TAARIIKHDII HALGAMAA SH. XASSAN BARSANE W/Q: Prof: Yaxye Sheekh Caamir

 

TAARIIKHDII HALGAMAA SH. XASSAN BARSANE

Sheekh Xasan Sheekh Nuur Sheekh Axmed oo loo yaqaaney “ Sheekh Xassan Barsane “ wuxuu dhashey sanadkii 1853,kii wuxuuna ku dhashay tuulada loo yaqaan UBAADI oo u jirta qiyaas ilaa 68 Km magaalada Jowhar.Barashadiisii Quraanka kaddib waxa uu cilmi u doontay , tuulo la yiraahdo “Mateey Aw Xasan” oo ku taalla degmada Afgooye iyo magaalada Muqdisho, kaddibna laba mar ayuu xajiyay .saddax sanno ayuuna Sucuudiga joogay. Waxa uuna Heeystay dariiqadda Saalixiyada oo ah qayb ka mid ah Axmadiyada.

Sannadkii 1923 waxaa Talyaanigu Soomaaliya waxa u soo magacaabay Governatore CESARE MARIA De VECCHI ,si uu u fidiyo xukunkii Talyaaniga ,una abuuro qorshe Talyaanigu watay oo ahaa “La Grande Somalia”. in uu wada qabsado dhammaan degaanada soomaalida, iyo in uu baabiyo kacdoonadii jiray berigaa, laakin waqtigaa soomaalidu waxa ay heeysteen hub aad u fara badan( qoraalladu badanaa waxa ay sheegayaan in hubka yiil goballada Hiiraan iyo Sh/dhexe uu gaarayay 16.000 qoray(Guns). Sheekhu waxa uu ururiyaya dhallinyaro badan ,qaarkoodna waxa ay tababar ku soo qaateen dagaalkii 1aad ee adduunka oo isticmaarku qasab uga qayb galiyay.

Sannadkii 1924, Sh. Xassan waxa uu isagu yeeray culumadii deegaanka,waxaana la isku raacay in laga hor yimaado xukunka Talyaaniga,waxa uuna ka jawaabay warqadii talyaanigu u soo qoray ee aheeyd in uu hubka wareejiyo asaguna isku dhiibo talyaaniga.waxa uuna u qoray talyaaniga warqad jawaab ah. Haddii wax yar aan ka soo qaato warqada oo dheereed asalkeedana carabi laga soo tarjumay.

Xasan Barsane
Waxa aan ku bilaabayaa magaca ALLAAH,waan helay warqadaadii waana fahmay.waxa aan kuu sheegayaa in aanan qaadaneeyn amarkaaga. Dowladdaadu waxa ay leedahay sharciyadeeda , annaguna waxaan raacnaa sharciga Allaah iyo Rasuulkeena Moxamed CSW,ma nihin sida ummadaha kale ee aad gumeeysatiin “Iskuma dhiibno isticmaar,haddii aad dalkeena timaadu waa noo dagaal..”Adduunku waxa uu joogaa dhammaad ,waxaa ka haray 58 sanno, ma dooneeyno in aan adduunkaan sii joogno,waxaan door bideeynaa in aan dhimano anaga oo difaaceeyna diinteena). ” FG. Waqtigaa waxaa jiray feker culumada qaar aay qabeen oo ahaa haddii isticmaar yimaado in ay tahay calaamad Aakhiru samaan”

” Waxa aan ku bilaabayaa magaca ALLAAH,waan helay warqadaadii waana fahmay.waxa aan kuu sheegayaa in aanan qaadaneeyn amarkaaga. Dowladdaadu waxa ay leedahay sharciyadeeda , annaguna waxaan raacnaa sharciga Allaah iyo Rasuulkeena Moxamed CSW,ma nihin sida ummadaha kale ee aad gumeeysatiin “Iskuma dhiibno isticmaar,haddii aad dalkeena timaadu waa noo dagaal..”Adduunku waxa uu joogaa dhammaad ,waxaa ka haray 58 sanno, ma dooneeyno in aan adduunkaan sii joogno,waxaan door bideeynaa in aan dhimano anaga oo difaaceeyna diinteena). ” FG. Waqtigaa waxaa jiray feker culumada qaar aay qabeen oo ahaa haddii isticmaar yimaado in ay tahay calaamad Aakhiru samaan”

