo ku doodday in horey loogu socda nidaamyada kala duwan ee dhanka maamulka.

Dad badan oo wakhtigaas la dhacsanaa aragtiyaha reer galbeedka oo la dhuuman jiray fikradaha ay qabaan ayaa ay saaqday neecow badan ka dib marka ay arkeen aqoonyanno badan oo fikraddooda la qaba, ka dib waxa isna soo baxay nin lagu magacaabo Maxammed Xuseen Haykal 1888-1956) waxa uuna qoray buug lagu magacaabo حياة محمد, Haykal markii hore waxa uu la dhacdsanaa aragtida Cilmaaniyada se markii dambe iskaga noqday. Waxa kale oo isna jiray nin lagu magacaabo (Khaalid Maxammed Khaalid 1920-1996) waxa uu qoray muug lagu magacaabo رجال حول الرسول , sida in badan la xusay labadan buug waxa ay jawaab celin u ahaayeen kuwa ku lidka ee la dhacsan afkaaraha reer galbeedka.

waxa kale oo jira aqoon yahan kale oo lagu magacaabo Cabbaas Caqaad 1889-1964) ayaa isana waxa uu qoray buug lagu magacaabo العبقريات, Cabbaas waxa uu ahaa dadkii markii hore la dhacsanaa fikradda Cilmaaniyadda ee isaga soo noqday, Cilmaaniyadda wakhtigaas inay dunida Muslimka ku saaqdo waxa sabab u ahaa in berigaas ay muslimiintii ay kala daateen oo ay u nuglaadeen fikir ahaan mawjadihii reer galbeedka oo ay faafiyeen rag badan oo qalin macaan. Cabbaas buuggiisa العبقريات waa silsilad buug taxane oo uu kaga hadlayo noloshi Nebi Muxammed Scw iyo xabaada qaarkood.

Doodihii xaasaasiga ahaa ee wakhtigaas taagnaa ee la xidhiidhay dhanka cilmaaniyadda iyo afkaaraha reer galbeedka ayaa waxa ka daba yimi jawjado kale oo dib loogu noqonayo afkaaraha islaamiga ah deedna waxa bilaabmay afakaarihii la odhan jiray Islaamaynta aqoonta. Ka diban waxa soo baxay buugaag badan magaca buugga lagu sii daray fil Islaam. Buugaagtaas waxa ka mid ah :

المراة والعمل السياسي فى االسالم / هبة عبدالرؤف

حقوق النساء فى االسالم / محمد رشيد رضا

الحريات العامة فى الدولة اإلسالمية / راشد الغنوشي

حقوق النساء فى االسالم / محمد رشيد رضا

تجديد الفكر الديني / محمد اقبال

Tan iyo wakhtigaas waxa jirtay doodda la xidhiidha fikirka Islaamiga ah, had iyo jeer dood iyo fikir waxa ay yimaaddaan marka ay jiraan kala duwaansho la xidhiidha sidii arrin laga yeeli lahaa, dhawrkii qarni ee Muslimku dunida ka talinayay keliya doodaha iyo aragtiyuhu waxa ay ku salaysaneey dhanka shareecada, sida aynu aragnayna muslimiintu waxa ay aad ugu dadaaleen inay aad u dhuuxaan shareecada oo sida aynu aragnay waxa qoran boqollaal buug oo ka warrama fiqiqa, axaadiista iyo tafsiirka.

Hasa yeeshee markii ay bur-burtay boqortooyada Cusmaaniyadu, islaamku waxa uu ku waabariistay isagoo lugaha kula jira mawjado is dhex yaacaya oo la xidhiidha dhanka dawladnimada, siyaasadda, dhaqaalaha iyo guud ahaan aqoonta maadiga ah. Taas ayaa dhalisay inay abuurmaan dad badan oo la dhacsan isla wakhtiganna la dhacsan afkaaraha reer galbeedka sababtuna waa muslimiintu ay ka gaabiyeen inay horumariyaan aqoontooda maadiga ah.

Ilaa wakhtigan waxa taagan doodo badan oo la xidhiidha in dib u sixid lagu sameeyo fikirka Islaamiga ah, saas awgeed kutubtan badan ayaa taariikh u ah halka uu kasoo bilaabmay taariikhda fikirka Islaamiga ahi. Waxa abuurmay jaamacado, warbaahin, kooxo iyo kulliyado badan oo ka dooda waxna ka qora fikirka Islaamiga ah. Se col kaa badan iyo biyo kaa badanba way ku hafiyaane mar kasta waxa jira dad dagaal kula jira bakhtiinta wixii soo kacaamaba.

