Taariikhda Hannaanka Federaalka Q3AAD W/Q: Shaafici Macallin Axmed

12421417_10206171007094640_166394451_n

Tilmaamaha gaarka ah ee fadaraalka

Waxaa jira tilmaamo gaar ah, oo laga maarmaan ay tahay in laga helo nidaam kastoo fadaraal ah. hadii aysan jirin tilmaamahaan waxa ay ka dhigantahay dawlad fadaraal ah majirto, tilmaamahaan waxaa kamid ah:

A- Qaybinta awoodda dawladda fadaraalka:

Fikradda ah in aawooda loo qaybiyo dawladda fadaraalka iyo dawlad gobaleedyada waa fikrad aasaasi u ah, dawlad fadaraal ah dhisideeda,waxa jira sadex wado oo loo maro marka la qaybinayo awoodda xukumaadda fadaraalka waxaana arrimahaas lagu faah faahiyaa dastuurka fadaraalka waana sidatan:

Kow: in la koobo awoodda xukuumadda fadaraalka, oo dastuurka lagu qeexo inta soo hartayna la siiyo ,dawlad gobaleedyada.

Arrintaan macnaheedu waxa uu yahay in awoodda loo badiyo dawlad gobaleedyada, inta badan qaabkaan waxaa ku dhaqma dawaladdaha fadaraalka ah, oo asalkoodu ka yimid dawladda kala madax bannaanaa oo isku darsamay .

Waxaa lagu ceebeeyaa wadadaan in dawladaha taagta daran ay usababto mashaakil dibu dhac ku yimaada dhanka dhaqaalaha hormarka bulshada iyo mashaakil siyaasadeed.

Nidaamkaan waxaa ku dhaqma dawladda maraykanka oo ah hooyada fadaraalka casriga ah sidoo kale dawlado kale oo qaatayna waa ay jiraan.

Dastuurka qabyada ah ee soomaaliya waxaa uu maray waddadaan waxaan lagu caddeeyay dawaladda fadaraalka in ay maamulayso : siyaasadda arimaha dibadda ,lacag soo saarka iyo ciidanka Oo kali ah.

Labo: in la koobo awoodda dawlad gobaleedyada inta soo hartayna waxaa ku shaqo leh xukuumadda fadaraalka .

Waddadaan oo ah tii hore caksigeeda ah, waxaa la ballaariyay awoodda xukuumadda fadaraalka ayadoo la yareeyay awooddaha dawlad gobaleedyada .

Qaabkaan waxa uu munaasab u yahay dawladd faradaraal ah ee ka dhalatay dawlad dhexe oo kala furfurantay, oo waxa uu ka ilaalinayaa hadii awoodda xukuumadda fadaraalka la badiyo isku day gooni isu taag ay isku dayaan goballada qayb kamid ah. Hindiya iyo biljam ayaa kamid ah dawaladaha wadadaan raacay.

Saddex: In lagu qeexo dastuurka awoodda xukuumadda fadaraalka iyo midda dawlad gobaleedyada.

Qaabkaan aad ayaa loo dhaleeceeyaa sababtoo ah: suurtagal ma ahan dastuurku in uu koobo arrimaha soo cusboonaanaya. sababtoo ah adduunyada wax ku soo kordhaya hormar iyo dib u dhac siyaasadeed aan hore u jirin lana fileyn, qorsheha aysan ku darin maskaxda dadka dastuurka dajiyay.

Arrimaha soo kordhaya jihada awoodeeda yeelanaysa ma cadda. waxaana dhacaysa in la isku qabsado awoodahaas.

BDastuur qoran:

Sidoo kale tilmaamaha ugaarka dawladda fadaraalka waxaa ka mid ah; in dastuurkeedu uu ahaado mid qoran.

Dastuurada dawaladdaha waxa ay uk ala baxaan dastuur qoran, iyo mid aan qornayn( dastuur, curfi ah/dhaqameed) sida dastuurka dawladda ingiriiska.inta badan dastuurka curfiga ah/dhaqameed, waxa uu keenaa is afagarad waa, iyo in la isku khilaafo arrimaha qaar

Maadaama baahinta awoodda ay tahay arrin muhiim u ah dawlad kastoo fadaraal ah, waxaa laga maarmaan noqonaysa dastuurkeedu in uu ahaado mid qoran waa sida ay u arkaan qayb kamid ah cilmi baarayaasha siyaadda iyo qaanuunka.

C- Laba gole ee baarlamaan:

Baarlamaanka dawladdaha fadaraalka intooda badan waxa uu ka kooban yahay laba gole:

Gole matala shacabka oo dhan oo lagu magacaabo aqalka hoose iyo gole ay soo dooranayaan dawlad gobaleedyada waxaana lagu magacaabaa golaha sare ee baarlamaanka .

Qayb kamid ah cilmi baarayaasha ayaa ku dooda labada baarlamaan in aysan ahayn tilmaan ugooni ah dawladdaha fadaraalka oo waxaa jira dawladdo nidaamkoodu mid yahay oo haddana qaatay hannaanka labada baarlamaan. sidoo kale dawlado fadaraal ah oo waxaa jira aan laba baarlamaan lahayn .

Waxaa looga jawaabay arrintaan :xikmadda ku jirta in dawlad fadaraal ah ay yeelato, laba gole ee baarlamaan waa in la xaqiiyo mabda,a xukun wadaagga iyo maamullada gobaladda sharci dajinta in ay wax ka yeeshaan taasina ma ahan mid laga helayo dawladdaha nidaamkoodu uu san ahayn fadaraal .

D- Maxkamadda dastuuriga:

Dastuurada fadaraalka ee caalamka ka jira intooda badan waxa ay isku raaceen in ay sameeyaan maxkamad qaabilsan arrimaha dastuurka, dawladdaha qaarkood waxay ku magacabaan maxkamadan “Maxakamadda sare” dawladdo kalana waxa ay ku magacaabaan: “Maxakamada dastuuriga ah ee sare” sida dawladda jarmalka.

Hawlaha maxkamadaani ay qabanayso waxaa ugu muhiimsan :

1.Ilaalinta xeerarka fadaraalka iyo kuwa dawlad gobaleedyada iyo in ay hubiso xeerarkaas in ay waafaq san yihiin dastuurka.

2.In ay xalliso khilaafaadka ka dhex dhaca dawladda fadaraalka iyo dawlad gobaleedyada ama khilaafka ka dhex dhaca dawlad gobaleedyada dhexdooda.

3.In ay fasirto qodabbada dastuurka ku woodii qarsoodi gala.

4.In ay kala taliso madaxwaynaha arrimaha qaanuunka ee laga maarmaanka ah .

(Jito ismaaciil majiid: asuldah atanfiidiyah fii adawlah alfadaraaliayah wa ishkaaliyatuhaa bogga 31_35)$ 

 

 

Halkan ka aqriso  Qaybihii hore

Taariikhda Hannaanka Federaalka Q1aad 

Taariikhda Hannaanka Federaalka Q2aad

 

W/Q: Shaafici Macallin Axmed

Email: shaafici994@hotmail.com

Facebook: Shaafici Macalin

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.