(("In the name of Allah, most gracious, most merciful … I have received your letter and understood its contents, but must advise that we cannot obey your orders and join with you in a covenant . . .Your government has its laws, and we have ours. We accept no law other than ours. Our law is the law of Allah and his Prophet . . .We are not like other people, none of us has ever enrolled in the Zaptie (colonial forces), never! … and if you come to our land to fight against us, we will fight you with all possible means … The world is very close to its end, only 58 years remain. We don’t want to stay in this world. It is better to die while defending our laws."))

Waxaa dhacay dagaala is xigxigay oo ay guul ka soo hooyeen sh. Xassan iyo ciidamadii la socday.Talyaanigu waxa uu aad u isticmaalayay “GUUTOOYINKA GEELA” oo uu ku raran jiray madaafiicda iyo saadka kale.goobihii ugu muhimsanaa dagaaladaa Waxaa ka mid ahaa:

 

  1. Dagaalkii BUULA BURTE oo dhacay sanadkii 1922.
  2. Dagaalki CEEL DHEERE oo dhacey sanadihii 1922 iyo 1923.
  3. Dagaalkii HIILWEYNE oo dhacey sanadkii 1923.
  4. Dagaalkii JILYAALE oo dhacey sanadkii 1924.
  5. Dagaalkii HAREERILE oo dhacey sanadkii 1924. Iyo gooba kale oo dagaala culus la isaga hor yimid.
Dagaalkii Talyaaniga iyo Halgamaa Xasan Barsane
GUUTOOYINKA GEELA

Sheekh Xasan Barsane wuxu ku caan baxay inuu ciidanka ka bar bar dagaalamo isago dhiiri galin jiray. Ugu dambeeyntiina Talyaanigu waxa ay gacanta ku dhigeen Sh. Xassan oo dagaalamaya 4/April/1924.sida ku cad buugga ORIZENTO DI IMPERO ee uu qoray Mario Devechio iyo Buugga kale ee Three years in Somalia ,waxaa lagu soo xiray Xabsiga dhexe ee Muqdisho, kaddib markii maxkamadii isticmaarka Talyaanigu ku xakuntay 30 sannao oo xabsi ah, laakin waxa uu ku geeriyooday xabsiga dhaxdiisa 3 sanno kadib 13/January/ 1927dii. Qoraallada badankoodu waxa ay isku raaceen in uu u geeriyooday sun loogu buufiyay qolkiisa aawgeed…inkastoo la sheegay in xabsiga dhaxdiisa aad loogu jir dilay,laguna xiray qol god ahaa oo ciriiri ahaa, kaligiina uu ku jiray .ALLAH, ha u naxariistee Halgamaa Sh. Xasan Barsame waxaa lagu aasay Qubuuraha Sh. Suufi ee ku yaal magaalada Muqadishu. Mudda kadib ayaa maydkiisii dib loo qaaday waxaana dib loogu aasay deegaanka JILYAALE ee Sh/dhexe oo markii hore sheekha Xarun u aheeyd.Dowladii kacaanka ayaa si loo xasuusto halgamaagaa ugu magac dartay Dugsiga Sare ee Sh. Xassan Barsane” oo ku yaal Bartamaha Magaalada Muqadishu.

 

FG: Wixii aan Ka qalday waad iga sixi kartaa, waxna waad ku kordhin kartaa, Aragtidaada xor ayaad u tahay.

 

Qore: Yahya Amir.

SHEEKOOYIN