Dhanka Soomaaliya, oo muddooyinka dambe aad looga dareensanaa fikradda cilmaaniyadda ayaa soo baxay dhallin yaro badan oo la dhacsan fikraddan kuwaas o qoraalo badan aad u faafiyaa isla markaana samaystay bogag badan iyo mareego. Se waxa ay u muuqataa in aanu garaadkeennu gaadhin heer uu ka falceliyo fikradaha waawayn ee wakhtigan taagan. Se qoraaga Cabsisiciid Cabdi Ismaaciil ayaa qoray buug dhawaan aad ugu faafay geyiga Soomaalida oo lagu magacaabo (Siyaasad Aan Sixir Lahayn- Diin Iyo Dawlad) buuggan waxa uu wax badan innaga baranayaa fikradda Cilmanaaniyadda iyo sida ay kusoo bilaabmatay. Buuggan waa buugga qudha ee Soomali qortay ee qoraal ahaan waxa kaga yidhaahda firkradda Cilmaaniyadda oo islaamka dhexdiisa looga aqoonsan yahay gaalnimo cad.

Ugu dambayntii akhriste inta waxa ay hor dhac guud u tahay Ta’riikhda fikirka Islaamiga ah, waxa aad tix raac aaan ugu noqon kartaa kutubtan badan ee ka hadlaya ta’riikhda fikirka Islaamiga ah. Waxa kale oo jira maqaallo badan oo ku qoran afka carabiga iyo ingiriisaba oo ka warramaya fikirka Islaamiga ah. Buugaagta asalkoodu waxa ay ku qoran yihin afka carabiga ah, se waxa jira qaar badan oo lagu turjumay afaf kala duwan sida ingiriisiga.

Sidoo kale kitaab kasta oo faah-faahsan oo lasoo koobay waxa aad ka helaysa machadka caalamiga ah ee fikirka Islaam ( International Institutue of Islamic Though) machadka waxa uu sameeyo cilmi baadhiyso badan oo la xidhidha fikirka islaamiga ah, sannad kasta waxa ay soo saaraan maqaallo iyo majaladdalo kala duwan. Waxa ay ku qoraan afaf kala duwan sida carabiga iyo ingiriisagaba.

  • الحريات العامة فى الدولة اإلسالمية / راشد الغنوشي
  • اسالم بال مذاهب / مصطفي الشكعة
  • رجال الفكر والدعوة 4 مجلدات / ابوالحسن الندوي
  • طبائع االستبداد ومصارع االستعباد / عبدالرحمن الكواكبي
  • المراة والعمل السياسي فى االسالم / هبة عبدالرؤف
  • حقوق النساء فى االسالم / محمد رشيد رضا
  • فلسفة العلوم بنظرة االسالمية / احمد فواد باشا
  • ازمة العقل المسلم / عبد الحليم ابو سليمان
  • تجديد الفكر الديني / محمد اقبالوجهة العالم / مالك بن نبي
  • اسمار واباطيل / محمود ابوفهر
  • الطريق الى ثقافتنا / محمود ابوفهر
  • العبقريات / عباس عقاد
  • رجال حول الرسول / خالد محمد خالدآمنت بالغرب / سالمة موسي
  • رسالة التوحيد / محمد عبده
  • اليوم والغد / سالمة موسي
  • الفلسفة والدين / ابو يعرب المرزوقي
  • مجلة العروة الوثقي / جمال الدين االفغاني ومحمد عبده
  • الرد على الدهريين )االلحاد( / جمال الدين االفغاني
  • مناهج األلباب المصرية في مباهج اآلداب العصرية/ رفاعة الطهطاوي
  • صناعة العمران/ رفاعة الطهطاوي
  • المرشد االمين للبنين والبنات / رفاعة الطهطاوي
  • تخليص اإلبريز في تلخيص باريز / رفاعة الطهطاوي
  • الدولة المستحيلة / وائل حالق
  • االسالم واصول الحكم / على عبدالرزاق االزهري
  • رسائل النور / سعد الدين النورسي
  • الوشيعة فى نقد عقائد الشيعة / موسى جار ه
  • تفسير اجزاء القرآن / محمد عبده
  • اإلسالم والنصرانية مع العلم والمدنية / محمد عبده
  • حياة محمد / محمد حسين هيكل
  • كفرت بالشرق / سالمة موسى
  • وجهة العالم / مالك بن نبي
  • الفكر اإلسالمي الحديث وصلته باالستعمار الغربي/ محمد البهي
  • ماذا خسر العالم بانحطاط المسلمين / ابوالحسن على الندوي
  • نحن والحضارة الغربية / ابواالعلى المودودي
  • مطالب المستقبل العربي هموم وتساؤالت / قسطنطين زريق
  • ما هي النهضة / سالمة موسى
  • القرآن وقضايا االنسان / عائشة بنت عبدالرحمن ببنت الشاطئ
  • اإلسالم عقيدة وشريعة / محمد شلتوت
  • األخالق فى القرآن / عبدهللا دراز
  • مقاصد الشريعة / طاهر عاشور

 

W/Q: Mukhtaar Axmed Nuur

NAGA LA SOO XARIIR:

laashin77@gmail.com

admin@laashin.com

SHEEKOOYIN