Taariikhda Hannaanka Federaalka Q2AAD W/Q: Shaafici Macallin Axmed.

 

12421417_10206171007094640_166394451_n

 

Taariikhda Hannaanka Federaalka Q2AAD W/Q: Shaafici Macallin Axmed.

Sida ay qabaan qaybo kamid ah cilmi baarayaasha: fadaraalku waxa uu kamid yahay nidaamyada aduunka soomaray ee leh taariikh aad u fog. Sidaasi daraadeed fadaraalku waxa uu soomaray saddex marxaladood, oo taariikhda kamid ah: xilli fog, mid, dhexe, iyo xilli dhaw.

Taariikhda hore ee fadaraalka .

Waxaa lasheegaa dadkii ugu horreeyay ee fikradaan fadaraalka la yimaada ama hirgaliya in ay ahaayeen, dadyawga Giriiga. waxa ayna fadaraalka, u aamin sanaayeen, maamul kulminaya, gobollo raba in ay wada noolaadan ayagoon si toos ah umidoobeen aanna kala tagayn(Gaashaanbuur) waxaa tusaale u ah midoowgii loogu magac daray, “the Achaea league” ee jiray qarnigii saddexaad miilaadiga ka hor, oo ah midoow dhex maray gobollo ka mid ah goballadii boqortooyadii giriigga.

Sida uu qabo Dr cassaam sulaymaan, waxaa adag in lagu tilmaamo midowga, aan soo sheegnay mid fadraal ah. sabab too ah ma kala caddayn nidaamyada qaanuuniga ah ee hadda dunida kajira sida: Kon fadaraalka, Fadaraalka,

Sidaas daraadeed sax ma ahan in lagu tilmaamo midowgaan mid fadraal ah,waxaa kal oo uu sheegay, haddii uu jiro midow fadaraal qayaxan ah, waxay ka dhaheen lahayn qoraaladii laga dhaxalay qoraayaashii caanka ahaa sida “Aflaatoon iyo Arisdoo”

Taariikhda dhexe ee Fadaraalka(Fadaraalka Yurub).

Marka aan fiirinno taariikhda reer yurub, waxaan oggaanaynaa, in ay soomareen xilliyadii dhaxe fadaraal, waxaa kamid ah, dawladdaha soo maray, Fadaraalka xilligaas, dawladda, Iswitzerland waxayna soo martay isbadallo kala duwan oo ku billoowday isbahaysi dhex maray sadex gobal ee kala ah; Uri , Schwys iyo Unterwald, gobaladaani waxa ay ku midoobeen, midow Kon fadaraal ah, Dib waxaa kaga soo biirey midowgii hore ee Kon Federaalka,   Gobollo badan oo kale oo tiradoodu gaareyso ilaa 10 gobol waxa ayna qaateen nidaam Fadaraal ah .

Sidoo kale waddamada yurub ee fadaraalka soo maray xilliyadee dhexe, waxaa ka mid ah waddanka Holland, balse, fadaraalkaas ma ahayn mid sii raagay,waxay isku baddashayholland dawlad dhexe.

Sida uu sheegay, Dr cassaam sulaymaan, oo ah qoraa fadaraalka wax ka qoray, waxaa dhiddibadana u aasay fadaraalka markii ugu horaysay qoraaga lagu magacaabo Johannes althuius (1562-1638) asagoo ka tusaala qaadanaya tijaabada Iswizerland , Jarmalka iyo Holland. Wuxuuna ku faahfaahiyay Buuggiisa(Dhigane) lagu magacaabo:( Politica).

Aragti taas kaduwan waxaa qaba: dr mishal khadaar: waxa uu leeyahay casrigaan dhexe kama duwana xilligii hore ee tijaabadii giriigga oo maamulku waxa uu ahaa mid dhexe ee mahayn mid xukunku uu baahsanyahay fikradda fadaraalkuna kama horayn, cisrigaan cusub ee tijaabada maraykanka .

Taariikhda cusub:( fadaraalka maraykanka).

Fadaraalka qaab dhismeedkiisa cusub waxaa dhiddibada u aasay dawladda maraykanka.Maraykanka dhulka loo yaqaan markii hore waxa uu kakoobnaa, 13 gobal uu ingiriisku gumaysto., dawladda ingiriiska ayaa u aragtay in ay goballadaas u oggalaato xukun hosaad iyo in ay u madax bannaanaadaan arrimaha sharci dajinta, canshuuraha,xuquuqo kale.

Markii ay ay dawladda ingiriisku lagashay dawladda faransiiska iyo xulafadeedii dagaal sannadku markuu ahaa 1756M dagaalkiina ay ku gashay dayn aad ubadan waxa ay ku fakartay si ay dayntaas oga soo kabato in ay goballadii maraykanka canshuuro ku soo rogto. Arrintaas, aad waxaa uga carooday dadweynihii daganaa gobaladas, waxa ayna go aansadeen in ay shir isugu yimaadaan ay aayahooda oga tashanayaan. Heeryada gumaysigana isaga qadaan.

Waxay shir isugu yimaadeen magaalada “ Philadelphia” sanadku markuu ahaa 1774 M. Waxa ay go’ aansadeen ingiriiska in ay xiriirka ujaraan, markuu isku dayay in uu caburiyo kana horyimaado go’aankaas ay qaateen halkaas waxa k adhashay kacdoon shacab oo gobannima doon ah .

Markale , ayeey shir, isugu yimaadeen: sanadkii 1775M waxa ayna samaysteen nidaam kon- fadaraal ah. Madaxweyne iyo taliye ciidanna waxa ay udoorteen George Washington, waxa ayan doorteen in la baxaan magaca ah, “United states of America” (gobalada midoobay ee maraykanka).

Hanaankaas kon- fadaraalka ah waxa uu jiray illaa sanadii 1787M waxa ayna u arkeen midow taag daran oo aan danahooda iyo himmilada ay tiigsanayaan aysan ku gaari karin .

Shir ay isugu yimaadeen 55 xubbnood oo ka kala socda gobaladii 13 ahaa dood dheer iyo wada tashi ka dib, shirkaas waxaa kasoo baxay, dastuur ay ucodeeyeen 39 kamid ah 55 xubnood, waxa sidoo kale kuhishiiyeen in ay samaytaan laba gole oo baarlamaan.

Gole guurti oo gobalkasta laba xubnood uu ku yeelanayo iyo aqal hoose oo shacabka dhan matala. waxa ayna samaysteen dawlad fadaraal ah oo ka saraysa gobaladaas oo ku shaqalo leh: arrimaha dibadda, heshiisyada,ciidanka ku dhawaaqidda dagaalka, waana nidaam fadaraal ah oo dhaw hannaanka dawaladda dhexe, goballaduna ay umadaxbanaanaanayaan arrimaha gudaha.

Markaas wixii ka dambeeyey waxa si isadaba joog ah ugu soo biiray goballe kale illaa ay kagaaraan konton gobol.Sidaas ayeeyna ku dhisantay dawladda maanta aduunka ku hoggaamisa dhaqaalaha awoodda ciidanka iyo aqoonta(1)

(Axamad ibraahim cali warti al nidaam al fadarali bayna al nadariyati watadbiiq bogga 28_44).

Tirada dawlahadaha fadaraalka ah ee adduunka ka jira waxa ay gaaraysaa           25 Dawladood.

  1. Afrika: dowladdahaas Fadaraalka qaarada Afrika waxaa ka mid ah “Nayjeeriya, Koonfur afrika iyo Itoobiya”.
  2. Aasiya: Dowladdaha Federaalka qaarada Aasiya waxaa kamid ah” Hindiya, Malaysiya , Bakistaan, Imaaraadka carabta iyo Ruushka.
  3. Yurub: Dhanka y waxaa kamid ah dawladaha fadaraalk ah : “Iswizerland, Jarmal, Biljam, iyo Isbayn”.
  4. Amerika: w qaarada Amerika waxaa kamid ah dawladaha fadaraalka: “Maraykanka , barasiil , Arjantiin, Finizwella.”

 

La soco qeybta saddexaad, Tilmaamaha Federaalka iyo xeerarkiisa.

Email: shaafici994@hotmail.com

Facebook: Shaafici Macalin

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.